Wasiirka Amniga XFS oo bogaadiyey guusha Ciidanka Xoogga ka gaareen furimaha Dagaalka

0
Thursday April 24, 2025 - 12:11:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga XFS oo bogaadiyey guusha Ciidanka Xoogga ka gaareen furimaha Dagaalka

    Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa bogaadiyey sida geesinimada leh Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ay jilibka ugu dhigeen Khawaarijta, una laayeen aagga deegaanka Wargaadhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa bogaadiyey sida geesinimada leh Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ay jilibka ugu dhigeen Khawaarijta, una laayeen aagga deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe. "Waxaan ku bogaadinayaa Ciidankeenna geesiyaasha ah ee dalkooda iyo dadkooda naftooda u haraya, sida geesinimada leh ee ay ugu jilib dhigeen weerarkii fulaynida ahaa ee Khawaarijtu ay ku soo qaadday saakay deegaanka Wargaadhi, halkaas oo lagu gaarsiiyey jab-xooggan," ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil. Mudane Fartaag, ayaa sheegay in kooxaha Khawaarijta ah ay mar walba u taaggan yihiin burburinta iyo daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed, cidda kaliya ee ka hortaaggana ay tahay geesiyaasha Qaranka ee dagaalka kula jira, waxa uuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in wadajir loogu istaago difaaca dalka, maaddaama Khawaarijtu aysan cafineyn qof walba oo wax gal ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip