
Puntland oo Mamnuucday Tahriibka iyo Hubka Sharci darrada ah
Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay mamnuucista qulqulka tahriibayaasha kasoo gala deegaanadeeda iyada oo laga duulayo xaaladda amni ee gobolka, iyadoo sidoo kale amartay in la joojiyo hubka sharci darrada ah ee kasoo gala xuduudaha furan iyo xeebaha dalka.
War-murtiyeed kasoo baxay shir uu guddoominayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kuna sugnaa magaalada Boosaaso, ayaa lagu cadeeyay in Puntland aysan u dulqaadan doonin falalka wax u dhimaya amniga, isla markaana ay qaadayso tallaabo adag oo ka dhan ah tahriibka iyo hubka aan sharciyeysneyn.
Qodobbada muhiimka ah ee laga soo saaray shirka waxaa ka mid ah:
1. Laamaha amniga ayaa lagu amray inay si degdeg ah u qaadaan tallaabo ka dhan ah hubka sharci darrada ah iyo gaadiidka lagu keeno ciidamada sharci darrada ah.
2. Waxaa la adkeeyay mamnuucista ajaaniibta sharci darrada ah ee kasoo galaya xuduudaha iyo tahriibka.
3. Illaa amar dambe, waxaa la mamnuucay in doomaha iyo saxiimaadaha laga raro ama la keeno deegaannada uu hawlgalku ka socdo.
4. Waxaa si buuxda loo joojiyay keenista raashin iyo sahay aan oggolaansho rasmi ah haysan.
Puntland waxay ugu baaqday shacabka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan howlgalkan muhiimka ah ee lagu xoojinayo amniga dalka, iyadoo caddeysay in talaabo kasta oo amniga wax u dhimaysa si adag looga hortagi doono.

Puntland oo Mamnuucday Tahriibka iyo Hubka Sharci darrada ah
Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay mamnuucista qulqulka tahriibayaasha kasoo gala deegaanadeeda iyada oo laga duulayo xaaladda amni ee gobolka, iyadoo sidoo kale amartay in la joojiyo hubka sharci darrada ah ee kasoo gala xuduudaha furan