
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalkii maanta ka dhacay Wargaadhi.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta war-saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay saakay weerar ku qaadeen kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Sheekh Shariif ayaa farriin bogaadin ah u diray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga difaaca shacabka ee si geesinimo leh uga hortagay duullaanka kooxda argagixisada, isagoo tilmaamay in jawaabtii degdegga ahayd ee ay bixiyeen ay tusaale u tahay kartida iyo u heellanaanta ay u leeyihiin difaaca dalka iyo shacabka.
"Waxaan halkaan farriin boggaadin ah uga dirayaa geesiyaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga difaaca shacabka oo saakay si geesinimo leh uga jawaabay, kagana hortagay duullaanka nafle-caariga ahaa ee kooxda argagixisada Al-Shabaab," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sidoo kale, Madaxweynihii hore wuxuu tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen halyeeyada ku shahiiday dagaalka, isagoo Eebbe uga baryay naxariis iyo jannadii Firdowsa. Wuxuu intaa ku daray inuu u ducaynayo dhaawacyada, isagoo ku tilmaamay inay difaacayeen sharafta, karaamada, iyo jiritaanka dalka.
Sheekh Shariif wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan ciidanka qalabka sida, kana hortagaan kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka. Wuxuu ku celiyay in midnimo iyo wadajir lagu xoojin karo dagaalka lagula jiro cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalkii maanta ka dhacay Wargaadhi.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta war-saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay saakay weerar ku qaadeen kooxda argagixisada ah e