HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 18 APRIL 2025

0
Friday April 18, 2025 - 08:22:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 162
  • (Rating 2.2/5 Stars) Total Votes: 5
  • 2 3
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 18 APRIL 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdi -sho ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyad da Shacbiga Shiinaha Mr. Wang Yu.

Dhinacyadaasi waxa ay ka wada had leen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah iyo ballaarinta iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhaxeeya labada dal ee saaxii -bada ah.

Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Safiir ka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha Mr. Wang Yu ,waxa uu ku soo dham -maaday jawi aad u sareeya,iyagoo isla gartay in la sii ambaqaado barnaamij yada horumarineed ee lagu taafeerayo dowladda Soomaaliya.

Labada Gole oo boogaadiyay qeybaha ciidanka ee dagaalka kula jiro Alshabaab

Qaar kamid ah xildhibaanada labada Aqal ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu taageeraayey qeyba ha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku howlan dagaalka la -gu soo afjarayo kooxaha nabad-diidka ee Alshabaab.

Kulankaasi waxaa ka hadlay Xildhi baan cabdalla Xuseen,isagoo sheegay in Ka Xildhibaano ahaan ay garab taa gan yihiin ciidamada qaranka iyo dad ka deegaanka ee Alshabaab dagaa lada kula jiro.

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Maxa -med Nuur [Saransoor] ayaa yiri "Shaba -ab waqtigoodii ugu danbeeyay ayeey ku jiraan, waxaana ummadda Soomaa -liyed laga rabaa inay u midowaan kooxdaan”.

Xildhibaan Axmed Mashruuc oo ka hadlay kulankaasi ayaa qiray in ay garab taagan yihiin ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka,wuxuuna intaa raaciyay in dhankooda ay qeyb ka noqon doonaa howlgalada socda”.

Qunsulka Dowladda Soomaaliya ee Sacuudi Carabiya oo kulan muhiim ah la qaatay Amiirka Gobolka Najraan

Qunsulka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya Mudane C/weli Xirsi C/lle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdi Casiis.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xaaladda maxaabiista Soomaalida ee ku jira xabsiyada gobolkaasi iyo sida suurtagalka ah ee looga qeybqaadan karo sii deynta ama cafinta dadkaasi oo isugu jira kuwo ku xukumn sanado iyo kuwo kale oo xukun sugayaal ah.

Kulanka Qunsulka Soomaaidida uu la qatay Amiirka kadib,waxa uu booqday qaar kamid ah xabsiyada ay ku jiraan maxaabiista Soomaaliyeed ee Gobolka Nakraan,isagoo u kuurgalay xaaladda nolol ee dadkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay madaxda Dalka Sacuudi carabiya uga codsatay in lagu soo wareejiyo maxaa biista Soomaalida ee ku jira jeelasha dalkaasi.

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka oo yeeshay kulan miro dhal ah

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka ayaa yeeshay kulan xasaasi ah,iyadoo si gaar ah loo ga arrinsaday arrimaha mudnaanta u leh Dowladda Soomaaliya oo koow ay ka tahay dib-u-howlgelinta iyo soo cel inta xiriirka tooska ah ee Bangigu la yeelanayo Dowladda Soomaaliya,ka dib gaaritaankii heshiiskii deyn cafinta.

Kulaka oo socday muddo Shan maal mood ah ayaa waxaa intiisa badan la gu gorfeeyay xiriirka wada shaqeyneed ee Bangiga iyo Soomaaliya, qorshey -aasha Dowladda Soomaaliya ay mud naanta siineyso si loo maalgaliyo, qaa beynta heshiiska wada-shaqeynta Ban giga Horumarinta Islaamka saddexda sano ee soo socota iyo in la horumari -yo Qorshaha Isbaddalka Qaranka (NTP) oo ka mid ah meelaha mudnaan ta gaarka ah u leh Dowaldda Soom aaliya.

Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) waa mid ka mid ah saaxibada qiimaha gaarka ah ugu fadhiya Dowladda Soomaaliya oo hadda xoojinaya xiriirka Bangiga, si loo helo Mustaqbal u wanaagsan bulshada Soomaaliyeed oo ku dhisan horumarin, casriyayn iyo maalgalinta kaabayaadha dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda Shaqada XFS iyo Hay’adda Maareynta oo ka hadlay hannaanka shaqo ee Hey’adaha Gargaarka

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Sha qada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Aamino Xuseen Cali oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Md. Maxa -muud Macallin Cabdulle ayaa si wada jir ah u guddoomiyay shir looga hadlay hanaanka ay ku wada shaqeyn karaan Hay’addaha gargaarka bixiyo iyo dhigo -oda dowladda Soomaaliya.

Shirkaasi oo ay sidoo kale ka soo qey bgaleen Wasaaradaha Gargaarka iyo Shaqada iyo arrimaha bulshada Dow -lad Goboleedyada dalka,waxaa looga hadlay hannaanka ay ku wada shaqe yn karaan hay’addaha caalamiga ah ee bixiyo gargaarka iyo dowladda Soo -maaliya.

Sidoo kale shirkaasi waxaa ka qeybga -lay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoo -bay ahna iskuduwaha arrimaha gar gaarka Soomaaliya, madaxda hay’ad daha UN OCHA iyo WFP ee Soomaa -liya .

Kulankaan ayaa muddii uu socday wa -xaa lagu lafa guray sida ay dhinacya daan uga wada shaqeyn karaan badb aadinta bulshada iyo sida loo gaarsiin karo gurmad ku filan,gaar ahaam xillitada ay jiraan abaaraha.

waxaa ka soo baxay kulankaasi in dhinacyadaan ay yeeshan shirar joog to ah iyo wada shaqeyn dhaw, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lagama maarmaan tahay in ay isticm aasho qeyraadka gudaha iyo in sidoo kale la adeegsado ganacsatada iyo qurbajoogta.

Wasiir Fiqi "Dowladda Soomaaliya waxay guullo waaweyn ka gaartay Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay war baahinta qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaalliya ay ku guuley stay dib u soo celinta xiriirkii dibolomaa si iyo iskaasdhigii kala dhaxeeyay dowl -adaha caalamka,gaar ahaan kuwa saaxiibada la ah Soomaaliya.

Wasirka ayaa xusay in go’aanka dow ladda Soomaaliya uu yahay in Xal waa -fi ah oo aan laheyn khilaaf lagula dha qanno dowladaha caalamka,isla mar kaana la eego in xiriirka lala galayo dowladaha kale ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.

Waxaa shafar ugu filan dowladda Soo maaliya in ay xubin ka noqoto golaha ammaanka ,isla markaana aan ka muu qanno fagaatayaashii caalamka ee aan horay uga maqneyn”ayuu yiri Mud ane Fiqi.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo boggaadiyay guulaha ciidanka xoogga ka gaareen dagaalka Al-shabaab

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaash -aandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdira shiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guula ha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciid -anka xoogga dalka Soomaaliyeed da -gaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Wasiirka ayaa si gaar ah u xusay howl galkii ugu dambeeyay ee ciidanka xoo gga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koon -fur Galbeed ka fuliyeen deegaanka Ba -rujeed ee dhaca duuleedka magaala da Baydhabo, kaasoo ciidamadu ku dil -een ku dhawaad 40 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo uu ku jiray horj -ooge Ajnabi ah.

"Waxaan ku bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Dar -aawiishta Koonfur Galbeed howlgalka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cada wga Alshabaab ee ka dhacay Degaa nka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay, kaasi oo ahaa mid ka marqaati kacaya diyaar garwaga Ciidanka iyo bulshada iyo in la gaaray dhammaadka Kooxaha Alsh -abaab ah ee dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed " ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaa liya Jibriil Cabdirashiid.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka Gaashaan dhigga in kooxaha loogu yeero Argagix isada ineysan heli doon wax xasilooni ah inta ay hortaagan yihiin nabada, isa goona ugu baaqay shacabka Soomaali yeed iney si hagar la'aan ah u garab istaagaan ciidamada Qaranka.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa Alle u weydiiyay naxariistiisa balaaran halyee yadii u dhintay difaaca dalka, wuxuuna bogsiino deg deg ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay dagaalada dalka loo ga xureynayo maleeshiyaadka Al-sha baab.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ay aa kusoo aadaya, iyadoo dorraad mey -dadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab lagu soo bandhi gay bartamaha magaalada Baydhabo, kuwaas oo lagu soo dilay dagaal waabarigii hore ee dorraad ka dhacay deegaanka Barujeed oo hoostaga Baydhabo.

Saraakiisha ciidanka 60-aad oo lagu wareejiyay deeq xoolo nool ah

Wasiirka Wasaarada Arimaha Guda ha Koonfur Galbeed mudane Abdulla -hi Haji Hasan ayaa manta deeq xoolo ah gaarsiiyay ururka 95 guutada 9 ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Bixinta deeqdaan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Bakool iyo Gudoomiyaha kumeel gaa rka ah ee degmada Waajid ayaa timid xilli xubnahaasi ay kormeer ku tageen xarumaha ciidanka ee halkaasi.

Xubnaha ka socday Dowlad Goboleed ka Koonfur Galbeed iyo Gobolka Ba kool ayaa ciidanka ku ammaanay sida geesinimada ah ee ay u wajahayaan Alshabaab iyo dadaalka ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Tacsi ugu tagay Qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Nabadoon Xaaji Geedi Shadoor

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah -na Duqa Magaalada Muqdisho Muda ne Maxamed Axmed Amiir ayaa Tacsi ugu tagay Qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday allaha u naxriisto Nabad -oon Xaaji Geeseey Geedi Shadoor oo dhawaan geeriyooday.

"Allaha u naxriisto Xaaji Geeseey Gee -di Shadoor waxa uu ahaa shaqsi intii uu noolaa dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyay, doorna ku lahaa dhaqanka iyo nabadeynta” ayuu yiri Guddoo miyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxa med Axmed Amiir, asigoona eebe ugu baryay in jannatul fardowsa ka waraa -biyo.

Mareykanka oo weerar ku qaaday Xuutiyiinta Yemen

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay burburiyeen xarun shidaal oo ku taalla dalka Yemen intii ay socdeen du qeymihii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta.

Ujeeddada weerarka lagu qaaday dek edda Ras Isa ee badda cas ayaa la sheegay in looga gol-lahaa goynta saa dka iyo dhaqaalaha Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto.

Sida ay sheegeen Xuutiyiinta, ugu ya raan 33 qof ayaa lagu dilay weerarka, waxaana dadka la dilay ku jiray shaqaalaha gurmadka.

Weerarkii Khamiista ayaa yimid kadib markii ciidamada Mareykanka ay kordh iyeen weerarada ka dhanka ah Xuutiy iinta bil ka hor.

Fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taa geerto ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta ganacsiga ee maraya badda cas iyo gacanka Cadmeed kad dib markii uu billowday dagaalka Israa’ iil ee Gaza bishii October 2023-kii.

Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qa ban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise, oo hoggaamiye sare ka ah kooxda Daacish.

Khadra Ciise, oo loo yaqaano Ummu Qacqaac Soomaaliya, xogteedana la gu daabacay bogga waaxda Caddaa ladda ee dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in ay tahay muwaadinad Dutch ah oo asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay inay taageertay weerarro ismiidaamin ah iyo dilal lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Intaa waxaa dheer, Khadra Ciise ayaa lagu tuhunsan yahay inay faafisay fikirka xagjirka ah ee kooxda ISIS, islamarkaana ay kaalin ku lahayd qorista xubno cusub oo kooxdaas ku biiray.

"Haddii aad hayso xog muhiim ah oo horseedi karta in la helo Khadra Ciise, waxaad noqon kartaa qof u qalma abaalmarintan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.

Sidoo kale, Khadra Ciise waxaa la sheegay inay xannaanayn jirtay carr uur la afduubay. Sannadkii 2019, wa xay gacanta ku haysay labo ilmo Mare ykan ah oo kala ahaa Yusuf iyo Zahra Shikder, kuwaas oo ay u qaadday meel aan la garanayn oo ku taalla Suu riya kaddib geeridii hooyadood oo lagu dilay duqeyn lagu qaaday ISIS.

Lama oga halka ay ku sugan tahay ha weenaydan, hase yeeshee Maray kanka ayaa ku daray liiska dadka loo gu doonista badan yahay ee mada xooda la duldhigay malaayiin dollar.. Xigasho Hiiraan Online

Somaliland oo Dowladda Soomaaliya ku eedeysay dagaalkii dorraad ka dhacay gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hada shay dagaalkii dorraad ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaa tumo deegaanka Dhuumadare ee go bolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay weerar ku qaadeen dad xoolo-dhaqato ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaar adda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasa araha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo dhawaan socdaal ku tagay magaa lada Laascaanood, uu lahaa abaabul ka dagaalkan, si uu qalalaase uga abuuro gudaha Somaliland.

"Ficillada noocan ahi waxay khatar ku yihiin amniga gobolka, waxayna ka hor imanayaan mabaadi’da madaxbannaa nida iyo xidhiidhka derisnimo, Xilli ay Somaliland hormuud ka tahay nabad da iyo iskaashiga Geeska Afrika, kicin tan colaadeed waxay wiiqaysaa dadaal lada nabadda” ayaa lagu yidhi warsa xaafadeedka.

Somaliland waxay sheegtay in ay ka go’an tahay in ay difaacdo madaxban naanideeda dhuleed iyo dadeeda, isla markaana ay dhiirrigelinayso nabad ku wada noolaanshaha gobolka.

Dhanka kale, waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay u dhug yeeshaan xiisaddan, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo.

Dhinaca kale, maamulka SSC-Khaat -umo oo xalay fiidkii war qoraal ah kaga hadlay dagaalka ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen dad xoolo-dhaqato ah, isla markaana uu maamulka ka go’an ya hay in uu difaaco dadkiisa iyo deegaa nadiisa.

Dagaallada u dhexeeya Somaliland iyo maamulka SSC-Khaatumo ayaa salka ku haya muran dhuleed, iyadoo maa mulka SSC-Khaatumo uu doonayo in uu maamulo dhammaan xuduudaha gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, halka Somaliland-na ay doonayso in ay gaadho xuduudihii uu Ingiriisku dejiyey.

Soomaaliland oo ka hadashay sida ay ka yeelayso Maxaabiista ay ka qabtay SSC Khaatuma

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in siideynta maxabiista ay ku qabteen dagaalkii magaalada Laascaanood ay mar walba raaci doonaan hab-raacyo islamarkana ay horey qaar ka mid ah ay u siidaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis oo u waramayay BBC ayaa sheegay in maxaabiista ay dhankooda hayaan ay siideyn doonaan marka ay isku afgar -taan dadkii ay tahay inay kala hadlaan.

Dhanka kale Somaliland ayaa sheeg tay in ay walaac ka qabto xaaladda Ma xaabiis laga sii daayey Magaalada Laa scaanood oo lagu hayo Magaalada Mu -qdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed ayaa ugu baaqay Dawladda Soomaaliya in ay Maxaabiista ay hayso ku wareejiso Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha Maxaabiista sida ICRC, iyada oo raaca yso shuruucda caalamiga ah.

Mr Yoonis ayaa dhanka kale sheegay in maxaabiistaasi aysan qaar kood aha yn askar balse ay ahaayeen dad sha cab ah oo xoolo dhaqato ah oo laga "afduubay” deegaanada bariga Sool.

Doon siday Hub oo lagu burburiyay xeebaha Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRI COM), oo kaashanayay Dowladda Fe deraalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gud aha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taagee -ro siinaysay.

War kasoo baxay AFRICOM ayaa xaqi ijiyay in hubkaasi loogu talagalay koox -da Al-Shabaab, isagoo la sheegay inuu khatar weyn ku ahaa amniga Soo maaliya iyo xasiloonida guud ee gobol ka, gaar ahaan saaxiibada caalamiga ah ee gacan siinaya dadaallada nabad-dhisidda Soomaaliya.

Warbixintan laguma sheegin goobta lagu beegsaday doonyahan hubka u siday kooxda Alshabaab.

Qiimeyn hordhac ah oo la sameeyay ayaa muujisay in dhammaan kooxdii saarnaa labada doonyood lagu dilay duqeyntaas, iyadoo aan wax khasaare ah kasoo gaarin shacabka Soomaali yeed.

Taliska AFRICOM ayaa hoosta ka xar riiqay in howlgalka lagu beegsaday bartilmaameed sax ah oo muhiim u ahaa horjoogsiga shabakadaha hubka iyo taageerada kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ka dagaalama.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadis ay howlgalkan, iyadoo sheegtay inuu qeyb ka yahay dadaalada lagula dag -aalamayo kooxaha Argigixisada.

Boqoraddii Quruxda oo Lagu Eedeeyay Shirqool Jaceyl iyo $5 Milyan

Booliska Bangladesh ayaa Khamiistii shaaciyay in Meghna Alam, oo 30 jir ah isla markaana horey u noqotay boq -oradda quruxda dalkaasi, lagu soo oogay dacwad la xiriirta shirqool ay u dhigtay safiirkii hore ee Sacuudiga, si ay uga dhacdo $5 milyan oo doollar.

Meghna ayaa markii hore la xiray iya doo aan wax dambi ah lagu soo oogin, iyadoo la raacayo xeer muran badan dhaliyay oo oggolaanaya in si aan xad lahayn loogu hayo eedeysaneyaasha xabsiga. Afhayeenka booliiska, Maxa -med Taalebur Raxmaan, ayaa shee gay in hadda si rasmi ah dacwad loogu soo oogay, iyadoo lagu eedeeyay baad iyo cabsi gelin.

Sarkaal sare oo booliis ah, oo codsad -ay in aan la magacaabin, ayaa sheeg -ay in Meghna iyo dad kale ay malee geen qorshe ay diblomaasiga ku qas bayaan inuu bixiyo lacagtaasi, taasoo khatar gelin karta xiriirka diblomaa siyadeed ee Bangladesh iyo Sacuud iga. "Bangladesh waa dalka ugu shaq aalaha badan ee jooga Sacuudiga. Dowladda ma dooneyso inay khatar geliso xiriirkaasi,” ayuu yiri sarkaalku.

Meghna Alam ayaa maxkamad hort imid Khamiistii iyadoo aan wakiil sharci ah wadan, waxayna diidday dhamm aan eedeymaha loo jeediyay. Wargey ska The Daily Star ayaa qoray in ay sheegtay in diblomaasigu isagu la soo xiriiray oo uu ka codsaday inay xiriir bilaabaan. Aabbaheed, Badruul Alam, ayaa sidoo kale sheegay in labadooda ay xiriir lahaayeen, balse gabadhiisu ay diidday dalabka guur maadaama uu ninkaas horey u qabay xaas iyo carruur.

Booliska ayaa sheegay in markii la xiray 9-kii April ay ku eedeeyeen "kha -tar gelinta amniga qaranka” iyo "dhibaa to u geysatay danaha dhaqaale ee dal ka”. Xarigeeda ayaa si weyn u dhalee ceeyay ururada u dooda xuquuqda aadanaha.

Hay’adda Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Bangladesh in Meghna lagu soo oogo dambi si caala mi ah loo aqoonsan yahay, ama xorri yaddeeda si degdeg ah loo siiyo. Safa aradda Sacuudiga ee Dhaka ayaan weli ka jawaabin weydiimo arrintan la xiriira.

 

Iran oo sheegtay suuragalnimada 'heshiis' ay la gaadhaan Maraykanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in heshiis lala gaaro Mareykanka oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka dal kiisa uu suuragal yahay, inkasta oo uu shaki ka qabo ujeeddooyinka iyo niyad da Mareykanka.Abbas Araghchi ayaa intaa ku daray inuu rajeynayo in Ruush ku uu door ka ciyaaro wadahadalka.

Wuxuu hadalkaan jeediyay kaddib ku lan uu kula yeeshay magaalada Mosc -ow wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov.

Wajiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya Tehran iyo Washington ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan magaala da Rome maalinta Sabtida.

Maraykanka oo ay 'suuragal' tahay in uu ka baxo dedaalkiisii gaadhidda heshiis nabadeed

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu ka noqon doono dadaalkiisii uu ku doonayay inuu ku dhexdhexaadiyo isla mar ahaa ntaana lagu gaadhoheshiis nabadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine maalmo gudahood, haddii aysan muu qan calaamado cad cad oo muujinaya in heshiis la gaadhi karo, sida uu shee gay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, Jimcihii.

"Ma sii wadi doonno dadaalkan toddo baadyo iyo bilo badan. Sidaa darteed, waa in si degdeg ah — waxaana uga hadlayaa maalmo — aan u go’ aansannaa haddii heshiis la gaadhi karo toddobaadyada soo socda iyo in kale” ayuu yidhi Rubio oo ka hadlayay magaalada Paris kaddib kulan uu la yeeshay madaxda Yurub iyo kuwa Ukraine.

Ma jirin wax jawaab ah oo degdeg ah oo ka yimid Paris, London, Berlin ama Kyiv oo la xidhiidha hadalka Rubio. Saddex ilo diblomaasiyadeed oo Yurub ah ayaa u sheegay wakaaladda warar ka ee Reuters in hadalka Rubio uu ka tarjumayo niyad-jabka sii kordhaya ee ka jira Aqalka Cad ee la xidhiidha diidmada Ruushka ee ah inuu dagaalka joojiyo.

Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in horumar la taaban karo laga gaadhay heshiis nabadeed balse xidhiidhkooda Washington uu ya hay mid adag. Wuxuu intaas ku daray in Ruushku uu doonayo in uu xalliyo khilaafka iyadoo la ilaalinayo danahiisa. Wuxuu sidoo kale sheegay in Moscow ay weli u furan tahay wadahadalka ay la leedahay Mareykanka.

Wasiirka Difaaca Sucuudiga Oo Farriin uu ka siday Boqorka Sucuudiga U Gudbiyey Khamenei

Amiir Khalid bin Salman Al Saud, Wasi -irka Difaaca Sacuudiga, ayaa fariin uu ka siday Boqorka dalkiisa Boqor Sal maan Bin C/casiis u geeyay Ayatullah Ali Khamenei, Hoggaamiyaha Jamhuu riyadda Islaamiga ah ee Iran.

Wuxuu sidoo kale Tehran, kula kulmay oo uu wada hadal la yeeshay Madax weynaha Iran Masoud Pezzekian. Ilaa hadda si rasmi ah looma daabicin farriinta uu boqorka Sucuudigu u diray hoggaamiyaha Iran, balse sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA, Cali Khamenei waxa uu kulanka ka sheegay in xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Sucuudiga "uu noqon doono mid faa’iido u leh labada waddan.

Sida laga soo xigtay warbixinta, Mr. Khamenei ayaa sidoo kale yiri: "Balaarinta xiriirka labada dal wuxuu leeyahay cadaw ay tahay in laga gudbo ujeedooyinkaas cadowtinimo, annaguna diyaar ayaan u nahay arrin tan."

Wasiirka Difaaca Sacuudiga ayaa ah mas’uulkii ugu sareeyay ee Sacuudiga ee booqda Iran tan iyo markii ay laba da dal dib u soo celiyeen xiriirkooda siy aasadeed.

Booqashada Mr. bin Salmaan ayaa ku soo beegantay ka hor wareegii labaad ee wada hadalada Iran iyo Marey kanka, kaasoo lagu wado inuu qabsoo mo Sabtida.

Isbitaal ku yaalla Kenya oo loo xiray eedeymo la xiriira dad xubno lagala baxay jirkooda. Muxuu anshaxa caafimaadka ka qabaa arrintan


Wasiirka caafimaadka Kenya Aadan Ducaale ayaa joojiyay shaqadii adeegga caafimaadka ee tallaalida kelyaha ee Mediheal Group of hospitals. Waxaana talaabadan ay timid iyada oo ay soo baxayaan warbixinada tuhumada bukaanno loogu tallaalay xarunta ku taal magaalada Eldoret ee Uasin Gishu, taasi oo ay sameysay adeegga dhiig-shubidda iyo tallaalida Kenya (KBTTS).

KBTTS ayaa tuhunsan inay jiraan ka ganacsi sharci darro ah oo xubnaha bini'aadamka, ayna timid ka dib baaritaano ay ku sameeyeen in ka badan 370 kilyo tallaalid ah.

Wasiir Ducaale ayaa ku dhawaaqay labo sarkaal sare oo waaarada caafimaadka ka tirsan shaqadii laga joojiyay, iyada oo la ogolaaday in baaritaan lagu sameeyo fadeexaddan.

Muxuu Anshaxa Caafimaadka ka qabaa

Dr Cismaan Cali Gaboose ayaa sharaxaya anshaxa caafimaadka ee la xiriira in qofka kelyihiisa ogaansho la'aan ay xarumaha caafimaadka uga baxshaan iyo sidoo kale xilliga qofka laga saari karo isaga oo bixiyay ogolaanshaha.

''Badalaadda kilyaha qofka oo nool ama dhintay ama maskaxdiisu fariisatay in kilyaha lagala baxo anshax ahaan waa mamnuuc, wadamada qaar ayaa waxa ay leeyihiin in qofku inta aanu dhiman shuruuc laga saxiixo oo ah in xubnihiisa ku deeqo, taas oo markaa wadamada qaar shuruucdooda la eego in qof xubnihiisa ku deeqo marka uu geeriyoodo, ka dib dad baa sii saxiixa oo 'form' noocaas ah laga saxiixaa, ka dib marka ay saxiixaan qofkaasi haddii uu geeriyoodo shil ku dhinto dhib kala dhaco xubnihii waa lagala baxaa, waana marka la eegayo shuruucda u yaala wadamada reer galbeedka qaarkood ama intooda badan. Islaam ahaan wadamada islaamka sharci noocaas ah ma jiro oo anshaxa caafimaadka marka la eegayo 'fiqu dabiibka' marka la eegayo mamnuuc ayay ka tahay waddamada islaamka marka la eego wax banaan ma aha'' ayuu yiri Dr Cismaan.

"Dhakhtarka ama xarunta caafimaadka ee sameysa waxa ay la kulmi karto marka sharciga caafimaadka laga eego ayaa isaga oo sharaxaya uu yiri ''qofku waxa uusan ku talagalin oo aan laga saxiixin in lagula dhaqmo ama xubin laga baxo marka horeba waa mamnuuc dunida oo dhan, wadankuu doono ha ahaado, marka labaadna xarun kasta oo caafimaad ee sameysa wax sharciga waddanka ay ku dhex shaqaynayso aanu ogolayn, tusaale cisbitaalka ogolaada qof xubin lagala baxo ama qof xubin uu iibiyo sharciga waddanku aanu ogolayn cisbitaal kasta iyo xarun kasta oo ku dhaqaaqda waxa weeyaan dambi beey ku tahay, waana wax aan sharciga wadamadu ogolayn inta badan" ayuu dhakhtarku yiri.

Waxaa jira wadamo kala duwan oo caalamka in ogolaansho uu baxsho qofka kelyihiisa ku deeqaya, iyada oo waddamadu ku kala duwan yihiin.

''Tan ogolaanshaha waxaa jira wadamo UK oo kale ay ka mid tahay qofku markuu caafimaad qabo ee cisbitaalada imaanayo ayaa warqado laga saxiixaa oo ah haddii uu dhinto in xubnihiisa lala bixikarayo, marka muwaadinka waa la weydiiyaa, haddii uu yiraahdo xubintayda waa lala bixi karayaa, kilyaha, beerka, xubno badan baa laga saaraa, wadnaha qofka laga saaraa, haddii uu qofku ogolaado. Waxaa dhici karaysa in qolada boolisku ay keenaan cisbitaalka 'system' kaa laga eegaa, inta aanu dhiman inuu 'form' ka saxiixay, ka dibna xubnihiisa waa lagala baxaa''

Kala duwanaashaha ayaa isaga oo ka hadlaya Dr Cismaan uu sheegay wadamada Islaamka marka la yimaado ''qofka oo socda caafimaad qaba inuu saxiixo inuu kellidiisa iibiyo ama xubnihiisa iibiyo sharciga wadamada Islaamka ma banana, haddii uu dhintana xubnihiisa in lagala baxo iyadana ma banaana. Tan kali ah ee wadamada Islaamka banaan waxa weeyaan in qofku uu xubin jirkiisa ka mid ah qof kale ugu deeqi karayo asaga oo aan ka iibsanaynin, shardiga ku xirana waxa weeye in aan xubintaasi ahayn xubin uu isagu u geeriyoonayo, tusaale ahaan in aad beerkaada qof siiso oo wadnahaaga qof siiso waad u geeriyoonaysaa, marka wadamada islaamku ma ogola. Tan ay ogol yihiin waxa ay tahay haddii aad labo kalyood leedahay oo mid lagaa saaro tan kale waad ku badbaadaysaa".

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Marka shuruucda wadamada islaamka u taala waxa weeyaan, haddii qof ehelka xubin uunan u geeriyoonayn ugu deeqo, qofka bixinaya aynan dhibaato ka soo gaarayn haddii uu ugu deeqo wadamada Islaamka 'fiqu dabiibka waa ogolyahay', laakiin wadamada kale aan islaamka ahayn marka la joogo waa laba sheey kali ah, qofka isaga oo nool oo uu yiraahdo xubintaydan qofkaan baan ugu deeqayaa, weliba aysan ahayn xubin qofkaasi dhibaato ka soo gaaraysa iyo qof marka isaga oo nool yahay sii saxiixo haddii uu dhinto xubnihiisa lala bixi karayo oo dad kalana loogu deeqi karayo, laakiin caalamka oo dhan marnaba ma ogola tan ah in xubnaha bini'aadamka la iibiyo ama uu qofka ama xarumaha caafimaadka ka ganacsadaan''.

Xigasho:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip