
Saraakiisha ciidanka 60-aad oo lagu wareejiyay deeq xoolo nool ah
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed mudane Abdullahi Haji Hasan ayaa manta deeq xoolo ah gaarsiiyay ururka 95 guutada 9 ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Bixinta deeqdaan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Bakool iyo Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee degmada Waajid ayaa timid xilli xubnahaasi ay kormeer ku tageen xarumaha ciidanka ee halkaasi.
Xubnaha ka socday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Gobolka Bakool ayaa ciidanka ku ammaanay sida geesinimada ah ee ay u wajahayaan khawaarijta iyo dadaalka ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka.
Saraakiisha ciidanka 60-aad oo lagu wareejiyay deeq xoolo nool ah
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed mudane Abdullahi Haji Hasan ayaa manta deeq xoolo ah gaarsiiyay ururka 95 guutada 9 ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Bixinta deeqdaan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka B