Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka oo yeeshay kulan miro dhal ah

0
Friday April 18, 2025 - 12:28:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 416
  • (Rating 8,001.2/5 Stars) Total Votes: 25
  • 8 1
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka oo yeeshay kulan miro dhal ah

    Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka ayaa yeeshay kulan xasaasi ah,iyadoo si gaar ah looga arrinsaday arrimaha mudnaanta u leh Dowladda Soomaaliya oo koow ay ka tahay dib-u-howlgelinta iyo soo celin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka ayaa yeeshay kulan xasaasi ah,iyadoo si gaar ah looga arrinsaday arrimaha mudnaanta u leh Dowladda Soomaaliya oo koow ay ka tahay dib-u-howlgelinta iyo soo celinta xiriirka tooska ah ee Bangigu la yeelanayo Dowladda Soomaaliya,kadib gaaritaankii heshiiskii deyn cafinta. Kulaka oo socday muddo Shan maalmood ah ayaa waxaa intiisa badan lagu gorfeeyay xiriirka wada shaqeyneed ee Bangiga iyo Soomaaliya, qorsheyaasha Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siineyso si loo maalgaliyo, qaabeynta heshiiska wada-shaqeynta Bangiga Horumarinta Islaamka saddexda sano ee soo socota iyo in la horumariyo Qorshaha Isbaddalka Qaranka (NTP) oo ka mid ah meelaha mudnaanta gaarka ah u leh Dowaldda Soomaaliya. Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) waa mid ka mid ah saaxibada qiimaha gaarka ah ugu fadhiya Dowladda Soomaaliya oo hadda xoojinaya xiriirka Bangiga, si loo helo Mustaqbal u wanaagsan bulshada Soomaaliyeed oo ku dhisan horumarin, casriyayn iyo maalgalinta kaabayaadha dhaqaalaha dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip