Wasaaradda Shaqada XFS iyo Hay'adda Maareynta oo ka hadlay hannaanka shaqo ee Hey'adaha Gargaarka

0
Friday April 18, 2025 - 10:26:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Shaqada XFS iyo Hay'adda Maareynta oo ka hadlay hannaanka shaqo ee Hey'adaha Gargaarka

    Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Aamino Xuseen Cali oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa si wadajir ah u guddoomiyay shir looga hadlay hanaanka ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Aamino Xuseen Cali oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa si wadajir ah u guddoomiyay shir looga hadlay hanaanka ay ku wada shaqeyn karaan Hay'addaha gargaarka bixiyo iyo dhigooda dowladda Soomaaliya. Shirkaasi oo ay sidoo kale ka soo qeybgaleen Wasaaradaha Gargaarka iyo Shaqada iyo arrimaha bulshada Dowlad Goboleedyada dalka,waxaa looga hadlay hannaanka ay ku wada shaqeyn karaan hay'addaha caalamiga ah ee bixiyo gargaarka iyo dowladda Soomaaliya. Sidoo kale shirkaasi waxaa ka qeybgalay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna iskuduwaha arrimaha gargaarka Soomaaliya, madaxda hay'addaha UN OCHA iyo WFP ee Soomaaliya . Kulankaan ayaa muddii uu socday waxaa lagu lafa guray sida ay dhinacyadaan uga wada shaqeyn karaan badbaadinta bulshada iyo sida loo gaarsiin karo gurmad ku filan,gaar ahaam xillitada ay jiraan abaaraha. waxaa ka soo baxay kulankaasi in dhinacyadaan ay yeeshan shirar joogto ah iyo wada shaqeyn dhaw, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lagama maarmaan tahay in ay isticmaasho qeyraadka gudaha iyo in sidoo kale la adeegsado ganacsatada iyo qurbajoogta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip