HALKAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGTIMES DAILYNEWSPAPER 17 APRIL 2025

0
Thursday April 17, 2025 - 08:29:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGTIMES DAILYNEWSPAPER 17 APRIL 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Soomaaliya oo dagaal guud kula jirta Al-shabaab qorshe cadna la timid

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Max -amuud, ayaa ku dhawaaqay in dalka uu hadda ku jiro "dagaal guud” oo ka dhan ah kooxda Alshabaab, balse wu xuu shacabka Soomaaliyeed ku kalsoo naysiiyay in dowladdu leedahay istiraa tiijiyad cad oo lagu jebinayo kooxaha xagjirka ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jee diyay munaasabadda soo xiritaanka Shirweynaha Xuquuqda Aadanaha oo ka dhacay magaalada Muqdisho, hal kaas oo uu ku xusay in amniga, xasill oonida iyo ilaalinta xuquuqda aadana ha ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dowladdiisa.

"Waddanku wuxuu ku jiraa dagaal guud, weli wuu socdaa, laakiin annaga ayaa leh istiraatiijiyad cad. Dagaalka wuu sii soconayaa, marna waan riix naa, marna waannu riixnaa, laakiin ka go’naansho ayaan leenahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Inkastoo aanu shaacin faahfaahinta hawlgallada socda, haddana Madaxwe ynaha wuxuu tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga ah, ay wadaan qorshe wejiyo leh oo lagu burburinayo saldhigyada kooxda Alsha baab.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaana ya iyadoo ay socdaan dagaallo culus oo ka socda bartamaha iyo koonfurta dalka, halkaas oo ciidamadu dhawaan dib uga qabsadeen deegaano badan oo horey u haysteen Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shee gay in guusha laga gaaro xagjirnimada ay muhiim u tahay sugidda xuquuqda iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna si adag u cambaareeyay falalka arxan darrada ah ee ay koox daasi ku hayso dadka rayidka ah.

"Qaran ma horumaro iyadoo cabsida argagaxisadu ku hoos noolyihiin. Daga alka aan kula jirno Khawaarijtu ma aha oo kaliya mid amni, waa mid mustaq balka, karaamada iyo xorriyadda sha cabka lagu sugayo,” ayuu yiri Madaxw eyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyay in hawlgallo ballaaran ay ka socdaan Hirshabelle, Galmudug iyo Jubbaland, halkaas oo Al-Shabaab laga saaray deegaano badan, inkastoo ay weli wadaan weerarro dhuumaa leysi ah.

Hadalka uu Madaxweynaha ka jeedi yay khudbaddiisa wuxuu muujinayaa in dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab uu yahay mid dheer, balse ay dowladda waddo qorshe qoto dheer oo guul looga gaari karo.

Waxaa si gaar ah loo xusay in dowl addu ay wajahayso caqabado isku dha fan—milatari, bani’aadanimo iyo siya asadeed—oo u baahan in la isku mar maaro si loo gaarsiiyo guusha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee xuquuqul insaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirw eynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka ayaa soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada ee arrimaha xuquuqda iyo adeegyada sharciga.

Madaxweynaha ayaa xusay in aan la gaari karin horumar siyaasadeed, dha qaale, iyo bulsho haddii aan la dhamm aystirin hannaanka dhowrista xorriyada ha aasaasiga ah, isagoo adkeeyey in la dhameystiro shuruucda horumarina ya xuquuqul insaanka iyo dhismaha hay’ad madax-bannaan ee xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay duruufaha ku xeeran da lkeenna oo dagaal kula jira argagi xisada, taas oo saamayn toos ah ku leh xaaladda xuquuqda dadka Soomaa liyeed, maadaama argagixisadu ay ku xadgudbeen xaq kasta oo ay lahaa yeen dadkeennu, isuna soo bahays teen daadinta dhiigga dadkeenna iyo boobka hantidooda.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay hay’ adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Wasiir Bidhaan oo bulshada Laascaanood ugu baaqay in ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biya ha XFS Cabdullaahi Bidhaan Warsa -me, ayaa xalay booqday xarunta Hay’a dda Diiwaan gelinta iyo Aqoonsiga Qaranka, xafiidkeeda Laascaanood.

Wasiirka ayaa halkaasi kusoo dhowee yay Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle.

Wasiir Cabdullaahi Bidhaan ayaa qaa tay Kaarka Aqoonsiga Qaranka, wuxuu na Maareeyaha NIRA uga mahadce liyey soo dhoweynta iyo shaqada baa xadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biya ha XFS Cabdullaahi Bidhaan Warsa -me ayaa bulshada Khaatumo uga baa -qay in ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo waraaqaha aqoonsiga u gudbisay agaasimaha UNOV

Safiirka Soomaaliya ee dalalka Switze -rland iyo Austria, Khadra Axmed Ducaale, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbisay Ms. Ghada Waly, oo ah Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Vienna (UNOV).

Kulankaasi muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xiriirka iskaashi ee xafiiska iyo dadaallada horumarineed ee mus taqbalka Soomaaliya.

Labada dhinac waxa ay si qoto dheer uga wadahadleen taageerada muuqa ta ee ay Qaramada Midoobey siiso hawlaha horumarinta, iyadoo Safiir Khadra ay muujisay sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga, isla markaana la sahmiyo mashaariic cu sub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Kulankan ayaa muujinaya sida Soom aaliya ay uga go’an tahay xoojinta xir iirka caalamiga ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday xarunta diiwaan-gelinta dad weynaha ee degmada Shagaani

Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqday degmada Shangaani oo ay ka socoto diiwaan-gelinta dadwey naha.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Duqa muqdisho iyo ma’uuliyiin kale ayaa ku biiray muwaaddiniinta halkaasi iska diiwaan-gelinaysa.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dad ka shalay ay bacadka u taaganyiihiin in ay berri codkooda wax ku doortaan, taas oo uu ku tilmaamay guul ay Soo maaliya gaartay.

"Dadkan shalay is diiwaan-gelinaya wa xay bacadka u taaganyiihiin in ay berri codkooda wax ku doortaan, waana guul ay Soomaaliya gaartay.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu sha -lay arko shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer ka dib gudanaya waajib kooda dastuuriga ah, maaddaama ay xaq u leeyihiin in la doorto iyaguna ay wax doortaan.

Agaasimaha Guud ee W. Warfaafinta: "Wakaaladaha caalamka meel aan SONNA ahayn war kama qaadan karaan”

Agaasimaga guud ee wasaaradda war faafinta dhaqanka iyo dalxiiska muda ne, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in wakaaladaha wararka caal -amka aysan wararka ku saabsan Soomaaliya ka qaadan karin meel aan ahayn wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Agaasime Xayir oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaaddeen maamullada Hoteellada muqdisho iyo madaxda wa saaradda warfaafinta loogana had layay horumarinta iyo dhiirrigelinta dal xiiska dalka ayaa intaa raaciyay in dowladdu ay ka go’an tahay dhiirri gel inta xarumaha ganacsi ee ay u horreey -aan Hoteellada.

Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasima ga guud ee wasaaradda warfaafinta ay aa sheegay in dowladdu ay Hoteelladii dowladda oo ay ka mid yihiin Jubba, Shabeelle, Curubo, SYL iyo Bulsho fur sado u siisay ganacsatada in ay maal gashtaan, iyadoo loo fududeynayo wax kasta oo caqabada ah.

"Dhammaan wararka Soomaaliya ku saabsan haddaad aragteen berigii hore waxay doonaan bay qori jireen, shalay warka ay xiganayaan caalamku sida BBC, Reuters, AP IWM waxay ka qaataan SONNA, warku ha xumaado ama ha fiicnaado SONNA ayay ka qaa taan, waayo waa wakaaladda keliya ee dalka Soomaaliya ka jira cid kale kama qaadan karaan”.

Mudane Xayir ayaa maamullada Hotee llada faray in ay kusoo xirmaan Web-Site-ka wasaaradda qaybta dalxiiska, lana shaqeeyaan warbaainta dowladda, si loo muujiyo horumarka ay samayn ayaan Hoteellada.

Agaasimaga guud ee wasaaradda warf aafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa faray maamulka Hoteellada in aysan u dhega nuglaan dadka cabsi geliya goo baha ganacsiga iyo dalxiiska, isagoo ku adkyeeyay in aysan warar been abuur ah ku xirin xaruntooda.

Maraykanka oo hoos u dhigaya safaaraddiisa Muqdisho, safaarado badanna xiraya

Dowladda Maraykanka ayaa qorshey naysa in ay xidho ugu yaraan 30 safaa radood iyo qunsuliyadood oo ay ku lee dahay daafaha dunida, sida lagu shee gay warbixin sir ah oo ay heshay CNN, taasoo laga diyaariyay gudaha Waa xda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Marayk anka ayaa hogaaminaysa qorshahan, iyadoo gacan ka helaysa waax cusub oo lagu magacaabo "Kor-u-qaadista Waxtarka Adeegyada Dowladda” oo uu hoggaaminayo Elon Musk.

Qorshahan ayaa tilmaamaya in si buux da loo xidho 10 safaaradood iyo 17 qunsuliyadood, halka qaar kalena la dhimi doono shaqadooda, iyadoo laga dhigi doono xafiisyo yar yar oo u shaqeeya si kooban.

Inkasta oo taariikh rasmi ah aan la shaacin, warbixinta CNN ayaa muuj inaysa in talaabooyinkan la qaadi doo no inta lagu guda jiro sanadka 2025, iyadoo qayb ka ah miisaaniyadda cusub ee la dhimayo.

Safaaradaha la xidhi doono waxay ku kala yaallaan Yurub, Afrika, Aasiya iyo Kariibiyaanka, waxaana ka mid ah kuwa ku yaalla Malta, Luxembourg, Lesotho, Jamhuuriyadda Kongo, Koonf urta Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Afri kada Dhexe. Waxaa sidoo kale hoos loo dhigi doonaa awoodda safaara daha Maraykanka ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaal ka maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ku dhimayo kharashaadka dowladda federaalka, gaar ahaan waaxda arrimaha dibadda. Qorshahan waxaa loogu magac daray "isku-filnaansho maaliyadeed iyo adeeg wax ku ool ah,” iyadoo lagu doonayo in dib loo habeeyo doorka Maraykanka ee diblumaasiyadda caalamka.

Qorshahan ayaa ku bilaabmay la-xidh itaanka hay’adaha kale sida USAID iyo VOA, kuwaasoo horey u ahaa tiir-dhexaadyo muhiim u ahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Waxaa sidoo kale socda hoos-u-dhig ballaaran oo lagu sameynayo miisaan iyadihii lagu taageeri jiray hawlgalada diblumaasiyadeed iyo saameynta dad weynaha.

Soomaaliya, oo ka mid ah meelaha uu Maraykanku saldhigyo ciidan iyo hawl gallo sirdoon ku leeyahay, ayaa si gaar ah uga welwelsan qorshahan. Warbix intu waxay muujisay in saraakiil sare oo ka tirsan Aqalka Cad ay soo jeedi yeen in la xidho safaaradda Maraykan ka ee Muqdisho, iyagoo sheegay in Soomaaliya aysan ahayn waddan uu Maraykanku dan weyn ka leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump ayaa dib uga laabtay taladaasi, isagoo sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono taageerada uu Soomaaliya ka siiyo dagaalka ka dhanka ah arga gixisada. Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabooyin siyaasadeed qaaday si ay u ilaaliso xiriirka diblumaasiyadeed, wa xaana ay Maraykanka siisay oggolaa nsho uu kula wareegi karo maamulida qaar ka mid ah dekedaha waaweyn ee dalka.

Qorshahan dhimista ah wuxuu daba socdaa siyaasad mug leh oo uu maa mulka Trump kula dagaallamayo khara shaadka "aan natiijada la hayn,” sida lagu sheegay warbixinada rasmiga ah. USAID oo la xidhay dhawaan waxay ahayd hay’addii ugu weynayd ee mucaawimada horumarineed bixisa, halka VOA oo ahayd codka Maraykan ka ee caalamka loo waday, si buuxda loo joojiyay maalgelinteedii.

Isbedeladan ayaa keenaya su’aalo ku saabsan sida Maraykanku u doonayo inuu mustaqbalka ula falgalo caalamka, gaar ahaan meelaha colaadaha ka jiraan sida Soomaaliya oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan la-dagaalanka Al-Shabaab.

Soomaaliya oo Ka Mid Noqotay Dalalka Ugu Awoodda Militari Liita Adduunka

Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 142-aad ee awoodda militariga adduunka, iyadoo ka mid noqotay dalalka ugu hooseeya qiimeynta sannadlaha ah ee Global Firepower Index 2025, taasoo lagu falanqeeyay awoodda ciidan ee 145 waddan. Dalka ayaa helay dhibcaha 4.2037, taasoo ka dhigan in uu ka sarreeyo saddex kaliya: Bhutan, Benin, iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Qiimeyntan oo lagu saleeyay in ka ba dan 60 qodob — sida tirada ciidamada, tayada qalabka, miisaaniyadda difaaca, awoodda saadka, juqraafiyadda iyo kheyraadka dabiiciga ah — ayaa muuj isay in Soomaaliya wali la daalaa dhac do dhanka dhismaha awood milatari oo la jaanqaadi karta dalalka kale ee gobolka.

Inkasta oo Maraykanka, Midowga Yu -rub, Turkiga iyo UK ay tababar iyo maalgelin siiyeen Soomaaliya, hadana horumarka ciidamada ayaa si weyn u xanniban sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah iyo istaraa tiijiyad amni oo aan mideysneyn.

Soomaaliya ayaa wali wajahaysa caqa bado adag oo ay ka mid yihiin miisaan iyad aad u xaddidan, kala fogaansha ha dowladda dhexe iyo maamul gobo leedyada, iyo qalab yari curyaaminaya hawlgallada militari ee joogtada ah.

Itoobiya oo ah deriska Soomaaliya ayaa kaga jirta kaalinta 52-aad caal amka, iyadoo leh ciidamo tiro badan oo si fiican u qalabeysan. Kenya ayaa ku jirta kaalinta 83-aad, halka Jabuuti, inkastoo aan la qiimeyn sannadkan, ay leedahay muhiimad istiraatiiji ah oo ay u leedahay marin-biyoodka Bab el-Mandeb, iyadoo martigelisa saldhigyo ciidan oo Maraykanku, Shiinuhu iyo Faransiisku leeyihiin.

Shanta waddan ee ugu ciidan adag Afrika waa Masar, Aljeeriya, Nigeria, Koonfur Afrika, iyo Itoobiya. Caalamka waxaa hogaaminaya Mareykanka, Ruu -shka, Shiinaha, Hindiya, iyo Koonfur Kuuriya.

Khubarada amniga ayaa tilmaamay in kaalinta hoose ee Soomaaliya ay tahay digniin muujinaysa baahida loo qabo in dib u habeyn dhameystiran lagu sameeyo ciidamada dalka, si loo dhiso ciidan qaran oo mideysan, loo helo miisaaniyad joogto ah, iyo in la sameeyo hoggaan ciidan oo isku xiran.

Dadaallada lagu mideynayo ciidamada dowladda dhexe iyo kuwa dowlad-gob oleedyada ayaa marar badan hakad galay, iyadoo khilaaf siyaasadeed oo qoto dheer uu hor taagan yahay sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo awood u leh difaaca dalka.

Warbixin uu soo saaray Machadka ACCORD sanadkii 2022 ayaa uga dig tay Soomaaliya in ay sii ku tiirsanaato gacan-shisheeye haddii aysan degdeg u sameyn dib-u-habeyn amniga ah oo qaranimo salka ku haya.

Waxaa lagu soo gabagabeeyay in taa geerada caalamiga ah ee hadda jirta aysan wax badan ka tari doonin haddii aan la helin hannaan dawladeed oo mi deysan, iyo ciidan si rasmi ah u sha qeeya oo leh qalab, qorshe iyo hog gaan cad.

Waraabe: Shabaab ayaa qabsan doona Muqdisho, guushoodana waan saadaaliyay

Faysal Cali Waraabe, ayaa si cad u muujiyay walaac weyn oo ku aaddan xaaladda amni ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay jirto suurta-galnimo sare oo ah in kooxda Al-Shabaab ay qab sato magaalada Muqdisho inta u dhax eysa bisha May iyo June 2025.

Faysal ayaa hadalkan ka sheegay qor -aal uu ku daabacay bartiisa X (ex-Twit ter), isaga oo ka fal-celinayay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Aadan Yabaal, gobolka Shabeellaha Dhexe. Wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilan tay sugidda amniga iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

"Waxaynu eegnaaba waa Xarakada Al-Shabaab oo la wareegta Soomaal iya dhawaan. Sidii aan hore u sheegay, bisha May ama ugu dam bayn bisha June 2025,” ayuu yiri Wa raabe.

Isagoo sii faahfaahinaya aragtidiisa, Faysal Cali Waraabe wuxuu xusay in Soomaaliya ay muddo dheer ahayd "failed state” ama "dawladi fashilan tay,” tan iyo markii uu dhacay taliskii milateri ee Maxamed Siyaad Barre 1991.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soo maaliya ay khatar weyn ku tahay amn iga gobolka Geeska Afrika iyo gana csiga caalamiga ah, gaar ahaan mari nka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

"Failed state-ka Soomaaliya oo bilaa nidaam ahayd laga soo bilaabo 1991… waxay khatar ku ahayd nabadgelyada adduunka, siiba Geeska Afrika iyo isu socodka ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Faysal wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay sameeyeen illaa afar isbeddel oo waaweyn, ku waas oo uu ku sheegay kuwo muu jinaya in kooxdaasi ay diyaar u tahay in ay la wareegto gacan ku haynta dal ka. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan faahfaahin waxa ay yihiin isbeddela daas.

Faysal Cali Waraabe, oo si joogto ah uga hadla arrimaha Soomaaliya inteed a kale, ayaa hadalkiisa loo arkaa mid dhalin kara dood siyaasadeed iyo amni oo xoog leh, gaar ahaan marka la ee go waqtiga uu sheegay ee la xiriira qab sashada caasimadda Muqdisho.

Al-Shabaab, oo ah urur argagixiso oo si rasmi ah loogu aqoonsaday koox ar gagixiso ah dalal badan oo ay ka mid yihiin Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Ciidamo cusub oo ka socda Jabuuti oo ka degay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Waxaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan gaaray ciidamo cusub oo ka socda dalka Jabuuti kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM, waxaana la geeyay Buula Burde iyo Jalalaqsi oo ah labada ma gaalo ee istiraatiijiga ah ee gobolka Hii raan.

Taliyaha Qeybta Afaraad ee howlgalka AUSSOM, Col. Saciid Waaberi iyo sar -aakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoo gga dalka ayaa ku soo dhoweeyay ga roonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Saraakiishii soo dhoweeysay ciidan kaan cusub oo warbaahinta lahadlay ayaa ku nuux-nuux saday doorka ay ka qaadanayaan howlgallada wadajir ka ah ee ciidamada XDS ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sugidda ammaanka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Ciidamadaan cusub ayaa ku biiri doo -na dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab oo dhowaanahaan weeraro xooggan ku haayay degaanada Gobol kaasi Hiiraan.

Ciidamada Jabuuti ee Midowga Afrika ayaa ilaaliya xarumaha muhiimka ah ee maamulka, garoommada diyaarada ha, iyo waddooyinka saadka ay u ma raan Ciidamada Howlgalka AUSSOM.


Somaliland oo gabi ahaanba ka baxday wadahadaladii mudada u socday dowladda Soomaaliya

Somaliland ayaa gabi ahaanba ka baxday wadahadaladii ay kula jirtay dowladda Soomaaliya ee mudada toba nka sano ka badan u socday, kadib markii ay xadgudub ka dhan ah madax bannaanideeda u aragtay safarkii Ra'i I -sul Wasaare Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axm -ed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo warbaahinta u akhriyay go'aankan oo kasoo baxay Golaha Wasiirrada, ayaa sheegay in wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ayna shalay laga bilaa bo jiri doonin.

"Madaama oo dowladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xadgudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland, iyo mabaadi'da wadahadaladii hore, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda So maliland waxa ay go'aamiyeen in laga baxo wadahadaladii Soomaaliya lagula jiray laga bilaabo shalay oo ay taarii khdu tahay 16 April 2024," ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.

"Dowladda Soomaaliya waxay ka leex atay jidkii nabadda iyo wadahadalka, waxaanu u aqoonsanay in safarka Ra'I isul Wasaaraha Soomaaliya ee Laasc aanood uu yahay xadgudub badhee dha oo ka dhan ah madaxbannaanida Somaliland, wuxuuna ahaa daandaan si iyo hurin colaadeed, taasoo khatar galinaysa xasiloonida Geeska Afrika," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanu jirin wax wadahadal ah oo ay dowladda Soomaaliya kala yeesheen sii deynta maxaabiista, isla markaana tallaabada maxaabiista loogu qaaday magaalada Muqdisho ayuu ku tilmaamay "afduub," isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qarinaysay fashil ay wajahayso.

Waxa uu sheegay in ay oggol yihiin in la isweydaarsado maxaabiista, lakiin ay tahay in loo maro xeerarka caal amiga ah, iyada oo hay'adda ICRC ay tahay ta kali ah ee ka garnaqi karta arrimaha maxaabiista, isla markaana ay horay wadahadal ula yeesheen.

Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay ka falceliso xadgudubyo ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka gaysanayso bariga Sool, isla markaana la taageero dadaallo nabad loogu soo celinayo deegaanadaas oo ay sheegtay in ay wado xukuumadda Somaliland.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa todobaa dkan safar uu ugu magacdaray "Safar ka Xoojinta Midnimada" ku tagay ma gaalada Laascaanood, oo gacanta Somaliland ka baxday horaantii 2023, lakiin ay u aragto qayb ka mid ah dhul keeda kaaso oo ay Somaliland aad uga cadhootay.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa maamul goboleed hoostaga dow ladda dhexe u aqoonsatay maamulka SSC Khaatumo, oo xaruntiisu tahay Laascaanood, isla markaana 25 max buus oo ka mid ah maxaabiista Somali land kaga xidhnaa Laascaanood, ayaa la sii daayay iyada oo loo qaaday ma gaalada Muqdisho.

Mareykanka oo diiday inuu taageero maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoo bay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa dhalisay walaac weyn oo la xiriira mustaqbalka howlgal ka caalamiga ah ee la dagaallama kooxda Al-Shabaab. Diidmada Mareyk anka ayaa imaaneysa iyadoo Golaha Ammaanka uu qorsheynayo inuu 15-ka Maajo u codeeyo qaab-maaliya deedka isku-dhafka ah ee ku saleysan Qaraarka 2719.

Markii hore, Mareykanku wuu ka aa musay codsigii hore ee la xiriiray maal gelinta AUSSOM, balse hadda wuxuu si cad u sheegay inuusan taageereyn qorshahaas. Afhayeen u hadlay Wa saaradda Arrimaha Dibadda ee Marey kanka ayaa 8-dii Abriil u sheegay warbaahinta PassBlue in Mareykanku u arko in Soomaaliya aysan ku habboo nayn in lagu tijaabiyo maalgalinta isku-dhafka ah sida uu tilm aamayo Qaraar ka Golaha Amamanka ee tirsigiisu yahay 2719.

Waxa uu intaas ku daray in nidaam kaasi uu niyad-jab ku yahay xalinta mushkiladaha, wuxuuna ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo sida ay u wajahaan codbixinta Golaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoo bay António Guterres ayaa sidoo kale muujiyay walaac xoogan. Warbixin uu 10-kii Abriil u gudbiyay Golaha Ammaa nka ayuu ku sheegay in dhaqaale la'aanta jirta ay si weyn halis ugu tahay hawlgalka AUSSOM.

Guterres wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in la taageero codsiga maal gelinta si loo helo nidaam dhaqaale oo waara oo la saadaalin karo, taasoo muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Obama oo cambaareeyay in Trump hakiyo maalgelinta Jaamacadda Harvard

Madaxweynihii hore ee Barack Obama ayaa bogaadiyay go’aanka Jaamacad da Harvard ay ku diidday dalabaadka Aqalka Cad ee ah in ay wax ka bedde sho siyaasaddeeda ama ay lumiso lacagta federaalka.

Qoraalka Obama ayaa noqonaya kii ​​ugu horreeyay ee baraha bulsha da ee uu ku dhalleeceeyo maamulka Trump tan iyo markii uu talada dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa xayiray in ka badan $2bn (£1.5bn) oo ah dhaqaalaha federaalka ee ay hesho Harvard, iyada oo uu sabab uga dhigay in aanay wax isbeddel ah ku samayn shaqaalaysiinta, diwaangeli nnada iyo habka waxbarista ee maa mulkiisu uu sheegay inay fure u yihiin la dagaallanka nacaybka naceybka ee jaamacadda.

Obama, oo wax ku bartay Harvard, ayaa ku tilmaamay xannibaaddan mid "sharci-darro ah".

Wuxuu ugu baaqay hay'adaha kale in ay raacaan maamulka Harvard ee ah in aan la aqbalin dalabaadka Trump.

 

Joe Biden oo markii ugu horraysay dhowaan cambaareeyay siyaasadda Trump

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa markii ugu horraysay tan iyo mar -kii uu ka tagay Aqalka Cad, waxa uu dhalleecayn u soo jeediyay nidaamka maamul ee madaxweynaha isaga beddelay ee Donald Trump.

Shir uu ku qabtay magaalada Chicago ayaa Biden waxa uu ka sheegay in dawladdu ay "xakameysay" nidaamka badbaadada bulshada, taas oo Donald Trump iyo Elon Musk - oo hoggaamina ya dadaallada dhimista kharashaadka Aqalka Cad - ay ku andacoonayaan in uu yahay khiyaano.

Maamulka Trump ayaa doonaya in uu dhimo shaqaalaha hay'adda ka mas'uulka ah kharash dhan $1.6 trillion (£1.2 trillion) ee faa’iidooyinka sannad -kii.

Biden ma uu xusin magaca Trump intii ay socotay khudbaddiisu, Talaadadii, laakiin wuxuu yidhi: "Wax ka yar 100 maalmood, maamulkan cusub wuxuu geystay waxyeello badan iyo burbur aan yarayn. Waa nooc nafis ah."

Xamaas oo sheegtay inaysan meel ku ogeyn la heyste ay Israa'iil dalbatay in la sii daayo

Xamaas ayaa sheegtay in ay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd koox dagaalyahanno ah oo gacanta ku haysa maxbuus haysta dhalashada Maraykanka iyo Israa’iil oo lagu oo ku xidhan Qasa, kaddib ay Israa’iil weerar ku qaadday goob ay ku sugnaayeen.

Askarigan oo 21 jir ah, oo lagu maga caabo Edan Alexander, ayaa ka soo muuqday muuqaallo ay kooxdaasi baahinaysay maalmihii u dambeeyay.

Israa'iil ayaa codsatay in lagu sii daayo maalinta kowaad ee hindise xabbad-joojin 45 maalmood ah ah oo la soo bandhigay todobaadkii hore kaas oo ay diideen Xamaas.

Xamaas ayaan ilaa hadda sheegin goorta ay lumisay xidhiidhkii, mana ay soo bandhigin wax caddaymo ah.


Maxaan ilaa iyo hadda ka ognahay wixii ka dhacay Aadan Yabaal?


Dagaal xooggan ayaa laga soo tabiyay aroornimadii hore ee saakay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe Dhexe ee Soomaaliya, dagaalkan ayaana u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo ururka al-Shabaab. Warar kala duwan oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin ayaana kasoo baxaya dagaalkan.

Ciidamada Soomaaliya ayaa magaaladan ka qabsaday ururka al-Shabaab bishii December 2022, xilligaas oo uu socday guluf balaadhan oo ka dhan ah ururka al-Shabaab waana wajigii koowaad ee howlgallada uu hoggaaminaayay madaxweynaha Soomaaliya. Qabsashadaan ayaana ahayd mid muhiim u ah dowladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in sanadkii 2016 bishii April 16-keedii ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya ay magaalada qabsadeen balse muddo kadib ayay ururka al-Shabaab dib u qabsadeen degmada Aadan Yabaal.

Ururka al-Shabaab ayaa degmadaan gacanta ku hayay muddo dheer ka hor intayna kala wareegin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2022.

Xorreynta degmadaan oo ahayd mid muhiim u ah gulufkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay kadib markii dib loogu doortay xilka madaxtinnimo sanadkii 2022 ayaa waxaa qeyb weyn ka qaatay ciidamada deegaanka ee "Macawiisleey" kuwaas oo ka barbar dagaallamay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dib u qabsashadan ayaana ahayd mid dowladda Soomaaliya iyo ciidamada deegaanku si weyn ugu taamayeen iyada oo degmadani ururka al-Shabaab ahayd degmo muhiim u ah halka ay dhacdo owgeed. Waxay degmadani dhanka bari ka dhacdaa caasimadda Muqdisho meel u jirta 220km, waxayna ku taallaa xadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

shalay ayay degmadu markale ku waaberiisatay weerar la sheegayo in ay soo qaadeen ururka al-Shabaab – waxaa la werinayaa oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin in taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Odowaa Yuusuf Raage uu ku sugnaa degmada Aadan Yabaal waxaa sidoo kale la sheegay in guddoomiyaha Maxkmaadda Derajada Koowaad ee ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute uu isna ku sugnaa isla magaaladaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday isla degmadan Aadan Yabaal 18-kii bishii Maarso ee sanadkaan, intuusan ka bixin magaalada Muqdisho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka badbaaday qaraxa kaas oo dhacay xilli madaxweynuhu kasii baxayay magaalada kuna sii jeeday ciidamada dagaalka kula jira al-Shabaab ee ku sugan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa labaduba sanadkan dhexdiisa booqday kadib markii ururka al-Shabaab laga qabsaday degmaadan.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan dhacay, dowladda Soomaaliyana wax war ah kamasoo saarin dhacdadaan. Qoraal la sheegay in uu kasoo baxay ururka al-Shabaab balse ayna BBC-du xaqiijin karin ayaase muujinaya ururka oo sheeganaya in ay qabsadeen magaalada.

Muuqaallo ayaa sidoo kale baraha bulshada lagu baahiyay kuwaasoo muujinaya gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ururka al-Shabaab oo dhex socda meel lagu sheegay in ay tahay magaalada, walow iyaguna ayna ahayn kuwo si madax bannaan loo xaqiijin karo.

Mid kamid ah sababaha illaa hadda aan loo xaqiijin karin xaaladda saxda ah ee magaalada ayaa ah in isgaadhsiinta degmada Aadan-Yabaal ay go'antahay oo khadka caadiga ah ee wicitaanka taleefanku uusan shaqaynaynin.

Xigasho:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip