Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee xuquuqul insaanka

0
Wednesday April 16, 2025 - 12:17:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee xuquuqul insaanka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka ayaa soo bandhigay sida ay dowladda uga go'an tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay'adaha dowlad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka ayaa soo bandhigay sida ay dowladda uga go'an tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay'adaha dowladda iyo bulshada ee arrimaha xuquuqda iyo adeegyada sharciga. Madaxweynaha ayaa xusay in aan la gaari karin horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho haddii aan la dhammaystirin hannaanka dhowrista xorriyadaha aasaasiga ah, isagoo adkeeyey in la dhameystiro shuruucda horumarinaya xuquuqul insaanka iyo dhismaha hay'ad madax-bannaan ee xuquuqda aadanaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay duruufaha ku xeeran dalkeenna oo dagaal kula jira argagixisada, taas oo saamayn toos ah ku leh xaaladda xuquuqda dadka Soomaaliyeed, maadaama argagixisadu ay ku xadgudbeen xaq kasta oo ay lahaayeen dadkeennu, isuna soo bahaysteen daadinta dhiigga dadkeenna iyo boobka hantidooda. Shirkan waxaa ka soo qaybgalay hay'adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay'adaha Qaramada Midoobay, bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip