
Agaasimaha Guud ee W. Warfaafinta: "Wakaaladaha caalamka meel aan SONNA ahayn war kama qaadan karaan"
Agaasimaga guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in wakaaladaha wararka caalamka aysan wararka ku saabsan Soomaaliya ka qaadan karin meel aan ahayn wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.
Agaasime Xayir oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaaddeen maamullada Hoteellada muqdisho iyo madaxda wasaaradda warfaafinta loogana hadlayay horumarinta iyo dhiirrigelinta dalxiiska dalka ayaa intaa raaciyay in dowladdu ay ka go'an tahay dhiirri gelinta xarumaha ganacsi ee ay u horreeyaan Hoteellada.
Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaga guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in dowladdu ay Hoteelladii dowladda oo ay ka mid yihiin Jubba, Shabeelle, Curubo, SYL iyo Bulsho fursado u siisay ganacsatada in ay maalgashtaan, iyadoo loo fududeynayo wax kasta oo caqabada ah.
"Dhammaan wararka Soomaaliya ku saabsan haddaad aragteen berigii hore waxay doonaan bay qori jireen, maanta warka ay xiganayaan caalamku sida BBC, Reuters, AP IWM waxay ka qaataan SONNA, warku ha xumaado ama ha fiicnaado SONNA ayay ka qaataan, waayo waa wakaaladda keliya ee dalka Soomaaliya ka jira cid kale kama qaadan karaan".
Mudane Xayir ayaa maamullada Hoteellada faray in ay kusoo xirmaan Web-Site-ka wasaaradda qaybta dalxiiska, lana shaqeeyaan warbaainta dowladda, si loo muujiyo horumarka ay samaynayaan Hoteellada.
Agaasimaga guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa faray maamulka Hoteellada in aysan u dhega nuglaan dadka cabsi geliya goobaha ganacsiga iyo dalxiiska, isagoo ku adkyeeyay in aysan warar been abuur ah ku xirin xaruntooda.
Agaasimaha Guud ee W. Warfaafinta: "Wakaaladaha caalamka meel aan SONNA ahayn war kama qaadan karaan"
Agaasimaga guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in wakaaladaha wararka caalamka aysan wararka ku saabsan Soomaaliya ka qaadan karin meel aan ahayn wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed