Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo waraaqaha aqoonsiga u gudbisay agaasimaha UNOV

0
Wednesday April 16, 2025 - 13:07:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo waraaqaha aqoonsiga u gudbisay agaasimaha UNOV

    Safiirka Soomaaliya ee dalalka Switzerland iyo Austria, Khadra Axmed Ducaale, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbisay Ms. Ghada Waly, oo ah Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Vienna (UNOV). Kulankaasi muhiimka ah ayaa diira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Soomaaliya ee dalalka Switzerland iyo Austria, Khadra Axmed Ducaale, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbisay Ms. Ghada Waly, oo ah Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Vienna (UNOV). Kulankaasi muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xiriirka iskaashi ee xafiiska iyo dadaallada horumarineed ee mustaqbalka Soomaaliya. Labada dhinac waxa ay si qoto dheer uga wadahadleen taageerada muuqata ee ay Qaramada Midoobey siiso hawlaha horumarinta, iyadoo Safiir Khadra ay muujisay sida ay uga go'an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga, isla markaana la sahmiyo mashaariic cusub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac. Kulankan ayaa muujinaya sida Soomaaliya ay uga go'an tahay xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip