
HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES DAILY NESPAPER 10 APRIL 2025
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarl amaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomi ye ku xigeenka labaad Mudane Cabd ullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad Kalfadhi ga lixaad ee Guddiga Joogta Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka shalay ee Guddiga joogtada ayaa ku saabsanaa dib u qaabaynta qorshe howleedka fadhi yada guud ee Golaha oo ay ugu horee yaan ajandaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada iyo katashiga geeddi socodka howlaha kale ee Mudnaanta leh iyo hor-tebinta leh Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamaa nka JFS.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaa diyay shaqada wanaagsan ee xubnaha Guddiyadu ay u hayaan Golaha, ayaa dhinaca kale faray in ay laba jibbaar aan waajib gudashadooda, si loo dham maystiro kalfadhigan shuruucda Gola ha hortaalla.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya heshiis deyn cafin ah la saxiixday sanduuqa lacagta Carabta
Xilli uu magaalada Kuwait uu ka soconayo Shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu saxiixay shalay heshiis deyn cafin taariikhi ah, kaas oo muddo sadex sano kabadan uu wada xaajoodkiisa soo socday.
Heshiiskan deyn cafinta ah oo ay wada saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta Mudane Fuad M. Al-Turki ayaa gaaraya $306.5 Milyan oo dollar, taas oo cuuryaamisay helidda mashaariicda maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay u baahneyd.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay in heshiiskani uu muhiim u yahay dib u dhiska dhaqaalaha dalka iyo dadaallada lagu dhameystirayo arrimaha deyn cafinta oo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan galisay. Sidoo kale Wasiirku waxa uu tilmaamay in heahiiskani uu suuro galinayo in Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Lacagta Carabta ay si rasmi ah usoo ceshadaan wadashaqayntii taas oo hakad galisay dhammaan kaalmooyinka ay heli ay Dawladda Soomaaliya ka heli lahayd Sanduuqan.
Taliyaha Boliiska oo guddoomiyey kulan ku saabsan xoojinta amniga
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliy eed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kullan Saraakiisha Amaanka ee Goba lka Banaadir ugu diyaar garoobayaan sugidda Amniga Doorashooyinka Dalka.
Kullanka ayaa intii uu socday looga hadlay Doorka Ciidamada Boliiska uga aadan sugidda Amniga muwaadiniinta, waxaana uu Taliyuhu Saraakiisha faray in Ciidamadu shacabka markasta ka dhigtaan wehelkooda koowaad kana fogaadaan waxkasta oo lid ku ah hab dhaqanka wanagsan ee looga bartay.
Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb-galay shirka hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaamin ayo oo ku sugan magaalada Kuwait City ayaa shalay ka qeyb galay munaa sibadda furitaanka shir hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo sanad kani ay marti-galinayso Dowladda Kuwait.
Shirkaan oo sanadle ah ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta, iyada oo ay si joogta ah uga soo qeyb galaan Dowladaha, Hey’adaha iyo Ururo Caalami ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo maalgalinta.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale la filayaa inta uu socdo shirkan, in uu kulamo doceedyo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda matalaya Dowladohooda iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay, kulamadaas loo la filayo in ay natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan.
Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan horumarinta waxbarashada casriga ah oo lagu soo gabagabeeyay muqdisho
Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo socday muddo labo maalmood ah kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta hannaanka waxbarashada casriga ah ee cimillada iyo hal-abuurka ku dhisan hindisaha istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya.
Waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socday dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo Hey’adaha taageera Sooaaliya, iyaga oo falanqeeyay mudn aanta toddobo qodob oo ay ka mid yihiin: siyaasadda, xogta, kaabayaa sha, iyo manhajka.
Doodaha ayaa muujiyay baahida loo qabo in waxbarashada laga dhigo mid adkeysi u leh isbeddelka cimillada, in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha, lana helo maalgelin cimillada ku wajahan. Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay in arrimaha cimillada lagu daro tababarka macallimiinta iyo qorsheynta waxbarashada.
Natiijooyinka aqoon-is-weydaarsiga ayaa hagaya dadaallada lagu xooji nayo badbaadada dugsiyada, horum arinta kaabayaasha waara, iyo awoo dsiinta waaxda waxbarashada si ay uga jawaabto caqabadaha cimillada, iyadoo la raacayo istiraatiijiyadda qar an iyo ballanqaadyada caalamiga ah.
Wafdi hor u dhac u ah RW Xamsa oo gaaray Laascaanood
Wararkii ugu danbeeyay ee Khaatumo ayaa sheegaya inay magaalada Laascaanood ay gaareen ciidamada ilaalada Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hordhac ah, iyadoo la filayo inuu Ra’iisal wasaaruhu halkaas gaaro.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo maamulka Somaliland ay si weyn uga hor yimaadeen tegista Ra’iisal Wasaa raha Soomaaliya.
Sidoo kale Puntland ayaan ku farax saneyn socdaalkan.
Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ilaalada xafiiska RW ay la wareegeen goobaha uu tagi doono R/Wasaare Xamsa.
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo la kulantay masuul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa shalay kulan la yeelatay Agaasime ku-xigeenka Waax da Afrika ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Shiinaha mudane He Degang.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, dardargelinta iskaashiga horumarineed, iyo wadashaqeynta labada dal ee ku aaddan arrimaha gobolka. Safiiraddu waxay uga mahadcelisay dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, waxayna muujisay rajo weyn oo ku aaddan in xiriirka labada dal uu gaaro heerar sare oo cusub.
Kulankan ayaa kusoo dhammaaday jawi saaxiibtinimo iyo isfaham buuxa.
Wasiirka dhallinyarada XFS oo la kulmay safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Maxamed Cabd ulqaadir Cali ayaa kulan la qaatay safiirka dowlada Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi.
Wasiirka ayaa kala hadlay Safiirka cilaaqaadka kala dhaxeeya wasaaradda iyo sidii loo sii dar dar galin lahaa arrimaha dhallinyarada gaar ahaan sidii loogu samayn lahaa shaqo abuur iyo horumarinta qaybaha kala duwan ee Isboortiga oo muhiimad weyn u leh wasaaradda.
Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa soo dhaweeyay kulanka shexmaray asaga iyo wasiir Maxamed, wuxuuna ballan qaaday in ay sida uu qorshaha yahay qayb laxaad leh ka qaadan doonaan howlaha lagu horumarinayo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed iyo tan ciyaarahaba.
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka geeddi-socodka Khartoum ee ka dhacay Qaahira
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa shalay oo Arbaco ah khudbad ka jeediyay shirka labaad ee heer Wasiir ee geeddi-socodka Khartoum oo ku qaboomay magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.
Shirka oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 50 dowladood oo matalayay waddamada Yurub, geeska Afrika, wakiillo ka socday Urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga ayaa diirrada lagu saaray dadaallada lagula dagaallamayo socdaalka sharci-darada iyo ka ganacsiga dadka.
Wasiirka ayaa bogaadiyay dowladda Masar oo ah shir-guddoonka shirka, isaga oo sheegay in geeddi-socodka Khartoum uu yahay wax ka run sheegaya xaaladaha is-beddelka leh ee arrimaha socdaalka, ayna tahay madal muhiim u ah wada hadal wax ku ool ah, wax wadaagga iyo tallaabo-qaadka.
Wasiirka ayaa soo dhoweeyay ku soo noqoshada Suudaan ee madasha, isaga oo xusay in Soomaaliya ay hindistay in howsha la sii ambaqaado xilli ay adkayd, haatanna soo dhowaynayso dib ugu hanashada Suudaan kursigeeda matalaadda.
Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaato hab-maamul loo dhanyahay oo ku salaysan socdaalka oo la jaanqaadaya qorshe howleedka Qaahira.
Waxa uu carrabaabay dadaalka badan ee lagu xoojinayo habka isuduwidda iyo dejinta siyaasadaha ku aaddan xuquuqaha ee dhowraya farqiga u kala dhexeeya lab iyo dhedig xalna u raadinaysa sababaha ku askumay socdaalka sharci-darada ah ee loo yaqaan tahriibka.
Wasiirka ayaa sheegay in hannaanka socdaalka oo halbowle u noqda iskaashi sarreeya lagu maareyn karo, laguna ilaalin karo xaqa soo galootiga, dib-u-celinta iyo ku dhex-milankooda bulshada iyo burburinta shabakadaha dembiyada abaabula.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa muujiyay taageeriddiisa dhammaystiran ee Faransiiska oo noqonaya shir-guddoonka xiga ee geeddi-socodka Khartoum, wuxuuna u mahadceliyay midowga Yurub , midowga Afrika iyo xarunta (ICMPD) horumarintooda siyaasadaha socdaalka.
Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceelka-Nuurgadoow
Ciidanka geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca degaa nka ayaa howlgal qorsheysan oo guul leh ka fuliyay deegaanka Ceelka-Nuurgadoow oo hoostaga degmada Al-Koowsar ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Howlgalkan ayaa lagu beegsaday malleeshiyaad ka tirsan argagixisada Alshabaab oo u yimi deegaankaasi si ay biyo uga helaan ceelka.
Malleeshiyaadka Alshabaab oo xaalad harraad daran haystay ayaa la kulmay jawaab adag oo ka timid ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka, iyagoo cashar aan la ilaawaan ah u dhigay argagixidasa.
Alshabaab ayaa waxaa halkaasi loogu dilay tiro malleeshiyaad katirsan Alshabaab, iyadoo sidoo kale lagu burburiyay meelo gabaad u ahaa cadowga oo lagu garaacay madaafiic xooggan.
Ciidanka xoogga dalka ayaa mar walba u taagan difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulalka wali ay dhibaatada ka wadaan kooxaha Alshabaab.
Guddiga Qaran ee taageerada dagaalka Alshabaab oo booqday isbitaalada caasimadda
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya, Mudane Cabdisa laam Cabdi Cali, anha Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka Alshabaab Al-Shabaab iyo Daacish., ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada caasimadda oo lagu daryeellayo dhaawacyadii geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaannada ee waxyeelladu kasoo gaartay jiidaha hore ee dagaalka.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, oo mid mid u dul-istaagay dhaawacyada ayaa ka waraystay xaalladooda caafimaad, wuxuunna sheegay in dowladdoodu la garab taagantahay daryeel walba oo ay u baahan yihiin, lana socon doonto xaaladdaha ay ku sugan-yihiin.
Booqashada Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka iyo xubnaha guddiga, oo warbixinno kala duwan ka dhagaystay howl-wadeennada gacanta ku haya dhaawacyada ayaa kula dardaarmay in ay ugu adeeggaan si hufan geesiyaasha u dhaawacmay halganka dalka looga sifeynayo kooxaha arxanka daran ee Alshabaab ah.
Mudane Cabdisalaam, oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddigan uu yahay mid Qaran oo ka howlgallaya dhammaan gobollada dalka, iyaga oo si buuxda u garab istaagaya ciidamada qalabka sida, kuwa maamul gobolleedyada, dadka deegaannada, wuxuunna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay si buuxda uga qeyb qaataan difaaca dalka iyo diinta.
Wasiir Maareeye oo furay kulan looga hadlayay kobcinta wax soosaarka dalka
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ku dhawaaqay kulan hordhac ah oo ku saabsan "Shirka Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha (NAFIS)” kaasoo diiradda lagu saarayo kobcinta wax soosaarka dalka iyo helidda maalgelin ballaaran oo lagu horumarinaayo dhaqaalaha beeraha Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda, agaasimaha guud, agaasima waaxyad, lataliyayaasha iyo qaar ka mid ah howlwadeenada wasaaradda, ganacsatada beeraha, bangiyada, jaamacadaha iyo gabdhaha beeraha ka ganacsado.
Wasiirka waxa uu iftiimiyay in dalalka khaliijka ay shalay si toos ah u muujinayaan xiisaha ay u qabaan maalgelinta wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya, iyaga oo doonaya in ay iska ilaaliyaan cunno yari ku timaadda dadkooda.
Wuxuuna shegay in dalabyo iskaashi iyo maalgelin ay ka imaanayaan wadamadaasi, taas oo Soomaaliya u fureysa fursad dahabi ah.
Wasiirka duulista hawada oo la kulmay wasiirada duulista hawada ee dowlad goboleedyada
Wasiirka gaadiidka iyo Duulista hawada dowladda FS mudane Maxam -ed Faarax Nuux ayaa kulan Muqdisho kula yeeshay Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Dowlad-goboleedyada Hirshabeele, Galmudug iyo Wasiir kuxigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa ahaa mid isbarasho iyo is-xogwareysi ah, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u ee dhaxeysa heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, horumarinta Garoomada Dalka, Fududeynta isu socodka Dadka iyo Badeecadaha, iyo dardargelinta adeegyada duulimaadyada Rayidka ee Gudaha.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka dhageystay caqabadaha ka jira garoomada Dowlad Gobaleedyada iyo isku socodka deegaanada, waxaana laysla qaatay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo xal u helidda Caqabadaha ka jira Garoomada Dalka.
Ugu dambeyntii, waxaa kulanka laga soo saaray qodobo muhiim ah oo diiradda lagu saaray isku xirka bulshada ee iskaashiga lagula dagaalamayo Alshabaab, iyo ka qayb qaadashada duulimaadyada diyaarad aha, adeegyada gurmadka deg-degga ah.
Wasaaradda waxaa ka go’an in ay xoojiso wadashaqeynta iyo horum arinta adeegyada Gaadiidka, Garoo mada, Jidadka iyo Duulista Rayidka si loo gaaro himilooyinka qaran ee horumarineed.
Ciidanka xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Mudug
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa xalay howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceel-saacid ee koonfurta gobolka Mudug.
Ciidamada is-garabsanaya ayaa howl gallo qorshaysan kubeegsaday saldhi gyo iyo gaadiid dagaal oo ay kooxaha Alshabaab ku haysteen deegaankaas.
Saraakiisha Ciidammada ayaa xaqii jiyay in howlgallada lagu beegsaday saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Alshabaab, iyagoo intaa ku daray in ay xoojinayaan dedaallada ay dowl addu ugu jirto ka hortagga iyo ciribtirka kooxahan argagixisada ah ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka.
Saraakiishu waxa ay sidoo kale sheegeen in howlgalladan ay qayb ka yihiin qorshayaasha amni ee ka socda gobolka Mudug, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida deegaannada ay khawaarijtu ka joogaan.
Ciidammada Xoogga iyo kuwa deeg aanka ayaa u muuqda in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan hawlgallada lagu ciribtirayo Alshabaab, iyada oo ujeedaduna ay tahay in la xaqiijiyo amniga shacabka iyo dhismaha dowladnimada.
Amnesty International:-Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka xukunka dilka ugu badan fuliyay 2024
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in tirada dadka lagu riday xukunnada dilka ah ee sannadka 2024 ay si weyn kor ugu kacday.
Sida ku cad warbixin cusub oo ay hay’addu ka soo saartay 2024, waxa dil lagu fuliyay 1,518 qof, taasi oo ka dhigan in tiradu ay kor u kacday 32 boqolkiiba marka loo eego sannadkii kaasi ka horreeyay.
Tirakoobka Hay’adda Amnesty ayaa muujinaya in tirada dadka la toogtay sannadkii hore ay ahayd tii ugu badnayd tan iyo 2015, inkasta oo ay yaraadeen waddamada weli fulinaya xukunka dilka.
Waddanka loo arko in u yahya kan ugu badan ee fuliya dilka ugu badan caalamka waa dalka Shiinaha. Hase ahaatee, la ma hayo tirakoob rasmi ah oo sax ah oo ku saabsan dadka uu Shiinuhu dilay.
Sacuudi Carabiya ayaa kaalinta labaad ka galay isaga oo 345 dil, halka Ciraaq ay ku xigto iyadoo fulisay 63 xukun oo dil ah.
Amnesty waxay sheegtay in Iraan iyo Soomaaliya ay xukun dil ah ku fuliyeen afar qof oo dhallinyaro ah oo ka yar da’da 18 sano jirka.
Iraan iyo Afghanistan waa dalalka fuliyay dilalka fagaareyaasha lagu sameeyo ee dhacay sannadka 2024.
Xigasho:-BBC
Puntland oo markii ugu horraysay yeelatay hay'adda aqoonsiga dadweynaha
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay soo saaray Xeer madaxw eyne oo lagu dhisay hay’ad lagu maga caabo hay’adda Aqoonsiga Dadweyna ha Puntland (PID).
Tallaabadan cusub ayaa imaaneysa iyadoo uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan bixinta aqoonsiga dadweynaha oo ay Dowladda dhexe ee Federaalka dhawaan bilawday.
Puntland ayaa horey u diiday in barna amijkaas laga hirgeliyo deega anadeeda, iyadoo ku andacoonaysa in arrimaha aqoonsiga qaranku yihiin kuwo aan laga heshiinin oo la isku khilaafsan yahay.
Maalmo ka hor, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay, in dham maan hay’adaha bixiya adeegyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeya hay ay si waajib ah u bilaabaan istic maalka kaarka aqoonsiga qaranka ee biometriga si loo xaqiijiyo loona ansix iyo aqoonsiga muwaadiniinta.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaa lka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali, ayaa sheegay in kaarka aqoon siga qaranka lagu xiro adeegyada kala duwan.
Safiirka Israa'iil u fadhiya Itoobiya oo laga ceyriyay shirka Midowga Afrika
Avram Neguse, Safiirka Israa'iil u fadhiya Itoobiya, ayaa lagu qasbay in uu ka baxo shir ay lahaayeen Midowga Afrika Isniintii, kaasoo looga hadlayay xasuuqii Rwanda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa'iil, Ambassador Avram Negus, ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah ay ku qasbeen inay shirka ka baxaan, sababtoo ah waxay diideen inay ka qaybgalaan.
Wasaaradda, ayaa bayaan ay soo saartay, waxay ku cambaareysay hada lladii ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, oo ka soo baxay shirka ka dib markii Safiirka si qasab ah uga soo baxay shirka.
Yuusuf, oo u dhashay dalka Jabuuti, ayaa xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika la wareegay bishii Febraayo ka dib markii uu ku dhawaad 20 sano ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka yar ee Geeska Afrika.
"Waa wax laga xumaado in safiirka Israa'iil u fadhiya Addis Ababa, oo lagu casuumay madal lagu xusayay xasuuqii Tutsiga ee Rwanda, laga dhigo arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah Israa'iil," ayuu yiri.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa intaa ku dartay, "Marka hore, tani waa tallaabo aan la aqbali karin; marka labaad, waa xushmad darro lagu hayo xuska dhibbanayaasha. Waxay sidoo kale ka timid faham-darro aasaasi ah oo ku saabsan taariikhda dadka Rwanda iyo Yuhuudda."
Bishii July 2021, Israa'iil waxay dib ugu biirtay Midowga Afrika iyada oo qaab kor-joogteen ah ula shaqeysa.
Danjire Avram Neguse ayaa ka hor inta aan loo magacaabin safiirka Itoobiya waxa uu xildhibaan ka soo noqday xisbiga Likud ee Ra'iisal wasaare Benjamin Netanyahu.
Wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil ayaa yiri "...waxaan qaadi doonnaa tillaabooyinka dublamaasiyadeed ee lagama maarmaanka u ah, annagoo kaashanayna dhinacyada ay khuseyso.
Waxaa xusid mudan in bishii Febraayo 2023, dublamaasiyiinta Israa'iil sidoo kale lagu amray inay ka baxaan shir-madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee Addis Ababa, halkaas oo ay joogeen madax Afrikaan ah.
Ilaa iyo imika ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka midiwga Afrika oo ku aadan dhacdadan ugu dambeysay.
Falkan Midowga Afrika ayaa imaanaya iyadoo Israa'iil ay sii xoojisay howlgalada milateri ee ay ka wado Gaza oo ay dad badan ku dhinteen.
Waxaa xusid mudan in 1,200 oo qof lagu dilay 253 kalena lagu qafaashay weerarradii ay Xamaas ka fulisay oo ka dhacay gudaha Israa'iil.
In ka badan 50,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duullaanka ay Israa'iil ku hayso Qaza, sida lagu sheegay xogta wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Badankoodu waa haween iyo carruur.
Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in saddex meelood labo meel dhismayaasha Qaza ay ku burbureen weerarada abaabulan ee Israel ay ku hayso dhulkaas.
Koonfur Afrika oo xubin ka ah Midowga Afrika, ayaa horey dacwad u gudbisay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, iyadoo sheegtay in weerarka Israa'iil ay ku qaadday Qaza uu ka dhigan yahay fal xasuuq ah.
Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo bishii November ee la soo dhaafay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada oo ka dhacay Gaza.
Israa'iil aya dhankeeda cambaareysay amarkan ka soo baxay maxkamadda ee ku aadan marinka Qaza.
XIGASHO:BBC
Mareykanka oo dib uga noqday go’aankii lagu jaray deeqihii degdegga ahaa ee WFP ee Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay dib uga laabatay go’aan hore oo ay ku jartay deeqihii degdegga ahaa ee Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee loo qoondeeyay 14 dal oo sabool ah, Soomaaliya ay ka mid tahay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in qaar ka mid ah qandaraasyadii lagu bixin lahaa gargaar badbaado ah si qalad ah loo jaray.
Jaristaasi ayaa si toos ah u saameysay nolosha lix milyan oo qof oo Soomaaliyeed, kuwaas oo wajahay cunto yari ba’an.
Hoos u dhaca guud ee deeqaha bani’aadamnimo ee Bariga Afrika ayaa si weyn u dhaawacay barnaamijyada samafalka ee Soomaaliya, halkaas oo malaayiin qof ay la tacaalayaan xaalado nololeed oo aad u adag.
Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa digniin adag ka bixisay khatarta yaraanshaha deeqaha, iyadoo sheegtay in haddii hoos u dhac kale yimaado, malaayiin qof ay si buuxda ugu dhici karaan xaalad macaluul daran.
Bishii Maarso ee sanadkan, WFP ayaa sheegtay in 3.4 milyan oo Soomaali ah ay durbaba ku sugan yihiin heerar halis ah ama ka sii daran oo cunto yari ah. Hay’addu waxay sidoo kale shaacisay in laga bilaabo Abriil 2025 ay caawimaad raashin iyo mid lacageed siin doonto 820,000 oo qof bishii, halka 2024 ay gaarsiisay 2.2 milyan oo qof bishii.
Maxamed Cilmi Afrax, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha gargaarka iyo falanqeeye siyaasadeed oo muddo dheer ka shaqeynayay gudaha Soomaaliya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in saameynta dhimista deeqaha ay tahay mid caalami ah, balse "si gaar ah u saameyneysa qaaradda Afrika.”
"Gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya wuxuu laf-dhabar u yahay nolosha dadka gudaha ku barakacay, kuwa colaadaha saameeyeen iyo bulshooyinka kale ee nugul ee si buuxda ugu tiirsan caawimaadda gargaarka,” ayuu yiri Afrax.
Facebook oo xayiraado cusub soo rogay
Shirkadda Meta ayaa xannibaado hor leh ku soo rogtay dadka da’oodu ka hoosayso 18 sano ee isticmaala Facebook iyo Messenger.
Sharciyadan cusub ayaa xaddidaya in carruurtu ay baahin toos ah ka samayn karaan Facebook iyaga oo aan oggolaansho ka haysan waalidkooda.
Nidaamkan oo markiisii hore laga dhaqangeliyay barta Instagram, bishii September ee kal hore ayaa ujeeddadiisu tahay in laga ga hortago waxyaabaha la soo dhigo baraha bulshada ee aan ku habboonayn da’yarta.
Laakiin dadka qaar oo qorshahan ka soo horjeeda ayaa ku tilmaamay in waxyaabaha qaarkood ay cadaadis u muuqdaan.
Qorshaha Meta waxa uu saamayn doonaa malaayiin da’yar ah oo caalamka ku nool.
Dhallinyarada qaar ayaa BBC-da u sheegay in ay weli ay fududahay in da’da laga been sheego.
Meta waxa ay sheegtay bilaabi doonto isticmaalka garaadka macmalka ah si loo aqoonsado dhallinyarada laga yaabo in ay been ka sheegaan da'dooda.
Dadkii Mareykanka ku tegay barnaamijkii Biden oo lagu amray inay degdeg dalka uga baxaan
Kumannaan muhaajiriin ah oo Mareykanka tegay xilligii maamulka Biden isla markaana ku baxay barnamaij gaar ah oo jadwal loogu sameeyay ballamaha dadka magangalyo-doonka ah ayaa lagu amray inay dalkaasi degdeg uga baxaan.
Ku dhowaad 900,000 oo muhaajiriin ah oo dhanka koofureed kasoo galay kuna tegya barnaamijka, CBP One, ayaa loo oggolaaday inay Mareykanka joogaan muddo labo sano ah ayna uga shaqeystaan si sharci ah.
Haatan, qaar badan oo ka mid ah ayaa lagu wargeliyay in lagala laabtay fursaddaas ayna ciqaab mudan doonaan haddii ay kusii negaadaan Mareykanka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa muddo ballan-qaadayay in muhaajiriin badan uu ka saari doono Mareykanka.
Mareykanka iyo Ruushka oo ku kulmi doona Turkiga
Wakiillo ka kala socda Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku kulmi doona Istanbul maalinta Khamiista ah. Waa tallaabo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in la caadiyeeyo hawlaha safaaradaha labada dal, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.
Wada xaajoodkan, oo lagu qaban doono qunsuliyadda Ruushka ee caasimadda Turkiga ayaan lagu soo qaadi doonin arrimaha siyaasadeed iyo kuwo amni, sida uu Maraykanku sheegay.
"Ajendaha kuma jirto Ukraine gebi ahaanba," ayuu yidhi afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda, Tammy Bruce.
Dhinaca Ruushka waxa wadahadalkan hoggaamin doona safiirkooda cusub ee Maraykanka, Alexander Darchiev, halka waftiga Maraykanka ay hor kacayso ku-xigeenka xoghaya guud ee Arrimaha Dibadda, Sonata Coulter, sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, Washington iyo Moscow, mid walba waxa ay eriday dhowr diblomaasi iyaga oo xaddiday magacaabista danjirayaal cusub. Xidhiidhka diblomaasiyadeed ayaa gebi ahaanba burburay kaddib markii Ruushku uu duullaan xoog badan ku qaaday Ukraine sannadkii 2022.
Iiraan oo shuruudo adag ku xidhay wada-hadalka nukliyeerka iyo Trump oo u hanjabay
Iiraan ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho dalka Maraykanka oo aaddan barnaamij keeda nukliyeerka oo lagu wado in uu dhici doono maalinta Sabtida ee tod dobaadkan, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi.
Laakiin Madaxweyne Donald Trump waa inuu marka hore oggolaadaa aanay jirin "tallaabo millateri," ayuu yidhi Araghchi, wuxuuna intaa ku daray in Iraan aanay "weligoeed cadaadis aqbali doonin."
Wuxuu sidoo kale sheegay in wadahadallada ka dhici doona Cummaan ay noqon doonaan kuwo dadban, taasi oo lid ku hadalka uu Trump Isniintii sheegay ee ahaa in iyaga iyo Iiraan ay u wada hadli doonaan si toos ah.
Trump oo ka baxay heshiiska nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iiraan iyo quwadaha caalamiga ah sannadkii 2015-tii ayaa ku gooddiyay in Iiraan ay ku wajihi doonto "khatar weyn" haddii aanay wadahadalladu guulaysan.
HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES DAILY NESPAPER 10 APRIL 2025
.