halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 06-4-25

0
Sunday April 06, 2025 - 08:01:41 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 06-4-25

    .........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.........

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Taliyihii guutada 14-ka October ee xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, Ciidanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, geerida Alle ha u naxariistee, Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyihii Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in Taliye Nuur Farey uu ahaa halgamaa daacad ah oo nolol iyo nafba u huray difaaca Qaranka iyo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo dhammaan shuhadada Ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay wado baaritaan dhameystiran oo ku saabsan weerarkan argagixisanimo, waxa uuna adkeeyey go’aanka adag ee dowladda ee ku saabsan in la sii laba jibbaaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee cadawga ku ah nabadda iyo xasilloonida dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Uganda kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, ayaa wada-hadallo miro-dhal ah la yeeshay Madaxwaynaha martida loo yahay mudane Yoweri Museveni.

Kulanka labada Madaxwayne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo ay ka mid yihiin:

1. Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.

2. Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyaga oo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka geeska Afrika.

3. Labada Madaxwayne ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay billaabashada hawlgalka cusub ee AUSSOM.

4. Labada Madaxwayne ayaa adkeeyay dardargalinta taageerada caalamiga ee ku aaddan dhaqangalinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo kobcinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka.

5. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale is-dultaagay is-afgaradkii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen, iyaga oo faray hay’adaha ku shaqada leh in ay dardargaliyaan dhaqangalintiisa.

6. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Uganda soo dhawaynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isaga oo casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo magaalada Muqdishu u fidiyay Madaxwayne Museveni.

7. Dhankiisa, Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo dhanka kale aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu muddada soo aaddan.

Madaxweyne Xasan oo gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxwanaha Jamhur-iyada Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Booqashada shaqo ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ku tagay dalka Uganda ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Al-shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada Madaxwayne ay sidoo kale ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaaden hogamiyeyasha dowlad goboledyada Konfurgalbed, Hirshabelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo cadawga Al-shabaab ah.

Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Al-shabaab, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka argagaxisada ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa mudnaanta koowaad siinaya xoojinta midnimada ummadeed ee ku wajahan ka-miro-dhalinta halganka dalka looga xoreynayo cadawga arxanlaaweyaasha ah.

Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Al-shabaab.

Ciidanka Booliiska oo soo xiray Cabdiraxmaan Suleyman oo ku kacay falal ku liddi ah Amniga qaranka

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliiska ee degmada Xamarweyne ayaa xalay soo xiray Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac, oo ku eedeysan inuu ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka.

Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo qoraal ka soo saaray xarigga Cabdiraxmaan Suleymaan ayaa sheegay la horgeyn doono "Maxkammada Awooda u leh.”

"Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Al-shabaab ah, qof walba oo ku kaca falal liddi ku ah Ammanka Qaranka waxa uu wajihi doonaa hay’adaha cadaaladda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Midowga Afrika iyo Soomaaliya oo isku raacay in 2,500 oo askari oo Itoobiyaan ah la geeyo Soomaaliya

Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ayaa oggolaaday in 2,500 oo askari oo Itoobiyan ah la geeyo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

Masar ayaa sidoo kale lagu wadaa in ku dhawaad 1,100 askari ay ku biiriso howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Tirada guud ee ciidamada militariga ee loo oggolaaday inay ka qeyb qaataan AUSSOM, oo si rasmi ah u bilaabatay bishii Janaayo, ayaa ka yar 12,000 oo askari, marka laga reebo ciidamada Booliska iyo kuwa kale ee ammaanka.

Uganda ayaa ku biirin doonta 4,500 oo askari howlgalka AUSSOM, halka Jabuuti iyo Kenya lagu wado in ay soo diraan 1,520 iyo 1,410 nabad ilaalin ah.

Tirada ugu dambeysa ee ciidamada ku biiraya AUSSOM ayaa waxaa xaqiijiyay guddiga isku xirka howlgallada Soomaaliya (SOCC) oo qaabilsan howlgalka nabad ilaalinta.

AUSSOM ayaa bedeshay Hawlgalka Ku-meel-gaadhka ah ee Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) bilowgii sannadkan, laakiin waxa ay weli caqabad ku tahay arrimaha maalgelinta inkastoo ay taageero ka helaan AU iyo UN. Warbixin la soo saaray Agoosto 2024 ayaa tilmaameysa in wax ka yar 13,000 oo ka mid ah 20,000 oo askari ee ka qeyb qaadanayay ATMIS ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

AUSSOM waxaa loo qorsheeyay inay shaqeyso ilaa dhamaadka 2028. Marka laga reebo ciidamada hoos yimaada AUSSOM, dhowr boqol oo boolis ah oo ka socda Masar, Nigeria, iyo Sierra Leone ayaa lagu wadaa in la geeyo Muqdisho, Jowhar iyo Baydhabo, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.

War ka soo baxay la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya ayaa tilmaamaya in durbaba ay socdaan howlgalo ciidan oo ay iska kaashanayaan ciidamada AUSSOM iyo kuwa qaranka Soomaaliya.

Arimahan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaanahan ay kordheen weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab oo uu kamid yahay weerar lagu qaaday kolonyo uu la socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana dib u soo cusboonaatay duulaanka ka dhanka ah kooxda Alshabaab sida lagu arkay duqeymo ay fuliyeen ciidamada cirka Mareykanka iyo kuwa Itoobiya.

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka warbixisay Shirkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Shirkii u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyeyasha dowlad goboleedyada Koofurgalbed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas o horudhac u ah baaqii Madaxwynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa sidoo kale xambaarsanaa ahmiyada ay leedahay dardargelinta si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo Al shabaab oo ay iska kaashanayan Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda,

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka argagaxisada ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay qaar ka mid ah ciidanka difaaca deegaanada shabeellaha dhexe

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Ciidanka difaaca deegaanka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka geysteen difaaca dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha al-shabaab” wax aan idiin ka mahad celinayaa sida geesinimada leh ee u difaacdeen diinta, dalka iyo sharafkiina”. ayuu yiri Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

Taliye Odowaa ayaa sheegay in dhowaan la dhamaystiri doono haraadiga al-shabaab ku soo duulay diinta iyo dalka” Al-shabaab diinta nalama leh ehel ma ah waayo wuxuu kuu arkaa Gaal” al-shabaab waxay ka shaqaysaa in hooyadii la dilo in walaalkii la dilo in dhiiga muslimiinta la daadiyo.

Taliyaha Xoogga oo ka hadlay isa soo dhiibayaasha al-shabaab ayaa yiri” Wax badan intaa dagaalka ku jirnay waxaa arki jirteen anagoo leh ha isa soo dhiibaan hadda waxaan leenahay ha isa soo dhiibina Meeshiina ku jira,meeshiina ayaa la idin ku soo afjarayaa”.ayuu yiri taliye Odowaa.

Ciidanka xoogga oo hawlgalo ka fuliyey deegaano ka tirsan Galgaduud

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururada 242-aad iyo 243-aad, ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaannada Jilib Qoodhiley, Qori Madobe, iyo deganka Cali Yabaal, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan gobolka Galgaduud.

Taliyayaasha ururadaasi, dhame Bashiir Qorane (Ururka 242) iyo dhame Cabdi Daahir Xirsi (Ururka 243), ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay in laga hortago dhagarta ay maleegayaan kooxaha Al-shabaab ah ee caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa howlgalka ku burburiyay xarumo ay Al-shabaab ku dhuumaaleysanayeen, iyagoo sidoo kale xaqiijiyay in deegaanadaasi hadda ay yihiin kuwo amnigooda la xaqiijiyay.

NISA oo fulisay lix howlgal oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad Al-shabaab ah

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo fulisay 6 howlgal oo lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab.

Howlgalada ayaa ka dhacay gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyadoona sidoo kale lagu burburiyey xarumo ay Argagaxisadu ku dhibaateyn jirtay shacabka Soomaaliyeed.

Wax ka Ogoow Diyaaradda Bayraktar Akinci

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono difaca Qaranimada iyo badqabka Dhuleed, iyadoo mid ka ah ay tahay Diyaaradan Akinci, waana nooca aan duuliyaha laheyn ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada, waxaana soo saarta shirkadda duulista iyo difaaca Turkiga ee Baykar, waxaana loogu talagalay inay fuliso howlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro uu bartilmaam-eedkoodu sax yahay, ilaalin, iyo taliska iyo howlgallada ciidamada.

Akıncı UAV waxa ay qaadi kartaa Rasaas, Gantaalo iyo Bambooyin ay ka mid yihiin MAM-L, MAM-C, Cirit, Giidance Guidance Kit (KGK)-MK-82 iyo SOM-A. Diyaaradaan waxay hawada ku jiri kartaailaa iyo 25 saacadood, waxaana kaloo loo isticmaala Tiknoolajiyada Sirdoonka macmalka ah ee laga soo saaro Turkiye. Waxaa lagu tilmaamaa diyaarad leh "awood go’aan qaadasho” iyada oo ku habaysan xogta ay ka hesho dareemayaasheeda, iyada oo adeegsanaysa kombuyuutar Sirdoon oo ku shaqeeya garaad macmal ah.

Akıncı waxay qaadi karta ugu badnaan culeys dhan 5500+ kg, waxay leedahay laba matoor oo turboprop ah oo awood u siinaya inay hawada sare u gasho joog dhan 38,039 ft oo ay ku gaari karto muddo 25 saacadood ah masaafo 7,507 km, waxayna ku qalabeysan tahay hannaan awood leh oo ay ku qaadi karto weerarrada elektaroonig ah ,iyadoo adeegsanaysa nidaamyada ka-hortagga, nidaamyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka, radar hawada-ilaa-hawo iyo radar-ka-hortagga shilalka.

Heshiisyada dhoofinta ee lala saxeexday ayaa gaaraya 11 Waddan, Bayraktar AKINCI TIHA waxay sii waddaa fulinta howlgallada gobollada kala duwan ee adduunka, waxayna door muhiim ah ka ciyaartay baadigoobka iyo samatabbixinta ka dib shilkii diyaarad helicopter ah oo ay la socdeen Madaxweynihii Iran Ebrahim Raisi iyo wafdigiisa 19-kii May, 2024-kii, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Turkiye Anadol.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale u adegsatay weerarada ka dhanka ah kooxda PKK ee Kurdiyiinta, iyadoo Meelaha kale ee ay ka howlgashay ayaa ka mid ah Libiya oo ay Turkiga u adeegsadeen ciidamada Janaraal Khalifa Haftar.

Haddaba Muhiimada ay u leedahay Soomaaliya diyaaradan ayaa Dadka ka faallooda arrimaha Ciidamada ayaa tibaaxaya dhowr arrimood:-

•Inay ku hubeysanyihiin ciidanka Soomaaliya diyaaradda Bayraktar Akınci , waxay siinaysa gacan sarreyn ay kaga gudbayaan dheelitirkii awoodda ee u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo kooxaha sida AS.

• Waxaa adkaanaysa inay nolal ku laabtaan koox kasta oo weerar ku qaada saldhigyada ciidanka xoogga , sabab la xiriirta masaafada deg deg leh oo goob kasta oo Soomaaliya ay ku gaari karto diyaaradan!

• Diyaaradan waxay leedahay hannaan sirdoon oo awood u siinaya ciidanka Soomaaliya inay fuliyaan howlgallo gaar ah oo ay ku begsanayan xubnaha sare ee AS.

• Bayraktar Akınci , waxaa kaloo ay Soomaaliya awood u siinaysa inay ilaaliso hawadeeda oo diyaaradan ayaa ka hortagi karta diyaarad walba oo soo gasha hawada Soomaaliya.

•Akınci, waxaa kaloo ay fulin kartaa howlgalo baadi goob iyo sahmin isugu jira.

• Waxayna awoodaan labadan diyaaradood inay muddo ka yar afar bilood ku burburiyaan saldhigyada AS ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, haddii ay helaan gantaallada iyo xogta sirdoon ee bartilmaameedyada.

• Heli-taanka diyaaradaha waa in goob kasta oo ka tirsan Soomaaliya ay howlgallo ka fulin karaan ciidanka Soomaaliya, sababtoo ah saacadii waxay ku gaari kartaa masaafo dhan 277 km illaa inta u dhaxeysa 361 km.

Ma aha diyaaraddii u horreyay ee aan duuliyaha laheyn oo ay Soomaaliya hesho, horey waxay ciidanka Soomaaliya u heysteen diyaaradda Turkiga uu soo saaro ee Bayraktar TB2.

SSC Khaatumo oo xaqiijisay in Raysal wasaare Xamse uu booqasho ku tagayo Laascaanood

Maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa shaaciyay in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu booqasho rasmi ah ku tagi doono magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Diinta iyo Awqaafta maamulka KMG SSC Khaatumo Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa warbaahinta u sheegay iney u diayar garoobeen soo dhoweynta Raysal wasaare Soomaaliya.

"Waxaan u diyaar garoownay imanshaha Raysal Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya oo la filayo inuu yimado magaalada Laascanod” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Diinta iyo Awqaafta maamulka SSC Khaatumo Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Wasiir Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in amaan ahaan maamulka SSC Khaatumo uu ka mid yahay maamulada ugu amniga wanaagsan guud ahaan dalka.

"Maamulka SSC Khaatumo waa maamulka ugu amniga fiican marka loo eego maamul goboleedyada hadda jira, Shacabka way sugi la’yihiin imaanshaha Raysall Wasaaraha Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Xijaar.

Si kastaba ha ahaatee Wasiir Xijaar ma shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu booqashada ku tagayo magaalada Laascaanood Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, kaasoo sawiradiisa lagu dhajiyay wadooyinka waa weyn ee magaalada Laascaanood.

Hadii uu booqasho ku tago Raysal wasaaraha Soomaaliya magaalada laascaanood waxay noqon doonta markii ugu horeysay oo Raysal Wasaare uu tago magaaladaas mudo ka badan 50 sano.

Xukuumadda Somaliland oo amaro lagu xoojinayo nabadda kusoo rogtay degmada Ceel-afwayn

Xukuumadda Somaliland ayaa mamnuucday in dadka rayidka ahi hub ku dhex qaataan degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag, kaddib markii uu iska hor imaad dhowaan ku dhexmaray beelo deegaankaas wada dega.

Xukuumaddu waxay amaradan soo rogtay kaddib shir dib-u-heshiisiin ah oo dhexmaray dadka deegaanka, kuwaas oo ay hore u dhexmareen dagaallo soo noqnoqday.

"Shalay hawlgalkii ayaanu bilaabaynaa. Cid kasta oo degmada Ceel-afwayn lagu qabto iyadoo qori wadata, waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan. Lama arki karo ciidan madani ah oo hub magaalada ku dhex sita ama lasoo galay," ayuu warbaahinta u sheegay Gudomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada madaniga ah ee ku sugan deegaanka Ceel-afwayn, ee aan weli la qaramayn, loo samayn doono xeryo ay ku sugnaandoonaan inta la qaramaynayo, isla markaana haddii magaalada lagu arko qof xidhan labis ciidan oo aan ka tirsanayn ciidanka rasmiga ah, lagaga saari doono suuqa dhexdiisa.

Guddoomiye Muuse waxa uu xusay in guul weyn laga gaadhay qorshaha nabadaynta gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo, islamarkaana gobolka ay ka socoto hub ka dhigis guud oo lagu samaynayo shacabka si loo xoojiyo nabadda iyo wada-noolaanshaha dadka deegaanka.

Xukuumaddu waxay sidoo kale gogol nabadeed dhigtay magaalada Ceerigaabo, kaddib markii la qaramay ciidamadii madaniga ahaa ee halkaas ku sugnaa. Waxa kale oo ay ugu baaqday ku dhawaad 45,000 oo qof oo magaalada ka barakacay in ay dib ugu soo noqdaan.

Tiro Hoobiyeyaal ah oo shalay lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa shalay ku dhacay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo geeystay khasaare hantiyadeed iyo dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Illaa iyo Afar Madfac ayaa siyaabo kala duwan ugu dhacay xaafadaha ku yaala Degmooyinka Boondheere, iyo Warta nabadda oo waxyeelo gaarsiiyay dad rayid ah oo qaar kood ganacsanayay.

Madaafiicda mid ka mid ah ayaa waxa uu ku dhacay Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah howldeennada Tiyaatarta oo magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey.

Laba ruux oo Shacab ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay Hoobiye ku dhacay Barxadda Wartanabadda, Halka mid kale oo ku dhacay Boondheere la wariyay in uu ku dhacay Guri Dad Shacab ah ay deganyihiin.

Laamaha ammaanka ayaa xiray goobihii laga soo wariyay inay hoobiyeyaashani ku dhaceen inkastoo wali aysan faah faahino kabixin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iyo goobihii laga soo tuuray.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo 17 jira oo guul daro qaraar kala kulmay Xulka Gambia

Xulka qaranka Gambia ee da’doodu ka hooseyso 17 jirada ayaa dib u soo nooleeyay rajadooda u soo bixida koobka qaramada Afrika kadib markii ay 5-1 kaga badiyeen xulka Soomaaliya ciyaartii labaad ee Group C Jimcihii 4-ta April, ciyaar ka dhacday garoonka Ben Ahmed El Abdi ee dalka Morocco.

Gambia ayaa si adag uga jawaabtay ka dib markii ay guuldaro kala kulmeen dalka ay dariska yihiin ee Senegal ciyaartii ugu horeysay, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 3-0 oo ay hogaanka ku hayeen xulka Gambia.

Gambia ayaa daqiiqadii 4-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Aliou Drammeh kaas oo dhaliyay gool ku laad ka dib markii saaxiibkiis Alajai Baba lagu riday xerada ganaaxa.

Xulkaan Gambia ayaa daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta sii dheereeystay hogaanka ciyaarta, markii goolkii labaad uu dhaliyay Ciyaaryahan Boubacar Sosso.

Gambia ayaa inta aysan dhamaan qeybta hore ee ciyaarta goolka 3-aad ku dartay gool uu iska dhaliyay daafaca Soomaaliyeed ee Liibaan Kalief, kaasoo isna shabaqa ku hubsaday, Anas Ciise ayaa dib usoo nooleeyay rajadii Soomaaliya ee dib u soo laabashada kadib markii uu gool dhaliyay horaantii qeybta labaad.

Ciyaaryahan Drammeh ayaa markale dhaliyay seddexleydiisii ​​​​daqiiqadii 76aad, Waxaa Goolkii 5aad raaciyay Bisente Mendy oo bedel ku soo galay.

Natiijadu waxay sare u qaadday niyadda Xulka Gambia oo heshay saddex dhibcood, iyadoo soo noolaysay rajadeeda u soo bixitaanka wareegga xiga, ka hor kulanka ugu dambeeya ee Group-ka ay la ciyaari doonto Tunisia.

Xulka Soomaaliya oo la kulmay guuldaradii labaad oo xiriir ah ayaa wajihi doona xulka ugu cadcad Group-ka ee Senegal kulankooda ugu dambeeya ee Group-ka.

Madaxweyne Laftagareen oo ka hadlay geerida Taliyihii Guutada 14-ka October

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose.

"Waxaan uga tacsiyeynayaa ehelka, qaraabada, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Gaashanle Sare Nuur Farey Gabow, oo ahaa Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xooga Dalka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa waxa uu war qoraal ah ku sheegay in Taliyuhu uu ahaa geesi qaran, shaqo wanaagsana u soo qabtay dalkiisa.

"Taliye Nuur Farey wuxuu ahaa geesi qaran, shaqo wacan ka soo qabtay dalkiisa. Intii uu noolaa waxa uu muujiyay daacadnimo, karti iyo waddaniyad. Waxaan Alle uga baryaynaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qaraabada iyo Ciidanka Xoogga Dalka.” Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Taliyaha ayaa shalay lagu dilay duleedka Degmada Afgooye, waxaana la sheegaya in uu dilay nin isku soo dhex qariyay ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in ninkaasi oo ku hubeysnaa qori AK47 ah uu rasaas ku faray Taliyaha, xilli uu socday diyaargarow ku aaddan, sidii ay ciidamadu ugu laaban lahaayeen goobihii ay dhawaan soo banneeyeen, sida Awdheegle iyo Sabiid & Caanoole oo maleeshiyada Al Shabaab ay qabsadeen.

Inkastoo masuuliyiinta Dowladda Federaalka aysan weli ka hadlin waxa uu ninkan ahaa, haddana waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in ciidamadu ay dileen ninkaasi.

Taliska Booliska Qeybta Gobolka Banaadir oo sheegay inay xireen Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shacabka

Taliska Booliska Soomaaliya qeybta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Degmada Xamar Wayne ay xireen Cabdi Raxmaan Suleymaan Jaamac, oo ah Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Shacabka.

Bayaanka Booliska ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Suleeymaan uu yahay qof Eedeysane ah kaas oo ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka inkastoo aan lagu sii faah faahinin bayaanka nooca falalka ay Boliska sheegen inu Abdiraxman ku kacay.

Waxaa ay sidoo kale ay sheegeen Booliska in Cabdiraxmaan Suleeymaan ay horgeeyn doonaan Maxkammada Awooda u leh inay qaado dacwadda loo haysto.

Markii gacanta lagu dhigayay Cabdiraxmaan waxaa gaariga la saarnaa xildhibaan Cabdikariin Deyr Cabdi oo kamid ah Xildhibaanada SSC Khaatumo ku matala Golaha Shacabka, waxaana uu warbaahinta u sheegay in markii la qabanayay Cabdiraxman ay kasoo baxeen Hotel Sanaag.

Waxa uu shaaca ka qaaday in 3 wiil oo ku socotay Mooto Fekon gadaalna uu ka joogay gaari Cabdi bille uu ku buufsanaa NISA ayna gaariga Cabdiraxmaan kala degeen muddo kadibna isagii lagu amray inuu gaariga ka gado waxaana loo kaxeeyay dhinaca Godka Jilicow.

Cabdiraxman Suleymaan oo ah Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Shacab ayaa dhowaan wareysi uu siiyay Shabeele Tv waxa uu si kulul u weeraray madaxda Dowladda uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

"Afgooye iyo Balcad meel ka sokeysa ayey DFS difaac uga jirtaa, Saadkii Ciidankana waa la xaraashtay, MW Xasan Sheekh waa fashilmay anagoo Xisbiyo dhowr ah ayaana Ingiriiska iyo Mareykanka ku dacweynay” ayuu ku yiri Wareysigaan uu siiyay Tv ga Shabeele.

Maamulka iyo Shacabka Degmada Xudur oo iskugu soo baxay Salaad Roob Doon

Wararka ka imaanaya Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Boqolaal ka mid ah shacabka magaalada ay isugu soo baxeen Garoonka Kubadda Cagta lagu ciyaaro ee Dr Waaberi ee magaalada xuddur, iyagoo tukadey Salaad roob doon ah oo ay kala soo qayb galeen mas'uuliyiinta heer Gobol iyo mid degmo.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Axmed Maxamed oo shacabka la hadlaayay ayaa sheegay inay alle baryadiisa badiyaan si degaanadooda culeeska uu kaga feedo.

Sidoo kale dadkii goobta shacabka kula hadlay waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Gobolka iyo Siyasada iyo gudomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo dhammaantooda alle uga baryay Dadka Gobolka ku nool inuu naxariistiisa la soo gaaro.

Salaadaan roob-doonka ah ayaa ku soo aadeysa xilli deegaanka uu wajahayo Abaar daran, kuleeyl iyo Biyo la’aan saameyn ku yeelatay nolasha dadka iyo xoolaha.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray deganaadaan abaar aad u adaran oo dadka qaarkiisa ku qasabtay inay usoo barakacaan magaalada Muqdisho halka kuwa kalana ay maciin bideen inay noloshoodi la raadsadaan meelo kale oo badbaado u ah naftoodi.

Carro ka dhalatay weerar ay Israel ku qaadday xarun uu Sacuudiga ku leeyahay Gaza

Carro xoog leh ayaa ka dhalatay, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay Khamiistii garaaceen bakhaar ay ku jireen sahay caafimaad, oo ay leedahay Xarunta Dhaqanka & Hiddaha Sacuudiga ee Marinka Gaza.

Diyaaradaha Israel ayaa bartilmaame-edsaday xaruntan oo ku tiilay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, iyadoo welibana uu ka babanayay Calanka Sacuudiga, lana ogyahay in Boqortooyadu ay leedahay. Weerarkan ayaa ah kiisii ugu horreyay ee Israel ku qaaddo xaruntaasi.

Dowladaha Bariga Dhexe ayaa weerarka ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, maadaama bakhaarkaasi uu ku kaydsanaa sahay caafimaad oo muhiim ah, isla-markaana loogu talagalay dadka bukaan socodka ah iyo kuwa ku dhaawacma weerarada Gaza.

Ururka ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay weerar kale oo Israel ku ekeysay Dhismaha Dugsiga Dar Al-Arqam ee waqooyiga Marinka Gaza. Dugsigan ayaa waxaa ku soo barakacay qoysas lagu khasbay inay ka qaxaan guryahooda.

Xafiiska Warfaafinta Xamaas ayaa sheegay in illaa soddon qof ay ku dhinteen weerarkaasi, oo ay ku jiraan 18 carruur ah, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacantay.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa si xoogan u cambaareysay labadaasi weerar iyo kororka weerarada Israel ee sida joogtada ah loogu bartilmaameedsanayo shacabka aan hubeysneyn iyo meelaha ay gabaadsanayaan.

Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku dhalleeceysay aamusnaanta caalamka iyo maqnaanshaha isla xisaabtanka, isla-markaana ay taasi u ogolaatay Israel inay sii waddo ficiladeeda argagaxa leh.

Riyadh ayaa caalamka ku boorisay in la difaaco sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo in la qaado tallaabooyin lagu la xisaabtamayo dembiiyeyaasha dagaal.

Riyadh ayaa dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu baaqday in ay adeegsadaan saamayntooda, isla-markaana ay si degdeg ah u joojiyaan dhibaatada ay Israel ku hayso shacabka Falastiin.

Si kastaba ha-ahaatee carrada dowladaha gobolka iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka muujiyeen weeraradaasi ayaa lagu sheegay carradii ugu weynaa ay u muujiyaan Israel, muddadii sanadka iyo barka ahayd ee ay xasuuqa iyo burburinta ka gaysaneysay Marinka Gaza.

In ka badan 50,600 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza, tan iyo bishii October ee sanadkii 2023, halka in ka badan 114 kun oo kalena lagu dhaawacay, iyadoo dhibaneyaashu ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

Xuuthiyiinta oo dhuunta u galay Mareykanka iyo Israel

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay inay dardargelinayaan hawlgaladooda militari ee ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin ee ku nool Marinka Gaza.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi ayaa sheegay in weeraradooda ay hadda uun bilow yihiin, cadowguna uu wajahi doono weeraro cusub.

Hoggaamiyaha ayaa khudbad uu ka jeediyay Telefishinka Al Masirah ku sheegay in inta Israel ay gumaadka ka waddo Gaza ay iyana sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan gudaha Israel iyo maraakiibta mareysa Badda Cas ee laga leeyahay Mareykanka iyo Israel.

"Waanu sii wadi doonnaa is hortaagga aynu ku hayno Mareykanka oo gacan siinaya cadowga Israel, isaga oo ilaalinaya, kuna taageeraya gardarrada ka dhanka ah Falastiin iyo shacabkeenna.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa sheegaya in markabka diyaaradaha xambaara ee USS Harry S. Truman uu ku jiro xaalad baacsi ah oo joogta ah, ka dib markii ciidamadiisu ay xoojiyeen weerarada ay ku hayaan.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa Jimcihii weerar cusub ka gaystay bartamaha Israel, kaas oo ah weerarkii ugu dambeeyay ee ay la beegsadaan Israel.

Militariga Israel ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo ka timid jihada Yemen.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in ciidamadoodu ay weerareen saldhig militari oo ku yaala Magaalada Tel Aviv, iyadoo la adeegsanayo diyaarad drone ah. Waxa uu intaasi ku daray in uu hawlgalkaasi guuleystay, isla-markaana ay si sax ah u garaaceen saldhigaasi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Yemen ay dab saareen markabka weyn ee USS Harry S. Truman, xilli uu ku sugnaa Badda Cas, kaas oo uu sheegay in marba meel uu u cararayo.

Yahya Saree ayaa sheegay in markii labaad ay noqoneyso oo weerar culus ay ku qaadaan markabkaasi, 24-kii saac ee u dambeysay.

Khubarada amniga ayaa ka marqaati kacaya in Xuuthiyiinta ay u muuqdaan kuwo sii kordhinaya weeraradooda, ka dib saddex toddobaad oo Mareykanka uu duqayn ku hayay dalka Yemen.

Saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay, iyagoo qiraya in awoodda Xuuthiyiinta ay weli tahay mid taagan.

Mareykanka ayaa 15-kii bishii March bilaabay in uu xagga cirka ka garaaco dhulka ay Xuuthiyiinta maamulaan, si Xuuthiyiintu aysan caqabad ugu noqon Israel oo markaasi u diyaargaroobeysay inay dib u soo celiso weeraradeedii Gaza, ka dib ku dhawaad laba bilood oo xabad xoojin ah.

Ururka reer Yemen ayaa dalbanaya in Israel ay si buuxda u soo afjarto weeraradeeda ka dhanka ah dadka reer Gaza iyo is hortaagga ay ku hayso gurmadka bani’aadantinimo, haddii la waayana aysan Israel heli doonin wax ammaan ah, isla-markaana ay cunaqabateynayaan.

Tan iyo intii Xuuthiyiinta ay dib u bilaabeen weeraradooda ku wajahan Israel iyo hawlgalkooda militari ee Badda Cas ayaa waxaa si weyn hoos ugu dhacay maraakiibtii ganacsi ee tageysay Dekedaha Israel.

Xuuthiyiinta ayaa illaa iyo hadda ah garabka militari ee keliya ee ay haystaan Falastiiniyiinta, waana xoogaga reer Yemen oo shalay meel uga soo baxay Falastiiniyiinta dulman muddada dheer.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip