
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 02-4-25
Soomaaliya oo Itoobiya door weyn ka siinaysa howlgalka AUSSOM, halka doorka Masar hoos loo dhigay
Itoobiya ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka ciyaarto howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), sida lagu sheegay warbixin dhawaan lagu daabacay jariidada Addis Ababa Standard.
Dalka Itoobiya ayaa qorsheynaya inuu ku biiriyo ku dhawaad 2,500 oo askari howlgalka AUSSOM, taasoo ka dhigaysa waddanka labaad ee ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, marka laga reebo Uganda oo horey u soo dirtay 4,500 oo askari.
Soomaaliya ayaa la sheegay inay hoos u dhigtay doorkii Masar ee howlgalkan sida uu qoray Addis Ababa Standard. Markii hore, Qaahira ayaa loo qorsheeyay inay Soomaaliya u dirto kumanaan askari, balse xiriirka dib u hagaagay ee Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa sababay in Masar, oo markii hore la filayey inay ku hoggaamiso howlgalka 5,000 oo askari, ay hadda yeelanayso door yar oo kooban.
Booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhawaan ku tagay Muqdisho ayaa lagu soo afjaray ku dhawaad labo sano oo uu jiray xiriir xumo u dhexeeyay labada dal.
Sida laga soo xigtay Addis Ababa Standard, Dowladda Soomaaliya waxay ka doonaysaa Itoobiya in ay joojiso faragelinteeda dibadda, gaar ahaan taageero ay siineyso Puntland iyo Jubaland.
Wasiir Fiqi oo u hambalyeeyay wasiirka cusub ee arrimaha Dibadda Jabuuti
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa teleefoonka kula hadlay gelinkii dambe ee maanta oo ah Talaado, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Jabuti, Mudane Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar, isaga oo u jeediyay hambalyo diirran oo ku aaddan xilka maanta loo magacaabay.
Intii khadka isgaarsiinta lagu wadahadlayay, Wasiir Axmed Fiqi waxa uu adkeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo iyo kan diblomaasiyadeed ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isaga oo caddeeyay aragti-wadaagga dhanka iskaashiga iyo horumar is-dhaafsiga. Waxa uu carabaabay kalsoonida uu ku qabo hoggaaminta Wasiirka Jabuutiyaanka ee xoojinta xasilloonida gobolka iyo sare-u-qaadidda dano-wadaagga.
Labada Wasiir ayaa waxa ay fallanqeeyeen hore-u-dhaqaajinta xiriirka labo geesoodka iyo is-gaashaanbuursiga fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga iyo kor-u-qaadidda wax-wadaagga istiraatiijiyadeed.
Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday gobolka Bari ee Puntland
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal duqeyn ah oo ka dhan ah ISIS.
Duqeyntan oo dhacday maanta, waxaa lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan al-shabaab Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay koonfur-bari magaalada Boosaaso ee Puntland. Howlgalka ayaa lagu taageerayay dadaallada Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ee lagu ciribtirayo al-shabaab.
Qiimeynta horudhaca ah ee howlgalkan waxay muujinaysaa in xubno badan oo ka tirsan ISIS la dilay, iyadoo aanay jirin wax rayid ah oo waxyeello soo gaartay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Taliska AFRICOM ee Mareykanka, waxay sii wadi doontaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah sida ISIS iyo Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nabadgelyada Soomaaliya iyo caalamka.
Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada Afrika oo sanadkaan ka qabsoomaya dalka Morocco.
Xulka Qaranka Soomaaliya ee tartankan ka qeyb galaya ayaa heegankii ugu dambeeyay ku jira si ay guul wax ku ool ah uga soo hoyaan dhigoodi dalka Tunisia, waxaana Ciyaartooyda iyo Macalimiinta ay qabaan rajo wanaagsan inay kulankaan ciyaar wanaagsan ay soo bandhigi doonaan.
Kulankaan ayaa xalay marka ay saacadu tahay 6da Maqribnimo saacadda geeska Afrika la daawan doonaa, dhanka Xulka Tunisia iyaguna waxaa ka muuqda diyaar garow aad u sareeya.
Waxaa la filayaa in Jaaliyada Somalida ee ku dhaqan dalkaasi Morocco ay si weyn uu u buuxin doonaan garoonka si ay garab istaag ugu muujiyaan xulka Qaranka Soomaaliya.
Waxaa la xusuusan yahay Sanadkii 2022-ka oo ay taariikh sameeyeen Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17jirada ay ku guuleysteen koobka dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ee loo soo gaabiyo CECAF, xiligaas oo ay Xulka Qaranka Soomaaliya 3-1 kaga adkaadeen Koonfurta Suudaan.
Ugu dambeyntii 17 jirada Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan laga qabaa in markale sanadkaan natiijo wanaagsan ka keenaan tartankaan Qaramada Qaarada Africa ee da'doodi ka yar tahay 17 jirada.
Diyaarad Qaramada Midoobay leedahay oo goordhaw Shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
Waxaa goordhaw garonka diyaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shil ku gashay diyaarad la sheegay iney leedahay Qaramada Midoobay, xili ay dooneysay iney caga dhigato garoonka.
Shilka ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii diyaarada oo dooneysay iney soo caga dhigato garoonka ay u bixi weysay lugta hore, sidaasna ay ku soo degtay, taasoo sababtay in diyaarada shilka gasho.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaarada markey shilka gashay in qeybaha hore ee diyaarada uu ka kacay dab, kaasoo damintiisa ay si deg deg ah ugu guuleysteen kooxaha dab damiska ee ka howlgala gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Ilaa hada lama soo warin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay goordhaw gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha garoonka oo ku aadan shilka diyaarada iyo khasaaraha ka dhashay.
Shilkaan ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmo kooban ka hor diyaarad nuuca xamuulka qaada ah ay ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay diyaaradaasi ay ku dhinteen shaqaalihii la socday diyaarada.
Madaxweynaha Jabuuti oo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti iyo afhayeenka rasmiga ah ee Djibouti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar.
Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar ayaa baddalay Maxamud Cali Yuusuf, oo noqday guddoomiyaha midawga Afrika, isagoo horay u soo noqday Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee dalka Kuwait kana soo shaqeeyay wasaaradda Arrimaha dibadda iyo goobe kale waxbarasho ah.
Maareeyaha hay’adda duulista rayidka oo ka hadlay shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka muqdisho
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey sababtii keentay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garonka Adan Cadde.
Diyaaraddan oo ay lahayd QM ayaa shalay barqanimadii ka kacday garoonka muqdisho, iyadoo kusii jeedda magaalada bayshabo balse uu u bixi waayay shaagga hore sidaa daraaddeedna ay kusoo laabatay madaarka Aadan Cadde oo ay markii hore ka duushay, sida uu sheegay maareeyuhu.
Diyaaraddan oo ay saarnaayeen 22 qof oo dhamaantod ka tirsan shaqaalaha hay’adaha qaramada midoobay ayaa si nabad ah kusoo gaca dhigatay garoonka diyaaradaha muqdisho kadib dedaallo badan oo ay sameeyeen hay’adda duulista hawada iyo waaxaha kale ee ka howlgala madaarka muqdisho.
"Diyaarad markii ay cilladi ku timaaddo waxaa jira hab-raac loo maro, badda ayaan kor geynay si dabka loo yareeyo, shidaalkaan ka dhamaynay, intaan shidaalka ka dhamaynaynay waxaan boobsiinnay dhammaan diyaaradihii bixi lahaa iyo kuwii soo degi lahaa, Alle mahaddiis si nabad ah ayay ku degtay 22 qof oo UN ayaa saarnaa, cid wax ku noqotay ma jirto, deb demiska iyo Ambalasyaduna heegan ayay noo ahaayeen, wax mushkilad ahna ma dhicin”.
Dhabbaha ay ka haadaan diyaaradaha oo uu mashquul ku yimid awgeed ayaa la hakiyay duullimaadyada garoonka illaa 5-ta galabnimo ee maanta, sida uu sheegay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.
Toddoba dhagar-qabe oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada dhexe
Ciidamada difaaca madaniga ah degmada Mahaddaay ee gobolka Shbeellada dhexe ayaa habeen hore saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cabdulle-Barbaar oo ku dhow nawaaxiga Ciid Ciidka.
Saraakiisha ciidamada deegaanka ayaa warbaahinta ciidamadda u sheegay in howlgalka lagu dilay toddoba dhagar-qabe oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, lagana soo furtay lix qori, mooto Fekon iyo agab kale.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ciidamada deegaanka iyo xoogga dalka wadaan si loo sugo nabadgelyada deegaannada hoos yimada Mahadaay, iyado la beegsanayo xubnaha argagixisada ee ku dhuumaa-leysanaya gobolka.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyay
Afhayeenka Wasarada Gaashandhiga XFS Sheekh Abuukar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerar lagu jabiyay oo ka dhacay duleedka deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada hoose.
Afhayeenka ayaa sheegay in Al-shabaab malleeshiyaad korb u dhaafaya 30 looga dilay howlgallo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.
Sidoo kale, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed ayaa sheegay in howlgallo barakaysan oo isugu jira cir iyo dhul kana nawaaxiga degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe kahwaarijta looga dilay malleeshiyaad ka badan 40, gaari nooca dagaalka ahna laga gubay.
Hoos u dhaca ku yimid gargaarka bini’aadantinimo oo halis gelinaya nolasha carruurta Soomaaliyeed
Warbixin cusub oo ay soo saartay Kooxda Farsamada ee Qiimaynta Xaaladda Cuntada iyo Nafaqada (IPC Technical Working Group) ee Soomaalia ayaa muujisay in hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelinta gargarka bini’adanimo uu si daran u saameyay adeegyada nafaqada, caafimaadka, iyo nadaafadda (WASH).
Qiimeyntan, oo lagu sameeyay horraantii bishii Maarso, ayaa muujisay in laba deegaan oo reer guuraa ah ay xaaladdooda nafaqo ka sii dartay, iyagoo ka gudbay heerka "Xaalad Halis ah" una gudbay "Xaalad Aad u Xun".
Sidoo kale, tirada guud ee carruurta la filayo inay la kulmaan nafaqo-xumo daran inta u dhaxaysa Janaayo ilaa Diseembar 2025 ayaa kor u kacday, iyadoo la saadaalinayo in 1.8 milyan oo carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 6-59 bilood ay la kulmaan nafaqo-xumo, halka 479,000 ay halis ugu jiraan nafaqo-xumo aad u daran.
Warbixinti waxay sheegtay in 47,000 oo carruur ah ay dheeraad ku yihiin tiro-koobkii horay loo sameeyay bishii Janaayo 2025.
Xaaladda nafaqo-xumada oo horeyba u sii xumaanaysay inta u dhaxaysa Abriil iyo Juun 2025, sababo la xiriira nuglaanta dadka, taasoo ka dhalatay xaaladda adag ee roob la’aantii Deyrtii 2024, ayaa hadda la filayaa inay kasii darto, taasoo khatar weyn ku ah nolosha carruurta Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, warbixintu waxay sheegtay in dhimista gargaarka bini’aadantinimo ay sidoo kale keeni doonto koror dheeraad ah oo ku yimaada barakaca, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay sii wadaan inay ka cararaan abaaraha iyo colaadaha ka jira dalka.
Siyaasiyiinta Mucaaradka Koonfur Galbeed ee Maanshiil oo soo dhoweeyay wada tashiga nabadeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha
Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Koonfur Galbeed kasoo jeeda ee ku bahoobay ururka Maanshiil ayaa soo dhoweeyay wada tashiga nabadeed ee maalmo ka hor uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ay tilmaameen inay wax badan ka tari doonto xaalada dalka uu ku jiro.
"Madasha Maanshiil waxay soo dhaweeynaysaa baaqii madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud uu ku dhawaaqay oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ku fidineyso gogol wadatashi heer qaran ah taas oo looga tashanayo masiirka umadda Somaliyed" aya lagu yiri war saxafadedka Maanshiil.
Waxa ay mas'uuliyiinta Maanshiil ay daaha ka qaadeen in Baaqa Madaxweynaha ay u arkaan inuu yahay tallaabo bogaadin iyo ajiibid mudan oo horseedi karta xal u helidda hubanti la'aanta siyaasadeed iyo khataraha amni ee uu Dalku wajahayo.
Waxa ay sidoo kale tilmaameen in Baaqa Madaxweynuhu uu shacabka Soomaaliyeed ku abuuray rajo, sidaas awgeed ay dhiirrigelinaynaa Dowladda Soomaaliya inay ka dhabeeyso hirgelinta gogosha si loo helo siyaasad furan oo wada-ogol ah, looguna midoobayo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro.
Tan iyo markii Madaxwenaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu fidiyay gogosha nabadeed si ay saamileeyda siyaasadda looga dhageysto aragtidoodi ku aadan xaalada dalka maraayo waxaa isasoo tarayay dhinacyada siyaasiyiinta ee baaqaasi soo dhoweenayay.
Jilayaal caan ah oo u sharaxan Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee 2026
Jilayaasha Yuusuf Cabdillaahi Muuse 'Yuusuf Ceegaag' iyo Cabdiqani Maxamed Cabdillaahi 'Iskufilan', oo aad caan uga ah gudaha Somaliland iyo geyiga Soomaalida, ayaa ku dhawaaqay in ay siyaasadda ku biirayaan.
Ceegaag iyo Iskufilan, oo ah laba jilaa oo saaxiib ah isla markaana caan ku ah in ay Ramadaan kasta isla keenaan filimo taxane ah oo qoysaska loogu talogalay, ayaa ku dhawaaqay in ay u tartamayaan dorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee 2026.
Ceegaag, oo waraysi siiyay Galaydh TV, ayaa ballanqaaday in uu xoolaha ummadda ilaalin doono haddii la doorto, isaga oo ula jeeda in uu ka hortagi doono musuqmaasuqa. "Xoolaha ummadda waan u ilaalin doonaa haddii lay doorto,” ayuu yidhi Ceegaag.
Jilaa Iskufilan, oo isaguna musharraxn-imadiisa kaga dhawaaqay deegaanka Laasgeel ee gobolka Saaxil, ayaa dadka deegaanka ka codsaday in ay codkooda la barbar istaagaan.
"Waxaan doonayaa in codsigaygaa aad iga aqbashaan, Laasgeel-na ay lasoo baxdo xildhibaan gole wakiillo iyo gole deegaan. Codkeenna awal waa la raran jiray, maanta halkan aynu ku adkaysano," ayuu yidhi Iskufilan.
Jilayaashan ayaa ku dhiiraday in ay ku biiraan siyaasadda kadib markii Xildhibaan Abwaan Xasan Saleeebaan Dhuxul 'Laabsaalax', oo hore usoo noqday guddoomiyaha kooxda faneedka Xidigaha Geeska, sidoo kalena ah abwaan curinta heesaha iyo gabayada caan ku ah, uu ku guulaystay in uu kusoo baxo doorashadii Golaha Wakiillada ee 2021.
Inkasta oo bulshadu is weydiinayso sida jilaa uu ku noqon karo siyaasi, haddana caalamka waxa jira jilayaal badan oo siyaasiyiin isku beddelay, sida Madaxweynaha Yukrayn, Volodymyr Zelensky, oo intii aanu siyaasadda ku biirin ahaa jilaa caan ka ah dalkiisa. Sidoo kale, Maraykanka, jilaaga caanka ah ee Arnold Schwarzenegger siyaasadda ayuu ku biiray, isaga oo soo noqday badhasaabka gobolka California.
Waddanka Hindiya, tusaale ahaan, jilaaga reer Tamil Nadu ee Vijayakanth ayaa siyaasadda galay, isaga oo ku guulaystay kursi baarlamaan, sidoo kale halyayga Bollywood, Shatrughan Sinha, ayaa isna hadda kamid ah Golaha Shacabka ee Hindiya (Lok Sabha). Sidaas oo kale, waxa jira jilayaal kale oo siyaasadda ku biiray caalamka oo dhan.
Labadan jilaa ayaa aasaasay shirkad la yidhaa Sollywood, oo soo saarta filimada, iyaga oo taxane la magacbaxay Damac, oo si weyn loo jeclaaday, isla keenay Ramadaantii sannadkan. Taxanahan ayaa kumanaan daawasho ah ka helay baraha internetka.
Horjooge iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Baay
Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay, gaar ahan magalada Qansaxdhere ayaa sheegaya in ciidanka Daraawiishta maamulka Koofur Galbeed ay weerar qorsheysan ka fuliyeen fariisimo Al-shabab ku leeyihiin duleedka degmadas.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo howlgal ka dhacay duuleedka degmada Qansaxdheere ayaa tilmaamaya in lagu dilay Horjooge iyo maleshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa duuleedka magaalada Qansaxdheere.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarka qorsheysnaa lagu dilay horjoogahii kooxda u qaabilsanaa qaadista waxay ugu yeeran Sakawadka iyo maleeshiyad la socday, hayeeshee lama shaacin magaca horjoogaha la dilay.
Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay iney gacanta kusoo dhigeen inta uu howlgalka socday Mooto Al-shabaab u saarnayd Raashiin kala duwan oo ay si qasab ah ugu soo qaadeen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada hoostaga degmada Qansaxdheere.
Howlgalkaan ayaa kusoo adaaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay uu shaaciyay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ee ka howlgala deeganada Koonfur in Al-shabaabkii ugu badnaa ee lagu soo jabiyay dagaalada ka socda Shabeellaha dhexe iney soo buux dhaafiyeen gobolada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.
Mareykanka oo ka hadlay shaqaalihii gurmadka Falastiin ee la laayay
Waxaa weli socota cambaareynta ku aadan dilkii Qasa loogu geystay 15 Falastiiniyiin ah oo shaqaala gurmadka degdega ka shaqeynayay.
Shaqaalahan ayaa u shaqeynayay hay’adda caalamiga ah ee lanqeyrta cas.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa dhamaan dhinacyada Qasa ugu baaqay inay xushmeeyaan shuruucda caalamiga ah ka dib markii Israa’iil ay dishay shaqaalaha gurmadka ka tirsanaa.
Balse afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Tammy Bruce, ayaa intaa ku dartay in "wax walba oo Qasa ka dhaca ay u dhacayaan Xamaas dartood”.
Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dileen kooxda gargaarka xilli ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan nolol.
Waxa uu sheegay in meydadkooda laga helay qabuuro ka ag dhowaa gawaarida gurmadka deg dega ah oo la bartilmaameedsaday.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamadeedu ay rasaas ku fureen gawaaridaas o ay ka shakiyeen.
Maxaa ka cusub qorshaha isdhexgalka qaxootiga Soomaalida iyo bulshada Kenya
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhamadkii bishii aynu soo dhaafnay daah furay "barnaamijka isdhexgalka qaxootiga iyo Kenyaanka" ee loo yaqaan (Shirika Plan), iyada oo la doonayo in wax looga badalo nolosha io isdhexgalka qaxootiga iyo dadka ay martida u ahaayeen 30-kii sano ee la soo dhaafay.
Barnaamijkan ayaa marka uu hirgalo, sida ay dowladdu sheegtay, wax badan ka baddelaya nolosha Qaxootiga iyo dadka ay martida u yihiin.
Isaga oo ka hadlayay daahfurka barnaamijka ayaa William Ruto uu sheegay barnaamijka Shirika in uu muujinayo kalsoonidooda, uuna yahay xal iyaga ka yimid, uuna kor u qaadayo baaqa Midowga Afrika ee xallinta arrimaha Afrika, sidoo kalana ah caqabado caalami ah.
Ku dhowaad nus malyan qof oo qaxooti ah ayay martigalisaa Kenya, iyada oo intooda ugu badan ay ku nool yihiin xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.
Muxuu yahay Shirika Plan
Ismaaciil Guutaale oo ah gudoomiyaha qaxootiga degmada Kamakunji ee Nairobi ayaa BBC uga waramay waxa uu yahay barnaamikan iyo waxa uu uga dhigan yahay qaxootiga ay Soomaalidu ka mid tahay.
''Barnaamijkan waa mashruuc aad u balaaran oo dowlada Kenya ay leedahay hindisihiisa, kaasi oo ulajeedku ugu weyn ee laga leeyahay uu yahay qaxootiga inay helaan adeegyada aasaasiga ah oo dadka Kenyaanku ay iyagu horay u helayeen. Dadka qaxootiga ee loogu talagalayna waa kuwa deggen xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma" ayuu yiri.
Madaxweyne Ruto ayaa daahfurkii barnaamijka ka sheegay in qorshaha cusub uu buuxinayo istaraatiijiyada dowladda ee lagu darayo qaxootiga qorshayaasha horumarineed, iyaga oo uu ku darayo waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo nidaamyada dhaqaale.
Ismaaciil ayaa sheegay in barnamijkan loogu talagalay in uu buuxiyo baahida aasaasiga ee ay qaxootigu qabeen, gaar ahaan kuwa ku nool xeryaha.
''Dadka qaxootiga ee ku nool xeryaha waxaa ay horay u ahaayeen kuwo kaalmo ka hela hay'adaha bini'aadanimada ka shaqeeya oo ku tiirsan gargaarka caalamiga, haddii ay tahay cuntada iyo caafimaadka, laakiin hadda adeegyadaasi oo dhan waxaa badalkeeda ay heli doonaan fursado ay ku shaqeystaan, iyo fursado adeegyada caafimaadka dowlada ay ku heli karaan'' ayuu yiri Ismaaciil.
Waxaa uu intaasi ku daray xeryaha qaxootiga in loo baddeli doono magaalooyin oo adeegyadii oo dhan ay ku idil yihiin.
''Waxaa ay noqonayaan meel la wada deggan yahay, oo labadaba - qaxootiga iyo Kenyaanku - ay ka helayaan adeegyo dheelli tiran oo kuwa aasaasiga ee qofka bini'adamku u u baahan yahay'' ayuu yiri.
Waxaa uu intaa ku daray ''Waxaa la dhihi karaa waa waa cusub oo u beryaya qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma, qaxootiyadaas oo jinsiyado badan oo Afrikaan iyo kuwo aan ahaynba isugu jira, wax weyn weyn ayay ka beddeli doontaa nolosha dadkaas, maadaama ay siinayso fursado ay qayb kaga ahaadaan, dhaqaalaha ay sameeyaan, oo qayb ka noqdaan horumarka dhaqaalaha dalka, iyaguna nolol ahaan ay isbedelaan. Sidoo kalana deegaamayntoodu ay noqoto deegaamayn rasmi ah'' ayuu yiri Ismaaciil.
''Adeegyada dowlada oo dhan oo ay toos u helaan, taas ayaa waxa ay u tahay horumar qayb weyn oo noloshooda ay ku talaabsadaan''.
Barnaamijkan oo maraya wajiyo kala duwan ayaa soconaya sida uu sheegay Ismaaciil ilaa iyo 2035, iyada oo uu hadda ku jiro wajiga Koowaad oo ah kalaguur, kaasi oo soconaya muddo afar sano ah, waxaana xiga qaybta xasilinta ee barnaamijka oo ka bilaabanaysa 2028 ilaa 2031.
Maxay ka yiraahdeen masuuliyiinta Soomaalida Kenya
Xildhibaan Faarax Macalin oo laga soo doorto deegaanka Dhadhaab ayaa isaga oo u warramayay BBC sheegay dadka in aysan wax dan ah ugu jirin barnaamijka, lana donayo in dadka lagu si dhex daayo.
Waxaa uu intaas ku daray barnaamijka "inuu dadka u kala saaray dhowr qaybood oo ay kamid yihiin carruuta yimid iyaga oo aan waalid la socon ee sannadka hadda aynu ku jirno wixii ka horeeyay dadkii yimid ka mid ahaa", qaybtaasi oo sida uu sheegay kaalmo boqolkiiba 60 heli doona, dumarka carruurta badan dhalay iyo dadka baahiyaha gaarka qaba ama dadka xannuunada muddada dheer qabay ayuu iyagana sheegay inay qayb ka yihiin barnaamijka.
Dadka qaarkood ayaan heli doonin wax kaalmo ah sida uu sheegay xildhibaan Faarax.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay dadka in aysan ka maarmin kaalmadii ay ka heli jireen hay'adaha, ayna u badan yihiin dad maato ah oo aan shaqeysan karin.
Kenya ayaa waxaa ku yaalla xerayaha ay ku jiraan qaxootiga ugu badan ee qaaradda Afrika, kuwaasoo furnaa tan iyo sannadihii sagaashameeyadii.
Xigaso BBC
In ka badan 40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalada ayaa la tilmaamay iney si gaar ah uga dhaceen deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaan kale oo hoostaga degmada Raage Ceele, islamarkaana khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.
Afhayeenka Wasarada Gaashandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa sheegay in howlgalada lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu gubay gaari Cabdi bile ah oo ay kooxdu wadatay.
"Hawlgalo cir iyo dhul ah oo ciidamadu ka fuliyeen Masaajid Cali Gaduud iyo deegaan kale oo hoostaga Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa lagu dilay Al-shabaab gaareysa 41 xubnood, kadib duqeymo lagu bartilmaa-medsaday Cadawga" ayu yiri Afhayenka Wasaaradda Gaashandhiga Abuukar Maxamed.
Wuxuu sidoo kale sheegay Afhayeen Abuukar Maxamed iney meel wanaagsan marayaan howlaha dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, islamarkaana Raysal wasaaraha uu haatan kusoo biiray furimaha hore ee dagaalka dalka looga xureynaayo kooxda.
Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa maalmahii lasoo dhaafay si xoogan uga socday dagaalo iyo duqeymo culus oo lagu beegsanaayo goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolkaas.
Sida uu Trump madaxweyne mar sadexaad ku noqon karo
Donald Trump ayaa sheegay in uusan ku kaftameynin in uu doonayo in mar sadexad uu qabto xilka madaxtinimada Mareykanka.
Dastuurka Mareykanka wuxuu dhigayaa in "qofna... aan la dooran karin wax ka badan laba jeer", laakiin qaar ka mid ah taageerayaasha Trump ayaa soo jeediyay in laga yaabo in arrintaasi dariiq u furantahay.
Muxuu Trump uga hadlayaa mar saddexaad?
Trump oo warraysi siinayay NBC ayaa wax laga weydiiyay suurtagalnimada ah in uu mar saddexaad isu soo sharaxo doorashada, waxa uuna yiri "waxaa jira xeelado aad isticmaali karto".
"Ma kaftamaayo... dad badan ayaa doonaya inaan taas sameeyo," ayuu raaciyay. "Laakiin, asal ahaan, waxay u sheegaysaa inay weli noo harsan tahay waddo dheer, waad ogtahay, waa xilli hore [ayay u tahay] maamulkan."
Trump, oo 82 jir noqon doona dhammaadka xilligiisa labaad, ayaa la weydiiyay haddii uu jeclaan lahaa inuu sii wato shaqada "shaqada ugu adag dalka" (shaqada madaxtooyada Mareykanka).
"Hagaag, waxaan jeclahay inaan shaqeeyo," ayuu ku jawaabay.
Tani maaha markii ugu horeysay ee uu ka hadlo arrintan. Bishii Janaayo, wuxuu u sheegay taageerayaashiisa inay noqon doonto "sharafta ugu weyn noloshayda inaan u adeego hal mar, laakiin laba ama saddex ama xitaa afar jeer". Si kastaba ha ahaatee, wuxuu markii dambe sheegay inuu la kaftaamay "warbaahinta beenta ah".
Dastuurka Maraykanku muxuu qabaa?
Asal ahaan, Dastuurka Maraykanku wuxuu u muuqdaa inuu ka hortagayo qof kasta inuu u adeego wax ka badan saddex xilli. Wax ka bedelka 22aad ee Dastuurka wuxuu leeyahay:
"Qofna looma dooran karo xilka madaxweynaha wax ka badan laba jeer, qofkasta oo xilka madaxweynenimada soo qabtay, ama matalaayay madaxweynimo wax ka badan laba sano oo ka mid ah muddada qof kale loo doortay madaxweyne, looma dooran karo madaxweyne (laakin) wax ka badan hal mar.
Beddelka dastuurka waxa uu u baahan yahay in la ansixiyo saddex meelood laba meel golaha guurtida iyo golaha wakiilada, iyo sidoo kale in la ansixiyo saddex meelood saddex meel dawlad goboleedyada dalka.
Xisbiga Jamhuuriga ee Trump ayaa maamula labada aqal ee Congress-ka balse waxa la'yahay aqlabiyadda si ay u meel mariyaan wax ka bedelka dastuurka. Intaa waxaa dheer, Xisbiga Dimuqraadigu wuxuu gacanta ku hayaa 18 ka mid ah 50-ka sharci-dejinta ee gobolka.
Sidee buu Trump ku noqon karaa madaxweyne mar saddexaad?
Taageerayaasha Trump ayaa sheegay in uu jiro daldalool dastuurka oo aan waligiis lagu tijaabin maxkamad.
Waxay ku andacoonayaan in wax ka beddelka 22aad uu mamnuucayo kaliya in qofka "lagu doorto" in ka badan laba xilli oo madaxtinimo - laakiin waxba kama sheegin habka "dhaxalka".
Marka loo eego aragtidan, Trump wuxuu noqon karaa ku-xigeenka murashax kale - laga yaabe madaxwene ku xigeenkiisa, JD Vance - doorashada 2028.
Haddii ay ku guuleystaan inay guuleystaan, musharraxa waxaa laga yaabaa in lagu dhaariyo Aqalka Cad ka dibna isla markiiba is casilo, taas oo u oggolaanaysa Trump inuu xafiiska la wareego iyada oo loo marayo hannaan dhaxal ah
Steve Bannon, maareeyihii hore ee ololaha iyo lataliyihii hore ee Trump, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in Trump "uu tartami doono oo uu mar kale guulaysan doono", isaga oo intaa ku daray in ay jiraan "dariiqyo kale" oo taas lagu gaadho.
Andy Ogles, oo ah Wakiilka Jamhuuriga ee Tennessee ee Aqalka Wakiilada, ayaa soo bandhigay qaraar bishii Janaayo oo ku baaqaya in wax laga beddelo dastuurka si loogu oggolaado madaxweynaha inuu shaqeeyo ilaa saddex xilli mar haddii aysan ahayn isku xigta.
Tani waxay la macno tahay in kaliya Trump oo ka mid ah madaxweynayaashii hore uu u qalmi doono. Barack Obama, Bill Clinton, iyo George W. Bush ayaa dhamaantood xilka qabtay laba xilli oo isku xigta, halka Trump uu ku guuleystay 2016, laga adkaaday 2020, ka dibna uu mar kale ku guuleystay 2024.
Yaa ka soo horjeeda Trump inuu mar saddexaad raadiyo xilka madaxweynaha?
Dimuqraadiyiinta ayaa aad uga soo horjeeda.
"Tani waa tallaabo kale oo cad oo uu ku doonayo inuu kula wareego dowladda oo uu carqaladeeyo dimuquraadiyadda" ayuu yidhi Daniel Goldman, oo ah wakiil ka tirsan New York oo u soo noqday lataliye hoggaamineed maxkamaddii ugu horreysay ee xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Trump.
"Haddii Golaha Koongaress-ka ay [ee] Xisbiga Jamhuuriga ay aaminsan yihiin dastuurka, waxay geli doonaan diiwaanka ka soo horjeeda hamiga Trump ee mar saddexaad."
Ken Martin, oo ka mid ah dadka waaweyn ee xisbiga Dimuqraadiga, ayaa ku yidhi X: "Tani waa waxa kali-taliyayaashu sameeyaan."
Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Trump ayaa sidoo kale u haysta inay fikrad xun tahay.
Senetarka Jamhuuriga Markwayne Mullin oo laga soo doorto Oklahoma ayaa sheegay bishii Febraayo inuusan taageeri doonin isku day kasta oo lagu doonayo in Trump lagu soo celiyo Aqalka Cad.
"Ugu horreyn, anigu ma beddelayo dastuurka, ilaa dadka Maraykanku ay go'aansadaan inay iyagu sidaas sameeyaan," Mullin ayaa u sheegay NBC.
Maxay qabaan khubarada sharcigu?
Derek Muller, oo ah baroofisoor sharciga doorashada ka dhiga jaamacadda Notre Dame, ayaa sheegay in wax ka bedelka 12aad ee dastuurka uu dhigayaa in "qofna dastuuriyan loo diidey in uu madaxweyne noqdo uusan u qalmin in uu noqdo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka".
Taas macneheedu waxa weeye in laba mduo xileed oo madaxweynenimo ay ka hor istaagayso in uu la-jire madaxweyne u noqdo madaxweyne tartaramaya, sida uu qabo.
"Uma malaynayo inay jirto 'khiyaano sixir' ah oo lagu hareermarin karo xaddidaadda muddada madaxweynaha," ayuu yidhi. Jeremy Paul, oo ah baroofisoor sharciga dastuurka ka dhiga Jaamacadda Waqooyi-bari ee Boston, ayaa u sheegay CBS News in "aan jirin wax dood ah oo sax ah" mar saddexaad.
Ma jiraa madaxweyne laba goor ka badan maamulay Mareykanka?
Franklin Delano Roosevelt waa madaxweynaha kaliya ee Maraykanka ee xilka hayay in ka badan laba xilli.
Wuxuu ku guuleystay afar jeer wuxuuna dhintay seddex bilood ka dib markii uu bilaabay muddo xilli i afaraad, Abriil 1945.
Jahwareerkii weynaa iyo dagaalkii labaad ee adduunka ayaa saameeyay madaxweynenimada Roosevelt, waxaana inta badan lagu sheegaa inay sabab u ahayd muddada dheer ee uu madaxweyne ka ahaa Maraykanka.
Waqtigaas, ma jirin sharci dastuuri ah oo mamnuucaya dhowr mudoxileed madaxtinimo, waxay ahayd dhaqan la aasaasay tan iyo markii George Washington uu diiday inuu u tartamo mar saddexaad 1796.
Mudo xileedkii dheeraa ee madaxwayne Roosevelt wuxuu horseeday dhaqanka in si rasmi ah loogu dhaqmo 22-aad wax ka bedelka Dastuurka 1951.
Xigaso BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 02-4-25
..........