halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 24-03-25

0
Monday March 24, 2025 - 09:30:02 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 24-03-25

    .......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.......

Madaxweyne Xasan Sheekh oo amray in xanuunka la dareensiiyo horjoogeyaasha Shabaab

Madaxwenaha Jamhuriyada Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa amar ku bixiyay in si dhow loo ugaarsado xubnaha sarsare ee Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda NISA uu faray in laga faa’iideysto fursadda hawlgalada cirka ee shalay jira.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu amray in horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab aysan harsan, illaa laga dilo amaba ay iska soo dhiibaan.

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa si hoose Warbaahinta ugu dusinaya in Madaxweynuhu uu Saraakiisha Militariga iyo kuwa NISA uu ka dalbaday in horjoogeyaasha lagu bartimamedsado meel kasta oo dalka ay kaga sugan yihiin iyo in la kordhiyo duqaymaha lagu hayo goobaha la ogyahay in maleeshiyadu ay ku badan tahay amaba ay isku uruursaneyso.

Madaxweynaha ayaa la sheegaya in go’aankan uu qaatay, ka dib isku daygii dil ee Talaadadii uu ka badbaaday iyo isagoo markii horeba riixayay in la dardargeliya wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuliyada qarax waddada dhinacneeda la dhigay oo kolonyo uu Madaxweynuhu la socday lagu la eegtay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa sheegaya in dhowrka cisho iyo toddobaadyada ina soo aaddan ay noqon doonaan kuwo muhiim u ah dagaalka lagu la jiro Al Shabaab.

Duqaymaha la joogteynayo ayaa faa’iido u leh ciidamada dhulka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Shabaabka, waxayna taasi cagsigeeda ay dhibaato ku tahay maleeshiyadaasi. Duqaymaha ayaana yareynaya khasaaraha ciidamada.

Kororka weerarada cirka ayaa xitaa carqaladeyn kara weerarada ay Shabaabku qorsheynayaan iyo in ay khasab ku noqoto inay ka baxaan meelaha qaar ee ay difaaca ka xirteen.

Dowladda Federaalka ayaa si joogta ah ugu celcelineysa in shacabku ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyadaasi.

Dad badan ayaa qaba in inta uu Madaxweynuhu u heelan yahay ciribtirkooda iyo inta ciidamadu ay is ballaarintu sameynayaan ay masiirka Shabaabka ka dhigeyso mid aan sugneyn oo bilaa hubinti ah.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la dhihi karaa waxay xilligan u jeedsatay dagaal, kaasoo uu yoolkiisu yahay in lagu burburiyo awoodda militari ee Al Shabaab, inkastoo aan la aqoon inay muddo dheer sii wadi doonto cadaadiska ay ku hayso iyo in kale.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Dhallinyarada iyo Wasiirka cusub ee xilka loo magacaabay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Somalia, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shalay xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciya-araha Mudane Maxamed Bare io Wasirka cusub Mudane Maxamed Abdulqadir Ali.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka hadlayey munaasabadda xilwareejinta, ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub sidii uu u horumarin lahaa adeegyada ay Wasaradu u hayso dhallinyarada Somali-yed iyo bahda ciyaaraha, isaga oo uga mahadceliyey Wasiirkii hore dadaalkii uu ku bixiyey mudadi u xilka hayey tayeynta Wasaaradda.

Sidoo kale, Mudane Abdisalaan, ayaa ugu baaqay dhallinyarada Somaliyed in ay sii laba jibaaraan doorkooda ku aadan dagaalka lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo doorashooyinka qofka iyo codka ah ee dalka laga hirgelinayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip