
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 23-03-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo degmada Cadale ka wada dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Cadale kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.
Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadalle ee Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale, halkaas kulammo gaar-gaar ah kula qaatay masuuliyiinta odeyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanno kamid gobolka Shabeellaha Dhexe.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaayay taageerida Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanada ee dagaalka kula jira Kooxaha Al-shabaab
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa gudoomiyay kulan looga hadlaayay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanada ee dagaalka kula jira Kooxaha Al-shabaab iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Amniga Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo dhamaan xubnaha heer Maamul ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa diirada lagu saaray hanaanka wada-shaqeynta bulshada, Maamulada Degmooyinka, Hey’addaha Amaanka iyo sidii loo xoojin lahaa barnaamijka dariseynta si looga hortago garan-waaga ku dhex jira bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay garab istaaga iyo taageerida Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanada, asigoona xusay in taageero dhinac weliba leh ay la garab taagan yihiin, isla markaana ay furimaha dagaalka ku maqan yihiin qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Wasiirka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay
Ra’iisul Wasaare Ku-xigenka Xukumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Faarax Nuux.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore Fardowsa Cismaan Cigaal oo shaqo baaxad leh ka soo qabatay wasaaradda muddadii ay hoggaminaysay, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay casriyeynta, horumarinta siyaasadda, shuruucda, iyo kaabayaasha dhaqaaale ee dalka.
Sidoo kale— Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Faarax Nuux, in uu sii labo jibbaaro shaqada Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay u hayso dadka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda oo kullan la qaatay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Mudane Mustafa Duhulow oo la qaatay kulan la xiriira horumarinta Baarista Dambiyada Socdaalka, Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID), G/LE Sare, Muxudiin Axmed Cusmaan.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Baarista Dambiyada (CID) ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada hay’adood, wadaagista xogaha muhiimka ah si loogu hortaggo socdaalka sharci-darrada ah iyo dardar-gelinta la-dagaallanka Argagixisada Maadaama uu dalku ku jiro dagaal lagu ciribtirayo Al-shabaab.
Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa uga mahadceliyay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa labada hay’adood. Waxa uu xusay Agaasimaha ahmiyadda gaarka ah ee ay leedahay baarista dambiyada la xiriira socdaalka iyo tahriibinta dadka, iyadoo la xoojinayo baarista dambiyada si hufan loo wajaho, dambiileyaashana sharciga loo horgeeyo. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadd tayeynta iyo horumarinta habka baarista iyo daba galka Dambiyada, maadaama ay door weyn ka qaadan doonto xasilloonida dalka iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyed.
Mas’uuliyiin ka mid ah safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga oo ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabiyeen arday wax ku baratay dalka Talyaaniga
Mas’uuliyiin ka mid ah safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga ayaa ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabiyeen arday Soomaaliyeed oo wax ka bartay Jaamacada Sapienza Università ee Magalada Roma.
Xaflada waxaa ka kheygalay Diblumaasiyiin sare oo ka hawlgala Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Roma sida Safiir ku xigeenka Safaarada Dr Khaalid Macow iyo Axmed Suudaani oo ah Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka talyaaniyga.
Masuuliyiin ka socotay Safaaradda ayaa ugu hambalyey laba arday oo soo afmeertay shahaadada Master degree-ga oo ku takhasusay maaddada dhaqaalaha, Labadaan arday ayaa ka mid ah arday ku guulaysatay inay deeq waxbarasho ka helaan dalka Talyaaniga oo sanooyinkii la soo dhaafay bilaabay inay deeq waxbarasho oo heerarkoodu sareeyo u fidiyiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee raba inay kor u qaadaan aqoondooda.
Dhanka kale safiirka Soomaaliiya u jooga dalka Talyaaniyga Eng Ibraahim Sheegow ayaa isna dhankiisa u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay kulana dardaarmay in aqoonta ay ka kororsadeen jaamacdaha dalka Talyaaniaga ay kula noqdaan dalkooda, waxna ugu qabtaan bulshadooda oo u hamuun qabta horumar waara
Xulka Qaranka Soomaaliya oo barbaro la galay dhigooda dalka Guinea kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka
Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa Habeen hoere kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka ee sanadka 2026-ka ee kaga hortagay dhigiisa dalka Guinea oo ay ku kala baxeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talo galay barbaro 0-0 ah.
Kulankaan ayaa ahaa mid Habeen hoere Xulka Qaranka Soomaaliya ay sameeyeen difaacasho badan, marka loo eego qaab ciyaredkii horay logu yaqine ciyaryahanada Qaranka Soomaaliya.
Macallinka Xulka Qaranka Soomaaliya Yuusuf Cali Nuur ayaa kulankii Habeen hoere xulasho fiican ku sameeyay ciyaartoyadiisa uu kala hortagay dhigooda dalka Guinea, waxaana kulankaan uu ahaa mid ciyaaryahanada Soomaaliya ay ka dhisnayeen dhan difaaca.
Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhamaadkii kulanka iska khasaariyay fursad aad muhiim ugu aheyd Soomaaliya oo ay ku heli kareen sadax dhibcood oo nadif iney ka qaatan dhigoda dalka Guinea.
Kulankii Habeen hoere ee barbar dhaca kusoo idlaaday ee dhexmaray Xulalka Somalia iyo Guinea, waxaa ciyaaryahankii ugu wanaagsana noqday oo abaal marinta garoonka qaatay Goolhayaha Qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Jamac, kadib marki u sameye 15 badbadin.
Labada xul ee habeen hoere wada ciyaaray ee Soomaaliya iyo Guinea ayaa qiimeynta FIFA ugu dambeysay ee la soo saaray bishii Febraayo 2025, waxeey kaga jiraan, xulka qaranka Soomaaliya wuxuu ku jiraa kaalinta 202aad, halka xulka Guinea uu qiimaynta kaga jiro kaalinta 78-aad.
Ugu dambeyntii Xulka Qaranka Somaliyed ayaa maalinta talaadada ah la ciyaari doono xulka Botswana kulan ka tirsan isreb reebka Koobka Aduunka, Somalia aya hal dhibic ka heshay shan kulan oo ay ciyaartay İsreebrebka kobka adunka 2026.
Soomaaliya oo lagu wareejisay lacag magdhow ah oo loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka isbeddelka cimiladu saameyay
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo hay’adda Africa Risk Capacity (ARC) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gabagabeeyay shir socday muddo shan maalin ah oo loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya.
Madax ka socotay Hay’addaha Caalamka, Safirka Somalia ee Nairobi io Agasimaha Guud ee Wasarada Maliyada iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo ka socday seddex Gudi oo kamid ah Gudiyada Barlamanka Somalia ayaa goob joog ahaa munaasabadaan oo xooga lagu saaray arrimaha isbadalka cimilada iyo sidii loogu sii diyaar garoobi lahaa abaaraha kusoo wajahan Soomaaliya.
Hay’adda ARC ayaa Hay’adda SoDMA ku wareejisay lacag magdhow ah oo loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka isbedelka cimiladu sameyay, lacagtaan oo horey ay Dowladda u dalbatay si loogu gaaro dadka ugu liita Soomaaliya si looga bixiyo abaarta iyo gaajada lasii sadalinayo.
Barnaamijkaan ceeymiska oo Somalia muhiim u ah waxa ku jira wadamo badan o African ah o ay adunyadu kaga dalbaden in lacago magdhow laga siiyo waxyabaha ay sida gar ah u sameyen isbadalada Cimilda
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamud Macallin abdulle oo sharaxayey saamaynta uu isbeddelka cimilada ku yeeshay Soomaaliya, ayaa xusay in abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha ka dhasha khayraad-yarida ay sababeen in 85% uu burburay tacabkii iyo wax soo saarkii beeraha, isla-markaana lacagtaan magdhow loo sii doono dadka ay saamenta ugu badan ku dhacday, si loo yareeyo khasaraha ka dhasha isbeddelka cimilada.
Soomaalida ku nool Wajeer oo ka cabanaya cudurka Kelyo fadhiisiga oo aad ugu soo badanaya Gobolka Waqooyi Bari Kenya
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in Cudurka kelyo fadhiisiga uu aad ugu soo badanayo muddooyinkii u dambeeyay dhulka Somalida, iyada oo aad ay u kordhayso tirada dadka u baahanaya dhaqitaanka Kelyaha ama heer ay gaaraan in la beddelo.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen in Isbitaalka guud ee Wajeer uu tirakoob uu sameeyey ku ogaaday in ragga ay yihiin kuwa ugu badan ee xanuunkaasi la dhiban, "Bukaanada ayaa 58 kamid ah ay yihiin rag, halka haweenka tiradooda ay gaarayso ilaa 21 dumar ah" waa sida lagu sheegay tirakoobka Isbitaalka.
Dr Daa'uud Cabdi Sheekh oo kamid ah dhakhatiirta ismamulka Wajer ayaa waresi uu siiyay BBC uga warbixiyay dadka reer Wajeer ee cudurkan uu soo ritay oo tiradodu soo badanayso, iyo habka ugu wanagsan e cudurkasi loga hortagi karo.
''Kelyo fadhiisashadu waa cudur kelyaha ku dhaca, waxayna ka bilaabataa wax yar oo aan qiimo lahayn oo wax laga qaban karo, sida dhiig karka oo kugu ridi kara, iyo kiniiniyada xanun baabi'iyaha oo Somalidu aadka u cunaan'' ayuu yiri dhakhtarku.
Baaritaan la'aanta aan joogtada ahayn ayeysan dad badani isaga warqabin in cudurkani uu soo hayo ama ay qabaan, iyada oo ay isbitaallada tagaan xilli aan waxba laga qaban karin oo kilyuhoodu fadhiisteen, sida uu dhaqtarku sheegay.
''Qofka Soomaaliga ah cudurkiisa waxaa la ogaadaa marka uu soo dhaco, qofka suu u fiican yahay wuu iska ordayaa wuu soo fadhiisanayaa, waa la baarayaa, kellidii inay fadhidaa la arkayaa, markaas oo ah goor dambe oo aan waxba laga qaban karin ilaa la dhaqo'' ayuu sheegay Dr Daa'uud Cabdi oo ka hawlgala Wajeer.
Dr Daa'uud ayaa aaminsan isbedelka nolosha Soomaalida in uusan sabab u ahayn xanuunka kelyaha oo waxyaabaha keena ay aad u badan yihiin, Dadka qaba sonkorta iyo dhiig karka ayaa ah kuwa ugu badan ee laga diiwaan galiyay isbitaalka Wajeer ee la dhiban kelyo fariisashada.
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa ku dhiirigaliyay geesiyaasha xaq u dirirka deegaanka Nuur-dugle la dagaalanka Qawaarijta
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Janaraal Sahal abdullahi Cumar ayaa dhiirigelin ugu tagay gesiyaasha xaq u dirirka deganka Nuur-dugle ee gobolka Shabellaha Dhexe si loo amba qaado dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Sarreye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa geesiyaashaan kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dagaalka cadowga lagu ciribtirayo ee dalka ka socda gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle waxaana uu u ballan qaaday in uu ku garab istaagi doono saad iyo sanad kasta oo ay u baahan yihiin.
Gobalka Shabellaha Dhexe xiligaan waxaa ka soconayo howlgalo culus oo Argagixisada jab lagu gaarsiiyay iyadoo gesiyada is garabsanaya eey ku guleystay iney dilaan Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal dhowr ah oo ka mid ah Al-shabaab.
Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhigtay muqaal duube ka tirsan warbaahinta Al shabaab
Wararka ka imaanaya Degmada Waajid ayaa sheegay in ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka hor tageen weerar ay Koox ka tirsan Al shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in dagaal muddo kooban socday uu halkaasi ka dhacay ayna jiraan khasaare ay garsiyen Koxdii werarka soo qaaday iyago xusay inay jiraan Dagaalamayaal Kooxda ka tirsan oo gacanta lagu soo dhigay.
Sidoo kale saraakiishaan ayaa sheegay inay hub ka furteen Kooxdii Al shabaab ee weerarka so qaaday, waxaana la xaqiijiyay in sarkaal muhiim u ahaa warbaahinta Al-Shabab, kaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Axmed Maxamed oo loo yaqaan (Cabdicasiis) gacanta lagu dhigay
Eedeysanaha oo sida la sheegay muuqaal ka duubayay qaabka uu u dhacay weerarka, ayaa waxaa lagu xiray Xabsiga Waajid, halkasi oo su’aalo lagu weydiinayo, Ciidamada amanka aya sidoo kale gacanta ku dhigay qalabkii uu wax ku duubayay.
Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee deegaanka ayaa sheegay inay ka war helen oo ay ka takhaluseen qaraxyo badan oo ay aasen rag ka tirsan Al-Shabaab, Walxahan Qarxa ayaa laga helay Agagarka Garoonka Diyaradaha Magalada Waajid iyo Wadada Muhiimka ah ee isku xirta Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Waajid.
Muwaadin Soomaali ah oo lagu xiray dalka Bangladesh
Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee dalka Bangladesh (BGB) ayaa xiray muwaadin Soomaali ah oo isku dayay inuu si sharci darro ah ku galo dalka Bangladesh, isagoo ka yimid Hindiya, waxaana uu ka ambabaxay xuduudka Parshuram upazila ee degmada Feni shalay oo sabti ahayd.
Sida laga soo xigtay Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Bangladesh BGB, qofka la xiray waxaa lagu magacaabay Abdiwali Mohammed Ali, koox roondo ah oo ka socotay Ciidanka ilaalada xuduudaha ayaa qabtay muwaadinkaan Soomaaliga ah xilli uu si sharci darro ah uga gudbaayay xadka Hindiya kuna sii jeeday Bangladesh.
Shaqsiga la xiray waxaa lagu wareejiyay Saldhigga Booliska ee Parshuram Model waxaana lagu soo eedeeyay inuu ku xad gudbay sharciga ajnabiga ee la qoray sanadkii 1946 sida waafaqsan dastuurka dalkaasi qeybaha 3(2)(b)/13/14.
Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Bangladesh ee Degmada Feni Gaashaanle Sare Mohammad Mosharraf Hossain ayaa sheegay in xoojinayaan hawlgallada ka socda xuduudaha iyadoo la kaashanayo warbixinada sirdoonka si loo xaqiijiyo amniga xuduudaha, ka hortagga tahriibinta, iyo joojinta soo gelitaanka sharci darrada ah.
Waxaa xusid mudan in waqti hore, 19-kii Maarso, qof u dhashay Nigeria, oo ay weheliyaan haweeney Suudaani ah iyo qof u dhalatay Zambia, ay xireen Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Bangladesh.
Ciidanka Booliska Puntland oo faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Garoowe
Ciidanka Booliska Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad shalay ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo dhexmaray laba ciidan sababayna dhimashada labo askari iyo dhaawaca 5 kale oo labada dhinac ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal qorsheysan lagu qabtay gaari bas ah oo Booliisku ku sheegay in horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Puntland.
Sida lagu xusay war-saxaafadeedka, gaariga la qabtay waxaa watay koox hubeysan oo Booliisku ku tilmaamay maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaas oo horay loo oran jiray PSF.
Booliisku wuxuu sheegay in gaarigan la doonayay in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, balse lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayeen gaari kale oo ay saarnaayeen dabley hubeysan.
Sida Booliisku sheegay, markii ay ciidanka amniga ay isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa rasaas ku furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.
"Ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, ayaa si degdeg ah u jawaabay, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Booliisku wuxuu intaa ku daray in dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doono sharciga, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga.
"Cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, waa lala xisaabtami doonaa," ayuu yiri Booliska Puntland.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca PSF oo lagu eedeeyay inay gaarigaan kasoo dhaceen hay’adda hantidhowrka Puntland. Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa laga cabsi qabaa inay dib usoo kiciso xiisaddii u dhaxaysa Puntland iyo ciidanka PSF, kuwaas oo horey ugu dagaalamay magaalada Boosaaso.
Ururka ONLF oo ka digay in khayraadka Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka faa'iidaysato
Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa ka digtay in khayraadka Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay si gaar ah uga faa’iidaysato dowladda Itoobiya, iyaga oo ku baaqay in khayraadkaasi lagu wareejiyo shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka ONLF, Cabdilqaadir Xassan Hirmooge (Caddaani Hirmooge), oo waraysi siiyay Abdijaliil Show, ayaa sheegay in xabbad-joojintii ay sameeyeen ay ujeedadeedu ahayd in ONLF iyo Dawladda Deegaanka ay si wadajir ah u raadsadaan xaqooda, balse Dawladda Deegaanka ay daba-dhilif u noqotay Addis Ababa.
"Hubka aannu dhigno oo aannu danteenna si wadajir ah u raadsanno Dawladda Deegaanka ayaa diidi meesha maanaan soo dhigan, in aannu Itoobiya xaaqno ayaanu rabnay, laakiin tanaasul ayaanu samaynay, waana la diidayaa ismanaan lahayn," ayuu yidhi Caddaani Hirmooge.
Isagoo ka jawaabaya su’aal ahayd, "Madaama oo heshiiskii aad Itoobiya la gasheen uu shaqayn waayay, saw qalad may ahayn in aad hubka dhigtaan marka horeba?”, ayuu ku jawaabay in aanay wakhti badan ku qaadan doonin in ay hubkooda dib u qaataan haddii heshiisyadii la fulin waayo.
Waxa uu Dawladda Deegaanka ku eedeeyay in ay diidday in ay mideyso shacabka Soomaalida Itoobiya, isaga oo xusay in ay doonayeen in shacabka deegaanka, dowladdooda, iyo ONLF ay isku duubnaadaan si ay xaqooda Itoobiya uga raadsadaan.
"Lixdii sano ee la soo dhaafay waxaanu nabad ahayn mooyaane horumar siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaale oo aanu samaynay ma jiro,” ayuu yidhi Hirmooge, isaga oo naqdinaya horumarka uu Madaxweyne Cagjar sheegto in xukuumaddiisu ay gaadhsiisay deegaanka.
Dhanka kale, Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar ayaa ONLF ku eedeeyay in ay wataan magac u taagan qabiil ka mid ah dadka deegaanka, isla markaana aanay noqon karin urur matala shacabka deegaanka oo dhan ilaa ay arrintaas wax ka beddelaan.
Ciidanka amaanka ee magaalada Baardheere oo toogasho ku dilay nin doonayay inuu dil ka geysto gudaha magaaladaas
Cidamada amaanka magalada Bardhere ee gobolka Gedo ayaa Habeen hoere toogasho ku dilay nin la sheegay inuu ka tirsana kooxda Al-shabaab oo doonayay inuu dil ka geysto gudaha magaaladaas.
Ninkaan oo ku hubeysnaa bastoolad ayaa la tilmaamay in is rasaaseyn ay dhexmartay isaga iyo ciidamada amaanka degmadaas, waxaana is rasaaseyntaasi ay sababtay in lagu dilo ninkaan ka tirsanaa Al-shabaab.
Waxaa sidoo kale is rasaaseynta dhexmartay ninka hubeysna iyo ciidanka amniga waxyeelo dhaawac ah kasoo gaartay laba qof oo shacab ah, kuwaas oo dhaawacooda la dhigay Isbitaalka magaalada Baardheere, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha amniga degmadaas Axmed Cabdullaahi.
"Dhagar qabahaan oo aan xogtiiisa sii heynay oo doonayay inuu dil geysto goob dad shacab ah ku afurayeen ayaa markii gacanta lagu dhigi rabay bastoolad uu watay lasoo baxay isagoo isku dayay inuu dagaalamo, halkaas ayayna ciidanku ku toogteen raasaastii uu ridayna waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo dadkii afuraayay ka mid ahaa" ayuu yiri Taliyaha amniga degmada Baardheere Axmed Cabdullaahi.
Taliye Axmed Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka degmada Baardheere ee gobolka Gedo u diyaarsan yihiin ka hortaga khataraha kooxda Al-shabaab la damacsan tahay shacabka ku nool magaalada Baardheere.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay laamaha amaanka fashiliyaan ama ka hortagaan rag hubeysan oo sidan oo kale damacsanaa iney dilal u geystaan askar iyo dad kale oo shacab ahaa.
Dhammaan dadkii la socday diyaaradda ku burburtay duleedka Muqdisho oo geeriyooday
Diyaarad xamuul ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ku burburtay meel u dhow deegaanka Ceel Xabaalow oo dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Muqdisho. Ceel Xabaalow ayaa ku dhow deegaanka Jasiira oo aan ka fogeyn Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay lumisay xiriirkii isgaarsiinta, ka hor inta ay ku burburin deegaankaasi oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Dowladda Federaalka ayaa gurmad degdeg ah u dirtay deegaankaasi, ka dib markii la helay macluumaad sheegaya inay halkaasi ku dhacday.
Ciidanka Gaarka ee Alpha Group ama Gaashaan ayaa la sheegay inay habeen hoere gaareen deegaankan.
Diyaaradda ayaa waxaa la socday shan shaqaale oo uu ku jiro duuliyihii diyaaraddan oo nooceedu uu ahaa DHC-5 Buffalo.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa goor dhow xaqiijisay in dhammaan shantii qof ee diyaaradda la socday ay dhinteen.
Diyaaraddan ayaa shilka la kulantay, ka dib markii ay ka soo duushay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, ayna ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Diyaaraddan ayaa ahayd mid ka diiwaan-gashan dalka Kenya. Dhammaan shaqaalaha geeriyooday ayaana loo maleynaya inay Kenyan ahaayeen.
Shilalka diyaaradaha ayaa sanadahanba ku soo badanayay Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.
Nin loo haysto Shabaabnimo oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
Dad shacab ah ayaa xalay xaafadda Warshadda Taraqa & Sigaarka ee Degmada Hodan ku qabtay nin dhallinyaro ah, xilli sida la sheegay uu watay bambada nooca gacanta laga tuuro.
Niman dhallinyaro oo ka mid ah dhallinta xaafadda ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi, iyagoona markii dambe ku wareejiyay ciidamada ammaanka.
Wararka ayaa sheegaya in shacabku ay ku kadsoomeen, isaga oo doonayay in uu bambada ku tuuro bar kontorool oo ciidamadu ay halkaasi ku leeyihiin, taasna ay keentay inay eryadaan, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigaan.
Dadka deegaanka ayaa la sheegay in wa-xoogaa ay jirdileen ninkaasi, ka hor inta aysan garbo duub u xirin, kuna wareejin ciidamada.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegaya in ciidamadu oo goobta soo gaaray ay horey u wateen ninkaasi iyo bambadii lala soo qabtay.
Ma cadda in uu ka tirsan yahay maleeshiyada Al Shabaab iyo in kale, iyadoo laamaha amniguna aysan wax war ah ka soo saarin, illaa iyo hadda.
Dadka deegaanka ayaa ku eedeynaya in uu ku howlanaa qalqalgelin amni iyo in uu ka tirsan yahay maleeshiyadaasi.
Habeenkii Arbacada, dadka reer Dayniile ayaa gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ahaa, kaas oo ay sheegeen inuu bambo ku tuuri rabay agagaarka Jaamacadda Gaheyr.
Dhacdooyinkan ayaa imanaya, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay qaybo ka mid ah dalka kula dagaalamayaan Al Shabaab.
In dadku ku dhiiradaan inay ka hortaggaan Shabaabkii muddada dheer, waxa ay sameynayaan indhaha uun laga daawan jiray ayaa calaamad u ah in baraarug shacab uu jiro.
Duqaymo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe
Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay illaa xalay fiidkii ay duqaymo culus ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay garaaceen Degmada Alkowsar iyo dhulka hawdka ah ee hoostaga degmadaasi.
Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in duqayn kaloo culus ay ka dhacday aagga deegaanka Juxaay oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradahaasi ay beegsadeen goobo ay isku uruursaneysay maleeshiyada Al Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen gaadiid dagaal.
Dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka taageeraya hawlgalka hawada ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqayntaasi.
Shabaabka ayaan dhankooda ka hadlin duqayntan ugu dambeysay ee ka dhacday Gobolka Shabellaha Dhexe, waana Shabaabka oo aan aalaaba faah faahin waxyeelada ka soo gaarta duqaymaha lagu hayo.
Gobolkan ayaa waxaa ka socdo hawlgal gaar ah, kaas oo cir iyo dhulba lagu la dagaalamayo, waxa ay masuuliyiinta Dowladda Federaalka ay ku sheegeen kooxaha Al-shabaab.
Dowladda oo shaqadeeda u bedeleysa goobta dagaalka
Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay haystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari karo maleeshiyada Al Shabaab, isagoona ku booriyay in ay gacmaha is qabsadaan, isla-markaana ay ka qayb qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka.
Raysal Wasaaraha ayaa Jimcihii sheegay in xukuumaddisu ay u guuri doonto jiidaha hore ee dagaalka lagu ciribtirayo sida uu yiri kooxaha Al-shabaab ah ee ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah gobolada dalka.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku shir guddoomiyay kulan degdeg ahaa, oo looga hadlayay amniga Muqdisho & deegaanada ku xeeran iyo hawlgalka ka socdo qaybo ka mid ah dalka.
Hadalka Raysal Wasaare Barre ee ku saabsan in xukuumaddu ay u guureyso aagagga dagaalka ayaa loo fasirtay inay ka shaqayn doonto, sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Hadalkiisan ayaa imanaya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Hirshabelle u joogo dardargelinta wejiga labaad ee hawlgalka dalka looga xoreynayo maleeshiyadaasi.
Madaxweynaha ayaa Khamiistii gaaray Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo uu ka wado abaabul lagu xoojinayo dagaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka kula jiraan maleeshiyadaasi.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa riixaya guluf la mid ah midkii Shabaabka sanadkii 2023 lagaga saaray qaybo badan oo ka mid ah dhulkii ay ka haysteen labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug.
Ifafaalaha muuqda ayaa muujinaya in hawlgalkan uu ka xooganaan doono midkii laba sano ka hor.
Madaxweynaha ayaa hadda buudka ciidamada u xirtay, sidii Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleydu ay u xaqiijin lahaayeen burburinta Shabaabka Hirshabelle, looguna hubin lahaa deegaanada Galmudug oo ka caagan argagixiso oo dhan.
Fallanqeeyeyaasha ayaa joogitaanka Madaxweynaha ee jiidaha hore ku macneeyay mid sare u qaadeysa niyadda ciidamada ku howlan in la wiiqo argagixisada.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cuddudeeda isugu gaysay Hirshabelle, si uu hawlgalkan u guuleysto.
Masar oo beenisay in aay qabileyso 500 000 kun oo reer qaza ah
Waaxda Warfaafinta Dawladda Masar (SIS) ayaa beenisay wararka sheegaya in Masar ay diyaar u tahay "in ay dib u dejin u sameyso nus milyan reer Qazaan ah” dhulkeeda.
Hadalka Masar ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr wargeys oo ay ku jiraan kuwa Israa’iil ay daabaceen wararkan.
Madaxweyne Sisi ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu diyaar u yahay in nus malyanFalastiiniyiin ah uu ka soo wareejiyo Qaza una wareejiyo dhulka Masar.
War qoraal ah oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Bariga Dhexe ee Masar, Qaahira "si buuxda ayay u beenisay eedaymaha ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo la xiriiray inay diyaar u yihiin inay si ku meel gaar ah u rarto nus milyan qof oo degan Qaza islamarkana la gaynayo magaalo loo cayimay oo ku taal waqooyiga Sinai, taasoo qayb ka ah dib u dhiska marinka Qaza.
Wargeysku waxaa warbixintiisa ku soo beegmaysaa hadal uu yiri Wasiirka Difaaca Israa’iil Yisrael Katz, kaas oo tilmaamay in la fulinayo qorshe uu soo jeediyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo lagu horumarinayo Qaza xilli ay Israa’iil duqaymo ka waddoi dhulkaas.
Waaxda Warfaafinta Dawladda (SIS) ayaa ku tilmaamay wararkan been-abuur aan sal iyo raad lahayn, "kuwaaso asal ahaan iyo gebi ahaanba ka soo horjeeda mawqifka adag ee Masar, kaas oo ay ku dhawaaqday tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka lagu baabi’inayo Gaza ee Oktoobar 2023,.
Masar ayaa xustay in ay si cad gebi ahaanba u diidaya isku day kasta oo lagu doonayo in lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza, xoog ama si ikhtiyaarkooda ah ".
Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa Jimcihii sheegay in ciidamadu ay sii kordhinayaan cadaadiska ay ku hayaan Xamaas si kasta oo lagama maarmaan ah si ay u sii daayaan la haystayaasha harsan, ayna bilaabaan fulinta qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Katz ayaa sidoo kale ku hanjabay in goosan doonaan qaybo ka mid ah marinka Qaza ilaa Xamaas ay sii daayaan la haystayaasha Israel ee haray.
Halyeygii feerka ee George Foreman ayaa geeriyooday isagoo 76 jir ah
Feeryahan George Foreman, oo caan ku ahaa soo laabashadiisa cajiibka ah ee ciyaaraha, kaasoo dib u helay horyaalka feerka miisaanka culus isagoo 45 jir ah, ayaa geeriyooday isagoo 76 jir ah, sida laga soo xigtay qoyskiisa.
"Bini’aadantinimo, Olympian, iyo horyaalnimada miisaanka culus ee laba jeer ee adduunka, waxaa loo haystay ixtiraam sare – xoog wanaag, nin leh edeb iyo xukun, iyo ilaaliyaha dhaxalkiisa, si aan daal lahayn oo uu u halgamo si uu u ilaaliyo magaciisa wanaagsan ee qoyskiisa,” ayuu qoysku ku yidhi barta Instagram, isagoo ka tarjumaya nolosha Mr. Foreman.
Waxaa loo yaqaanaa joogitaankiisa cabsida leh iyo feeraha onkodka ah, Foreman wuxuu lumiyay cinwaankiisii ugu horreeyay ee Muhammad Ali intii lagu jiray halyeeyga ‘Rumble in the Jungle’ 1974. "Big George” wuxuu soo noqday labaatan sano ka dib isagoo ah qof aad u wareegsan oo farxad leh markii uu garaacay Michael Moorer si uu u xaqiijiyo horyaalkiisii labaad.
Soo noqoshadiisii iyo hantidii uu ka soo urursaday iibinta xaydha-yaraysa weelka wax lagu karsado ee korontadu waxay u beddeleen calaamad muujinaysa is-horumar iyo guul.
George Foreman waxa uu xaqiijistay bilada dahabka feerka miisaanka culus 1968kii Olombikada ee magaalada Mexico.
Isagoo faqiirnimo ku soo koray koonfurta Maraykanka, Mr. Foreman waxa uu ka baxay dugsigii hoose ee dhexe oo uu bilaabay tuugo waddooyin ah isaga oo isticmaalaya baaxadiisa iyo xooggiisa.
Kooxda Shaqada, oo qayb ka ah dib-u-habaynta "Bulshada Weyn” ee Madaxweyne Lyndon B. Johnson, "waxay iga soo badbaadiyeen godka,” Mr. Foreman ayaa mar dambe dib u tiriyay.
Iyada oo loo marayo barnaamijkan, 16-jirka Foreman wuxuu ka soo guuray Texas waxaana lagu dhiirigeliyay inuu sii wado feerka.
Markii uu jiray da’da 19 iyo dagaalkii 25-aad ee hiwaayadda, Mr. Foreman wuxuu ku guuleystay bilada dahabka feerka miisaanka culus ee Olombikada 1968 ee Mexico City.
Isagoo xirfadle u noqday, waxa uu gaadhay 37 guulood oo xidhiidh ah oo u horseeday in uu la dagaallamo horyaalnimada haya ee Joe Frazier ee Kingston, Jamaica, isaga oo ku guuleystay garaacid farsamo wareegii labaad.
Foreman waxa uu lumiyay magaciisii ugu horeeyay ee Maxamed Cali sanadki 1974-tii ‘Rumble in the Jungle’
Mr. Foreman ayaa si guul ah u difaacay horyaalka laba jeer oo kale ka hor inta uusan wajihin Ali magaalada Kinshasa, Zaire (hadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo), mid ka mid ah ciyaaraha feerka ee loogu dabaaldegay.
Ali waxa laga xayuubiyay horyaalnimadiisii todoba sano ka hor markii uu diiday in loo diyaariyo dagaalkii Vietnam, waxaana uu galay dagaalka isagoo ah mid culus oo ka soo horjeeday Foreman-ka weyn.
Si la yaab leh, Cali wuxuu ku tiirsanaa xargaha todobo wareeg, isagoo nuugaya feerarkii xoogga badnaa ee Foreman, ka hor inta uusan ku garaacin wareegii siddeedaad.
"Waxaan ahaa dagaalyahan feedh culus oo culus,” Foreman wuxuu yiri 2007. "Waxaan ahaa mashiinka feerka, taasina waxay ahayd markii ugu horeysay ee aan siiyo wax kasta oo aan haysto, waxbana ma shaqeynin.”
Khasaaraha ayaa aad ugu dhacay Foreman. Waxa uu qaatay hal sano oo fasax ah si uu dib isugu soo ururiyo ka hor inta uusan ku soo laaban ciraanta, laakiin ka dib guuldaradii labaad ee xirfadeed, wuxuu ka fariistay 1977 si uu u noqdo wasiir loo magacaabay Kaniisadda Rabbi Ciise Masiix.
Toban sano ka dib, oo miisaankiisu ahaa 143kg, Mr. Foreman ayaa soo laabtay lama filaan ah si uu lacag ugu ururiyo xarun dhallinyaro oo uu ka aasaasay Texas.
Wuxuu sii waday inuu gaaro 24 guul oo xiriir ah, isagoo si tartiib tartiib ah u luminaya miisaanka, ka hor inta uusan go’aan ka gaarin Evander Holyfield 1991.
George Foreman waxa uu qani ku noqday iibka wax lagu kariyo ee korontada ku shaqeeya.
Seddex sano ka dib, waxa uu garaacay koonfuurta aan laga badin Michael Moorer, isagoo noqday horyaalkii ugu da’da weynaa ee miisaanka culus ee 45.
Feerkii ugu dambeeyay ee Mr. Foreman waxa uu dhacay 1997-kii, isaga oo xirfadiisa ku soo gabagabeeyay rikoor xirfadeed oo ah 76 guul iyo shan guul darro.
Feeryahanku wuxuu guursaday afar jeer intii lagu jiray 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii.
Sanadkii 1985, wuxuu guursaday Mary Joan Martelly, oo uu la joogay inta ka dhiman noloshiisa. Waxa uu dhalay shan wiil oo dhamaantood loo bixiyey George, shan hablood oo bayooloji ah iyo laba hablood oo la korsaday.
Intii lagu jiray 1990-meeyadii iyo ka dib hawlgabnimadiisii, wuxuu si xamaasad leh u dallacsiiyay alaabooyin kala duwan, gaar ahaan shiilan koronto oo ka yimid qalab-sameeyaha Salton Inc.
Sannadkii 1999, shirkaddu waxay magdhow u siisay Mr. Foreman iyo la-hawlgalayaashiisa $137.5 milyan oo uu ku taageeray shiilan iyo alaabada la xidhiidha.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 23-03-25
.....