halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-03-25

0
Saturday March 22, 2025 - 08:48:11 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-03-25

    .......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.......

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabbilay wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka

Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid oo xoojinaya xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale, Booqashada wafdigan ayaa daba-socota wada-hadal dhanka talefanka ku dhex maray Labada Madaxweyne, wadahalkaas oo ay ku adkeeyen iskashiga walaalnimo iyo wadashaqeneed ee Labada dowladooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraatka Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soodhaweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxa uuna tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka ay u leedahay horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha JFS oo gaaray Caddale si uu u hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah al-shabaabta

Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Cadale ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaas o u ku so dhaweyey Madaxwenaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullahi Xuseen, masuuliyiin heer Federaal iyo heer-dowlad goboleed ah, saraakiil iyo Taliyeyaal Ciidan.

Madaxweynaha ayaa u kuur galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isago jiidda hore kulammo kula qaadanaya halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bulshada ku dhaqan deganada Hirshabelle ku bogaadiyey garab istaagga ay u muujiyen Ciidamada Qaranka, isago xusay awooda ay shalay u leeyihiin dhamestirka howlgalka xoreynta deegaanada ay ku harsan yihiin argagixisada iyo dib u hagaajinta deegaannada laga xoreeyey cadowga oo ay ka jirtay nolol iyo duruufo adag.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Waxgaradka Shabeellaha dhexe

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku hoyanaya degmada Cadalle ee Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas kulammo gaar-gaar ah kula qaatay masuuliyiinta odeyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanno kamid gobolka Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha iyo odeyaasha uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay garab istaagga Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee u taagan xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, iyadoo ay ku bogaadiyeen Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee deegaannadan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo afur ugu sameeyey Caddalle hoggaanka Ciidanka iyo Siyaasiyiinta

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoganka iyo siyasiyiinta deeganka, ciidamada shacabiga ah ee Macawisleyda, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo culumida deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay masuuliyiinta, saraakiisha iyo waxgaradka Cadale talooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka, isaga oo ku bogaadiyey bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ugu horuyan in ay iska dulqaadan argagixisada gumaadka ku haya dadkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan Caddale

Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa maalintii labaad safar ku jooga degmada Caddale ee adowlad Goboledka Hirshabeelle, halkaas oo uu kulamo ku saabsan abaabulka howgalka ciribtirka Al-shabaab la qaadanayo Saraakiisha Ciidamada iyo bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u kuur galay furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaatay halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada.

saacadihii u dambeeyey Al-shabaabayaa lagu jabiyey dhamaan goobihii ay gabaadka kq dhiganayeen iyadoo loogq dilay hawlgaladii u dambeyey horjogeyaal sar sare iyo maleeshiyaad tiradoodu ka badan tahay 80, sidoo kale waxa al-shabaabloogu burburiyey goobihii ay ka soo maleegi jireen sharka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip