Kulanka Guddiga joogtada oo lagu dhaariyey xubno ka tirsan Golaha wasiiradda

0
Thursday March 20, 2025 - 12:47:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka Guddiga joogtada oo lagu dhaariyey xubno ka tirsan Golaha wasiiradda

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Harg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa. Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dhowaan la magacaabay, waxaana xubnahan dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux). Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha la dhaariyay kula dardaarmay in ay qaranka si daacadnimo ah ugu adeegaan. Xubnaha wasiirada ee maanta la dhaariyay ayaa kala ah: Mudane Maxamed Faarax Nuux oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali oo ah Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Marwo Aamina Xuseen Cali oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Marwo Dahabo Suusow Muunye oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip