halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 18-03-25

0
Tuesday March 18, 2025 - 08:04:52 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 18-03-25

    .......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.......

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay hoggaanka hawlgalada ciidamada cirka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgallada cirka ee ciidamadu ay ka fuliyeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu,

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey saraakiisha Ciidamada Cirka dadaalkoda joogtada ah, gaar ahaan xoojinta weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo argagixisada, isagoo tilmaamay in duqeymaha cirka ee lala beegsaday xarumaha Al-shabaab ay si weyn u wiiqday awooddooda iyo abaabulka dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada cirka ayaa Madaxweynaha la wadaagay xaaladda guud ee howllada iyo qorshayaasha muhiimka ah ee lagu xojinayo Ciidamada Cirka Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda uga faa’iideeyaan tababarrada sare ee ay soo qaateen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay sii xoojin donto dib-u-dhiska, qalabaynta, iyo tayeynta ciidanka Cirka si ay u gutaan waajibaadkooda, dadka Soomaaliyeedna uga dulqaadaan argagixisada.

Muddoo dheer kadib, waa markii ugu horeysay ee ay ciidanka cirka Soomaaliyeed hagayaan isla markaasna fulinayaan weerarro ka dhan ah argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay xubno kamid ah Golaha Wasiirrada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay magacaabay xubno cusub ee Wasiirrada Xukuumadda JFS ee kala ah:

1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip