halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 17-03-25

0
Monday March 17, 2025 - 07:02:59 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 17-03-25

    ...........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...........

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA LA-TALIYENIMO KA QAADAY MAXAMED XASAN IBRAAHIN (QOONE)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibadkoda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa uga mahadceliyay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xarunra Safaaradda kulan afur ah ugu sameeyay ku dhawaad 50 Safiir oo fadhigoodu yahay Nairobi.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Mas’uliyiin ka tirsan Doladaha Somalia iyo Kenya, mas’uuliyiin horay xilal kala duwan uga soo qabatay dalka Somalia oo uu Jiro Ra’iisal Wasaarihii dalka Mudane Cabdi Farah Shirdon (Saacid), Hoggaanka Guddiga Ganacsatada Soomaaliyeed, madaxda Bangiyada dalka Kenya, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya iyo marti sharaf kale.

Danjiraha iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa xarunta ku soo dhaweeyay Safiirada iyo mas’uuliyiin kale ee madasha lagu casuumay.

"Tani waxa ay ka turjumaysaa muhiimada ay Safaaraddu ugu fadhido bulshada Somaliyed meelkasta oo ay dunida ka joogaan”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa xusay in hogaanka Ganacsatada Soomaaliyeed iyo doorka muhiim ah ka qaateen isku xirka Safaaradda iyo Jaaliadda Somaliyed.

Danjire Jabriir mar uu ka hadlayay xiriirka diblomasiyaded ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa yiri"Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa haatan maraya meeshii ugu sareysay, iyada oo labada dhinac laga wado howlo kaalin mug leh ka qaadanayo ganacsiga iyo isku-xirka labada dal”.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Kenya xaflada iftaarka u soo dirtay 15 mas’uuliyiin heerar kala duwan leh, si ay Afurka qeyb muhim ah uga qaataan.

Ugu dambeyn Danjiraha ayaa uga mahadceliyay intii ka soo qeybgashay kulanka, waana sanadkii labaad oo ay Safaaraddu qabaneyso kulankan oo kale inta uu joogo Danjire Jabriil

Nidaam casri ah oo isku xiraya shaqo bixiyaasha iyo shaqo doonayaasha oo la daahfuray

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federalka Somalia, Mudane Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa si rasmi ah u daahfuray Nidamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeyaha iyo Shaqo-doonka (Somali National Job Portal), kaas oo wax weyn ka tari doona fududenta helitanka fursadaha shaqo e dalka.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qeyb-galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, wakiillo ka socda Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Nidaamkan cusub ayaa wax weyn ka beddeli doona habka shaqo-donayashu u helaan fursadaha shaqo, isaga oo xoojinaya xiriirka ka dhexeeya loo shaqeyayasha iyo shaqo-doonayasha. Wuxuu yareyn doonaa caqabadaha hor taagan in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan shaqooyin ku habboon xirfadahooda iyo khibraddooda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka, ayaa xusay muhiimadda uu nidamkan u leyahay kobaca dhaqalaha iyo horumarka waara ee dalka. "Tallaabadan waxay muujineysa sida ay dowladda uga go’an tahay xallinta caqabadaha shaqo la’aanta, iyada oo la dhiirrigelinayo in fursadaha shaqo ee dalka si cadaalad ah loogu qeybiyo dhammaan muwaadiniinta,” ayuu yiri Wasiirka.

Nidaamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin: Fududeynta Shaqo-helidda, Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka, Kor u Qaadista Horumarka Dhaqaale iyo Hufnaan iyo Cadaalad.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa horey u qaaday dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo shaqo-aburka, gaar ahan dhalinyarada. Nidaamkan cusub ayaa qeyb ka ah qorshayaal ay wasaaraddu waddo si loo abuuro jawi shaqo oo casri ah, loona fududeeyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed helaan fursado ay noloshooda ku horumariyaan.

Dhammaan shaqo-doonayaasha iyo loo shaqeeyayaasha waxaa lagu dhiirri-gelinayaa inay si buuxda uga faa’iid-aystan nidamkan cusub si lo hormariyo fursadaha shaqo ee gudaha dalka.

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Wasaaraddiisu xoojinayso wadashaqaynta ay la leedahay qurbajoogta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa habeen hore ka jeediyay khudbad xaflad af-fur ah oo Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaarada ay soo qaban-qaabisay oo lagu qabtay xarunta Wasaarada, isaga oo sheegay kaalinta wax ku oolka ah ee Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib-u-kabashada iyo hormarka qaran ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in qurbajogta Somaliyed ay kaalin wacan ku leeyihiin dadalada dib-u-kabashada, maalge-shiga iyo dib-u-dhiska dalka, isaga oo xusay in dhismaha Xarunta Maamulka Arrimaha Qurbajoogta Soomaaliyeed la guda-galay, bilooyin gudahooda ay ku idlaan doonto.

Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta, Dr. Maxamed Xuseen Gaas, inuu dardargeliyo wadashaqenta dhow ee qurbajoogta iyo dadka ku soo guryo-noqday dalka ay la leeyihiin waaxda si loo adkeeyo kaalintooda muuqata ee horumarka leh.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay bisha barakaysan ee Ramadaan, isaga oo tilmaamay fadliga soonka iyo ka shaqaynta adeegga bulshada inta lagu gudo-jiro bishani fadliga ah.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay duqeymo iyo dagaallo lagu naafeeyay Qawaarijta

Afhayenka Wasarada Gaashandhiga Sheekh Abuukar Maxamed ayaa ka warbixiyay duqeymo iyo dagaallo toos ah o saacadihi laso dhaafay Al-shabaab lagu naafeeyay, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud.

Afhayenka Wasarada Gashaandhiga ayaa ku sheegay deegaan si tooska ay oga dhaceen duqeymaha iyo weerarada lagu naafeeyay Kooxaha Qawaarijta in ay kala yihiin Owdheegle, Boos-hareeri, Sumadaale, Geerile, Doonka Shabeeloow, Ceel-buur iyo Laba-garas oo ka wada tirsan Gobollada Galgaduud, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Afhayenka Wasarada Gaashandhiga Sheekh Abukar ayaa oga mahadceliyay ciidamada qalabka sida iyo dadka deeganka sida dagaal ay ugu naafeyen Kooxaha Argixisada ee caadeytay daadinta dhiiga dadka muslimka ah.

Hawlgal lagu beegsaday Al-shabaab Al Shabab oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) ayaa fuliyay hawlgal duqeyn ah oo daba joogay dagaalkii lagu jabiyay Al-shabaab ee ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Howlgalka duqeynta ah oo ka dhacay deegaanka Laba Garas ayaa ujeedkiisu ahaa burburinta dhagar qabayaal ka tirsan Al-shabaab oo qorsheynayay in ay dib u isku abaabulaan kadib jabkii ay kala kulmeen dagaalkii cashirka ay ugu dhigeen Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha deegaanka ee ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidanka Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM ayaa ku hawlan xoojinta iskashiga ciribtirka Al-shabaab iyo qiimeynta khasaaraha Al-shabaab ku gaaray hawlgaladii u dambeeyay oo marba marka ka dambeysa isa soo taraya, taas oo muujineysa in ay Al-shabaab sii jabayaan

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Ciidamada Madaxtoyada Galmudug, NISA, Danab iyo Boliiska ayaa shalay howgal qorsheysan oo sifeyn ah oo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey deegano Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa shalay isku maray deeganada Bulacle, Taragaduud, Xirsi-fiin iyo Miirdugul sarakisha hogaminesa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howgalkan ay cadowga Al-shabab ah uga sifeynayen inta u dhexeysa Ceelgaras iyo Dhuusa-mareeb.

CIIDANKA QARANKA IYO SAAXIIBADA CAALAMKA OO HOWLGAL CULUS KA FULIYAY MAGAALADA JILIB

Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartim-aameedsaday xarumo muhiim ah oo Al-shabaab ay ku lahaayeen magalada Jilib ee xarunta gobalka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeran jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyay dhammaan goobaha la beedsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay maleshiyadka iyo horjoogayaasha cadowga, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tirokoob.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartimaameed ah waxay ku burburiyen fariisimihii ugu muhiimsanaa cadowga Al-shabaab ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobalada Sheeballaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta dagaalka jihaadka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab inta ay joogaan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Digniin, Dowlada Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaalyeed ee sugan goobaha Al-shabaab ku dhuumalaysanayan inay u dhowaadan xarumaha Al-shabaab ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadama Al-shabaab lagu begsanayo goob kasta.

Wasiir Daa’uud Aweys’’ Shacabka haka fogaadaan goobaha ay joogaan Al-shabaab,’’

Dowlada Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyees ugu baaqday in ay ka fogaadaan goobaha fara ku tiriska ah ee ay ku harsan yihiin Al-shabaab Al-shabaab, kuwaas oo ku soo koobmay in ay shacabka shibaateeyaan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in any Dowlasdu kordhisay duqeymaha cirka ee ay ka fulineyso goobaha ay joogaan Al-shabaab, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aysan ka agdhawaan goobaha Al-shabaab ku dhuumaaleysanayaan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in duqeymo dhacay Saacadihii la soo dhaafay lagu dilay horjoogayaal ku sugnaa degmada Jilib.

‘’ Waxaan markale shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa howlgalo ballaaran oo lagu beeraha carpets Al-shabaab, kuwaas oo ka dhacay degmada Jilib, markale, waxaan shacabka Soomaaliyeed uga dogma in ay ka fogaadaan goobaha carpets ka soo abaabulayo dhagarta ama ay rabaan in ay ka sameeyaan carqalado dhinac nabadda la xiriira, dowladda federaalka waxaa ka go’an in ay sii waddo howlgallada oo waliba u badan duqeymoDhanka cirka ah, marka si loo yareeyo khasaaro soo gaaro shacabka waa in ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan Cadowga,’’ ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys oo shir jiraa’d ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Howlgalka Jilib laga fuliyay oo ku soo dhammaaday guul ayaa lagu bur buriyay xarumo muhiim u ahaa Al-shabaab oo ay ku jiraan labo guri oo ay deganaayeen labo horjooge oo la kala yiraahdo Xasan Yacquub iyo Amiin oo intaba ku yaalo degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Somaliland iyo Ingiriiska oo ka Wada Hadlay Xoojinta Amniga Badda iyo Tababarada Ciidamada

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somalilan, Admiral Axmed Hure Hariye, iyo Madaxa Xafiiska Ciidamada ee Safaarada Ingiriiska ee Nairobi, James Edwards o ay weheliso Madaxa Xafiska Ingiriiska ee Hargeysa, Mrs. Cammilla, ayaa ka wada hadlay sidii ay u yeelan lahaayeen wada shaqayn buuxda.

Qoraal lagu baahiyay bogga Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ay ka wada hadleen sidii ay u adkayn lahayen wada shaqenta ka dhaxesa Ciidamada Bada Somaliland io Dowlada Ingiriiska.

"Kulankan waxaa diiradda lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen wada shaqaynta Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Ciidamada Badda Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada tababarada iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in masuuliyiinta ka socday Dowladda Ingiriiska ay dhankooda ballanqaadeen inay gacan buuxda ka siin doonaan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland dhinacyada tababarada iyo dhisidda xirfadaha muhiimka ah.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Hure Hariye, aya uga mahadceliyay masuliy-inta socdaalkooda ay ku yimaadeen Somaliland, isago sido kale balanqaday inay xukumad ahan iyo ciidan ahaanba soo dhowen doonaan wada shaqentasi.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo shir deg deg ah ka yeeshay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab

Madaxwenaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlawe) aya shalay shir-gudomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaaden Golaha Wasirada Dowlada Hirshabelle.

Ugu horeyn Wasaaradda aniga ayaa laga dhageystay warbixin ku aaddan halka uu marayo howlgalka dabar-goynta Al-shabaab waxana ay xuseen in guluf xooggan uu weli ka socdo Hirshabeelle kaas oo lagu naafeeyay Al-shabaab iyagoo lagu baacsanayo dhulka howdka ah.

Wasaradaha Gargarka, Caafimadka, Qorshenta, Waxbarrashada, Maaliyada iyo Gaadiidka ayaa soo bandhiggay saameynta dagaalka iyo qaabka ay ula tacaalayaan xaaladdaha soo kordhay.

Wasaaradda Cadaallada ayaa tilmaamtay maxaabiista dagaalka lagaga qabtay Al-shabaab in la marsiin doono hab-raaca sharci ee garsoorka.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay inuu gabogabo marayo hirgelinta Raadiyaha Dowladda Hirshabeelle oo laga dhageysan doono labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe kaas oo qeyb ka noqon doono wacyigelinta iyo baabi’inta fikirka xagjirka ah.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa kulanka Golaha Wasiirrada uga mahadcelisay guud ahaan Haweenka Hirshabeelle oo aagagga dagaalka gaarsiiyay cunto iyo agab kale oo dhiirogelin u ah Ciidamada Qalabka Sida iyo Xaq-u-dirirka deegaanka.

"Hirshabeelle waxa ay heegan ugu jirtaa oo waqtigeeda ugu badan gelineysaa howlgalka dabar-goynta Al-shabaab. Lama siyaasadeyn karo dhiigga muwaadinka naf-bixiyaha ah lagumana qarin karo been-abuur.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa amray in Golaha Wasiirrada ay iska xaadiriyaan furimaha dagaalka.

Puntland oo shacabkeeda uga digtay inay qaataan kaarka aqoonsiga qaranka oo dowladda Federaalku bixiso

Maamulka Puntland ayaa si cad uga horyimid kaarka aqoonsiga qaranka oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka bilowday magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Ali (Jifojabsade ayaa uga digay shacabka Gaalkacyo in aysan ku sirmin barnaamijkan, isaga oo ku tilmaamay mid aan sharciyad iyo dastuur sax ah ku dhisnayn.

Guddoomiye Jifojabsade wuxuu si cad u sheegay in Puntland aysan oggolayn in diiwaangelin heer Federaal ah laga sameeyo deegaannadeeda.

Guddoomiye Faysal wuxuu intaas ku daray in qof kasta oo ka qaybqaata hannaanka diiwaangelinta ee NIRA, si uu u helo kaarka aqoonsiga muwaadinimo ee hay’addaasi, uu lumin doono xuquuqdiisa asaasiga ah iyo tan muwaadinimo ee Puntland, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

"Dastuurkii ay Soomaali ku heshiisay waa la beddelay oo meesha waa laga saaray. Hadda waxaa yimid hay’ad la yiraahdo NIRA, oo leh diiwaangelin baan samaynayaa, balse su’aashu waxay tahay: sharci ma tahay mise ma aha?" ayuu yiri guddoomiyaha Mudug.

Si kastaba ha ahaatee, hay'adda NIRA ayaa Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ka bilowday bixinta kaarka aqoonsiga Qaranka, iyadoo dad badan oo kasoo jeeda Puntland ay qaateen kaarkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in muwaadin kaste oo qaata kaarkan uu ka qeyb gali doono doorashooyinka qof iyo cod.

Dowladda Maraykanka oo weeraro cirka ah ku qaaday kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Sabtidii ciidammada cirka ku amray inay duqeeyaan badhtilmaa-meedyada Xuutiyiinta ee magaalada Sanca iyo Saada, halkaas oo ay ka fuliyeen duqeymo culus.

Trump ayaa sheegay inuu qaadi doono weerarro isdaba joog ah oo cirka ah haddii kooxda Xuutiyiintu ay joojin waayaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga.

"Dagaalyahannadeenna geesiyaasha ah ayaa hadda qaaday weerarro cirka ah oo ay la begsanayan saldhigyada, hogamiyeyasha iyo difaacyada gantallaha ee argagixisada, si ay u ilaaliyaan maraakiibta Maraykanka," ayuu yidhi Trump.

Waxa uu intaa ku daray in kooxaha argagixisada aysan awood u lahayn inay meel ka mid ah caalamka ku waxyeelleeyaan maraakiibta ganacsiga ee Maraykanka. Dhinaca kale, waxa uu digniin u diray dowladda Iran oo taageerta Xuutiyiinta.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa warbaahinta u sheegtay in qaraxyo waaweyn laga maqlay fiidkii Sabtida gudaha magaalada Sanca iyo gobolka waqooyi ee Saada, ee xadka la leh Sacuudi Carabiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP. Xuutiyiintu waxay intaa ku dareen in weerarradaasi lagu dilay 13 qof oo shacab ah.

Kooxda Xuutiyiinta oo ka carootay xasuuqii ay Israa'iil ka gaysatay magaalada Qasa, ayaa bilowday in ay weerarto maraakiibta Israa'iil iyo Reer Galbeedka.

Shiinaha oo cambaareeyay xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan

Dowlada Shiinaha ayaa cambaresay xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, iyadoo sheegtay inay qaaday tallaabooyin cadaadis lagu saarayo Hargeysa si loogu qanciyo inay joojiso xidhiidhka ay la leedahay Taipei.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, oo waraysi kooban siiyay warbaahinta Dalsan TV, ayaa sheegay in Taiwan ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha.

"Waxa jira oo keliya hal Shiine oo adduunka ah; Taiwan-na waa qayb aan laga goyn karin Shiinaha. Waxaa jira dalal badan oo taageersan in la helo dib-u-midaynta qaranka. Taasi waa xaqiiqda aasaasiga ah," ayuu yidhi Wang Yu.

Waxa uu intaas ku daray in dowladdiisu ay si adag u cambaaraynayso, isla markaana uga digayso Somaliland xidhiidhka sii xoogaysanaya ee ay la leedahay Taiwan.

"Taiwan waxa ay gacan saar la leedahay quwada siyaasadeed ee Hargeysa, iyaga oo si cad ugu ololeynaya gooni-isu-taagga. Waanu cambaaraynaynaa oo waanu uga digaynaa xoojinta xidhiidhkaasi," ayuu hadalkiisa ku daray Wang Yu.

Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay qaaday tallaabooyin lagaga hortagayo Somaliland, isla markaana dowladda Soomaaliya ay iska kaashanayaan danaha qaramadooda ee waaweyn, sida midnimada dhuleed. "Shiinuhu wuxuu garab siinayaa dowladda Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimada dhuleed ee qarankooda," ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dhawaan sheegay in xukuumaddiisu ay kor u qaadi doonto xidhiidhka ay la leedahay Taiwan, oo ah jasiirad qaniga ah balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Dad siyaabooyin kala duwan loogu dilay gudaha Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Gobolka Banaadir ayaa shalay darawal mooto bajaaj ku dilay Suuq Bacaad, oo ah Suuqa Labaad ee Muqdisho ugu weyn.

Ciidamo kale oo goobta uu dilku ka dhacay soo saaray ayaa kaxeeyay askarigaasi, umana muuqan kuwo xiraya askarigaasi. Ciidamadan ayaa sidoo kale goobta uga tagey meydka bajaajlihii la dilay oo saaran mooto bajaajtii uu darawalka ka ahaa.

Dadweyne ka carreysan dhacdadaasi ayaa dibadbax ay kaga dhidhinayan dilka ninkasi dhalinyarada ah ka dhigay Isgoyska Afarta Jardiino ee Degmada Yaaqshiid.

Ciidamo boolis ah oo goobta gaaray ayaa la sheegay in ay isku dhaceen dadkii dibadbaxa dhigayay. Dadweynaha ayaa burburiyay, isla-markaana dab qabadsiiyay gaari ay boolisku leeyihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaarigaasi ay leeyihiin Ciidanka Taraafikada, isla-markaana uu halkaasi uga tagey askarigii wax dilay.

Ciidanka Booliska ee ka hawlgala Saldhigyada Booliska ee Degmooyinka Yaaqshiid iyo Shibis ayaa halkaasi loogu diray, si loo dejiyo xaaladda, loona kala eryo dadkii isugu soo baxay.

Xaaladda ayaa waxaa uga sii daray, markii ciidamadu ay bilaabeen inay rasaas ku kala eryaan dadkaasi, balse ay dadka qaarkood kaga jawaabayeen dhegxaan ay ku tuurayeen ciidamada. Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay rasaastaasi.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la soo qabtay askarigii dilka gaystay, si degdeg ahna loo horgayn doono sharciga.

Dhanka kale askari kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in shalay uu afar qof ku toogtay xaafadda Soona-key ee Degmada Hodan, ka dib markii uu rasaas ku furay dad ka cabanayay in dhul boob lagu hayo.

Mid ka mid ah afartaasi qof oo gabar 14 jir ahayd ayaa u geeriyootay dhaawicii ka soo gaaray rasaastaasi.

Askarigan ayaa la sheegaya in uu ka tirsan yahay boolis uu Maamulka Degmada Hodan geeyay inay ilaaliyaan dhul dhawaan laga raray qoysaskii deganaa.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa muddo dheer ku lug lahaa dilka dadka rayidka ah.

Hay'adda MSF oo ka digtay xaalada Nafaqa darro ee Caruurta Soomaaliyeed

Dhibaatada nafaqo-xumada ba'an ee Soomaaliya waxaa uga sii daray abaaro daba-dheeraaday, colaado socda, iyo dhaqaale la'aan, taasoo sii wiiqday nidaamka daryeelka caafimaadka, sida ay sheegeen dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.

Hay’addu waxay sharraxaad kabixisay in kumannaan carruur ah ay wajahayaan khatar xoogan oo kusoo fool leh, taas oo ay ugu wacan tahay xaaladda nafaqo ee sii xumaanaysa, waxaana ay khatar gelinaysa noloshooda.

Hay’addu waxay xustay in dhaqaale yarida daba dheeraatay ay curyaamisay dadaalladii bani’aadamnimo, taasoo ku khasabtay hay’ado badan inay yareeyaan ama xiraan barnaamijyadooda, taasoo sii kordhin karta dhibaatada xaga nafaqada.

Hay’addu waxay ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha samafalka inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo looga hortagayo in xaaladda bini’aadantinimo ay sii xumaato, iyadoo ka digtay in cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii aan si dhaqso leh looga jawaabin.

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (UNOCHA), 1.7 milyan oo caruur ah ayaa la filayaa in ay soo wajahdo nafaqo darro ba'an sanadka 2025-ka, kuwaas oo ay ku jiraan 430,000 oo caruur ah kuwaas oo wajihi doona nafaqo darro aad u daran, waxaana ay u baahnaan doonaan in la badbaadiyo noloshooda.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la kulmay Ciidanka Isku Dhafka Beledweyne

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii la kulmay Ciidanka Xasillinta Beledweyne, oo ah ciidamo isku dhaf ah oo loogu talagalay inay xaqiijiyaan amniga magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ciidamadaasi ugu tagey dhiirigelin, ka dib dhacdadii indhaha soo jiidatay ee dableyda maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan ay Talaadadii ka gaysatay Hotel Qaahira ee Magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha oo ay wehlinayeen Kuxigeenkiisa Siyaasadda & Maaliyadda, Xasan Ibraahim Cabdulle iyo Gudoomiyaha Degmada, Cumar Cismaan Calasow ayaa la kulmay ciidamadan oo loo sameeyay la dagaalanka Al Shabaab iyo kooxaha burcadda ee dhaca ka gaysta magaaladaasi. Ciidamadan ayaana xaafadaha magaalada ka sameeya hawlgalo ka dhan ah cid kasta oo loo arko inay qalqalgelinayso amniga magaalada.

Masuuliyiintan ayaa warbixin la xiriirta amniga ka dhageystay Taliska Ciidanka Xasillinta, iyagona bogadiyay shaqada ay dadkooda u hayaan.

Muuse Salaad Wehliye, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ciidamada kula dardaarmay in shaqadoodu ay noqoto mid isugu jirta ka hortag iyo ka dabatag, iyadoo gacan adag lagu qabanayo amniga magaalada.

War ka soo baxay Xafiiska Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in Gudoomiye Wehliye uu ciidamadu siiyay amar ku saabsan inay cagta cagta u saaraan kooxaha argagixisada, si loo fashiliyo baa warka lagu yiri dhagar walba oo ka imaan karta cadowga.

Kulankan ayaa imanaya, iyadoo laamaha amniga ay baarayaan weerarkii Hotel Qaahira oo Al Shabaab ay sheegatay. Weerarkan ayaa dhacay, xilli u so hagagayay amniga magalada.

Shuute oo shacabka ku jiheynaya dagaalka Al Shabaab

Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa sheegay inaysan jirin meel looga harayo maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii uu sheegay inaysan wadin wax diin ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo tan iyo daba-yaaqadii bishii February ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa dhinaciisa ka riixaya hawlgalka la doonayo in Shabaab lagaga ciribtiro labada gobol ee Hirshabelle.

Gudoomiyaha oo Sabtidii dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Difaaca Shacabka ee ku sugan deegaanka Miiro ayaa sheegay in taariikh ay qormeyso, wuxuuna Macawiisleyda ku booriyay in ay taariikh wanaagsan ka tagaan.

"Qof walba waxaa gacantiisa ku jira qalinkii uu taariikhdiisa ku qori lahaa. Taariikhdaasi mid xun haddaad qoratid mid xunaa kuu qormee, haddaad mid fiican qoratidna, mid fiicanaa kuu qormeyso.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.Waxa kaloo uu sheegay in dadka ku dhaqan deegaanada Hirshabelle ay markii hore ku dhimanayeen natiijo aan wanaagsaneyn, oo uu uga la jeedo dagaal beeleedyada ku soo noqnoqday deegaanadaaasi, balse shalay ay haystaan natiijo wanaagsan oo adduun iyo aakhiraba aysan ku khasaari doonin, taas oo ah dagaalka Al Shabaab.

"Suubanaheenna (NNKH) ayaa yiri haddaad Al-shabaab disho janno ayaa galee, haddii ay ku dilaana jannaa galee. Labada natiijaba way fiican tahay.” Ayuu yiri Korneyl Xasan Cali Nuur.

Korneyl Xasan Cali Nuur ayaa ku nuuxnuuxsaday in Shabaabku ay ka fog yihiin Diinta Alle, waxaana uu dadka deegaanka uga digay inay run moodaan in nimanku ay diin wadaan.

"Al-shabaab waxa loo yiri, diinta ayay bannaanka ka yihiin. Sideedaba nimankaasi shacabkii ayaa diiday oo waa kanaa dadkii deegaanka way diidan yihiin, wayna la dirirayaan. Dowladdii ayaa diidan oo annaga waa kanaa juqdaanaa ugu jirnaa, ciidamadii waa naga soo horreeyeen oo waa diriraayeen. Diintii ayaa diidan oo waa taasaa diintii ayay ka baxsan yihiin.” Ayuu yiri Korneyl Shuute oo intaasi ku daray "Sideedaba raggaas meel looga haro ma leh.”

Korneyl Shuute ayaa ku waramaya in shaqadiisii maxkamadda uu ka soo tagey, isagoo qorigiisa watana uu goobta dagaalka u yimid, si uu Shabaab u arko, isagoona dadka deegaanka ee loo abaabulay la dagaalankooda ugu baaqay inay dagaalka galaan.

Korneyl Shuute ayaa gaaray jiidaha dagaalka ee gobolka maalmo uun ka dib, markii Shabaabku ay weeraro ka bilaabeen deegaanada bariga ee gobolkaasi.

Shuute ayaa wax ka hoggaaminaya hawlgalka ka socdo gobolkaasi ee lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.

Shuute oo maalmahaanba si joogta ah u booqanayay aagagga dagaalka ayaa shacabka ku jiheynaya inay la dagaalamaan Shabaabka.

Shuute ayaa howshii maxkamadenta ee Muqdisho uu ka waday u soo bedelay gobolkaasi, taas oo ku tusineysa in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ahmiyad weyn u leeyahay holgalka Hirshabelle.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip