halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 08-03-25

0
Saturday March 08, 2025 - 09:33:12 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 08-03-25

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay guullaha laga gaaray la dagaalanka Al-shabaab

Madaxwene Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Jimcada kula tukaday masuuliyiinta Dowladda iyo shacabka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay guulaha muhiimka ah ee Halyeeyada Ciidamada Qaranku ay ka soo hoynayaan howlgallada xoreynta dalka, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyed iyo dowladdooda aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay dhoodho-obayaan Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku hambalyeey guullaha ay furimaha dagaalka ka soo hooyeen Ciidanka qaranka qaybihiisa kala duwan Madaxweynaha ayaa Shacabka faray in ay garab istaagaan Ciidamada qaranka si goobaha tirada yar ee al-shabaab ku dhuumanayso looga sifeeyo.

Soomaaliya oo diyaarineysa ergay dhex-dhexaadiya dhinacyada isku haya Suudaan

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhowaaan la magacaabi doono ergay u howlgala sii ambaqaadidda qorshaha badbaadinta ee Dalka Suudaan.

Wasiiru dowlaha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahy dagaalka sokeeye ee ka dhacay Suudaan,isagoo qiray in dalkaasi uu kamid yahay dalakii u soo gurmaday Soomaslaiya.

Mudane Cali Balcad waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u yahay dhexdhexaadinta arrimaha Suudaan, maadaama ayuu yiri "Soomaaliya ay xubiin ka tahay golaha ammaanka ee qaramada midoobay

Suudaan waxay nagu leedahay abaal weyn, sidaa daraadeed waxaa naga go’an in dhowaan aan magacaawno ergay dhexdhexaadiya labada dhinac ee ku dagaalamaya dalkaasi” ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Wasiirka Batroolka XFS oo shir muhiim ah kaga qeybgalay Tansaaniya

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa ka qeybgalay carwada 11-aad ee shidaalka waddamada ku bahoobay ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, oo lagu qabtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, waxaana goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika EAC, Mudane Ilyas Cali Xasan.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kheyraadka shidaalka iyo iskaashiga dhinaca tamarta ee waddamada Bariga Afrika, iyada oo xoogga lagu saarayo xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo waddamada gobolka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga Kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo macdanta.

Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa la wadaagay ka qeybgalayaasha shirka fursadaha iyo caqabadaha maalgashiga shidaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dhinaca tamarta ah, kuwaas oo u baahan maalgelin iyo iskaashi caalami ah si loo horumariyo.

Shirkan oo halku-dhiggiisu ahaa "Furitaanka Maalgelinta Shidaalka iyo Gaaska Mustaqbalka” ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii waddamada ku bahoobay ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika bulshada ay u abuuri lahaayeen iskaashi adag oo ku saabsan shidaalka iyo gaaska, iyadoo la is-dhaafsanayo waayo-aragnimo iyo aqoon kororsi.

Wasiir Biixi oo Baarlamaanka horgeeyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa Baarlamaanka JFS hor geeyay 3 hindise sharciyeed oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

Hindise sharciyeedyadan oo kala ah hindise sharciyeedka cashuuraha dakhliga (Income Tax Bill), hindise sharciyeedka caymiska (Insurance Bill) iyo wax kabadalka hindise sharciye-edka hay’adaha maaliyadda (Financial Institutions Bill).

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo la hadlayay Xildhibanada Baarlamanka Federaalka ayaa xusay ahmiyadda ay shuruucdani u leeyihiin hannaanka horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in Wasaaraddu diyaar u tahay ka jawaabidda su’aalaha Golaha ee ku aadan shuruucdan hadda horyaala Baarlamaanka iyo Hindise Sharciyeedyada kale ee qorsheysan in Wasaaradda Maaliyadda soo gudbiso markii ay dhammaystirmaan diyaarintooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip