
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 06-03-25
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Dowladdiisu marnaba raali ka ahayn barakicinta Shacabka Gaza
Ra’iisul wasaaraha Soomaalia, Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuux-nuux saday in Dowladda Soomaaliya ay si cad u diidan tahay isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu barakiciyo falasti-iniyiinta, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhaqamada noocaan ah ay ka dhigan yihiin xad-gudub cad oo ka dhan ah sharciga caala-miga ah iyo xuquuqul insaanka, khatarna ku ah amniga gobolka iyo kan caalamiga ah iyo nabadda.
Khudbadd uu ka jeediyay shir madaxeedka degdega ah ee Carabta, ayuu Ra'iisul Wasaraha Soomaaliya sheegay in shirkan lagu qabanayo iyadoo ay jiraan caqabado heer gobol ah iyo mid caalami ah oo aan horay loo arag dunida, loona baahan yahay in la kordhiyo iskaashiga wadamada Carabta.
Ra'iisul wasaare Xamsa ayaa xusay in si laga hortago xaladaha ka taagan bariga dhexe ay mudan tahay in la ogaado Muhiimadda ay leedahay dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo xasilloonida gobolka iyo amniga.
Wuxuu carabka ku dhuftay in shacabka Falastiin ay mudan yihiin aayo ka tashi iyo dhisidda dowlad madax bannaan, xaqaasna uusan ahayn mid gorgortan geli kara ama lagu xad-gudbi karo.
Ugu dambeeyn waxa uu Khudbadiisa ku caddeeyay inuu ku adkaysan doono mowqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan taageeridda qadiyadda falastiin ee ka sheegista fagaara-yaasha kala duwan ee caalamiga ah ilaa shacabka Falastiin ay helaan xoriyadoda iyo xuquqdoda sharciga ah.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS oo gaaray Baydhabo
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labad ee XFS mudane Abdisalan Cabdi Cali Dhaay iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa aqalka madaxtoyada magaalada Baydhabo kusoo dhoweyay Madaxwenaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Mareykanka lacagihii uu siin jiray Ciidanka Danab uu jartay
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuu-madda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka hor sheegay xubnaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in Dowladda ay kusoo korortay culees dhaqaale oo uga yimid in lacago balaayiin doolaar ah oo ay deeq ahaan ka heli jireen Dowladda Mareykanka gaar ahan Hay'ada USAID ay meesha ka baxday.
Wasiir Biixi ayaa sheegay in culeeska ugu weyn ee Dowladda kusoo furmay ay tahay in dhaqaalihii ay Dowladda Mareykanka ay ku bixin jirtay Ciidamada Danad ay jaratay, sidoo kale waxaa lamid ah kaalmo kale oo dheeraad ah ay heli jirtay Wasaaradda Maaliyada la jartay taa oo culees ku noqotay misaaniyadda Dowladda.
Sidoo kale waxa uu wasiirka xusay in la waayay dhaqaale ama kaalmo lagu bixin jiray arrimaha bini'adamnimo ama kuwa horma-rinta oo qiimeeynta wasaaradda lagu ogaaday in 1.5 Billion ay sanadkii heli jirtay uu meesha kabaxay waxaana ka dhalan doona culeesyo dhaqaale oo Dowladda ay xambaari doonto.
"Waa inaan kawada shaqeena dardargelinta Canshuuraha, waa inaan ka maaranaa kaalmada shisheeye oo aan ku tashanaa waxa aan haysano, guud ahaan Mareyka-nka kaliya maahanee caalamka oo dhami ayuu isbadalkaasi ku dhacay" ayuu yiri Wasiir Biixi oo xildhibanada Golaha shacabka ka hor hadlaayay.
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in waqtiga dhow ay kusoo wajahan tahay dhibaato xaga dhaqaala ah loona baahan yahay in loo diyaar garoobo, Hay'adda USAID tan iyo markii dib looso doortay Madaxweyne Donald Trump waxa ay kamid aheyd kuwii uu joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray ee ay kaga qeyb qaadan jirtay kaalmada Dowlada Mareykanka ee hormarinta iyo arrimaha bini'adamnimada.
SoDMA iyo hay’adaha bahwadaagta la ah oo kulan ku yeeshay Muqdisho
Guddoomiye ku xigeenka Hay’ada Maareynta Musiiboyinka Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa kor-joogteeyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Dowladda Federaalka, wakiillo ka socday Dowlad Goboledyada, Hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada maxaliga ah, io Ururada Bulshada Rayidka, kaasoo lagu ansixiyay xeerka uu ku shaqeynayo Gudiga Qaran ee Isku-duwida Maareynta Musiibooyinka (NDMCC).
Dr. Axmed ayaa muujiyay muhimadda ay leedahay wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’addaha heer qaran iyo heer Dowlad Gobolleed, si loo xaqiijiyo maarayn hufan oo wax-ku-ool ah, halka uu xusay in maareynta musiibooyinka ay ku imaan karto dadaal wadajir ah, loona baahan yahay iskaashi buuxa oo dhexmara dhammaan hay’addaha iyo bah-wadaagta kale ee ka shaqeysa gargaarka bini’aadannimo.
Gudiga Isku-duwida Maareynta Musiibooyinka oo la aasaasay iyadoo la kaashanayo taageerada mashruuca SCRP ee Bangiga Adduunka maal-galiyay ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada lagu maareynayo musiibooyinka dalka, wuxuuna kaalin muuqata ka qaadan doona isku-dubaridka dadallada gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga iyo kuwa dad sameyga ah.
In ka Badan Hal Milyan oo Qof oo laga Cabsi Qabo in Ay Abaaro Ku Dhuftaan Soomaaliya
Hay'adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa walaac ka muujisay abaaro laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan in ka badan hal milyan oo qof gudaha Soomaaliya, sida ay Talaadadii baahisay Wakalada Wararka ee Reuters.
Abaartan, oo la saadaalinayo in ay reer miyiga Soomaaliya ku dhufato bilaha soo socda, ayaa la filayaa in tirada dadka ay saamayso ay kor usii kacdo, maadaama dowlada Maraykanku ay jartay taageeradii ay siin jirtay hay'adaha gargaarka, sida uu sheegay Jean-Martin Bauer, Agasimaha Adeega Falanqaynta Amaanka Cuntada iyo Nafaqada ee WFP.
Sannadkii 2022 ayaa ka mid ahaa sannadihii ugu qalafsana ee soo maray reer miyiga Soomaaliya, iyada oo dad gaadhaya 43,000 qof ay ku dhinteen abaaro xidhiidh ah oo dalka ku dhuftay, sida lagu sheegay warbixin laga qoray saameynta ay abaaruhu ka gaysteen Soomaaliya sannadihii u dambeeyay.
"Warbixin dhawaan la daabacay ayaa sheegaysa in dad ka badan 3.4 milyan ay wajahayaan cunto-yaraan daran Soomaaliya, tiradaas oo laga yaabo in ay sare ugu kacdo 4.4 milyan bilaha soo socda," ayuu yidhi Bauer.
Abaartu waxay si gaar ah ugu darantahay carruurta, waxaana la filayaa in 1.7 milyan oo carruur ah oo ka yar 5 sano ay wajahaan nafaqo-daro marka la gaadho bisha December ee sannadka 2025, sida ay sheegtay WFP. Waxaa intaa dheer in 466,000 ka mid ah carruurtaas ay la kulmi doonaan nafaqo-xumo aad u daran.
Horey, WFP waxay hoos ugu dhigtay barnaamijyadeeda gargaarka, iyada oo haatan caawinaysa 820,000 oo qof oo Soomaali ah, tiradaasi oo aad uga yar marka loo eego 2.2 milyan oo qof oo ay caawisay xilligii ay taagnayd abaartii darnayd ee 2022, sida uu sheegay Bauer.
Bauer wuxuu sheegay in dadaallada caawinta dadka jilicsan ee hay'adda WFP ay hoos u dhaceen kadib tallaabadii aan la mahadin ee uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku joojiyay taageeradii ay dowladdiisu siin jirtay hay'adaha gargaarka.
Puntland oo Garowe ku xirtay saddex qof oo loo haystay inay taageerayeen kooxda Daacish
Ciidanka Booliiska Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo lagu eedeeyay inay taageerayeen kooxda Daacish, kuwaas oo laga qabtay magaalada Garowe.
Saddexdan eedeysane oo lagu kala magacaabo, Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad, Fahad Maxamed Abshir, Caamir Cabdi Muuse Cabdi ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen moral-gelinta iyo taageerada kooxaha argigixisada.
Booliiska Puntland ayaa xaqiijiyay in hadda ay ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaano dheeraad ah.
Qoraal uu soo saaray Booliisku ayuu bulshada uga digay faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahan yahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh.
Waxay sheegeen in eedeysan-ayaashu ay wajihi doonaan sharciga, loona gudbin doono maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaban eedeymaha loo haysto.
Warkan kasoo baxay Booliiska Puntland ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay bulshadu caro ka muujiyeen xarig loo geystay Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad oo kamid ah barayaasha magaalada Garowe, islamarkaasna kamid ah saddexda qof ee booliisku ay xireen.
Cabdiqaadir oo cilmiga tarbiyada ka dhigi jiray dugsiyada sare ee Garowe, ayaa todobaad ka hor laga ka xaystay dugsigiisa. Waxa uu maalmo kahor ka qeyb ka ahaa olole ay dugsiyada soo abaabuleen oo looga soo horjeeday Daacish, laguna taagerayay howlgalka ciidamada Puntland ay wadaan.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 06-03-25
,,,,,,,