halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 05-03-25

0
Wednesday March 05, 2025 - 08:04:55 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 05-03-25

    ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

........

Duqa muqdisho oo daah-furay tartanka Quraan aqriska ee bisha Ramadaan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane, Maxamed Axmed Amiir ayaa daah furay tartanka Quraan aqriska bisha Ramadaan ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Tartankaan oo ah mid sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ku tartamaya ardey ka kala socda dugsiyadda Quraanka Kariimka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Xaadoole oo ka tirsan BFS, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Agasimeyaal, Gudomiye kuxigeenada arrimaha bulshada degmooyinka gobolka Banaadir, culuma’udiin, macallimiinta dugsiyadda, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaminayo ayaa gaaray magalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo la filaayo inuu ka furmo shirka madaxda ururka Jaamacadda Carabta.

Ra'iisul wasaare Xamsa ayaa la filayaa inuu shirka oo shalay ka furmaya magaalada Qaahira uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlaayo go'aanka Dowladda Soomaaliya sida ay u diidan tahay barakicinta Shacabka Gaza.

Shirkaan oo ah mid deg deg ah oo ay aan caadi ahayn ayaa waxaa ku baaqday Dowladda Masar si madaxda wadamada Jaamacadda Carabta ee xubnaha ka ah ay hal meel uga soo wada jeesan lahaayeen una diidi lahaayeen in shacabka Gaza la barakiciyo.

Shirka sidoo kale waxaa diirada lagu saari doonaa dib u dhiska magaalada oo ay ku burburtay dagaalkii ay Israel ku qaaday 7dii October ee sanadkii 2023 wixii ka dambeeyay weerarkii Xamaas ee Duufaan Al aqsaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in marnaba aysan ogolaan doonin oo aysan taagerenin qorshaha Madaxwnaha Marekanka Donald Trump ee shacabka looga barakicinayo magaalada Gaza.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Qaahira

Afhayeenka Xukuumada Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaminayo ay habeen hore u ambabxeen magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay halkaasi kaga qaybgalayaan shir aan caadi ahayn oo ay leeyihiin madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo looga hadlayo dib u dhiska Gaza.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip