
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 04-03-25
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda Mr. Qimiao Fan, oo booqasho ku yimid Muqdisho.
Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageerada Bangiga Adduunka ee ku aadan dhinacyada dowlad-dhiska, maamul wanaagga iyo sii wadista mashaariicda horumarineed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Bangiga Aduunka uga mahadceliyey kaalinta ay ku leeyihiin dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo taageerada kala duwan ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo mashariicda gargaarka.
Wasiir Biixi oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub
Wasiirka Maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Imaan Cige ayaa shalay kulan miro-dhal ah la yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay hogaaminaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson iyo xubnaha sare ee xafiiska Ururuka ee Soomaaliya.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista taageerada miisaaniyadeed ee midowga Yurub ay hore ugu deeqeen Dowladda Soomaaliya oo hada wajigiisii 1-aad uu gabagabo yahay, sidoo kale waxaa laga wada hadlay qorshaha taageerada oo socondoona ilaa iyo 2027-ka.
Midowga Yurub ayaa ka mid ah saaxibada caalamiga ah ee had iyo jeer ka qeyb qaata taageerada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka furliyo gudaha Soomaaliya.
Golaha shacabka oo soo gabangabeeyey dood ku saabsan xasaanadda iyo safarada Xildhibaanada
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Abdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankisa sedaxad oo lagu sii amba qaaday dood la xirirtay so jedinta Xildhibano ka tirsan Golaha taaso lu saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarada Xildhibaanadda, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu gaba gabadda dooda sheegay in dooda arintan la xiriirta oo soo bilaabatay kulankii kan ka horeyay shalay la so gaba gabeyay.
Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharc-iyedka Daawadda oo ay soo diyaarisay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada e Xukumada Federalka Somalia, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedkan mudanayaasha Golaha la wadaagay Wasiirka Wasarada Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada oo faahfaahin ka bixiyay qodobada hindise sharciyeedkan uu ka koobanyahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maadaamaa sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha Shacabka hindise sharciyeedka marka uu marayo akhrinta koowaad uusan wax dood ah ka furneyn lagu wareejinayo guddiga ku shaqada leh si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad islamarkaana Golaha dib ugu soo celiyo si looga doodo.
Taliyaha Ciidanka Boliiska oo xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday dalka Masar
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Abdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday dalka Masar.
Kulan gaar ah oo taliyaha iyo masuliyiintu yeeshen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga, hormarinta xirfadaha sarakiisha Boliiska iyo iskashiga labada dal ee dhanka tababarrada iyo la dagaallanka dambiyada.
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaariisay Aadan-Yabaal
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, ayaa shalay 11 gaadiid ah oo sida shixnado kala duwan oo gargaar ah geysay deegano hoostaga degmooyinka Aadan yabaal iyo Al-kowsar ee gobolka Shabeellada Dhexe, dhawana lagu jabiyay kooxda al-shabaab, si loo gaarsiiyo shacabkii dhibaatada ka soo gaartay colaadii halkaas ka dhacday.
Gaadiidkaan ayaa wada qeybaha kala duwan ee Raashinka, Daawoyin, Teendho-yin iyo agabyo kale oo muhiim ah, waxana gargaarkaan ka mahad-celiyay shacabka ku nool deegaanadaan, kuwaas oo iskugu darsomen abaaro iyo colaada al-shabaab.
Hindise sharciyeedka Daawada oo shalay la horgeeyay Golaha Shacabka
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay hor geeysay xildhibaanada Golaha Shacabka hindise sharciyeedka Daawada oo ay mudanayaasha marsiiyeen akhrinta 1aad, waxaana uu ugudbi doonaa ilaa laba akhris oo kale si sharci uu u noqdo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa sedaxaad oo lagu sii amba qaaday dood la xiriirtay soo jeedinta Xildhibaano ka tirsan Golaha taasoo ku saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarada Xildhibaanadda.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dooda arintaan la xiriirta xasaanadda Xildhibaanada oo soo bilaabatay kulankii kan ka horeyay shalay la so gaba gabeyay.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobada hindise sharciyeedkan uu ka koobanyahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay waxaana uu ka dalbaday in mudanayaasha ay si mug leh ay usoo akhriyaan si sharci looga dhigo.
Wasiirka ayaa xildhibaanada golaha Shacabka ka codsaday in Hindise sharci-yedka ay meel mariyaan maadama uu muhiim u yahay xakamaynta iyo tayaynta daawada dalka taasoo qeyb ka ah horumarinta Caafimaadka dalkeena.
Gudomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nur (Madobe) oo kulanka soo xiray aya sheegay in maadama sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha Shacabka hindise sharciyeedka marka uu marayo akhrinta koowaad uusan wax dood ah ka furnen lagu warejinayo gudiga ku shaqada leh si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad islamarkaana Golaha dib ugu soo celiyo si looga doodo.
Taliska xoogga dalka oo Hirshabelle ka wada hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab
Taliyaha Ciidanka dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Abdullahi Cumar oo Gobalada Hiiran io Shabelaha dhexe ka wado dardar galinta holgalka lagu ciribtirayo argagixi-sada ayaa shalay dhiiragalin ugu tagay Ciidamo ka tirsan xaq u dirirka deeg-aanka ee ku sugan Deeganka Qoryale oo hostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiran
Taliyaha ayaa waxaa socdaalka ku wehlinayay masuul ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo uu qeyb ka yahay Madaxweyne xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Masuuliyiin kale
Taliyaha ayaa Geesiyadan ku dhiira galiyay doorka Dagaalka Argagixisada iyo sida naf hurnimada leh oo ey Deeganadooda ugu difaaceen Khawaariijta
Geesta kale Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa Geesiyadan u balan qaaday dhalin waliba iney u garab taagan tahay DFS Saad iyo Saanad intaba dhaawacooda gurmad deg deg ah uu heli doono
Ciidamada xaq u dirirka Deegaanka ayaa kaalin adag ku leh Dagaalka Dalka looga Xureynayo Argagixisada.
Al-shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyey Hirshabelle
Ciidanka Qalabka sida iyo dadka deegaanka ayaa shalay Al-shabaab ku jabiyay weerar nafla caari ah oo ay isku dayeen inay ku qaadeen deegaanka Ceel Cali Axmed.
Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo ciidamada xaq u dirirka ah ee dadka deegaanka oo si weyn u foojigan ayaa jab xoogan gaarsiiyay cadowga Al-shabaab ah, waxaana ay ka hor istaageen isku daygoodii liitay.
Ciidamada ayaa ku guulaystay inay laayaan maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana hadda ku sugan deegaanka Ceel Cali Axmed iyo deegaannada ku dhow dhow Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha dadka deegaanka.
Xogta Khasaaraha gaaray cadowga iyo macluumaadka howlgalda balaaran ee ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda wadanka, dib ayaa laga soo gubdin doonaa asaga oo faah-faahsan.
Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Masuuliyiin kale oo howlgallo lagu dardargalinayo dagaalka al-shabaab kawada Gobolka Hiiraan
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Janeraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Madaxwene ku xigenka Hirshabele mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo masuuliyiin kale ayaa shalay dhiirigelin ugu tagay boqolaal ka tirsan Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xalfooleey oo dhacda xadka kala qeybiya goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe.
Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ku boggaadiyay doorka ay ku leeyihiin Dagaalka Dalka looga saarayo Al-shabaab, isagoona sheegay in dowladdu ay laba jibaarayso dadaalkeeda garab istaagga Ciidamada deegaanka.
Madaxwene ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar oo dhankiisa la hadlay ciidaka ayaa sheegay in Maamulla Hirsheeblle ay ka go’antahy in laga saaro dhamman dhulka uu ka taliyo al-shabaab arxanka daran ee dhibaatada muddada dheer ku hayay shacbka soomaaliyeed.
"Dagaal kasta oo dhaca waxa uu ku dhaman karaa wadahadal balse kan Al-shabab nagala dhaxeeya uma heyno waxaan aheyn inaan dalka ka suulino.” Yuusuf Axmed Hagar, Madaxwene kuxigenka Hirshabeelle.
Tartamayaasha Dhahar oo xalay u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxa xalay kulankiisa 3-aad e warega koowad ku tartamay Degmoyinka Waaberi iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag, waxaana barnamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Mamulka Gobolka Banadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Waaberi iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyago soo bandhigay aqoon iyo asluub wanag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Waaberi
Tartameyaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaaben Hal su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Lix su’aal, waxa ay ka fa’iideysten Labo su’al oo soo harermartay dhigoda Dhahar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyasha Degmada Waaberi ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.
Dhahar
Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysten Afar su’al oo soo harermartay tartamayaasha Degmada Waaberi, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Lix iyo Toban (16) dhibcod.
Hadaba kulankii 3-aad ee tartan Cilmiyedka bisha Ramadan ee Warbahinta Qaranka xalay waxaa wareega Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar e Gobolka Sanaag, ayado gebag-ebadii ay labada tartame isugu hambaly-eyen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 4-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmoyinka Dhusamareb iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud yo Benaadir.
Taliyaha Ciidamada Itoobiya: Itoobiya wakhti yar baa ka xiga inay kamid noqoto dalalka ku xeeran Badda Cas
Taliyaha Ciidamada Itoobiya, Janaraal Birhanu Jula, ayaa sheegay in wakhti yar kaliya ay ka harsan tahay in Itoobiya ka mid noqoto dalalka ku xeeran Badda Cas.
Hadalka Janaraal Birhanu ayaa yimid dhowr maalmood kadib markii Itoobiya iyo Soomaaliya ay gaareen is-afgarad lagu dejinayo xiisaddii ka dhalatay heshiiska MoU ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen Janaayo 1, 2024.
Heshiiskaasi ayaa Itoobiya u ogolaanayay inay hesho marin Badda Cas ah o ay uga gudbi karto dhulka Somaliland, laakiin waxaa si adag uga soo horjestay dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku tilmaamtay gardarro cad.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka cusub ee kasoo baxay Janaraal Birhanu ayaa sii xoojiyay shakiga laga qabo in Addis Ababa ay wali damacsan tahay inay sii waddo hirgelinta heshiiska muranka dhaliyay ee Somaliland.
"Wakhti yar uun baa ka hadhsan in Itoobiya ka mid noqoto dalalka ku xeeran Badda Cas," ayuu yiri Janaraal Birhanu, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin sida taasi ku dhici doonto.
Xukuumadda Itoobiya wali si rasmi ah ugama hadlin, haddii hadalka Birhanu uu ka dhigan yahay in dib loo xoojinayo heshiiska MoU ee lala galay Somaliland.
Dowlada Somalia ayaa marar badan ka digtay in isku day kasta oo lagu hirgelinayo heshiiskaasi loo aqoonsan doono gardarro ka dhan ah madaxbananideda.
Ra’iisul Wasare Abiy Ahmed ayaa horey u sheegay in mustaqbalka dhaqaale ee Itobiya uu ku xiran yahay helitaanka deked toos ah, hase yeeshe wuxu xusay in arintasi lagu radinayo wadaxajod nabaded.
Xukuumadda Somaliland oo qaramaysay dufcad kale oo ka tirsan ciidamada SSB
Xukuumadda Somaliland ayaa si buuxda u qaramaysay laba dufcadood oo ka tirsan ciidamada beeleedka SSB iyo dufcad kale oo ka tirsan ciidamo beeleedka G36.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, oo hawlaha qaramaynta iyo xasilinta u jooga Ceerigabo, ayaa sheegay in qaramaynta ciidamada beeluhu ay meel wanaagsan marayso.
"Waa maalintii labaad ee laga jawaabo qaramaynta ciidamada madaniga ah, inta kalena way daba socotaa, waxaananu filaynaa in berri iyo maalmaha soo socda wixii hadhsaniba ay dhammaan doonaan," ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.
Xukuumaddu waxay koox-koox ula wareegeysaa baabuurta, hubka, iyo dhamaan ciidamada ay haysteen beelaha gobollada bariga Somaliland, iyadoo saddex cisho oo isku xiga ay la wareegtay ciidamo kala duwan.
Dhanka kale, xukuumaddu waxay sheegtay in marka ay dhammaato hawsha qaramaynta, ay gogol nabadeed u fidin doonto beelaha wada dega magaalada, kuwaas oo qaar ka mid ahi qaxeen kadib colaado ka dhacay magaalada.
Xukuumaddu waxay dhawaan ku baaqday in ay magaalada kusoo laabtaan ugu yaraan 45 kun oo qoys oo hore u qaxay. Hase yeeshee, qaar ka mid ah waxgaradka beelaha qaxay ayaa sheegay in aysan kusoo laaban karin magaalada inta ay joogaan ciidamo beeleed.
Tallaabada qaramaynta ayaa loo arkaa mid lagu doonayo in lagu xoojiyo is-aaminaada bulshada, iyadoo meesha laga saarayo dadkii shacabka ahaa ee qoryaha sitay.
Dowladda Itoobiya oo shalay dabaal deg iyo dhoolatus weyn ku qabsatay magaalada Baydhabo
Magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku
meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay Itoobiya ku xustay sanad guuradii 129-aad ee kasoo waregtay dagaalkii Adwa ee Itoobiya ku jebisay Gumaystihi Talyaniga e dalkas werarka ku qaaday.
Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ayaa shalay halkaas ku sameeyey dhoolatus Mileteri oo ay ku soo bandhigeen gaadiidka gaashaaman ee dagaalka oo ay ku muujinayeen awoodooda ciidan.
Munasabada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxwenaha dowlad goboledka Konfur Galbed Abdiasis Xasan Maxamed Laftag-aren, sarakiil ka tirsan ciidanka xoga dalka io kuwa kale oo ka socday Midowga Afrika.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo ka hadlayay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay dowlada iyo shacabka dalka Itoobiya xuska maalinta ku aadan guusha Adwa.
"Waxaan bogaadinaya oo dhiira galinaya xuska maalinta taariiqiga ah ee Adwa oo ay u dabaal dagayaan shacabka iyo dowladda Itoobiya, waxaan kaloo uga mahadcelinaya Itobiya garab istaageda ku aadan iskashiga dhanka amniga ee kala dhaxeeya dowlada Konfur Galbeed, shacabka Koonfur Galbed iyo shacabka Itoobiya la dal oo walaalo, waxana ka dhaxeya xiriir aad u wanaagsan "ayu yiri madaxwene Abdicasiis laftagaren.
Guusha Adwa ee Itoobiya u dabaal dagayso ayaa la sheegay iney aheyd mid ka mid ah guulaha ku dhiiragaliyay dalalka dhaca qaarada Afrika dhaqdhaqaaqyadii xurnima doonka ahaa oo ay isaga xureeyeen dalalkii gumeysan jiray.
Ugu dambeyntii magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah meelaha ay Soomaaliya ka joogan ciidanka nabad ilaalinta ee Itoobiya, kuwaas oo si gaar ah u suga amniga Madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ee Shaati Guduud.
ONLF oo Dowladda Itoobiya ku eedaysay inay ka baxday heshiiskii ay la gashay 2018
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeniya (ONLF) ayaa ku dhawaaqday in dowladda Itoobiya ay si buuxda uga baxday heshiiskii nabadeed ee ay dhaqdhaqaaqa la gashay sannadkii 2018.
Qoraal kasoo baxay ONLF ayaa lagu sheegay in jabhaddu ay rumaysnayd in heshiisku horseedi doono nabad, cadaalad, iyo horumar dhinaca ka qaybgalka siyaasadda ah, balse lix sano kadib aanay waxba isbeddelin.
"ONLF qalbi wanaagsan ayay heshiiska ku gashay iyada oo rumaysan in bog cusub u furmi doono nabadda, cadaaladda, iyo ka qaybgalka siyaasadeed ee Soomaalida. Laakiin lix sano kadib, Abiy Axmed si toos ah ayuu uga baxay, taasoo caddaynaysa in aanu xiiso u haynin isbeddel dimuqraa-diyadeed," ayaa lagu yidhi qoraalka.
ONLF waxay sheegtay in xubnaha jabhaddu ay cadaadis iyo cabudhin kala kulmen Maamulka Deeganka Soomaalida, oo fulinaya siyasadaha dowlada federalka, isla markaana loo diiday inay si sharci ah uga qayb noqdaan loolanka siyaasadeed ee Itoobiya. Taa beddelkeedana, magaca jabhadda si qaldan loo isticmaalay si loo jahawareeriyo bulshada Itoobiya.
Qoraalka ONLF ayaa sidoo kale lagu sheegay in jabhaddu isku dayday inay ilaaliso heshiiskii ay la gashay dowladda Itoobiya, balse Abiy Axmed uu diiday wadahadal iyo dhexdhexaadin kasta oo la xidhiidha midnimada dhulka Soomaalida, maamulka kheyraadkiisa, iyo arrimaha xuquuqda aadanaha iyo siyaasadda isla markana Dowlada Itobiya ay adegsanayso nidaam qaybi oo xukun ah.
ONLF waxay sheegtay in Abiy Axmed ay dhaqan u noqotay inuu ka fogaado nabada taa badalkeedana uu doorbido fowdada iyo khiyaanada, taasoo noqotay siyaasadda uu Itoobiya oo dhan ku maamulo. Sidaas darteedna, ONLF ayna wax rajjo ah ka qabin in ay wadahadal layeelato xukuumad burburisay hay’adihii dimuqraadiyadeed iyo geeddi-socodkii nabadda.
Jabhada ONLF, oo muddo dheer dagaal xornimo iyo xuquuq raadis ah kula jirtay dowladihii kala dambeeyay ee Itoobiya, ayaa sannadkii 2018 heshiis ay hubka ku dhigtay la gashay xukuumaddii cusbayd ee Abiy Axmed, oo markaas loo arkayay hoga-miye cadalad iyo dimuqradiyad doon ah.
Guddoomiye Shuute oo sheegay in Askar kasoo carartay furimaha dagaalka lagu xiray magaalada Muqdisho
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Col. Xasan Cali Nuur Shuute ayaa uga digay ciidamada Soomaalida inay kasoo cararaan ama ka baxsadaan goobaha dagaalka uu ka socdo ee lagula dagaala-mayo Kooxda Al-shabaab, waxa uu xusay inay jiraan askar horey uga soo baxday furimaha dagaalka oo Xamar lagu xir xiray.
Gudoomiye Shuute waxa uu carabka ku dhuftay in askariga sababta uu qoriga u qaatay ay tahay inuu shacabka iyo dalka badbaadiyo kana ilaaliyo cadowga, waxa uu xusay inaan loo baahneen in laga baxo furimaha dagaalka waxaana uu ku bogaadiyay inay ciidanka joogteeyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo aan loo hakanin taliye kabaxay dagaalka ama askar kasoo carartay goobta dagaalka.
"Waa nasiib daro qaar idinka mid ahaa ayaa la xir xiray ninkii Taliyahoodi ahaa ayaa iska baxsaday, kuwii soo baxsaday ee Xamar yimidna way xiran yihiin, xitaa hadii taliyihiina ugu weyn uu iska tago waa laga soconayaa inuu dhintayaa laga soo qaadayaa” ayuu yiri Gudoomiye Shuute.
Waxa uu ugu baaqay ciidankii uu u qudbeenayay in qorshaha taliska ay racaan oo ay ciidanka sawirtaan inay guulo kasoo hoyaan furimaha dagaalka ayna dheg jalaq u siinin wararka been abuurka ee laga sheegayo ciidanka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Col. Xasan Cali Nuur ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka maalinba heer uu soo maray lana soo arkay iyadoo aanan wax mushaar ah lasiineenin balse hadda ay mushaaradkoodi ay qataan, waxa uu ka codsaday ciidanka in goobaha dagaalka la aado si loola diriro Kooxda Al-shabaab.
Ugu damben waxa uu Shuute shegay inay Gobolka Shabelaha Dhexe u tageen inay dhiirigeliyan cidanka Qaranka Somaliyed o ay ugu tageen saldhigyadoda, maadama maalmihii lasoo dhaafay ay xoogsanayeen werarada ka imanayay Kooxda Al-shabab.
Puntland oo sheegtay inay heshay xog muujinaysa goolaha lagu daaweeyo xubnaha kooxda Daacish
Maamul-gobolleedka Puntland ayaa sheegay inay heleen xog muujinaysa in xubno ka tirsan kooxda Daacish lagu daweyn jiray isbitaallo ku yaalla magaalada Hargeysa ee Somaliland, sida uu sheegay mid kamid ah wariyayaasha la socda ciidamada Puntland ee la-dagaallamaya kooxda Daacish.
Wariyaha ayaa tebiyay in ciidamada Puntland ay heleen warqado ay ku qoran yihiin macluumaad sir ah oo laga helay deegaannadii ugu dambeeyay ee laga qabsaday Daacish. Sida lagu sheegay warbixinta, warqadahan ayaa tilmaamaya in shirkado ganacsi loo malaynayo inay fududeeyeen qaadista dhaawacyada ama ay dhaqaale siiyeen kooxda.
Laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaanno ku aaddan eedeymahan, iyagoo si ku-meel-gaar ah u mamnuucay in la shaaciyo magacyada isbitaallada iyo xarumaha ganacsiga ee lala xiriirinayo arrintan.
Puntland ayaa horey ugu eedeysay Somaliland inay taagerto kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ka dagaallama deega-anadeeda, hase yeeshee Somaliland waxay horey u beenisay eedeymahan.
Hiiraan Online si madaxbannaan uma xaqiijin karto saxnimada warqadaha la helay.
Todobaadkii hore, Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay deegaanadii laga xoreeyay kooxda Daacish ka heleen lacagta shilinka Somaliland.
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoosta ka xariiqay y in wejiga saddexaad ee howlgalka Hillaac lagu beegsan doono shakhsiyaadka iyo shirkadaha lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Daacish.
"Cid kasta oo ka faa’iidaysa ama maalgelinaysa argagixisada waan bartilmaameedsan doonaa," ayuu yiri Deni.
Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa xoojiyay dadaallada la dagaalanka argagixisada, iyagoo sheegay inay diiradda saarayaan burburinta shabakadaha dhaqaale iyo saadka ee taageera kooxaha hubeysan ee Soomaaliya.
Oggeysiiska sixida warbixintan iyo farriinta tifaftiraha
Hiiraan Online waxay wax-ka-beddel ku sameysay warbixintan si loo waafajiyo heerarka saxafadeed ee saxda ah. Dib-u-habeynta aan ku sameynay warbixintan waxaa kamid ah, inaan ku darnay halka aan ka soo xiganay warka oo ah wariyaha xogtan ka soo tebiyay ciidamada Puntland, si loo caddeeyo isha warbixinta. Waxaan isticmaalnay ereyo taxaddar leh sida "loo malaynayo" iyo "lagu tuhunsan yahay", iyo in Hiiraan Online aysan si madaxbannaan u xaqiijin karin dukumintiyada la helay.
Talaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada Hiiraan Online ee lagu xaqiijinayo hufnaanta, saxnaanta, iyo waafajinta heerarka saxafadeed ee sugan.
Xamaas oo si adag uga hadashay go’doominta Gaza iyo baaq ay caalamka u jeedisay
Xamaas ayaa si adag u cambaareysay go’aanka ka soo baxay Israel ee lagu joojiyay gebi ahaanba gargaarkii Gaza, waxayna ku tilmaamtay isku day qaawan oo lagu doonayo in lagu burburiyo heshiiska, lagana fogado wada-xaajoodka wejigiisa labaad.
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in is hortaaga gargaarka loo fidinayo in ka badan laba milyan oo ku nool Gaza ay tahay mag-dhow raqiis ah iyo dembi dagaal.
Xamaas ayaa ku celisay in Israel ay tahay cidda diidan in la galo marxaladda labaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis isweydaarsiga labada dhinac. Xamaas waxay sheegtay in Israel ay riixeyso qorshe lagu kordhinayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta.
Xamaas ayaa waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay fuliso wixii horey loogu heshiiyay, iyadoo loo gudbayo marxaladda labaad.
Xamaas ayaa ku boorisay dalalka dhexdhexaadiyeyaasha iyo Beesha Caalamka inay Israel ku cadaadiyaan, si ay uga noqoto go’aanka ay ku xanibtay gargaarka. Xamaas ayaa dunida ugu baaqday in Israel lagu la xisaabtamo afgembi ka dhan ah is afgaradkii horey loo gaaray.
Mahmoud Mardawi oo ah sarkaal ka tirsan Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in ururku aanu aqbali doonin in la kordhiyo wejiga koowaad oo waqtigiisu ku ekaa Sabtidii.
Israel ayaa ku cadaadineysa Xamaas in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee wejiga koowaad, si kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay u sii daayaan kala bar Israeliyiinta lagu haysto gudaha Gaza. Sababta ay Israel u diidan tahay wejiga labaad ee heshiiska waa in ay ku khasbanaan doonto in ciidamadeeda kala baxdo meelaha ay hadda kaga harsan yihiin Marinka Gaza.
Mahmoud Mardawi ayaa Al Jazeera u sheegay in Xamaas ay ku adkeysaneyso in loo gudbo wejiga labaad ee heshiiska. Marxaladda labaad ayaa muhiim u ah in la soo afjaro colaadda Gaza.
Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Qatar, Masar iyo Jordan ayaa cambaareeyay tallaabada Israel ay Axaddii ku jebisay heshiiska, ka dib markii ay soo celisay xanibaaddii ay muddada dheer ku haysay gargaarka bani’aadantinimo.
Wasaaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa Israel ku eedeysay in ay gaajeysiinta u adeegsaneyso, sida hub oo kale iyo ciqaab ka dhan ah shacabka Falastiin.
Masar iyo Qatar ayaa ah labada dal ee martigeliya kulamada lagu dhexdhexaa-dinayo Israel iyo Xamaas.
Golaha amaanka QM oo shalay u codeenaya cusbooneysiinta cunaqabateenta saaran Al shabaab
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee shalay oo Isniin ah (waqtiga New York) u codeyn doona qaraar qabyo ah oo lagu kordhinayo cunaqabateynta saaran Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Qoraal uu soo saaray Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in xubnaha Goluhu ay shalay ka fiirsanayaan sidii ay u cusboonaysiin lahaayeen howlgalka guddiga khubarada ah ee gacan ka geystay la socodka dhaqan gelinta cunaqabateynta lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa "Al-Shabaab”.
Qoraalka qabyada ah oo ay diyaarisay dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale dib u cusbooneysiineysa ogolaanshaha mamnuucidda badda ee soo dejinta hubka sharci darrada ah, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo mamnuucidda noocyada kala duwan ee walxaha qarxa.
Guddiga khubarada ah ee ka caawinaya Golaha amaanka fulinta cunaqabateynta Al-Shabaab ayaa soo gudbiyay warbixintii ugu dambeysay, waxayna tilmaameen in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga Soomaaliya, isla markaana awood u leh in ay fuliyaan weeraro adag oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.
Warbixintu waxay qirtay in isbedel weyn uu ku yimid "awoodda” kooxda Daacish-Soomaaliya, waxaana intaas dheer, in warbixintu muujisay kororka dhacdooyinka burcad-badeedda, iyadoo in ka badan 25 weerar oo ay ku jiraan afduubyo lagu qaaday maraakiib iyo doomo ganacsi tan iyo bishii November 2023-kii.
Danmark ayaa bishaan March qabanaysa shir-guddoonka joogtada ah ee golaha ammaanka ee billaha ah, iyadoo oo ay horyaalaan warbixino la xiriira arrimaha hadda ka taagan Ruushka iyo Ukraine, arrinta Falastiin, iyo xaaladaha Suuriya iyo Suudaan.
Israel oo qiil u yeeshay go’aanka ay gebi ahaanba ku xanibtay gargaarkii Gaza
Israel ayaa soo celisay xanibaaddii ay muddada dheer ku haysay gargaarka bani’aadantinimo ee la gaysanayo Marinka Gaza, ka dib markii aan wax heshiis ah laga gaarin wada hadaladii ugu dambeeyay ee dalka Masar, isla-markaana looga hadlayay, sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas.
Wada hadaladan ayuu hadafku ahaa in lagu xaqiijiyo hirgelinta is fahamkii hore ee la gaaray, iyadoo la badbaadinayo xabad joojinta jilicsan ee Gaza iyo sidii loo saxiixi lahaa marxaladda labaad ee heshiiska. Labada dhinac ayaa horey isugu afgartay in wejiga labaad uu bilow u noqdo soo afjaridda colaadda Gaza.
Israel iyo Xamaas ayaa January 15-keedii ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo wejigiisii koowaadna uu soconayo lix toddobaad, marxaladda labaadna ay Israel ciidamadeeda kala wada baxeyso Marinka Gaza.
Caqabadda ugu weyn ee heshiiska soo food saartay ayaa ka dhalatay, markii Israel ay diiday inay gasho marxaladda labaad ee lagaga gudbayo wejigii koowaad ee heshiiska oo ku ekaa Sabtidii.
Xamaas ayaa Israel ku eedeysay in ay shuruudo cusub la timid miiska, isla-markaana aysan dooneyn inay gasho wejiga labaad ee heshiiska, iyadoona soo jeedisay in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee wejiga koowaad, taasoo aan ahayn wixii horey loogu heshiiyay. Wejiga koowaad oo lagu sii socdo ayaa Israel ka caawinaya in ciidamadeeda ay sii joogaan meelaha ay hadda kaga harsan yihiin Gaza, waana sababta ay Xamaas uga hortimid.
Israel ayaa waxay aqbashay in xabad joojin ku-meel-gaar ah laga sameeyo Marinka Gaza, ka dib soo jeedin ay sheegtay inay uga timid Ergayga Madaxweynaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff. Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay aqbashay soo jedintasi oo ku saabsan xilliyada Ramadanka iyo Ciidda Yahuuda. Muddada xabad joojintan ku-meel-gaarka ah ayaa soconeysa 50 maalmood. Ramadanka oo bilowday 1-dii bishan March ayaa dhammaan doona 29-30-ka March, halka munaasadaha Yahuudda ay socon doonaan illaa 19-ka bisha April.
Go’aanka Israel ay Axaddii ku joojisay gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza ayay u sababeysay in Xamaas aysan aqbalin soo jeedinta Mareykanka ee xabad joojinta ku-meel-gaarka ah, oo horseedeysa bay tiri in na loo soo daayo qaar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in go’aanka lagu hor istaagayo wax kasta oo badeecado iyo sahay ah ee soo gala Gaza ay u qaateen, si Xamaas loogu cadaadiyo inay aqbasho hindisaha cusub ee lagu kordhinayo buu yiri wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta iyo sii deynta maxaabiista, kaas oo uu sheegay inuu soo saaray Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Netanyahu ayaa Xamaas uga digay in ay la kulmi doonto cawaaqib dheeri ah, haddii aysan aqbalin soo jeedintaasi.
Diidmada Israel ee kaalmada bani’a-adanimo ayaa cawaaqib bani’aadantinimo ku yeelaneysa dadka rayidka ah.
Israel ayaa la sheegaya in xitaa ay xilli kasta dib u bilaabi karto dagaalka Gaza, si ay culeys ugu saarto Xamaas.
SOMALIA
OGAYSIISKA DIGNIINTA GANACSIGA
TEACH FOR SOMALIA
Waxaa halkan lagu ogeysiinayaa in summada ganacsi ee kor ku xusan ay tahay summad ganacsi oo u gaar ah:
Teach For All, Inc., a New York non-profit corporation of 25 Broadway, New York, New York 10004, United States of America
Waxay la xiriirtaa:
Adeegyada waxbarashada; qabanqaabinta shirar, kulan iyo seminaarro; adeegyada daabacaadda; iyo daabacaadda internet-ka ee agabka tababarka iyo waxbarashada.
Sidoo kale waxaa la ogeysiinayaa in tallaabo sharci ah laga qaadi doono qof ama shirkad kasta oo si sharci-darro ah u isticmaasha summadan ganacsi ama wax kasta oo la mid ah, ama ku xad-gudba xuquuqda shirkadda sare ku xusan.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 04-03-25
........