
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 03/03/25
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday askartii kusoo dhaawacantay howlgallada al-shabaab looga ciribtirayo Gobolka Bakool
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Isbitaalka Hodan ee Magaaladda Muqdisho ku booqday askartii kusoo dhaawacantay xili ay ku guda jireen howlgal Khawaariijta looga ciribtirayo deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.
Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha askarta dhaawacyada kala duwan qaba ay ku jiraan ayaa dhakhaatiirta iyo maamulka Isbitaalka waxa ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyeen xaaladda dhaawacyada iyo dadaalka uu isbitaalka ugu jiro daryeelkooda.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacanka ee Baarlamaanka dalka oo kormeeray guud ahaan qeybaha uu isbitaalka ka koobanyahay ayaa sidoo kale kulan la qaatay maamulka isbitaalka, waxa uu uga mahadceliyay shaqada ay u bulshada u hayaan.
Wasiirka Qoyska XFS oo Deeqo kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga ee ku soo dhaawacmay Hawlgallada
Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Deeqo kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga ee kusoo dhaawacmay Hawlgallada
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa deeq kala duwan gaarsiisay xalay ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusoo dhaawacmay furimaha dagaalka ee ku jira Isbitaalka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.
Deeqdan oo u badneyd dhar ka kooban Macawiisyo, go’yaal Iyo bustayaal ayey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka wada gaadhsiisay dhamaan dhaawacyada Ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Xoogga waxaana Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo la hadashay ciidammada ay sheegtay in geesiyaasha Xoogga Dalka Somaliyed ee naftooda u huray difaaca dalkooda iyo diintooda ay wax walba mudan yihiin ayadoo caafimaad Alle uga rajeysay.
Tallaabadan ay Wasiirka Wasaarada Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi deeqaha ugu qeybisay Ciidammada Xoogga Dalka Somaliyed waxa ay qeyb ka tahay ololaha Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed oo ay Wasaaraddu deeqo kala duwan ku gaarsiineyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo xalay socodka ay ku wehliyeen Wasiirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo guddiga ololaha Guddoomiye u ah.
Wasaaradda Warfaafinta oo soo xirtay aqoon isweydaarsi ku saabsanaa fududeynta xaqa xog helista dadweynaha
Aqoon isweydaarsigan oo socday muddo laba maalmood ah, ayna soo qaban qaabisay Wasarada Warfafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS waxaa ka qeyb galaya 35-xubnood oo ka kala socda Hay’adaha Dolada, Warbahinta iyo Bulshada Rayidka ah, inta uu socday waxaa ka qeyb galayaashu is dhaafsadeen xog iyo aqoon wadaag ku saabsan fududeynta ee Fududeynta xog helista Dadweynaha.
Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo xiray tababarka ayaa uga mahceliyay ka qeyb galayaasha sida ay isula falgaleen intii uu socday aqoon isweydaarsiga, isagoo oo sheegay in Wasaaraddu xoojin doonto kulamada iyo aqoon isweydaarsiyada ku aaddan iskaashida Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka si’ kor loogu qaado fududeynta xog helista iyo wacyigalinta dadweynaha.
Burhaan Diini Faarax Agaasimaah Idaacadda Kulmiye ahna madaxa Warbaahinta Daladda Warbaahinta SOMA iyo Eng. Nuur Sh Cali oo ku hadlay Afka xubnihii Warbaahinta ee ka qeyb galay Aqoon Isweydaarsiga ayaa uga mahadceliyeey Wasaaradda Warfaafinta qabashada aqoon isweydaarsigaa oo muhiim u ah fududeyn xog helista Warbaahinta iyo Bulshada.
Gabagabada Aqoon Isweydaarsiga oo uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS ) ka taageeray Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Ka qeyb galayaashii tababarka ka faa’iidaystay labadii maalmood ee uu socday.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dedaaladda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga dowladda, warbaahinta iyo Bulshada si kor loogu qaado wacyigalinta iyo dowlad wanaagga.
La-taliyaha Amniga Qaranka :Shacabku waxa ay hadda gaareen in ay si toos ah u soo bandhigaan xushalay Al-shabaab cabsi la’aan
La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ,oo waraysi gaar ah siiyey Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shacabka soomaaliyèed ay gareen hadda in si cabsi la’aan ah ay u soo bandhigaan xushalay iyo dhagaraha khawarijta taa oo keentay kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladda
"Shacabku waxa ay hadda gaareen in ay si toos ah u soo bandhigaan xushalay Al-shabaab cabsi la’aan.ayuu yiri”La-taliyaha Amnig Qaranka
La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa intaa ku daray hadalkiisa in xiligii hore ay shacbku ka cabsan jireen magayada argagixisada oo eraya afgarasha ah isticmali jiree tana au meesha ka baxaday kadib markii dowladda ay qaaday howlgallo al-shabaab looga xoreeyay degaanno badan oo katirsan gobolada dalka.
Sidoo kale La-taliyaha ayaa xusay in si weyn loo wiiqay lana soo af jaray illihii dhaqaalaha ee al-shabaab, iyadoo loo sameeyey habraacyo sugan oo lagula dagaalamo loogana hor tegayo farsamo walba oo khawaarintu isku daydo in ay dhaqaale ku helaan.
Tartamayaasha Marka oo xalay u gudbay wareegga 2aad ee tartanka
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa xalay kulankiisa 2-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Marka iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Marka iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Marka
Tartameyaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xamarweyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Marka ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Xamarweyne
Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.
Hadaba kulankii 2-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka xalay waxaa wareegga xiga ee labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 3-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Waaberi iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir yo Sanaag.
Qabashada doorashada kuraasta ka bannaan golaha Shacabka oo la iclaamiyay
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dorashoyinka Qaranka iyo Sohdimaha, ayaa iclaamiyey doorashada kuraasta GSH#248 iyo GSH#049, oo ka tirsan Golaha Shacabka, taasi oo 6-da ilaa 8-da bishaan ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb.
Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish
Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Minneapolis oo lagu eedeeyay inuu muujiyay taageero weerarkii gaari xamuul ee ka dhacay New Orleans, kaasoo ay ku dhinteen 14 qof, ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish, sida ay ku dhawaaqeen dacwad-oogayaasha Maraykanka.
Abdisataar Ahmed Hassan, 22 jir, ayaa maxkamaddiisa ugu horreysay loo soo taagay dacwad la xiriirta isku dayga bixinta taageero loo fidinayo urur argagixiso ajnabi ah. Waxaa lagu amray in xabsiga lagu hayo iyadoon dammaanad loo oggolaanin ilaa la qabto dhageysiga xukunka xabsiga oo la qorsheeyay Maarso 5.
Dacwadda lagu soo oogay nin oo ah muwaadin Mareykan ah, ayaa lagu sheegay inuu laba jeer isku dayay bishii Diseembar inuu ka safro Minnesota una gudbo Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda Daacish, balse uusan ku guuleysan.
Waxa uu ku andacooday inuu booqanayo qoyskisa balse baarayashu waxay sheegeen inuusan wax ehel ah ku lahayn Soomaaliya.
Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in baaritaanka FBI-du uu caddeeyay in Cabdisataar uu si fagaare ah ugu taageeray kooxda Daacish baraha bulshada, isagoo dhowr jeer soo dhigay qoraallo taageero ah. Sidoo kale, wuxuu TikTok ku amaanay Shamsud-Din Jabbar oo ka dambeeyay weerarkii New Orleans.
Ninkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu toddobaadkii hore soo dhigay muuqaal isaga oo baabuur wadaya, gudaha gaarigana uu ku sito calanka kooxda Daacish. FBI-du waxay sheegtay ina la xiray Khamiistii.
Dukumiintiyada dacwadda ayaa sidoo kale muujinaya in booliska New York ee FBI ay sheegeen in ninkan uu baraha bulshada ku daabacay qoraallo taageero u ah kooxda Al-Shabaab. Sarkaal ka tirsan FBI-da ayaa sheegay in baarayaashu ay heleen muuqaallo loogu ololeynayo Al-Shabaab iyo Daacish oo lagu faafiyay TikTok iyo Facebook-kiisa. Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay inuu farriimo la wadaagay dadka Af-Soomaaliga ku hadla si ay ugu safraan una dagaalamaan kooxda Daacish.
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashada kuraastii ay baneeyeen Saadaq Joon iyo Mustaf Dhuxulow
Qoraal kasoo baxay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa loogu sheegay cid kasta oo ay khusayso buuxinta kuraasta ka bannaanaatay golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in Guddigu ku wargelinayo daneeyayaasha in la qabanayo doorashada labada kursi ee degaan doorashadoodu tahay Dawlad-Gobleedka Galmudug.
Labadaan Kursi ayaa horey waxaa uu baneeyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo loo Magacaabay Agaasime is ku xigeenkaHay’adda NISA iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP#248 uuna baneeyay Saadaaq Joon ayaa lagu wadaa in doorashada buuxinta kursigaasi ay dhacdo 6da Bishaan Maarso, halka kursiga tirsigiisu yahay HOP#049 oo uu baneeyay Mustaf Dhuxulow ee doorashada buuxinta kursigaasi la qaban doono 8da bishaan Maarso.
Kuraas kale oo 3 ah ayaa wali ka banaan Golaha Shacabka waxaana kamid ah Kursiga uu baneeyay agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Kuraas ay ka geeriyoodeen labada xildhibaan ee kala ahaa Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Seeseey.
25kii Bishii lasoo dhaafay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe ayaa warqad uu u diray Guddiga Doorashooyinka ugu sheegay inay si dhaqsa leh kusoo buuxiyaan kuraasta 5ta ah ee ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya.
Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay wasiirka Qorsheynta iyo Hormarinta Dhaqaalaha
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kariye aya u magacabay Abdiraxman Axmed Xayle wasiirka wasaaradda qorshenta, maalgashiga iyo hormarinta dhaqalaha.
Madaxweynaha Galmudug ayaa faray dhammaan hay’adaha kala duwan, inay la shaqeeyaan Wasiirka la magacaabay, si uu waajibkiisa u guto.
Israel oo ogolaatay in xabad joojin ku-meel-gaar ah laga sameeyo Gaza
Israel ayaa waxay aqbashay in xabad joojin ku-meel-gaar ah laga sameeyo Marinka Gaza, ka dib so jedin uga timid Ergega Madaxwenaha Marekanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff.
Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xukumadu ay aqbashay soo jedintasi oo ku sabsan xilliyada Ramadanka iyo Ciida Yahuda.
Ramadanka ayaa soconaya 1-da illa 29-30-ka bishan March, halka muna-sadaha Yahuudda ay socon doonan illaa 19-ka bisha so socota e April.
Ku dhawaaqistan ayaa timid, iyadoo wejigii koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza uu dhammaaday Sabtidii, isla-markaana aan weli lagu heshiin hirgelinta wejiga labaad.
Warbaahinta Israel ayaa ku warantay
in Raysal Wasaare Netanyahu uu habeen hore kulan wadatashi ah la yeshay Golihisa Wasirada io hay’adaha ammaanka, kaas oo la xiriiray xaaladda heshiiska.
Saraakiisha Masar iyo Qatar oo taageero ka helaya Mareykanka ayaa habenkii Khamista bilabay wada hadal-ada lagu dhexdhexadinayo Israel iyo Xamas, si lo xaqiijiyo hirgelinta is faha-mki hore e la gaaray. Wada hada-ladi ugu dambeyay ee Qaahira ayaa haben hore ku so dhamaday natiijo la’an.
Warbahinta maxaliga ayaa sheegtay in wafdigii Israel ku metelayay wada hadalada ay dib ugu soo laabten dalka.
Xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ayaa sahleysa in dadka reer Gaza ay si nabdoon ku soomaan maalmaha bisha Ramadan, si ka duwan sanadkii hore oo dagaal ay ku dhameysteen.
Wejiga koowaad ee heshiiskii xabad joojinta ayaa hakiyay wax ka badan 15 bilood oo dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Marinka Gaza.
Ingiriiska oo iclaamiyay shir deg deg oo Dalalka Yurub ay uga tashanaya xiriirka Mareykanka
Jaahwarerka Yurub ayaa Waji Cusub Galay iyado Ingiriiska uu Shir Labaad oo Yurub oo Degdeg ah Shalay Qaban-aya.Jowhar cultural tours
Macron iyo Faransiiska baa bishii hore Paris ku qabtay shir degdeg oo looga tashanayo wajiga cusub ee Amerika, shirkaasna waxaa lagu go’aamiyey in Macron iyo Starmer war ka keenan Trump iyo dawlada Mareykanka.
Macron waa yimid Washington, faramarnaan iyo waliba soodhawayn maqaam hoose ah buuna kala kulmay. Starmer baa ka danbeeyey, asna faramarnaan buu Washington kala soo laabtay. Zelensky baa labadoodaba uga danbeeyey Trump, laakiin wixii Oval Office-ka Aqalka Cad ka dhacay daafaha adduunkaa laga daawaday. Daawasho kaliya ma aha e Zelensky waxaa loo sheegay in uu ka huleelo Aqalka Cad. Si kale oo edboon haddii loo yiraahdo, Zelensky waxba loolama harin, waji gabaxna waa la soo laabtay.
Shalay waa maalin horleh iyo culayskii Ukraine oo dhamantiis Yurub dusha ka fuulay, waa Yurub awalba teeda la tacaleysay oo dhaqaalihii hoos u dhacay, shacabkiina khaati ka taaganyihin madaxdooda, mid markii ay cayriyaan oo mid kale doortaana uu isla meeshii ka sii wadayo hawshii Ukraine.
Shalay oo Axad ah waxaa London ka qabsoomaya shir degdeg ah oo RW Keir Starmer isugu yeray. Sida Starmer sheegay waa shir NATO, laakiin waa shir NATO oo aasaasihii NATO ahna quwadda ugu xoog badan uu ka maqanyahay, waa Mareykan e. Shirka waxaa lagu casumay dawladaha xubnaha ka ah NATO oo ay kamid yihiin Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Poland, Netherlands, Italy, Denmark, Sweden, Romania, Finland, Turkiye, Spain, Czechia iyo waliba Zelensky oo weli NATO ka rajo qaba.
Ingiriiska ayaa ku hanjabaya in NATO dagaal diyaar u tahay, haddana cunaqabatayn horleh oo aan hore loo arag dul saarayaan Ruushka. Laakiin sida xeeldheerayaasha milatariga iyo dhaqaaluhuba isla qireen Ingiriis iyo dhammaan dalalka shiraya hub ay Ruush kula dagaalamaana uma harin, dhaqaalana warkiisa daa. Ingiriiska oo ugu qaylo dheer Yurub waxa la xaqijiyey in fardaha ciidamada Ingiriisku shalay ka badan yihiin taangiyada u haray oo lagu qiyaasay wax ka yar 200, meesha fardahooda lagu qiyaasay wax ka yar 300.
Ciidanka Puntland oo isku xirmaya bariga iyo galbeedka Calmiskaad
Taliska Ciidanka Puntland ayaa wado dadalo ay ciidamada isugu xirm-ayan aaga bari illaa galbeedka Buural-eyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyado markasi cidamadu la dejinayo bartamaha.
Ciidamada ayaa hadda fariisimo ballaaran ku leh bariga Calmiskaad, iyadoo kuwoodii qabtay aagagga dhexe ay toddobaadkii hore bilaabeen inay u gudban qaybaha galbed ee Calmiskad. Ciidamada cusub ayaana la gaynayaa goobihii ay ciidamadaasi banneeyeen.
Taliska ayaa sidoo kale wado qorshe ciidamo lagu gaynayo deegaanada istiraatiijiga ah ee Shebaab, Dhadaar iyo Dhasaan, maadaama ciidamadii maalmo ka hor qabtay deegaanadaasi ay u sii qalab qaateen saldhigyada kale ay Daacish ku leedahay Calmiskaad.
Ciidamada ayaa ku fidaya dhulka buuraha ee ay maleeshiyadu ku sugan tahay, waana xilli hawgalku uu Jimcihii galay wejigiisii saddexaad.
Ilo wareedyo ayaa shegaya in talisku uu ka feejigan yahay in ciidamada furimaha ku maqan loo soo daba maro deegaanadii la xoreeyay, si aanu wax dib-u-dhac ah ugu iman hawlgalka.
Taliska ayaa doonaya in ciidamada halkaasi la gaynayo ay xaqiijiyaan amniga deegaanadaasi, isla-markaana uu si nabdoon waddada ugu maro saadka la gaarsiinayo ciidamada hawlgalka ka wada furimaha hore.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in deeganada uu Tog-jaceyl ku dhamaado ay suurtagal tahay in laga hoggaamiyo hawlgalka, ka dib Degmada Balidhidin oo ahayd saldhigga ugu weyn ee laga hoggaamiyo hawlgalkan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa dhawaan Daraawiishta Puntland ku ammaanay in ay naftooda u hurayaan adkeynta nabadgelyada iyo ilaalinta qaranimada. Madaxweynaha ayaa sheegay in Daacish ay khatar ku tahay isu socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay dagaalka xaqa ah ee Puntland iyo shacabkeeda ay kula jiraan sida uu yiri Al-shabaab Daacish.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa weerar ballaaran ku qaadday Daacishta Somalia, ka dib ku dhawaad 10 sano oo deganada Puntland ay ka holgaleysay.
Wejiga koowaad ee xabad joojinta Gaza oo dhammaaday, iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin
Wada hadaladii ugu dambeeyay ee Xamaas iyo Israel uga socday dalka Masar ayaan wax horumar ah laga samayn, si loogu gudbo marxaladda labaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac.
Wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa ku ekaa Sabtidii, ka dib markii 19-kii bishii January uu ka dhaqangalay Marinka Gaza, labada dhinacna ay maxaabiis isku dhaafsadeen.
Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar iyo Qatar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa tan iyo Khamiistii waday dadaalo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac, si loo badbaadiyo xabad joojinta Gaza, loona xaqiijiyo hirgelinta is fahamkii hore ee la gaaray.
Labada dhinac ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo wejigiisii koowaadna uu soconayo lix toddobaad, marxaladda labaadna ay Israel ciidamadeeda kala wada baxeyso Marinka Gaza.
Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa sheegay inaanan wax horumar ah laga gaarin wada hadaladii Qaahira, ka dib markii Israel ay shuruudo cusub la timid miiska.
Xamaas waxay sheegtay in Israel ay dooneyso inaysan gelin marxaladda labaad ee heshiiska, balse ay dooneyso in lagu sii socdo wejiga koowaad, si maxaabiista harsan loogu sii daayo, ciidamadeedana ay u sii joogaan meelaha ay haatan ka joogaan Gaza, taasna ay baalmarsan tahay wixii horey loogu heshiiyay.
Marxaladda labaad ayaa loogu gogol-xaarayay inay bilow u noqoto soo afjaridda colaadda Gaza.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegaya in dhankooda ay diyaar u yihiin inay galaan marxaladda labaad ee heshiiska lagu xaqiijinayo xabad joojin joogto ah.
Wafdiga Israel ku metelaya wada hadalada ayaa la sheegay in ay ku adkeysteen in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee wejiga koowaad, lana sii wado maxaabiis is dhaafsiga, iyadoo laga baaqsanayo marxaladda labaad. Tani waxay calaamad u tahay in dagaalka uu dib u bilaaban karo, inta Ciidamada Israel ay ku sugan yihiin taako ka mid ah dhulka go’doonsan.
Wafdigan ayaa la sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha ay ku wargeliyeen in Tel Aviv ay ogoshahay oo keliya in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee wejiga koowaad.
Inkastoo xabad joojintii horey loogu heshiiyay ay dhammaatay daraad, haddana dagaalka ayaan dib loo bilaabi karin, inta ay socdaan dadaalada lagu heshiisinayo labada dhinac.
Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa wada dadaalo lagu badbaadinayo xabad joojinta iyo in la sameeyo xabad joojinta ku-meel-gaar ah, xitaa haddii aan heshiis cusub la saxiixin.
Mucjiso la yaab leh: Sida labo kun oo sano kadib lagu ogaaday maskax bini'aadam oo dhalo isku beddeshay iyo halka laga helay
Ku dhawaad 2,000 oo sano ka dib markii nin dhalinyaro ah uu ku dhintay qarax foolkaanada Vesuvius, saynis yahanadu waxay ogaadeen in maskaxdiisa oo badbaaday ay isku beddeshay muraayad ama dhalo ku jirta daruur aad u kulul oo dambas ah.
Cilmi-baarayaashu waxay heleen muraayadda sanadkii 2020 waxayna saadaaliyeen inay ahayd maskax fossil ah, laakiin ma aysan ogaan sida ay u samaysantay.
Qeybta leh cabirka digirtga ee muraayada madow ayaa laga helay gudaha lafta madaxa ee dhibanaha oo da'diisu ahayd qiyaastii 20 sano, kaasoo ku dhintay markii foollkaanuhu ku qaraxday sanadkii 79-aad ee ka hor dhalashadii nabadi Ciise meel u dhow magaalada Naples ee casriga shalay .
Saynis yahanadu hadda waxa ay rumaysan yihiin in daruur dambas ah oo u kulul oo darajo ahaan ah 510C ay maskaxda dabooshay ka dibna si degdeg ah ay u qabowday, isuna beddeshay xubintu dhalo.
Waa kiiska keliya ee la og yahay ee unugga bini'aadamka ama walxo kasta oo dabiici ah u beddelaya muraayad si dabiici ah.
"Waxaan rumeysannahay in xaaladaha gaarka ah ee aan dib u dhisnay si ay u soo nooleeyaan [habka shay isku beddelaya muraayad] maskaxda ay aad ugu adag tahay inay jiraan haraagii kale ee la midka ahaa, in kasta oo aysan suurtagal ahayn," ayuu u sheegay BBC Prof Guido Giordano oo ka tirsan jaamacada Roma Tre.
Maskaxda waxaa la haa nin lagu dilay sariirtiisa gudaha dhismo lagu magacaabo Collegium oo ku yaalla wadada weyn ee magaalada Herculaneum ee dalka Roomaanka.
Jajabjka dhalada ah ee ay saynis yahanadu heleen waxay u dhexeeyaan 1-2 cm ilaa dhawr milimitir oo keliya cabirkoodu.
Qaraxii foolkaadii weynayd ee Vesuvius, ayaa gubtay magaalada Herculaneum iyo Pompeii oo iyana u dhawayd halkaas oo ilaa labaatan kun oo qof ay ku noolaayeen. Haraaga ilaa 1,500 oo qof ayaa la helay.
Saynisyahanadu waxay hadda u malaynayaan daruurta dambaska ee kulul ay ahayd tii foolkaaninihii Vesuvius, lagana yaabo inay dhalisay inta badan dhimashada
Qulqulka soconaya ee gaaska kululk iyo waxlaha foolkaanaha sidoo kalana loo yaqaano "pyroclastic flow," oo soconaya ayaa aasay aaga.
Khubarada ayaa rumeysan in daruur dambas ah ay ninka maskaxdiisa u beddeshay muraayad, sababtoo ah qulqulka pyroclastic ma uusan gaari lahayn heer kul ku filan ama si dhaqsi ah u qaboojiso.
Habka samaynta muraayadda waxay u baahan tahay xaalado heer-kul gaar ah oo si dhif ah u dhaca si dabiici ah.
Si walax u noqoto muraayad, waa in ay jirto farqi weyn oo heerkul ah oo u dhexeeya walaxda iyo waxa ku hareeraysan.
Qaabka dareeraha ah waa inuu si degdeg ah u qaboojiyaa si uusan u dhalanin marka uu adag yahay, waana inuu ahaadaa heer kul aad uga sarreeya kan ku hareeraysan.
Kooxdu waxay adeegsatay sawir-qaadista raajo iyo mikroskoob elektaroonig ah si ay u soo gabagabeeyaan in maskaxda ay tahay in la kululeeyay ugu yaraan 510C ka hor intaysan si degdeg ah u qaboobin.
Ma jiraan qaybo kale oo ka mid ah jirka ninkan oo la rumaysan yahay inay isu beddeleen dhalo ama muraayad.
Kaliya walxaha qaar ka kooban dareere ayaa noqon kara muraayad, taasoo micnaheedu yahay in lafuhu aysan noqon karin muraayad.
Unnugyada kale ee jilicsan sida xubnaha, ayey u badnatahay inay ku burbureen kulaylka ka hor inta aysan qaboojin ku filan helin si ay isugu beddelaan muraayad ama quraarad.
Saynis yahanadu waxay rumaysan yihiin in lafta dhafoorku ay maskaxda siinaysay xoogaa difaac ah.
xigasho BBC
Sida naxdinta leh ee 18 jirkan u dilay hooyadii, walaashii iyo walaalkii isaga oo isu maleynaya in uu yahay fiidiyow game uu daawaday
Digniin: Warbixintaan waxaa ku jira qaybo dareena haan aad dhibsan karto ama ku xanuujin kara akhristayaasha.
Booliiska ayaa maalin joojiyay Nicholas oo 18-jir ah bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, wuxuu horay u dilay hooyadiis, walaalkii iyo walaashii wuxuuna qorsheynayay inuu rasaas ku furo dugsigii hoose oo uu wax ku bartay yaraantiisii.
Nicholas, wuxuu kula noolaa guri ku yaal Luton hooyadiis Juliana iyo laba walaalo ah oo ka yar, Kyle iyo Giselle.
Bishii Sebtembar 13-keedii, wuxuu madaxa ka toogtay hooyadiis, walaashii, iyo walaalkii.
Kadib markii ay maqleen dhawaqa rasaasta, dadka deegaanka ayaa wacay booliiska, kuwaas oo xiray Nichols intii lagu guda jiray xariga xigay. Saraakiisha ayaa sidoo kale helay qorigii uu doonayay inuu u adeegsado toogashada iyo 30 xabadood oo Nichols uu u diyaariyay weerar lagu qaado dugsigiisii hoose.
Markii Nicholas uu ka soo muuqday dhageysigiisii ugu horreeyay ee maxkamadda, aabihiis ayaa ku qayliyay, "Weli waan ku jecelahay, wiilkeyga, qalad maadan sameyn."
Hadalladaas ka dib, aabbihii wuxuu ku ilmeeyay qolka maxkamadda dhexdiisa.
Isniintii lasoo dhaafay, Nicholas waxa uu qirtay mas'uuliyadda dilka saddex xubnood oo qoyskiisa ka tirsanaa, ka dib booliiska ayaa xaqiijiyay in tuhmanaha uu sidoo kale doonayay inuu weeraro dugsiga hoose ee St. Joseph's Catholic Primary School.
Inta lagu guda jiro baaritaanka, waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday in aysan jirin wax macluumaad ah oo sheegaya in Nicholas uu qabo xanuun maskaxeed.
Xog yar oo ku saabsan Nicholas ayaa shaaca laga qaaday 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ee dhageysiga maxkamadda, laakiin BBC-da ayaa falanqeysay taariikhdiisa internetka, faahfaahinta ka soo baxdayna waa mid aad looga xumaado.
Mareeg uu inta badan booqdo ayaa soo bandhigay muuqaalo muujinaya waqtiyadii ugu dambeeyay ka hor inta uusan dilin xubno ka mid ah qoyskiisa.
Waxaa la sheegay in Websitdku uu xanibay ninkaan kadib markii uu faallooyin dadka dhibaya ka bixiyay mareegtaas.
Waxa kale oo uu xiisayn jiray weeraro lagu qaado dugsiyada adduunka. Wuxuu sidoo kale sheegay in uu daawan jiray muuqaallo anshax xumo ah sida carruur loo galmoodo.
Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in Nicholas uu aad ugu ekaa Clementine, jilaha ku jira muuqaalka 'The Walking Dead'.
Ka dib markii uu dilay hooyadiis, walaashii iyo walaalkii, wuxuu duubay muuqaal isaga oo eegaya kamaradda oo leh, "Anigu waxaan ahay kii la doortay, waxaa doortay Clementine."
Nicholas iyo walaalkiis Kyle labaduba waxay dhigteen Cardinal Newman Catholic School. Iskuulku wuxuu ku tilmaamay Kyle inuu ahaa"Alumnus caan ku ah naxariistiisa iyo inuu yahay saaxiibka ugu fiican ee ardayda kale."
Ka dib markii ay soo baxday faahfaahin ku saabsan ujeedada Nichols ee ah in uu weeraro dugsiga, maamulku wuxuu yiri, "Waxaan rabnaa inaan kuu xaqiijino in badbaadada, daryeelka, iyo farxadda bulshada, ardayda, iyo shaqaalaha dugsiga, ay had iyo jeer ahaan doonaan mudnaantayada koowaad mana ka tanaasuli doono taas."
"Amniga dugsiga si joogto ah ayaa dib loogu eegaa oo loola socdaa. Tani waxay noo ogolaanaysaa inaan ogaano in tallaabooyinka aanu meel dhignay ay yihiin kuwo waxtar leh."
Ilaa hadda lama oga in su'aalo laga keenay habdhaqanka Nicholas ka hor, ama in hore loo siin jiray taageero dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada ama caafimaadka.
"Waxaa jiray dareen naxdin iyo walaac ah markii aan ogaanay in Nicholas uu damacsanaa inuu geysto dhibaato kale ka dib dilalkan naxariis darrada ahaa," ayay tiri Hazel Simmons, hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee Luton Council.
Waxa uu sheegay in uu sidoo kale farriimo walaac ah ka helay qaar ka mid ah waalidiinta carruurta dugsiyada.
Hazel waxa ay sheegtay in aanay garanayn in Golaha Luton uu wax aqoon ah u leeyahay dhibaato kasta oo soo wajahda qoyska Nicholas.
Dhammaan dugsiyada Luton ayaa la weydiistay inay dib u eegis ku sameeyaan ammaankooda ka dib dhacdada.
Nicholas ayaa la xukumi doonaa toddobaadka soo socda, waxaana inta lagu guda jiro xilligaa soo bixi doona macluumaad badan oo isaga ku saabsan. Laakiin waxa cad in ficilkiisu uu burburiyay qoys.
Kormeeraha guud ee Bedfordshire Sam Khanna ayaa yiri: "Tani waa kiis naxdin leh oo saddex qof oo aan waxba galabsan oo isku qoys ah lagu dilay,".
xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 03/03/25
......