
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 02/03/25
Madaxweyne Xasan Sheekh: Shacabka Soomaaliyeed waa in ay garab istaagaan Dowladda si aan uga guulaysano Al-shabaab
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan,
Madaxweynaha ayaa hambalyo gaar ah u diray geesiyaasha Ciidanka qaranka ee guusha weyn ka soo hooyey dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago Dowladda si dalka looga xorreeyo al-shabaab gabaadka ka dhigatay meelaha koob kooban "Walaalayaal waxaa la idinka rabaa in aad dowladda ku garab siisaan dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab ku habsatay 18-kii sano ee lasoo dhaafay.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan sidoo kalena caawiyaan kuwooda tabaalaysan ee u baahan garab istaaga oo gacmaha is qabsadaan si loo gaaro Soomaaliya Barwaaqo ah dunidana la tartanta.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 02/03/25
.........