halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 01/03/25

0
Saturday March 01, 2025 - 07:13:03 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 01/03/25

    .........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.........

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeey Geerida DR Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda caafimaadka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Dr Maxamed Yuusuf Xasan oo ku geeriyoday magalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Maxamed uu door weyn ka soo qaatay samatabixinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in Dr Maxamed uu ka mid ahaa tiirarka ugu muhiimsan ee bahda caafimaadka, waxa una waqtigiisa si mutadawacnima ah ugu bixin jiray badqabka caafimaad ee bulshada iyo soo saaridda jiilal u leylisay xirfadda Caafimaadka oo khibrad iyo aqoon wanaagsan u leh, si ay dadka iyo dalka ugu adeegaan.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Dr Maxamed Yuusuf oo ahaa Gudomiyaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee NHPC ayaa xilliyo adag u soo adeegay dadkiisa, ilaa shalayna waxa uu u taagnaa sidii uu dalkiisa u gaarsiin lahaa horumar Caafimaad oo waara, isaga oo ku xeeldheera culuumta caafimaadka, hagidda xirfadleyaasha iyo hoggaamintooda”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey marxuumka in hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bahda xirfadleyaasha caafimaadka, dhaqaatiirta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in beri Ramadaan tahay

Guddiga xaqiijinta bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sh Mukhtaar Roobow ayaa goordhowed bulshada Soomaaliyeed u xaqiijiyye in maalinta beri ay tahay kowda bisha Ramadaan.

Wasiirka ayaa isagoo la hadlayey Warbaahinta Qaranka Sheegay in deegaano kala duwan laga arkay bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip