halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 27-02-25

0
Thursday February 27, 2025 - 08:59:09 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 27-02-25

    .........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.........

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shaaciyay inay qabteen Mooshin ay soo gudbiyeen Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadam Maxamed Nuur Madoobe ayaa shalay waxa uu ka dhawaajiyay inay jirto mooshin ay lasoo wadaageen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo uu tilmaamay in kooram la'aan ay suurtagali weyday in ajendaha lagu soo daro.

Fadhigii Shalay ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la'aan waxaana xaadirtay oo kaliya 137 mudane waxaana ka dhinnaa oo kaliya si kooramka uu ubuuxsamo laba xildhibaan, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa digniin culus u diray xildhibaanada wali dibadda ku maqan ee aan fadhiga soo xaadirin.

Waxa uu Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in ajendeyaal waa weyn ay horyaalaan kalfadhigaan ayna doonayaan inay waqti fiican u helaan balse xildhibaanadda ay tahay inay kooramka soo buuxiyaan oo aysan ka maqnaan fadhiya baarlamaanka.

"Waa inaan gudanaa waajibaadkeeni Qaran, waxaa ceeb nagu ah inaan sabtida kooram la'aan noqono, waa in waajibaadkiina gudataan, kuwa shalay maqan ee sababay inuu shalay furmi waayo baarlamaanka aad iyo aad ayaan uga xunnahay, waxaan leeyahay hala yimaado baarlamaanka waana baaq, waxaana bilaabi doonaa inaan yeerino magacyada xildhibaanadii soo xaadiri waayo Golaha Shacabka". ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe.

Ka hor inta uusan furmin kalfadhigaan waxaa jiray warar sheegayay in xildhibaanada Golaha shacabka ay diyaariyeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda Ra'iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka qayb galay dood ku aaddan dhamaystirka dastuurka

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa ka qaybgalay dood ku saabsaneyd dhamaystirka dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin hufan, dhameystirka dastuurka iyo la dagaallanka argagixisada si loo xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed iyo horumar bulsho.

Wasiirka ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay tiir muhiim u ah dhismaha dowlad waxtar leh oo ku saleysan sharciga iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.

Doodda oo ay ka qayb galeen dhalinyarada Gobolka Banaadir, gaar ahaan ardayda jaamacadaha kadhigta culuumta siyaasadda, xiriirka caalamiga ah iyo sharciga, ayaa waxay fursad u heleen in ay weydiiyaan wasiirka su’aalo muhiim ah oo ku saabsan geeddi-socodka dastuurka, doorashooyinka dalka iyo kaalinta dowladda ee hirgelinta isbedellada sharci iyo siyaasadeed.

Madashan ayaa dhalinyarada siisay fursad ay ku fahmaan aragtida dowladda ee ku aaddan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.

Wasiir Biixi oo shir guddoomisay kulan looga hadlayo isbeddelka cimillada

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee shabakadda Isbeddelka cimilladada dalalka ay colaaduhu saameeyeen oo lagu qabtay magaalada Abu Dhabi ee dalka isutagga imaaraadka Carabta.

Shirkaan oo heer-Wasiir ahaa ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah dalalka ay saameeyeen isbeddelka cimillada iyo colaadaha.

Kulanka Shabakadani oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii la aas-aasay kadib shir weynihii Isbeddelka cimilada COP29 ee lagu qabtay dalka Azarbajan ayaa waxaa hadda looga arrinsanayaa sidii ay taageero gaar ah u heli lahaayeen dalalka nugul ee ay wali ka muuqdaan saameynta colaadaha iyo cimillada.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad nuxurkeedu ahaa saameynta Soomaaliya ee xilliyada kala duwan ee abaaraha iyo fatahaadda oo salka ku haya isbeddelka guud ee cimilada Adduunka.

Wasiir Biixi ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in madashu ay la timaaddo wax qabad wadareed si loo samata bixiyo dhammaan bulshooyinka ay saameeyeen isbeddelka cimillada.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir ay wadajir ugu kulmayaan dalalka carabta oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta ganacsiga oo isna berri lagu qaban doono magaalada Abu Dhabi ee dalka UAE.

Soomaaliya iyo Norway oo iska kaashanaya la dagaallanka fikirka xagjirnimada rabshadaha wata

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) ayaa kulan la yeeshay ergeyga gaarka ee dowlada Norway u qaabbilsan Soomaaliya Mr Einar Rystad iyo Safiirka dowlada Norway u fadhiya Magaalada Muqdisho Mr Carsten Carlsen.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay muhiimadda iyo mudnaanta ay leedahay in la iska kaashado dardar gelinta howlaha la xiriira ka hortagga iyo la dagaallanka afkaaraha xagjirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la xoojinayo wacyigelinta bulshada iyo ciidamada si halista afkaarahaasi looga badbaadiyo dhallinta Soomaaliyeed ee soo koraya.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu bogaadiyay horumarka ay dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka seddex geesoodka ah ee ay kula jirto Al-shabaab, kuwaas oo kala ah, dhinacyada milletariga, dhaqaalaha iyo tiirka dhanka fikirka (Ideological Pillar) oo ay hoggaamiso Wasaaradda.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo billowday dhagaysiga dacwad ka dhan ah eedeysanayaal loo haysto tahriibinta dadka

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay billowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddobo qof oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay in ay galeen dambiyo la xariira tahriibinta, ka ganacsiga dadka iyo dembiyo kale.

Eedeysanayaasha ayay ciidanka Boliiska kasoo qabteen xaafado kala duwan oo ku yaalla magaaladda Muqdisho, kadib markii xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu helay xogta shabakaddaan.

Eedeysanayaasha ayaa loo haystaa in ay ku lug leeyihiin tahriibinta dhallinyaradii dhammaadkii sannadkii hore ku geeriyootay badweynta Hindiya kuwaasi oo gaarayay 28 qof, kadib markii magafayaashii loo gacan galiyay ee badweynta kaga tageen doontii la saaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalkoodii dib ugu soo celisay dhallinyaradii ka badbaaday dhacadaasi, iyadoo sidoo kale soo celisay dhallinyaro badan oo ku xirnaa xabsiyada waddamo kala duwan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay

Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo howgalka Militariga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM ) oo iskaashanaya ayaa fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu naafeeyay cadowga argagixisada ah ee shalay ku hungoobay, laguna jabiyay weerar ay ku soo qaadeen dagmada Alkowsar ee gobolka Shabeellaha dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Duqeynta oo ay fuliyeen US AFRICOM oo kaashanaya Ciidanka Qaranka ayaa lala beegsaday firxadka maaleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii Al-shabaab ee lagu jabiyay dagaalkii shalay ay la galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka.

Wali waxaa socota qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga oo aad loogu naafeeyay dagaalkii shalay, waxaana dadweynaha Soomaaliyeed la socodsiin doonaa hadba wixii ka soo kordha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Howlgalka AFRICOM ee Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab oo cadow ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.

Lataliyaha amniga Qaranka oo faah-faahin ka bixiyay qorshaha howlgalka cusub ee AUSSOM

Lataliyaha amniga Qaranka mudane Xuseen Macallin Maxamuud ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha howlgalka cusub ee Ciidanka AUSSOM oo dhawaan si rasmi ah u billaabanaya.

Howlgalkan oo ay qayb ka yihiin waddamada Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha ayuu sheegay in ay howlgallada ka socda dalka ku hoggaamin doonta dowladda Soomaaliya.

Lataliyaha oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in horumar ballaaran laga sameeyay amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Xuseen Macallin Maxamuud lataliyaha amniga Qaranka ayaa xusay in sanadaha soo socda uu qorshuhu yahay in Ciidanka xoogga dalka uu helo aalado ciidan oo dhamaystiran, si meesha looga saaro kooxaha argagixisada ee caqabadda ku ah dowlad dhiska Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka oo deeq raashiin ah ku wareejisay hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeq raashin ah oo loogu tala-galay dadka nugul ee saboolka ah kala wareegay Safiirka isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa deeqdaan oo loo qorsheeyay ilaa 600 oo qoys ku wareejiyay Guddoomiyayaasha degmooyinka Cabdicasiis, Xamarweyne iyo Shangaani ee gobolka Banaadir, isagoo ku adkeeyay in mudnaanta 1-aad la siiyo qoysaska sida dhabta ah ugu baahan.

Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale ballan-qaaday in bisha Ramadaan ee soo socota, Dowladda Imaaraatka Carabta ay dalka soo gaarsiin doonto gargaar bani’aadannimo oo dhan 7,000 oo tan, si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee u baahan gacan-qabad iyo taageero nololeed.

Hay’adda SoDMA oo ansixisay qorshayaal ku aaddan mashruuca ka soo kabashada dhibaatada Soomaaliya

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo kaashaneeysa Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Hay’adda Cunnada Aduunka (WFP), ayaa ansixiyey qorshayaal wax-ku-ool ah oo ku aaddan mashruuca ka soo kabashada dhibaatada Soomaaliya (SCRP) oo uu taageero Bangiga Adduunka.

Kulanka ansixinta ayaa isku keenay daneeyayaasha muhiimka ah oo ay ku jiraan Dowladda Soomaaliya, Dowlad goboleedyada, Hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo la meelmariyay shan dukumeenti oo kala ah;

➤ Qaab-dhismeedka nidaaminta

➤Tilmaamaha Maareynta Masiibooyinka

➤Hababka Hawleed ee Caadiga ah

➤Qorsheyaasha Digniinta Hore

➤Ka jawaabista xaaladaha degdegga ah Hirshabeelle & Koonfur Galbeed.

Dukumeentiyadan ayaa muhiim u ah hagaajinta iyo awood-siinta nidaamka maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo tilmaamaha iyo qorshayaasha loogu talagalay ka jawaabidda musiibooyinka, si gaar ah wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ah ee ka jira Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

NISA oo burburisay gaadiid ay al-shabaab kasoo buuxisay qaraxyo

Howlgal duqayn ah oo ay habeen hore fuliyeen ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka iyo saaxiibbada caalamka ayaa lagu naafeeyay al-shabaab Al-shabaab.

War saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaannada Sigato iyo Lebi Aw-Xasan oo u dhexeeya degmooyinka Ruun-nirgood iyo Al-kowthar ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo cadowga looga gubay kolonyo gaadiid ah oo ay kasoo buuxiyeen qaraxyo, iyadoo sidoo kale halkaasi lagu laayay dhammaan malleeshiyadii la socotay baabuurta.

Ciidamada Puntland oo dagaal la'aan kula wareegay tuulada Dhasan oo ah meelihii ugu dambeeya ee Daacish

Ciidamada amniga Puntland ayaa ku guulaystay inay gudaha ugu galaan tuulada Dhasaan ee gobolka Bari, iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah, sida ay xaqiijiyen saraakiisha ammanka. Tuuladan ayaa horey loogu arki jiray in ay tahay xarunta ugu weyn ee kooxda Daacish ku leedahay gobolka.

Dhasaan iyo sidoo kale Bohol-Dhasan waxay ahaayeen meelaha ugu dambeeya ee Togga-Jaceel uu ku dhammaado ee gudaha buuraha Calmiskaad.

Deegaanadan ayaa waxay muddo dheer hoy u ahaayeen horjoogayaasha ururka Daacish.

Gelitaanka ciidamada Puntland ee Dhasaan waxay muujinaysaa guul weyn oo ay ciidamada Puntland ka gaareen dagalka lagula jiro Daacish, taasoo suurtagal ah inay meesha ka saarto joogitaanka ururka Daacish ee gobolka Bari.

Lama oga halka ay aadeen dagaalam-ayaashii Daacish, inkastoo qeybo kamid ah ururku ay weli ku sugan yihiin farriisin kuyaala qeybo kamid ah gobolka Baro, gaar ahaan aagga degmada Ufayn.

La wareegitaankaa dhulkan ayaa noqonaya in lasoo gabagabeeyay wajigii labaad ee howlgalka Daacich. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in wajiga saddexaad lagu bartilmaameesan doono firxadka Daacish iyo dadka gacan saarka la lahaa Daacish ee ku sugan magaalooyinka Puntland.

Dagaal Xoogan oo ka socda Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu shalay ka socda gudaha iyo duleedka magaalada oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed sida ay sheegeen dadka degaanka.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Hub culus iyo kuwa fududba ay isku adeegsanayaan labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamaya Degmada Luuq, dadka degaanka ayaa sheegaya in ay ku waabariisteen rasaasta culus ee ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Mas'uuliyiinta Degmada Luuq oo aan xiriir la sameenay si aan faah faahin dheeraad ah uga ogaano dagaalka ayaan inoo suurta galin balse waxaa jira khasaare dhimaasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray labada maleeshiya beleed ee gudaha Degmada ku dagaalamaya.

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa todobaadyo ka hor waxa uu sheegay inuu miiska wada hadalka iskugu keenay beelaha walaalaha ah ee dirirtu u dhaxeeyso si loo gaaro heshiis waara oo aan dib dambe aan dagaalka loogu laaban.

Jubbaland ayaan wali wax war ah kasoo saarin dagaalka shalay dib uga qarxay Degmada Luuq horeyna waxa ay u sheegtay in beelaha laheshiisiiyay cidii ku xad gudubta ay la xisaabtami doonaan.

Puntland oo faahfaahin ka bixisay duqeyn lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Daacish

Taliska howlgalada ciribtirka kooxda Daacish ee maamulka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn habeen hore ka dhacday deegaanka Miraale ee gobolka Bari oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan kooxda Daacish.

Duqeynta Habeen hore ayaa la sheegay in lagu dilay ilaa 25 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Warka qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in duqeynta ay fulisay dowladda Imaaraadka Carabta oo gacan ka helaysay ciidanka ku howlan ciribtirka Daacishta ku sugan Puntland, waxaana duqeynta la tilmaamay in si gaar ah looga fuliyay goob ay ku dhuumaaleysanayeen oo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Daacish.

Dhinaca kale ciidamada maamulka Puntland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ku burburiyay fariisimo Daacish ku laheyd deegaanada kala ah Kalriyaad, Saax iyo Madaah ee gobolka Bari oo ay ku yaalaan saddex Ceel Biyood oo muhim u ah deegaannadaasi.

"Waxaa ciidamadu burburiyeen Talisyo yar yar oo ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisada Daacish, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay Dameero ay raranayeen Argagixisadu iyo Agab kale oo ay lahaayeen" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.

Ugu dambeyntii ciidamada maamulka Puntland oo taageero kala duwan ka helaya saaxiibada caalamka ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Daacish ka wada deegaanada dhaca dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana dagaaladaas lagu dilay rag u badan ajaaniib oo u dagaalamayay Daacish.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca looga qaaday in Dowladda Federaalka iyo Dowladda Mareykanka oo Iska Kaashadey ay qaadeen hawlgal Lagu Laayey Tiro Badan oo Al Shabab ah oo kabaxsanaayay dagaalkii ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Warka waxaa lagu yiri "Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Howgalka Militariga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM ) oo iskaashanaya ayaa fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu naafeeyay cadowga argagixisada ah ee ku hungoobay, laguna jabiyay weerar ay ku qaadeen magaalada Alkowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabelle".

Duqeynta oo ay fuliyeen US AFRICOM oo kaashanaya Ciidanka Qaranka ayaa lala beegsaday firxadka maaleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii Al shabab ee lagu jabiyay dagaalkii ay la galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee macawiisleeyda loo yaqaano.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in Wali ay socota qiimeynta khasaaraha gaaray Al shabaab oo aad loogu naafeeyay dagaalkii daraad, waxaana dadweynaha Soomaaliyeed la socodsiin doonaa hadba wixii ka soo kordha ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Ugu dambeeyntii war-saxaafadeedka ayaa shaaca looga qaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Howlgalka AFRICOM ee Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga lagu ciribtirayo kooxaha argagexisada oo cadow ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.

Qaybo ka mid ah dadweynaha Ceerigaabo oo ka hor yimid qaramaynta ciidamada madaniga ah

Qaybo ka mid ah dadweynaha magaalada Ceerigaabo ayaa diiday in la qarameeyo ciidamada madaniga ah ee SSB iyo G36, kuwaas oo ah ciidamo beeleedyo.

Dadweynahan oo iskugu soo baxay goobo ka mid ah magaalada Ceerigaabo ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ku muujinayaan in aanay wali jirin nabad buuxda, sidaas darteedna ay u arkaan in qaramaynta ciidamada ay keeni karto in magaalada la soo weeraro.

Waxay sheegeen inay ka cabsi qabaan in magaalada lagu soo duulo, isla markaana ay ciidamada SSC Khaatumo iyo beeleedyada kale faa'iidaystaan fursadda, isla markaana ay magaalada soo galaan.

"SSB iyo G36 waxa la qaramaynaya, SSC marka la qarameeyo ee ay Somaliland ka mid noqdaan, iyaguba waa reer, sow maaha? Anaguna reer ayaan nahay. SSB iyo G36 jiidaha way joogaan," ayey tidhi gabadh ka mid ah mudaharaadayaasha.

Badhasaabka gobolka Sanaag, Axmed Cabd Muuse, ayaa sheegay in magaalada ay ka socdaan shirar u dhexeeya waayeelka iyo xukuumadda, isla markaana ay meel fiican wax marayaan marayaan. Wuxuu intaas ku daray in wax laga qaban doono cid kasta oo ka hor timaadda nabadaynta Ceerigaabo.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa magaalada u jooga hawlaha qaramaynta ciidamo beeleedyada iyo heshiisiinta bulshada wada deggan magaalada.

Xukuumaddu waxay dhawaan amartay in ciidamada ammaanka oo keliya ay hub ku dhex qaadan karaan magaalada, isla markaana waxay ugu baaqday dadkii magaalada ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

"Naafanimadaada wiilkeenna ha u gudbin" Gabadh Soomaali ah oo dhibbane u noqotay tacaddiyada jinsiga

Faadumo, oo magaceeda iyo codkeeda aanu u baddelnay si aanu qarinno aqoonsigeeda, toddoba sano oo keliya ayay jirtay markii cirbad si khaldan loogu duray ay sababtay in qaarka dambe ay naafo ka noqoto. Markaas ayay tiri, waxay calaamad u ahayd billowga nolosha halganka ah.

"Wiil baan jeclaaday, waanu isjeclaannay muddo kadib markii aan go'aansannay in aanu isguursanno, markii uu warkaas la wadaagay qoyskiisa, waxa ay ka codsadeen in uu u keeno gabadha uu guursanayo, markii ay naafonimadayda arkeenna waxa ay noo diideen in aanu guursanno.

"Qoyskiisa ayaa amar ku bixiyay inay raadsadaan gabadh kale oo uu guursado, taasi waxay nagu noqotay caqabad weyn ka dib dadaal badan oo aan si guul leh isu guursannay."

"Kadib markii aan is guursannay, waxaan u soo guurnay guriga qoyska ninkeyga, hooyadiis habeen walba waxay imaan jirtay qolkayaga, waxayna geyn jirtay wiilkeeda qol kale iyadoo leh gabadhan curyaanka ah waxaa laga yaabaa inay kuu soo wareejiso naafada adiga {ninka}, dadku waxay sidoo kale sheegi jireen sababta uu u guursanayo"

"Halgankii ugu weynaa ee aan sameeyay wuxuu ahaa inaan waqti la qaadan karin ninka aan jeclahay, isaguna wuu i jeclaa, laakiin qoyskiisu waxay si joogto ah ii dhibayeen mar aan fursad u helno, aniguna aan uur u qaaday ilmahiisa, qoysku waxay nagu cadaadiyeen inaan kl tagno aniga oo weli uur leh, naafonimada iyo uur-ku-jirka waxay ahayd caqabad aan la filayn."

"Dadaal dheer ka dib waxaan dhalay gabar, waxay {qoyska ninkii hore} u maleeyeen in inantayda ay noqon doonto naafo sidayda oo kale ah, waxay rumaysnaayeen in aad naafo tahay darteed aad dhali doonto ilmo naafo ah." Ayay tiri Faadumo.

Tobankii qof ee qaangaarka ah ee Soomaaliya ku nool in ka badan hal ayaa naafo ah - badankoodna waa haween. Kuwii aan la hadlay waxay ii sheegeen inay dareemayaan 'inaysan ka dhex muuqan bulshada oo aaminsan dhaqan qoto dheer iyo fikrado khaldan oo ka dhigaya inay u nuglaadaan dhaleeceynta, go'doominta, iyo rabshadaha ku saleysan jinsiga.

Tobannaan sano, dadka naafada ah ee Soomaaliya waxay u halgamayeen aqoonsi dhanka sharciga ah. Kuwa safka hore kaga jira [dagaalkan?] waxaa ka mid ah Maxamed Diiriye oo aragga naafo ka ah oo hoggaamiya urur aan faa'iido doon ahayn oo caawiya dadka naafada ah si ay u dhexgalaan bulshada. Waxa uu si hagar la'aan ah ugu ololeeyay Sharciga iIaalinta Naafada Qaranka, kaasoo ugu dambeyntii uu Madaxweyne Xasan Sheekh saxiixay bishii December 2024-kii.

"Marka ugu horreyso oo aad guriga ka soo baxdid waxaad arkeysaa in waddooyinkii ay raf yihiin, in waddooyinkii wasakh yihiin oo biyo yaallaan, waxaas ayaa waxey igu noqdaan kuwa dhib ku ah mar walbo dareenkeyga. Aad iyo aad waxaan ugu faraxsanahay muddo dheer ka dib oo toddoba sano ah in Soomaaliya shalay ay leedahay sharciga ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah sharcigaas oo runtii fursad noo siin doono in dadka naafada ah laga hor qaado dhibaatooyinka, in uu ka ilaaliyo haweenka iyo carruurta tacaddiyaadka ku dhaco oo ay la kulmaan inta ay noloshooda wataan.

"Rajada aan ka qabno sharcigaan in dowladda ay dhaqan-galiso runtii aad iyo aad ayey u yar tahay, maaddaama dhaqan ahaan lagu yaqaanno in shuruucda la qoro meel la dhigo laakiin annaga haddii aan nahay hoggaamiyeyaasha dadka naafada ah, waxaan u taagannahay in sharcigeenna uusan noqonin shuruucdaas oo kale, in aan ku riixno dowladda in ay dhaqan-geliso sharciga," ayuu intaa raaciyay.

"Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan sharciga waa qodobka 7*, kaas oo dammaanad qaadaya matalaadda siyaasadeed ee dadka naafada ah. Dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa sidoo kale looga baahan doonaa inay hubiyaan in ugu yaraan 5% shaqaalahooda ay ka kooban yihiin dadka naafada ah.

"Horta xaqiiqda markaan ka hadalno, hay'adda naafada qaranka kaligeed ma hirgelin karto sharcigaan, in sharcigaan la hirgeliyo waa mas'uuliyad aad u weyn waxeyna ku hagaagi kartaa kuna hirgeli kartaa in la iska kaashado dhammaan shacabka Soomaaliyeed, qeybaha bulshada, ururrada bulshada ganacsatada, hay'adaha dowladda, xafiiska madaxweynaha, xafiiska ra'iisulwsaaraha, maamul goboleedyada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed in ay horta kow fahanto oo ay xaqiisato"." Waxaa sidaa yiri Maxamed Cabdul Jaamac, oo ah guddoomiyaha hay'adda naafada qaranka.

Iyadoo dagaalku uu hadda ka soo wareegay aqoonsigii sharciga ahaa una guuray wacyigelin iyo dhaqangelin, bulshaduna ay gacanteeda ku qabsanayso. Waxaa ka mid ah[Hal qof oo isku dayaya inuu isbeddel sameeyo] waa Xafsa, oo ah xiddigad dhanka TikTok ah oo soo koraysa taasoo baraha bulshada u adeegsanaysa si ay kumannaan qof wax u barto oo ay u baddesho fikradahooda.

"Markey arkeen in aan wiljeerka saaranahay, waxey i dhaheen Xafso naafo maad eheyd, Xafso saan maad eheyd yacni su'aalo ayaa iiga yimid, awal aniga waan isqarin jiray ma ohoo oo bulshada caadi ayey ii barteen, laakiin markaan isa soo bandhigay saan maad eheyd, kan maad eheyd, maxaad dareemee, saan ma ku dhalatay iyo su'aalo badanaa kaaga imaanaayo, marka su'aalaha jawaabtoodana waan siin jiray.

"Hadda wey isbadaleen oo shalay oo dhan haddaan ku jiro su'aalo iyo maxaad saan ku noqotay badanaa la ima dhaho.

"TikTok-ga waxaan u joogaa in aan wax ku wacyi-geliyo oo dadka waxaa jirto bulsho wali guryaha joogo wax baranin kana niyad jabsan oo aaminsan in aysan waxbaran karin, dadkaas waan ku wacyi geliyaa anoo xataa iskuulka isku diyaarinaua ayaan soo dhigaa."

Xafsa iyo Maxamed waxay ogyihiin in uusan fududeyn safarka ah in sharciga si buuxda loo maareeyo iyo ciribtirka dhibaatada dhaqanka qotoda dheer aysan fududeyn. Laakiin sharciga hadda la meel mariyay, waxay aaminsan yihiin inay haystaan fursad ay ku dagaallami karaan.

XIGASHO BBC

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo ku baaqay in la cusboonaysiiyo dagaalka ay kula jiraan Somaliland

Hogamiyaha Maamulka SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa ku baaqay in la xoojiyo halganka uu maamulkiisu ku doonayo, in uu Somaliland ugala wareego qaybo ka mid ah gobollada Sool iyo Sanaag.

Firdhiye oo dadweynaha deegaanka Boocame kula hadlay goob fagaare ah ayaa bulshada ku boorriyey in ay garab istaagaan ciidamada, isla markaana halganka la sii xoojiyo. Waxa uu Somaliland ku eedeeyay in ay barakicisay dad reer SSC Khaatumo ah.

"Halgankii weli inagama dhamaan. Laga soo bilaabo Xeedhadhanka ilaa Ceerigabo, baaruuda ayaa qiiqaysa, dadkeenii waa la soo barakiciyey, guryahoodii waa laga saaray. Tan hadda aynu joogno ayaa loo soo dhaaranayaa" ayuu yidhi Firdhiye.

Maamulka SSC Khaatumo, oo hadda xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood, isla markaana ka taliya badi gobolka Sool iyo qaybo ka mid ah Sanaag, ayaa dhismay kaddib dagaal socday muddo sannad ku dhow oo Somaliland lagaga saaray Laascaanood.

Sidoo kale, maamulka ayaa ku taamaya in uu la wareego magaalada Ceerigaabo, oo ay gacanta ku hayso Somaliland. Horraantii sanadkan, ciidamo ka tirsan SSC Khaatumo ayaa magaalada galay, hase ahaatee, maalmo kaddib waa laga saaray.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa wada dadaallo lagu dejinayo xaaladda Ceerigaabo, iyadoo la doonayo in dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha wada deggan magaalada.

Israel oo duqeyn xooggan ku garaacday Koofrurta Suuriya

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyay magaalo ku taal koonfurta caasimada Suuriya, iyo sidoo kale gobolka koonfureed ee Darcaa goor dambe oo Talaadadii ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka, ilo-wareedyo dhanka amaanka ah iyo TV-ga maxaliga ah ee Suuriya.

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeeyay magaalada Kisweh oo qiyaastii 20 kiiloomitir u jirta koonfurta Dimishiq sida ilo wareedyada ay sheegeen. Laamaha ammaanka ayaa sheegay in la beegsaday goob ciidan, iyadoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin.

Milateriga Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen mar dambe ku sheegay, in ay weerareen bartilmaameedyo militari oo ku yaalla koonfurta Suuriya oo ay ku jiraan xarumo iyo goobo ay ku sheegeen in uu hub yiil.

Hadal uu soo saaray afhayeenka wasiirka difaaca Israel Katz ayaa lagu sheegay, in ciidamada cirka ay si xoog leh u weerarayaan koonfurta Suuriya, taas oo qayb ka ah siyaasadda cusub ee ay qeexeen ee lagu nabadeeynayo koonfurta Suuriya fariintuna ay cadahay iyagoo aan dooneeyn in Koonfurta Suriya noqoto koonfurta Lubnan.

Ukraine oo ogolatay in Maraykanka qaato macadanta naadirka ah

Mas’uul u hadlay Ukraine ayaa sheegay in Ukraine ay heshiis ka gaareen qodobbada heshiiska macdanta ee Mareykanka, kaasoo la saxiixi karo Jimcaha.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyada Ukraine ee lagu dhisayo aasaaska dammaanad qaadka amniga mustaqbalka ee Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku adkeystay in Ukraine ay siiso Mareykanka marin u helka macdanta dhulka naadirka ah si ay magdhow uga noqoto balaayiin doollar oo gargaar dagaal ah oo ay heshay xilligii maamulkii Joe Biden.

Heshiiska ayaa fududeyn doona horumarinta wadajirka ah ee kheyraadka macdanta Ukraine ee Mareykanka, iyada oo dhaqaalaha ka soo baxa loo jiheeyo sanduuq cusub oo la aasaasay kaas oo noqon doona "isku-dhafka Ukraine iyo America,” ilo sare oo Yukreeniyaan ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP xaalad aan la magacaabin.

Isha ayaa sidoo kale tilmaamtay in heshiiska qabyada ah uu tixraacayo "ammaanka,” inkastoo uusan si cad u qeexin ballanqaadyada laga filayo Mareykanka – mid ka mid ah shuruudaha hore ee Ukraine ee heshiiska.

Madaxweynaha ee Mareykanka Donald Trump ayaa xusay rabitaankiisa ‘$ 500 bilyan’ oo macdan ah si loo dhimo gargaarka la siiyo Ukraine.

"Hadda, saraakiisha dawladdu waxay soo gabagabeynayaan faahfaahinta,” isha ayaa la sheegay, iyada oo intaa ku dartay in madaxweyne Volodymyr Zelensky laga yaabo inuu saxiixo heshiiska inta lagu jiro booqashada Washington horaantii Jimcaha.

Mr. Trump ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii hore wax weyn ka bedelay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, isagoo wada hadal la yeeshay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo dhanka kale hanjabaado u jeediyay xulafada Mareykanka ee soo jireenka ah.

Daraad ayay ahayd markii Maraykanka uu Ruushka kula midoobay Qaramada Midoobay si ay uga fogaadaan wax cambaarayn ah oo ku saabsan duulaankii Ruushku ku qaaday dalka ay jaarka yihiin saddex sano ka hor.

Dhacdo naadir ah oo aan soo noqon doonin ilaa 2040 ka oo cirka ka dhacaysa

Cirbixiyeenada ayaa xiiso gooni ah qaba todobaadkaan maadaama ay dhawaan todobada meere ee kala ah Mars, Jupiter, Uranus, Venus, Neptune, Mercury, iyo Saturn ay samada ka soo muuqan doonaan muddo kooban xilliga fiidka.

Dhacdadaan oo loo yaqaano 'socodka meerayaasha' ayaa ah mid naadir ah, waxayna noqon doontaa markii u dambeysay ee wadajir loo arkay todobadaan mere tan iyo inta mid tan la mid ah ay ka dhici doonto 2040 ka.

Fursadda ugu fiican ee lagu ku arki karto meerayaal badan ayaa ah in la eego hawada kadib qorrax dhaca maalmaha Talaadada, Arbacada, Khamiista iyo Jimcaha.

Afar ka mid ah meerayaasha oo kala ah Mercury, Venus, Jupiter, iyo Mars ayaa waxaa suuragal ah in aad ku aragto indhaaga adiga oo aan qalab adeegsan. Saturn ayay adkaan doontaa in aad aragto maadaama uu ka hooseyn doono jooga waabariga. Waxaad u baahan doonta aaladda telescope ka si aad u aragto labada meere ee kale - Uranus and Neptune

In aad haysato meel fiican oo aad ka eegi karto oogga waabariga iyo cir nadiif ah ayaa ah jaaniska ugu fiican ee aad dhammaantood ku arki karto.

Dr Edward Bloomer oo ah xidigiye ka tirsan Royal Observatory Greenwich ayaa yiri "Arrin naadir ah ayay noqon doontaa in aa dhal meel ka wado aragto todobada meere oo aad halkaa adiga oo jooga aad daawato."

Markii ay qorraxdu dhacaysaba, Saturn iyo Mercury iyaguna waa ay sii galbanayaan, taas oo adkayn doonto in loo jeedo.

"Waxaad haysataa daqiiqado kooban ka dib qorrax dhaca si aad u aragto, inta aysan godka galin. Balse xilligaas kadib wali waxaad si cad u arki kartaa Venus, Jupiter, iyo Mars waqti dheer ayayna sii joogayaan," ayuuhadalkiisa ku daray Dr Bloomer.

Meerayaasha ku jira nidaamka soolarka ayaa joog inta badan la mid ah kan dhulka waxay ku dul wareegaan qorraxda.

Qorraxda ayay ku dul wareegaan iyaga oo ku socda xawaaro kala duwan una jira masaafooyin kala duwan, balse waxaa jira marar ay ka soo muuqdaan meel isku beegan marka laga soo eegayo dhulka, taas oo abuurta muuqaal cajiib ah, in kasta oo ay markaas wali isku jiraan masaafooyin aad u baaxad wayn.

Venus iyo Jupitar ayaa waxa ay noqon doonaan kuwa ugu sahlan ee la arki doono maadaama ay aad u fiyaan, halka Mars uu yeelan doono midab ka duwan kuwaas oo gaduud u eg.

"Uranus sida caadiga ah waxaa lagu arki karaa isha, balse waxaad u baahan doontaa meel fiican oo aad wax ka arki karto," Dr Bloomer ayaa sidaa ku micneeyay.

Si aad u kordhiso jaaniska aad ku arki karto meerayaal badan ayaa Dr Bloomer waxa uu ku talinayaa inaad sii tagto meel aad si fiican uga arki karto oogga waaga iyo gabal dhaca taas oo ka fog meelaha uu iftiinkabadan ee nalalku ka jiraan.

"Iska ilaali inaad taleefanka fiiriso, xasiilooni dareen, hubina in aad joogto meel uusan kaa qarsoomayn oogga wagga iyo gabal dhacu."

Maadaama tani tahay fursad xiisaheeda leh ayaa Dr Bloomer waxa uu ku

XIGASHO BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip