
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 26-02-25
Ra’iisul wasaare Xamse oo bogaadiyey hawlgalka ciribtirka Al-shabaab
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey guulaha ay ka gaareen Cidamada Qaranka io kuwa Deeganka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ah ee ku dhumaleysanaya deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in geesiyaasha huraya naftooda ee u dhimanaya difaaca dalkooda iyo dadkooda ay baal dahab ah ka geli doonaan taariikhda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in marnaba aan laga hari doonin Al-shabaab goob walba oo ay ku sugan yihiin, maadaama ay u taagan yihiin ka been sheegga diinta, daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta maalka ummadda Soomaaliyeed.
"Waxaan bogaadinayaa guulaha isdaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, iyada oo jab xoog leh la gaarsiiyey kooxaha Al-shabaab ah, lagana sifeeyey goobo badan oo ay ku dhuumaaleysanayeen, isla markaana ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed, oo hadda la gaarsiiyay harka dowladnimada”.
Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha Al-shabaab ah ee diiddan nabadda Soomaaliya iyo in bulshada la gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin, maadaama ay iyagu hortaaggan yihiin wax walba oo horumar u horseedaya dadka iyo dalka.
Soomaaliya iyo Kenya oo iska kaashanaya ilaalinta deegaanka
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo u jooga dalka Kenya, isla markana u wehlinayo safiira Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan la qaatay wasiirka wasarada deegaanka ee dalka Kenya Aadan Barre Ducaale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada Wasaradod, wanaajinta xiiriirka labbada dal iyo Ilaalinta deegaanka.
Labada Wasiir ayaa sidoo kale waxa ay isla meel dhigeen Ilaalinta iyo ka hortegidda xaalufinta Dhirta oo muhiimad gooni ah u leh Dadka iyo deegaanka, waxaana ay si wadajir ah u qireen in isbeddelka ku yimid cimilada uu saameyn ku yeeshay bulshada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo isna kulanka ka hadlay ayaa xusay in Labada dowladod ay lagama maarshalayhay inay kala saxiixdaan heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ku saabsan horumarinta deegaanka, isla markaana la magacaabo guddiyo farsamo oo arrintaas dardargeliyo.
War-saxaafadeed: Ciidanka Qaranka oo hawlgal lagu jabjyey Al-shabaab ka fuliyey Hirshabeelle
Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Dadka Deegaanka ayaa shalay si wayn cadowga Al-shabaab ah ugu jabiyay isku dayo la fashiliyay oo Al-shabaab ay ku soo qaadeen goobo ku yalla Dowlad Goboledka HirShabelle weeraro nafla caari ah.
In ka badan 70 ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ah ayaa lagu dilay hawlgallo ka hortag ah oo Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku jebiyeen cadowga, kuwaasi oo ka dhacay deegaannada Cadow-Guray oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo degaannada Ceel Cali Axmed iyo Alkowsar oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Geesiyaasha Ciidanka Qaranka oo sii hayey xogta isku dayada nafla caariga ah ee Al-shabaab ayaa mid kasta sidii loo qorsheeyay u burburiyay, waxaana hadda yaalla goobaha ay ka dhaceen hawlgalada maydadka Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal.
Inta ay socdeen hawlgaladan waxaa sidoo kale lagu furtay hub badan, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid nooca dagaalka kuwaasi oo ay wateen Al-shabaab.
Dowladdu waxay wali tirakoobaysaa khasaaraha iyo jabka aan la soo koobi karin ee cadowga lagu gaarsiiyay hawlgalada guulaystay ee shalay lagu fashiliyay dhagarta cadowga, dhowaanna lala soo wadaagi doonaa shacabka Soomaaliyeed wararkii ugu dambeeyay.
Maareeyaha hay’adda duulista rayidka oo shir uga qaybgalaya Kenya
Maareeyaha guud ee hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyed mudane Axmed Macalin ayaa magalada Nairobi uga qeyb-galay kulanka guddiga mamulka Hay’ada u qaabilsan Duulista Rayidka Bulshada Bariga Afrika ee loo yaqaano CASSOA.
Kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii la iskaga kaashan laha hormarinta Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika iyo qorshe howleedka sanadkan.
Sidookale waxaa kulanka lagu dhameeystiray habraaca ka mid noqoshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Ururka Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika iyadoo dhaarta xubinnimada uu u maray Somalia MaareAhmed Macalin Xasan.
Kulankan ayaa ugu dambeeyn looga arrinsaday mideynta shurucda Duulista Rayidka ee wadamada xubnaha ka ah CASSOA iyo sidii ay xubnuhu isaga kaashan lahaayeen fulinta shuruucda caalamiga ah ee ICAO SARPs.
Taliyaha ciidanka dhulka oo bogaadiyey ciidanka Qaranka ee jabiyey Al-shabaab
Taliyaha Ciidanka Dhulka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ganeraal Sahal abdullahi Omar oo hogaminayey hawlgalka looga hortegay damacii guracna e ay Al-shabaab ku doonayen inay ku dhibaateyan shacabka ku dhaqan magaalada Al-kowsar ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen Ciidanka XDS iyo xaq u dirirka deegaanka oo shalay xasuuqay cadowga.
Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa tilmaamay in shalay Al-shabaab jab xooggan loogu geystay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, islamarkaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, halka howlgallada looga gubay gaadiiid dagaal.
Taliye Sahal Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay in howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii socon doonaan dhawaana laga saari doono goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan.
Madaxweynaha Hirshabeelle oo dardargelinaya dagaalka ka dhanka ah al-shabaab
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in ay guuldareysteen isku dayadodii ay al-shabaab ku weerareen degaannada Caddoow-Gureey, Al-Kowsar iyo Ceel Cali Axmed.
Madaxwenaha oo kormer dhiiragelin ah ugu tagay ciidanka macawiisleyda Shabeellada dhexe ee ku suagn degaanka Juxaay ee qaybta ka ah howgalka lagu ciribtirayo al-shabaab ayaa intaa raaciyay in aysan ka hari doonin argagixisada meel kasta oo ay galaan.
Hoggaanka ciidanka macawiisleeyda ayaa wacad ku maray in ay goob walba ku weerari doonaan Al-shabaab.
"Lama joogo waqti aan gacmaha ka laabbano damaca gurracan ee Al-shabaab, waxaana guud ahaan Hirshabeelle ka socdo dagaal geeri ama gobanimo ah.”
Taliye ku xigeenka Boliiska Soomaaliyeed oo bogaadiyay guddiga farsamada xiriirka arrimaha xasillinta
Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Somaliyed S/Guuto Cusmaan abdullahi Maxamed (Kaniif) ayaa bogaadiyay shaqada guddi howleedka farsamo ee xiriirka arrimaha xasillinta kadib kulan ka dhacay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha xasilinta iyo wacyigelinta deegaannada laga xoreeyay Al-shabaab gaar ahaan dedaallada ay wadaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaga oo xusay in si gaar ah ay talisku u dhiiragelinayaan ciidanka jooga furimaha.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha xiriirka ee wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha xasilinta iyada oo ugu horeyn guddoomiyaha guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu ka warbixiyay sooyalka, baaxada howlaha guddiga iyo hiigsigooda, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlaha amniga, howlaha booliiska ee xasliinta iyo wax qabadka guddiga muddadii uu jiray.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan qorshayaal mideysan oo loogu adeegayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.
Maamulka gobolka Hiiraan oo abaalmariyay geesiyaal ka tirsanaa macawisleyda
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa abaalmarin guddoonsiiyay geesiyaal ka tirsan ciidamada macawisleyda oo howlgal qorsheysan ku dilay dhagar qabe ka tirsanaa Al-shabaab, kaasi oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceelka-baar gacanlow ee dhaca galbedka magalada Beledweyne.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa geesiyaasha fuliyay howlgalka ku wareejiyay laba qori oo AK-47 ah, kuwaasi oo qeyb ka ah ballanqaadyadii maamulka gobolka Hiiraan horay u shaaciyay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ballan qaaday in abaalmarinno la guddoonsiin doono cidkasta oo cadowga Al-shabaab ah naafaysa.
Deegaanka A-lkowsar oo mar kale lagu jabiyey Al-shabaab
Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Xaq-u-dirirka deegaanka ayaa cashar adag u dhigay isku day fulaynimo ah oo Al-shabaab ku doonaysay inay ku weeraraan magaalada Al-kowsar ee gobolka shabeellaha dhexe.
Al-shabaabtii weerarka soo qaaday ayaa goobta lagu xasuuqay, waxaana sidoo kale la gubay gaadiid ay wateen iyadoona laga furtay hub fara badan.
Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Xaq-u-dirirka deegaanka ayaa wali ku guda jira firxadka Al-shabaab kuwaasi oo u kala firdhaday deegaanada howdka ah.
Ciidanka xoogga jab xooggan u geystay al-shabaab
Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ee gobolka Hiiraan ayaa shalay Al-shabaab ku laayay aagga deegaannada Beera yabaal iyo Aboorrey o hoos taga degmada Buloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu soo bandhigay meydadka Al-shabaab, hub iyo gaadiid dagaal oo cadowga laga furtay.
Ciidamada ayaa waaberigii hore ee shalay fashiliyay weerar naf lacaarinimo ah oo ay Al-shabaab ku qaaday goobaha shalay lagu laayay, waxaana weli dhulka howdka ah ee dhaca jiinka Wabiga Shabeelle ka socda baacsiga firxadkii Al-shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ka socda Hiiraan ee jabka culus lagu gaarsiiyay Al-shabaab ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in goordhow ay bulshada la wadaagi doonaan faah-faahinta sida loo fashiliyay dhagartii argagixisada, isla markaana ay soo bandhigi doonaan khasaaraha rasmiga ah ee la gaarsiiyey Al-shabaab.
Trump iyo Emmanuel Macron oo ku kulmay Aqalka Cad ee dalka Mareykanka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay, inuu ku dhow yahay inuu heshiis la galo Ukraine iyo Ruushka si loo soo afjaro dagaalka Ukraine, ka dib markii uu daraad kulan ballaaran kula qaatay Aqalka Cad, Madaxwenaha Faransiska Emmanuel Macron.
Trump wuxuu ku booriyay Yurub inay kaalin weyn ka qaataan maalgelinta, laakin Paris ayaa riixeysa helitaanka dammaanad dheeri ah oo ka timaada Moscow.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhankiisa riixay rabitaankiisa ah in la gaaro heshiis lagu soo dhameeyo dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo Isniintii daraad ay u buuxsantay sannadkii saddexaad.
Wuxuu sheegay in tani ay qeyb ka noqon doonto heshiis uu Mareykanka la galo Ukraine, kaas oo ku saabsan macdanta muhiimka ah, kaasi oo la filayo in uu todobaadka soo socdo saxiixo madaxweynaha Ukraine.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa isna Isniintii ka digay in nabaddu aysan macnaheedu ahayn "is dhiibidda Ukraine, laakiin wuxuu sheegay in wadahadal uu la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay muujiyeen horumar, inkasta oo laga cabsi qabo khilaaf ka dhex dhaca dalalka ku xeeran Badda Atalaantiga.
Wada hadallada labada hogaamiye ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ku baaqay nabad, xilli uu madaxda Yurub kula kulmay Kyiv.
Burcad badeeda Soomaalida oo sii daayay Dooni Kalluumaysi oo laga lahaa dalka Yemen
Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in ay sii daayeen dooni kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen oo ay ku qabteen xeebaha Geeska Afrika agaar ahaan degaanada Puntland, waxaana ay gacanta ku haayeen muddo shan maalmood ah, sida ay sheegeen howlgalka Midowga Yurub ee la dagalanka Burcad badeda.
War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada badda Yurub ee EUNAVFOR Atalanta ayaa lagu sheegay in weerarkii ugu horeeyay ee burcad badeedu ay qaadeen 17-kii bishii February ay la beegsadeen Doon u yara shabaha Markabka, kaasi oo loo isticmaali jiray biyaha bariga dhexe, balse lagu qafaashay xeebta magaalada Eyl ee Soomaaliya.
Doonta oo lagu magacaabo "Seton-2" ayaa ku sii jirtay gacanta burcadbadeedda illaa Sabtidii, waxaana burcad-badeedda ay ku qalabaysnaayeen jaranjaro iyo hub, taasoo muujinaysa inay dhici kartay inay doonayeen inay afduubtaan maraakiib kale, iyagoo u isticmaalayay doonidaan kalluumaysiga.
"Kooxaha looga shakisan yahay burcadbadeedda ayaa ka baxay doonida kalluumeysiga kaddib markii ay wixii ay wateen Shaqaalaha doonida ay ka qaateen" ayay yiraahdeen ciidamada badda, iyagoo intaas ku daray in shaqaalihii markabka "Seaton-2" ay hadda bad qabaan oo ay xor yihiin.
Xeebaha Degaanada Puntland waxaa dib uga soo ifbaxay kooxihii Burcad badeeda Soomaalida iyagoo dhowr jeer afduubtay maraakiib ku socdaalaysay biyaha Soomaaliya.
Halkee ayay Xisbullah ka heshaa lacagteeda?
Maalgelinta kooxda xagjirka ah ee Xisbullah ee Lubnaan ayaa dib u eegis lagu sameeyay kadib duqeymo xagga cirka ah oo ay Isra'iil fulisay dhamaadkii sannadkii hore, taas oo ku saabsan urur-maaliyadeed xiriir la leh kooxda.
Xisbullah waa ciidamada ugu awoodda badan Lubnaan, sidoo kale waa xisbi siyaasadeed oo Shiico Muslim ah. Waxay si weyn uga dhexmuuqataa baarlamaanka iyo xukuumadda Lubnaan labadaba.
Israa'iil iyo waddamo badan oo Reer Galbeed ah ayaa ururka Xisbullah u aqoonsaday urur argagixiso.
Kooxdan ayaa si weyn u soo caan-baxday sanadihii siddeetamaadkii iyagoo mucaarad ku ahaa Israa'iil oo ciidamadeedu qabsadeen koonfurta Lubnaan dagaalladii sokeeye ee dalkaasi ka socday 1975-1990kii.
Bishii Oktoobar, Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) waxay garaaceen dhowr xarumood oo ay leeyihiin kooxda Al-Qard Al-Hassan (AQAH), iyagoo ku eedeeyay ururku inuu ahaa mid gabaad u ah kooxda Xisbullah ee ay taageerto Iiraan si ay u maalgeliyaan dhaqdhaqaaqyadooda.
AQAH, waa diideen arrintaas iyagoo sheegay in caawinta maaliyaeed ee ururkoodu tahay mid rayid ah oo ay amaahyo yar yar ay siiyaan dadka u baahan.
In ka badan labo bilood oo iska hor imaad u dhaxeeyay Xisbullah iyo Israa'iil oo ka dhacay Lubnaan sanadkii 2024-kii ayaa sababay burbur baahsan oo gaaray meelaha ay kooxda Iiraan taageerto joogitaanka xooggan ku leeyihiin.
Dirirta ayaa lagu soo afjaray heshiis xabad-joonin ah taas oo dhaqan gashay bishii Nofember, waxaana xigay burburkii nidaamka Asad ee dalka deriska la ah ee Suuriya.
Dhacdooyinkan ayaa saameyn weyn ku yeellan kara maalgelinta Xisbullah iyo awoodda ay u leedahay inay helaan agabka milateri.
BBC News Carabi waxay qiimeysaa waxa laga og yahay ilaha dhaqaalaha ee Xisbullah iyo sidoo kale shabakadeeda maaliyadeed ee gudaha Lubnaan iyo caalamkaba.
Xiriirrada Iiraan
Sanadkii 2022-kii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ku qiyaastay in Iiraan ay Xisbullah siiso lacag dhan 700 oo milyan oo dollar sanadkii.
Hogaamiyihii geeriyooday ee Xisbullah Hassan Nasrallah oo lagu dilay duqeyn ay Israa'iil fulisay bishii Sebtembar 2024-kii ayaa khudbad uu jeediyay 2016-kii ku faanay in dhaqaalaha kooxda inta badan laga helo Iran. Ma uusan shaacinin wax xisaabaad maaliyadeed ah.
"Miisaaniyaddeenna, mushaharkeenna, kharashkeenna, cunnada, biyaha, hubka, iyo gantaalladayadu waxay ka yimaaddeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan," ayuu yiri.
Iiraan waxay maalgelisaa Xisbullah iyada oo adeegsanaysa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee awoodda leh (IRGC), kuwaas oo gacan ka geystay aasaaska kooxda Lubnaan 1980-meeyadii.
IRGC, sidoo kale waa bixiyaha ugu weyn ee hubka Xisbullah, oo ay ku jiraan gantaalaha casriga ah iyo diyaaradaha drone-ka.
Inkasta oo Iiran ay maalgeliso miisaanniyadda ugu badan ee Xisbullaha waqtigii hore, kooxda ayaa si kordhaysay ku tiirsanaanta ilo kale, sida ay sheegtay Hanin Ghaddar, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga Dhexe.
"Sababo la xiriira cunaqabataynta saaran Iiraan, waxay gaartay xaalad halkaas oo Iiraaniyiintu aysan awoodin inay lacagta isla tiradaas u diraan Hezbollah," ayay tiri Ghaddar.
Kooxdu waxay ku kabtaa dakhliga ay ka hesho Iiraan dhaqdhaaqaayo maaliyadeed oo kale oo ay ku hesho qaab sharci darro ah oo ay ku jito lacag dhaqida sida laga soo xigtay Matthew Levitt, qoraaga buuga Xisbullah ee "The Global Footprint of Lebanon's Party of God.
Al-Qard Al-Hassan
AQAH, waa mid ka mid ah nooca ururrada lagu eedeeyay inay lacag dhaqid u sameeyaan iyagoo ka wakiila Xisbullah.
Ururka ayaa noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakad adeegyo bulsho oo Xisbullah. Ka hor duqeymihii dhanka cirka ee Israa'iil ee ku garaacday xafiisyadooda 20-kii Oktoobar, wuxuu lahaa in ka badan 30 laamood, kuwaas oo badanaa ku yaallay dabaqa hoose ee dhismayaasha la deggan yahay.
Waxay u ogolaadeen dadka inay qaataan amaahyo yar yar oo ay ku qaadanayaan lacagta dollarka Maraykanka iyagoo dhigaya rahmaad dabab ama damiino keenaya iyo in loo furo akoonada kaydinta.
Nasrallah, ayaa ku sheegay khudbad uu jeediyey sanadkii 2021 in AQAH ay bixisay $3.7 bilyan (£2.8 bilyan) oo deyn ah oo ay siisay 1.8 milyan oo qof oo ku nool Lubnaan tan iyo markii la aasaasay bilowgii 1980-meeyadii, iyo in ku dhawaad 300,000 oo qof ay amaah ku lahaayeen xilligaas.
"Bangigu ma aha mid loogu talagalay inuu faa'iido soo saaro. Waxa uu bixiya taageero maaliyadeed ugu horreyn taageeradiisa asaaska, sida uu sheegay Joseph Daher, aqoonyahan iyo qoraaga buugga Hezbollah: The Political Economy of Lebanon's Party of God.
"Inkasta oo ay u badan tahay inuu ku lug leeyahay lacag dhaqida dhaq dhaqaaqyada dhaqaale ee aan rasmiga ahayn ee Xisbullah," ayuu Daher intaasii raaciyay.
Waxyar ka dib duqayntii AQAH, Israa'iil ayaa ku eedeysay Xisbullah inay isticmaashay hay'addan maaliyadeed si ay u "maalgeliso dhaqdhaaqyadeeda argagixisanimo."
Maraykanku ayaa sidoo kale cunaqabatayn ku soo rogay ururkan sannadkii 2007-dii, markaas oo saraakiisha Maraykanku sheegeen in ururka Xisbullah ay u adeegsato gabaad ay ku maarayso hawlaheeda maaliyadeed iyo inay galaangal u yeelato nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.
Jawaabtii AQAH
AQAH, ayaa ugu jawaabtay BBC-da, eedaymaha la xiriira xiriirkeeda Xisbullah,iyadoo sheegay inaysan ahayn gacanta maaliyadeed ee kooxda hubeysan isla markaana beenisay eedeymaha ku saabsan dhaqidda lacagaha.
Ururka ayaa sheegay in ay qeyb ka tahay qaab-dhismeedka hay'adeed ee ballaaran ee Xisbullah, taas oo diiradda saareysa hawlaha samafalka iyo adeegyada, halkii ay ka ahaan lahayd xawaalad ama maalgalin.
AQAH, ayaa sheegtay inay jirin eedeymaha ah inay xiriir toosa la leedahay ururo ama dowlado shisheeyo oo ay ku jirto Iiraan.
"Waxaan qeyb ka nahay nidaamyada hay'addeed ee ballaaran ee Xisbullah, laakiin waxaan diirada saarnaa qaybaha samafalka iyo adeegyada, maha howlgallada maaliyada," ayaa lagu yiri " ma jiraan xiriiro aan la leenahay jinsiyado shisheeye ama ururo, Iiran ama kuwa kale.
Ururku wuxuu ku celceliyay sida ay uga go'an tahay hufnaanta iyo inay diiradda saaraan gargaarka bini'aadantinimo, iyagoo ku tilmaamay walaacyadaas "faham la'aan" ku saabsan dabeecadeeda samafalka.
Kooxda wax jabsata ee Spider Z
Bishii December sanadkii 2020-kii, warbixino ayaa sheegay in koox lagu magaco Spider Z ay jabsaden akonada ururka, iyagoo soo bandhigay maclumad xasaasi ah, sida liiska deyn-bixiyeyaasha iyo kuwa dhigaalka ah, iyo sidoo kale muuqaallo amni oo la sheegay in laga helay laamahooda.
Mu'asasada Difaaca Dimuqradiyada ee fadhigeedu yahay Washington (FDD) ayaa sheegtay in dukumiintiyada la jabsaday ay muujinayaan in AQAH ay maamusho in ka badan 400,000 oo akoon, oo ay ku sheegtay qaar badan, oo xiriir la leh Xizbullah iyo Iran. FDD waxa ay sheegtay in aysan wax deeq ah ka qaadan dowladna waxa ay isku tilmaamtay mid aan dhinacna u xaglin. Si kastaba ha ahaatee, waxay u aragtaa Iiraan iyo Xisbullah inay khatar ku yihiin Maraykanka iyo xulafadiisa.
Hal akoon oo lagu calaamadeeyay "Vali al-Faqih," ayaa la sheegay inuu leeyahay xafiiska hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.
Hay'addaha xiriirka la leh Khamenie, sida kooxda Lebanese group Martyrs Foundation, ayaa akoono ku leh AQAH, sida ay sheegtay FDD.
AQAH ayaa xaqiijisay in 2020 ay jirtey "jabsasho xaddidan," laakiin waxay ka soo horjeesatay sida loo qeexay hawlaheda iyo sheegashoyinka ku saabsan aqoonsiga qaar ka mid ah macaamiisheeda.
Mar la waydiiyey AQAH, uma xaqiijin ama uma beenin BBC-da haddi ay maamusho akoono hay'addeed oo xiriir la leh Ali Khamenie. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in qof kasta oo ku sugan dhulka Lubnaan uu yeellan karo akoon, oo ay ku jiraan akoonnada deeqaha.
Waxa ay sidoo kale BBC-da u sheegtay in ay xiriir wanaagsan la leedahay ururka Lubnaan ee Martyrs Foundation, sababtoo ah asaaskooda, waxay ku sharaxday inay qayb ka tahay hay'addaha adeega bulshada ee Xisbullah.
AQAH, waxa ay sheegtay in aanay la macaamilin hay'ado maaliyadeed oo dibadda ah oo aanay xawaaladaha iyo dhaqaalaha ka helin dibadda.
Waxay tilshalayy in qof kasta oo ku nool Lubnaan uu ka faa'iidaysan karo deymaha ay bixiso, si la mid ah, qof kasta oo deggan uu furi karo akoon tabaruc ah oo uu ku shubi karo lacag "sadaqo iyo arrimo diimeed".
Xiriirrada Afrika
Sida laga soo xigtay FDD Thinktank, dukumeentiyadii la jabsaday ee 2020-kii ee AQAH, waxay muujinayaan xisaabaadka dadka fadhigoodu yahay meel ka baxsan Lubnaan, oo ay ku jiraan Afrika iyo Koonfurta Ameerika
"Xisbullah waxay wadamo badan oo Afrikaan ah ku leedahay la-hawlgal ganacsi oo badan," ayuu yiri Ghadar, oo ka tirsan machadka Washington for Near East Policy.
"Waxay ku lug leeyihiin noocyo kala duwan oo warshado ah, oo ay ku jiraan ganacsiga dhemanka iyo farshaxanka," ayay raacisay.
Sannadkii 2019-kii, Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa cunaqabateysay ururiyaha farshaxanka Nazem Said Ahmad, iyadoo ku eedeysay inuu yahay "mid ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee Xisbullah."
Mas'uuliyiinta Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in Ahmad uu leeyahay "xiriir muddo dheer ah oo uu la leeyahay ganacsiga 'dheemanada dhiigga'."Meesha uu joogo weli lama oga.
Xiriirrada Laatiin Ameerika
Xisbullah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay lacag ka sameeyaan ka ganacsiga daroogada ee Latin Ameerika. Baaritaano lagu sameeyay Venezuela sanadkii 2011 ayaa lagu sheegay in la helay nidaam adag oo ku lug leh ganacsi daroogo iyo lacag caddeyn ah oo ku kacday malaayiin doolar, sida ku xusan warbixin dhowaan kasoo baxday ururka cilmi-baarista ee Qaramada Midoobay.
Nidaamka Xisbullah wuxuu xiriir la lahaa Colombia, kooxda maleeshiyada Farc, iyo kartelka daroogada ee Venezuela, sida uu sheegay Machadka Cilmi-baarista Caalamiga ah ee Dambiyada iyo Caddaaladda ee Qaramada Midoobay (Unicri).
kooxda xagjirka ayaa hormarisay joogitanka xooggana aagaga saddexda soodimeed ee Argentina, Brazil iyo Paraguay sida lagu warbixinta Unicri
Sanadooyinkii ugu dambeeyay, Wasarada Maaliyadda ee Maraykanka ayaa sido kale cunaqabatesay shaqsiyaad iyo ganacsiyo ku yaalla dalalkaas, iyadoo ku eedeysay inay taageeraan shabakadaha maaliyadeed ee caalamiga ah ee Xisbullah.
Hassan Moukalled, oo ah ganacsade Lubnaan ah oo Maraykanku cunaqaba-teeyay sanadka 2023, ayaa sheegay in cunaqabateynta noocaas ah ee Marekanku ay yihin kuwo siyasadesan.
"Ujeeddada dhabta ah waa in la carqaladeeyo aasaaska dhaqaale ee bulshada Xisbullah iyo in la hor istaago wax kasta oo lagu beddeli karo qaababka dhaqaale ee uu Maraykanku taageero ee gobolka," Moukalled ayaa u sheegay BBC News Arabic.
Qandaraasyo, ka ganacsiga sharci-darrada ah, iyo crypto
Sida la sheegay, Xisbullah waxay lacag ka heshaa dhowr ilood oo kale.
"Kooxdu waxay awaaday u yeelatay inay lacago badan iyadoo dhexmaraysa qaybta daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo waaxo kale oo lubnan" ayuu BBC-da u shegay Leveitt.
Xisbullah waxay ka faa'iideysataa sharciyada dhaqaale iyo qandarasyada dadweynaha ee Lubnaan, sida ku xusan warqad cilmi-baaris ah oo ay sameysay Chatham House thinktank, oo fadhigeedu yahay London sanadkii 2021-kii.
Xisbullah waxay isticmaashaa shirkado gaar ah oo la xiriira, si ay u dalbato una guuleysato qandaraasyada dadweynaha, sida lagu sheegay warqadda cilmi-baarista.
Isla cilmi-baadhistan ayaa soo jeedisay Xisbullah in ay ka soo saarto ku dhawaad 300 milyan bishii ka ganacsiga shidaalka naaftada sharci darrada ee ka gudba ee xadka Suuriya ka hor inta aan madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad xukunka laga tuurin December 2024.
Dhanka kale, baaritaan ay sameysay BBC 2023-kii ayaa kooxda la xiriiriyay ganacsiga sharci darrada ah ee Captagon-ka kaas oo qiimihiisu gaarsiisan yahay malaayiin doolar.
Laba sano ka hor, Xisbullah waxay beenisay eedeymaha ku saabsan inay ka qeyb qaadatay soo saarista daroogadaas, iyagoo ku tilmaamay "warar been abuur ah."
Qoraalka sawirka,Israa'iil ayaa gacanta ku dhigtay Tron cryptocurrency oo ay sheegtay in ay leedahay ururka Xisbullah
Bishii Juun 2023-kii, Wasiirkii Difaaca Israel Yoav Galant wuxuu ku dhawaaqay qabsashadii ugu horreysay abid ee lacagaha loo yaqaan 'cryptocurrencies' ee lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Xisbullah.
Xafiiska Maalgelinta La-dagaalanka Argagaxisada Israa'iil ayaa la wareegay ku dhawaad 1.7 milyan oo Tron cryptocurrency ah, lacagtaas oo qaarkood uu Galant, sheegay in ay leeyihiin Xisbullah iyo Ciidanka Quds ee Iran.
Nofeembar 2023, Reuters ayaa soo xigatay Hayward Wong, afhayeenka Tron oo diiwaangashan Jasiiradaha Virgin ee Ingiriiska, isagoo u sheegay wakaaladda wararka in dhammaan tignoolajiyada "marka laga eego aragtida aragti ahaan loo isticmaali karo hawlo shakhsiyadeed."
Wong,l waxa uu tusaale u soo qaatay Doolarka Maraykanka oo loo isticmaalo lacag dhaqid. Waxa uu sheegay in Tron aanu gacanta ku haynin kuwa isticmaalaya tignoolajiyada, isla markaana aanay xiriir la lahayn kooxaha ay Israa'iil aqoonsatay.
Sanad ka dib, wasaaradda maaliyada Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay sarifleyaasha Lubnaan, iyadoo ku eedeysay inuu Xisbullah u siiyeen "digital wallets" si ay lacag uga helaan iibka saliidda Iran.
Hezbollah kama aysan jawaabin codsiga BBC News Arabic ee ah inay ka jawaabto maqaalkan.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 26-02-25
........