
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 24-02-25
Wasiirka Dekedaha oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Dowladda Cumaan
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda Soomaalia Xildhibaan Maxamud Aadan Geesood ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Dowlada Cumaan Siciid Bin Xaamud.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa dhowr dekedood oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo, taas oo Dowladda Cumaan ay doonayso inay kaalin weyn ka qaadato maalgelinteeda.
Kulanka waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan BFS, guddiga qaabilsan dhismaha Dekedda Hobyo, Qaar kamida Ganacstada Soomaaliyeed iyo Safiirka Cumaan ee Soomaaliya, iyagoo ay weheliyeen madax ka socota hay’ado ka aas-aasan dalka Cumaan oo danaynaya inay maalgeliyaan mashruuca dhismaha dekedda Hobyo.
Wasiirka Gaadiidka & Dekedaha Cumaan iyo Ku-xigeenkiisa ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in dowladda Cumaan ay si buuxda u maalgelin doonto dhismaha Dekedda Hobyo & Dekedaha kale ee Soomaaliya ee u baahan dhismaha iyo maalgashiga, kuwaas oo kor u qaadi kara koboca dhaqaalaha iyo horumarka kaabayasha gobolka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dib ugu fasaxay 15-xildhibaan oo horay looga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada golaha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dib ugu fasaxay 15-Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ka qeyb galka fadhiyada guud ee Golaha lalfadhiga lixaad.
Xildhibaanadan ayaa hore looga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada guud ee Golaha ka dib dhacdadii golaha ka dhacday 27-kii Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay,waxa uuna xildhibaanadda kula dardaarmay ilalinta dasturka Qaranka, xerhosadka. Golaha iyo dhaqanka suuban ee soomaaliyeed.
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA DOWLADDA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA.
uddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nur(Madobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Amb. Mike Nithavrianakis, waxaana safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya uu Gudomiyaha Golaha Shacabka soo gaarsiiyay dhambal uu kaga waday Gudomiyaha Baarlamanka ee Dalkaasi Ingiriiska.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalla Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa safiirka warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee wadanka, waxaana ugu dambeyn labada dhinac isku raaceen dardar gelinta iyo xoojinta xiriirka labada Baarlamaan.
Xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga arrimaha bulshada BFS oo dalka Rwanda kaga qeybgalay kulan muhiim ah
Wafdi ka socda Hay’adda KMG Mareynta Daawada ee Wasaaradda Caafimadka XFS, iyo Gudiga arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Soomaalia ayaa aqoon kororsi la xariira Mareeynta iyo nidaaminta daawada iyo agabka Caafimaadka u tagay Hay’adda Cunnada iyo Daawada ee Ruwaanda (Rwanda FDA) iyo sidii Soomaaliya u hurmarin lahayd shuruucda lagu maareeyo daawada iyo sida ay Soomaaliya u saxiixi lahayd heshiiska lagu dhisay Hey’adda Daawada afrika.
Wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa dadaal ugu jirta sidii si buuxda loogu shaqo gelin lahaa Hey’adda Maareynta daawada Soomaaliya oo ka shaqaysa hubinta tayada, badqabka iyo waxtarka daawada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida suuqa iyo ganacsiga daawada iyo agabka Caafimaadka ee Soomaaliya, loogana ilaalin lahaa daawooyinka tayadoodu hoosayso.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Rwand FDA oo martigelisay shirka iyo Hay’adda Horumarinta ee Midawga afrika (AUDA -NEPAD) oo fududaysay booqashadan aqoon kororsiga.
Masuuliyiin katirsan Dowladda oo Isbitaalka Xoogga ku booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay deegaanka Ceel Cali Axmed
Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan, xildhibaano ka tirsan labada gole, agaasime ku xigeenka madaxtooyada iyo masuliyiin kale oo ka tirsan dowldda ayaa kormeer ku tagay isbitaalka xoogga oo lagu dabiibayo ciidamada qaranka iyo Qaar kamida Geesiyadii deegaanka ee kusoo dhaawacmay dagaalkii jabka weyn loogu geystay argagixisada Alshabaab ee ka dhacay Deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Wasiir Cali Xaaji ayaa mid mid u dul istaagay bukaanada wuxuuna ka xog wareystay xaaladooda caafimaad, isagoo xusay ineey dowladoodu mar walba garab taagantahay oo ay si gooniya uga warqabto xaaladooda, maadaama
ay geesinimo leh cadowga uga difaaceyn dadkooda iyo dalkooda. Wuxuuna Alle uga baryay inuu u booga dhayo.
Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan Abubakar, oo ugu dambeyn warbahinta qaranka la hadlay ayaa bogaadiyay Ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka naf hurnimada leh kula jira Argagixisada Alshaab, Wuxuuna dhinaca kale ballanqaaday ineey isbitaalka xoogga ku wareejin doonaan sariiro, gawaari iyo agab kale oo caafimaad.
Aqoon-sweydaarsi muhiim ah oo Muqdisho uga furmay xafiisyada warfaafinta hay’adaha DF
Aqoon isweydaarsigani oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu soconayaa mudda seddex maalmood ah waxaana ka faa’iideysanaya 30 xubnood oo ka socda Xafiisyada Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,
Marwo Fartuun Axmed Xasan Agasimaha Shaqalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo soo dhoweysay madaxda iyo howlwadenada hay’adaha dowladda ee ka qeyb galaya tababarkan ayaa kula dardaarantay ka faa’iidaysiga khubarada iyo wadaaga khibradaha ka qeyb galayaasha oo muhiim ah mustaqbal maareynta xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee xaaladaha deg dega ah
Col. Cabdifitaax Xasan Adan Afhayeenka Booliiska oo ku hadlay afka ka qeyb galayaasha Aqoon isweydaarsiga ayaa tilmaamay in uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, isaga oo Wasaaradda Warfaafinta uga mahad celiyay isku keenida khubarada iyo hawlwadeenada dowladda ee xiriiirka Warbaahinta si maalmaha tababarka looga doodo habka xiriirka Warbaahinta loo maareeyo marka lagu jiro xaaladaha deg dega ah iyo guud ahaan iska qabka xafiisyada Warfaafinta.
Danjire Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo ka mid ah khuburada bixinaysa tababarka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay xoojinta isku xirnaanta hay’adaha Dowladda ee xilliyada xaaladaha deg dega ah iyo ka baaraandega waxa loo gudbinayo Warbaahinta iyo Dadweynaha.
Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa tilmaamay in Wasaaradda tababarkan u qabatay si loo xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo iska warqabka xafiisyada xiriirka Warbaahinta ee xilliyadda xasaradaha iyo xaaladaha deg deg ah isaga oo u mahad celiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS) oo taageeray tababarkani.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirahman Yusuf Cumar (Al-cadaala) oo furay tababarka ayaa sheegay in ujeedku yahay qaabeynta ra’yiga dadweynhaa iyo xiriirka Warbaahinta ee waqtiga xaaladaha deg dega ah si bulshadu u hesho xog sugan oo ka jawaabeysa xaaladda taagan,
Wasiir Caddaala ayaa intaa ku daray in hadafka aqoon isweydaarsigani sidoo kale yahay xoojinta isku xirnaanta xiriirka Warbaahinta ee hay’adaha dowliga ah iyo jiheynta dadweynaha maadama iskashiga lagama maarmaan u yahay guulaysiga ujeedooyinka dowladda.
Aqoon isweydaarsigan ayaa ka qeyb ka dedaalo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku xoojinaysa kor u qaadista awoodda iskaashiga iyo isku xirnaanta Warbaahineed hay’adaha dowladda, Wacyigalinta iyo jiheynta ra’yiga dadweynaha.
Ciidamada DaraaqiishtaPuntland oo deegaanno hor leh kala wareegay Al-shabaab Daacish
Ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaannada Dararmadoobe, Curaar iyo buuraha afarta koone ee dhaca deegaanka Gaatir Oodan ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.
Deegaanada ciidamada Darawiishta Puntland ay qabsadeen ayaa ahaa talisyo iyo difaac muhiim ah oo argagixisadu isku diyaarinayen sanado badan. Waxaana ciidamadu ugu tageen gaadiid iyo Mootooyin ay argagixisadu ku diyaarisay qaraxyo, balse lagu burburiyay Duqeymo culus oo ay fuliyeen saaxiibada Soomaaliya ka taageeraya dhanka la dagaallanka argagixisada.
Sidoo kale, goobaha ay la wareegeen ciidamada ayaa laga helay meydad iyo xabaalo-wadareedyo ay kooxda Daacish ku aastay xubno muhiim u ahaa oo uga dhintay duqeymaha.
Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland oo hadda ku jira wajigiisii labaad ayaa maraya meel wanaagsan, ciidamada ayaa guulo waa weyn gaaray, iyagoo cagta mariyay fariisimo adag oo ay lahaayeen argagixisada Daacish, iyagoo hadda ku sii siqaya deegaanno hor leh.
Taliyaha Guutada 9-aad oo tababar u soo xiray cutubyo katirsan Ciidanka xoogga dalka
Taliyaha Guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka G/dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa tababar u soo xiray cutubyo kamid noqonaya Ururka 96-aad Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee CXD kuwaas oo muddo layli ku qaadanayay dugsiga tababarka ciidanka ee degmada Xuddur.
Taliyaha Guutada 9-aad G/dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidankaan ay ka howlgali doonaan dhammaan degmooyinka iyo deegaannada gobolka Bakool si cadowga Al-shabaab ah looga dulqaado dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ku hayaan.
Xiritaanka tababarkan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa maamulka iyo waxgaradka gobolka Bakool.
Taliyeyaasha Militeriga iyo Sirdoonka Itoobiya oo Booqasho hal maalin ku yimid Magaalada Muqdisho
Wafdi ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Birhanu Jula, Taliyaha Ciidanka Qaranka Itoobiya ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku yimid Soomaaliya 22-kii Febraayo 2025, Boqashadan ayaa ka dambeysay ka dib wada-hadallo laba geesood ah oo dhowan dhex maray Madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya 14-16 Febraayo 2025.
Labada Dowladood ayaa isku raacay in guddiyada farsamo ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku raaceen dardargelinta qodobadii kasoo baxay heshiiskii Ankara ay ku saxiixdeen si Itoobiya ay u heli lahayd marin biyood, Taliyaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISS), Redwaan Xuseen iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Amb. C/llaahi Maxamed Cali ayaa Soomaaliya ku soo dhaweeyay General Birhanu Jula iyo Redwan Hussein, waxayna bogaadiyeen iskaashiga xooggan ee labada dal ka dhaxeeya.
Madaxda ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo tan gobolka, waxayna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Madaxdu waxay soo dhaweeyeen bilawga Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) waxayna muujiyeen muhiimadda ay leedahay in la sii amba qaado guulihii uu gaaray howlgalkii dhamaaday ee ATMIS, iyagoona hoosta ka xariiqay doorka Itoobiya ee hawlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika.
Madaxdu waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in si waafi ah loo taageero dadaallada hadda socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, waxayna hoosta ka xariiqeen inay ka go’an tahay inay si wadajir ah isaga kaashadaan ka hortagga argagixisada, waxaana lagu amaanay Doorka ee Itoobiya ay ka geysaneyso nabadda iyo xasilloonida gobolka.
laftagareen oo kormeeray dhismaha Cusub Terminaalka ee Garoonka Baydhabo
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren ayaa Kormeerey Dhismaha Cusub Terminalka Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Airport ee Magalada Baydhabo oo Dhismihiisa Meel wanaagsan Maraysa
Laftagareen waxaa kormeerka ku wehlinayay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed, waxana madaxweyne laftagareen uu la kulmeen Injineerrada shaqada gacanta ku haya iyo guddiga sida gaar ah uga shaqeynaya dhismahaan cusub Warbixin ayuu ka dhageystay guddiga dhisaya terminaalka, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku bogaadiyay in la kordhiyo howshaan oo sare u qaadeysa bilicda iyo adeegga Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud.
Dowlada Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay ballaarinta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee loogu magac daray Shaati Gaduud maadaama si joogta ah ay u caga dhigtan diyaradaha taga Xarunta Gobolka Baay.
Duqeymo lagu Bartilmaameedsaday Haraadiga Kooxda Daacish oo ka Dhacay Puntland
Hawlgal duqeymo ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaalia iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu bartilmaam-eedsaday firxadka maleeshiyaadka Daacish ( ISIS) ee ku dhuumaala-ysanaya Buuralayda Caal-miskeed ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Hawlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya waxa ay dhaceen fiidkii 21 Febraayo iyo daraad 22-ka Febraayo 2025, waxaana lagu taageerayay hawlgalka geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan haraadiga Al-shabaab Daacish.
Qiimeynta hore ee hawlgalka ayaa muujineysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM waxa ay sii wadi doontaa qiimeynta natiijooyinka hawlgalkaasi, oo wali socda, wixii ka soo kordhana waxaan la socodsiin doonaa dadweynaha.
Somaliland oo Bilowday Olole Lagu Masaafurinayo Dadka Itoobiyaanka ah
Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday olole lagu qabqabanayo dadka Itoobiyaanka ah ee aan sharciga haysan si loogu celiyo dalkoodii.
Ciidamada booliiska magaalada, oo wata baabuurta shabaqa leh ee maxaabiista lagu qaado, ayaa saaka lagu arkay goobaha suuqyada iyaga oo qabqabanaya dadka Itoobiyaanka ah ee sharci la’aanta ku jooga Somaliland.
Inkasta oo ay jiraan dad badan oo Itoobiyaan ah oo Somaliland ku jooga kaadhadh qaxooti iyo fiisayaal, isla markaana shaqaysta, haddana waxa jira kuwo sannad kasta si sharci darro ah kusoo gala, kuwaas oo mararka qaar dib loo celiyo.
Dadkan, oo u badan qoomiyadda Oromada ee ugu ballaadhan dalka Itoobiya, ayaa intooda badan ah bulsho danyar ah, kuwaas oo qabta shaqooyinka hoose sida maydhista baabuurta, halka qaarkoodna dawarsadaan.
Dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa sidoo kale qaaday olole la mid ah kan Somaliland, ka dib markii lagu tuhmay in dad Itoobiyaan ah ay ku lug yeesheen falal argagixiso.
Maxkamadda Ciidamada Somaliland oo Xukun Dil ah ku Ridaysay Nin Dhawaan Askari ku Dilay Gabiley
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Somaliland ayaa saaka xukun dil ah ku riday Saalax Isaaq, ka dib markii lagu helay in uu horraantii bishii hore magaalada Gabiley ku dilay Sarkaal Buux Mawliid Ismaaciil.
Sidoo kale, maxkamaddu waxay xukuno kala duwan oo u dhexeeya 4 sano ilaa 13 sano oo xadhig ah ku riday afar eedaysane oo lagu helay in ay gacan ka geysteen falkaas dilka ah.
Sarkaalkan la dilay, oo ka tirsanaa Ciidamada Wado-marista Somaliland, ayaa waxaa dilay ninka xukunka dilka ah lagu riday, oo ahaa darawal bajaaj, ka dib markii ay murmeen.
Daraad ayay sidoo kale maxkamadda ciidamadu ay xukun dil ah ku riday askari magaalada Hargeysa ku dilay nin gaashaale ah, halka qof kale oo gacan ka siiyay dilkaas lagu xukumay 13 sano oo xadhig ah.
Maxkamadda ciidamada ayaa hore u shaacisay in askarigii dila askari kale ama qofkii dila askari isla markiiba lagu xukumi doono dil, iyada oo aan loo dulqaadan doonin.
Talyaaniga oo la wareegay howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya
Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Talyaaniga ay la waregtay hoganka holgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ee laga sameenayo xeebaha Soomaaliya, si looga hortago burcad badeedda iyo dhaca hubeysan ee xeebaha Somalia ka dhaca.
Howlgalka Midowga Yurub ee NAVFOR ATALANTA ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri: "Admiral Davide Da Pozzo oo Talyaani ah ayaa la wareegay hoggaanka howlgalka Atalanta, isagoo bedelaya sarkaalka Portugues ka ah ee Admiral Alexandre Serrano, kaasoo xilka hayay tan iyo 12-kii Diseembar 2024."
Warku waxa uu intaa ku daray in munaasabadda xil wareejinta ayaa lagu qabtay dekedda Jabuuti iyaga oo saaran markab laga leeyahay dalka Spain oo lagu magacaabo (Santa Maria), iyadoo uu goob-joog ka ahaa taliye ku-xigeenka hawlgallada "Atalanta” ee Midowga Yurub, Admiral Ignacio Villanueva Serrano.
Warka sidoo kale waxaa shaaca looga qaaday in Admiral Da Pozzo uu hogaamin doono wareegtada 49-aad ee howlgalka Atalanta, iyadoo markabka dagaalka ee Talyaaniga (ITS Rizzo) uu yahay markabka hogaaminaya howlgalka.
Taliskaan ayaa ku amaanay taliyihii hore ee howlgalkaan Alexandre Serrano fulinta howlgallada lagu guuleystay ee ka dhanka ah burcad-badeedda, oo ay ka mid yihiin "Xoreynta laba doonyood oo kalluumeysi, mid ka babanaya calanka Shiinaha, mid kalana uu ka babanayo calanka Yemen.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 24-02-25
....