halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 23-02-25

0
Sunday February 23, 2025 - 09:08:25 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 23-02-25

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 6-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Gudoonka, Xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare shaqadii baaxadda lahayd ee ay qabten intii lagu gudajiray kalfadhiyadii hore ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay howlgallada lagu xoreynayo goobaha ay Al-shabaab kaga suganyihiin dalka, isagoo ammaanay Ciidamada Qalabka Sida, Xogaga Difaca Shacabka Somaliyed e Macawisley iyo Ciidamada Daraawiishta Puntland ee naftooda u huraya adkeynta nabadgalyada iyo ilalinta Qaranimada, isaga oo soo bandhigay khatarta argagixisada Daacish ee ku aaddan isu-socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

"Waxan garab taagaahay Ciidamada dowlad goboleedka Puntland iyo shacabka deegaannadaas oo casharro lama illaawaan ah siiyay Al-shabaab Daacish. Waa dagaal xaq ah, anagana waajib ayay nagu tahay in aan garab istaagno walaalaheenna dagaalka ugu jira xorenta iyo so celinta karamadena”.

Madaxwene Xasan Shekh Maxamud ayaa sheegay in heshiisyadii siyasaded ee Madasha Qaranka iyo ansixinta Baarlamaanka ee afarta cutub ee ugu horreeyay Dastuurka ay horseedeen hirgelinta qorshaha doorashooyinka toska ah, lagana gudbayo dorashoyinkii dadbanaa ee caqabadda ku ahaa dowladnimada dalka, waxa uuna ugu baaqay Baarlamaanka in kalfadhigan lagu dhammeystiro cutubyada dhimmn ee Dasturka, si loga gudbo khilafaadka curyamiyey dowlad-dhiska Somaliyed.

"Walaalayaal, dadka Soomaaliyeed annaga ayeey dhankena soo eegayan, naguna aamineen waajibka ah in aan ka rarno meeshii ay ku raageen ee doorashada dadban. Waa inaan fursad u siino in maskaxdoda xorowdo, fikirkoda xoroobo, ayna codkooda xorta ah ku soo doortaan ciddii matali lahayd. Waa garaad xumo inaan isku qancinno in loo laabto jidkii fosha xuma ee magacabida io dorashooyinka dadban”.

Madaxwenaha Jamhuriyada aya xusay in guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023, xoogga la saaray sidii Somalia ay uga fa’iidaysan lahayd khayradkeda, waxa uuna sheegay in Dowlada Federalka Somalia aysan wax deyn ah qaadan mudadii la soo dhaafay, ayna ku dadashay in ay bekhansato o isku marayso dhaqalaha ka yimada canshuraha ay bixiyaan muwaadiniinta Somaliyed, waxa uuna ku bogaadiyey ganacsatada iyo guud ahaan canshur-bixiyayasha Somaliyed sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo xasilinta dalka.

Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay furitaanka Baarlamaanka

Madaxwenaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Dr-Xasan Sheekh Maxamud oo furay kalfadhigii 6-aad ee golaha Baarlaamanka aya u jediyey khudbada Madaxwenaha e Dasturiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horayn golaha Baarlamaanka uga mahadceliyey shaqadii dhamaystirka dastuurka ee ay qabteen kalfadhigii 5-aad,sidoo kale Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray maamulka iyo Shacabka Puntland dagaalka ay kula jiraan kooxda daacish ee ka tirsan kooxaha Al-shabaab,dagaalkan ayaa si weyn loogu jabiyey kooxda Daacish," Waxaan garab taaga nahay Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ee u bareeray dagaalka xaqqa ah ee ay kula jiraan Al-shabaab Daacish, dowladda Fedaraalka Soomaaliyana waa ay garab taagan tahay Ciidamada iyo shacabka halganka ku jira ee deganada Puntland.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweyanaha ayaa mar u ka hadlayey dhismaha Cidamada ayuu madaxweynuhu caddeeyey in dowladdu ku guulaystay dhismaha Ciidanka Cirka iyo Ciidanka Badda oo hadda awood u leh in ay difaacaan Badda iyo cirkaba kuna filan yihiin, Madaxwene Xasan Sheekh "Dowladda Federaalka Somalia waxa ay u istagtay sidii loo ilaalin lahaa Badda loona joojin lahaa kallumeysiga sharci darrada ah.”

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah al-shabaab Shabaab kaas oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaadheen guul weyn si weyna looga sifeeyey gobolada dalka.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in Soomaaliya Sannadkan gudihiisa laga dhisi doono xarun laga diro dayax gacmeedka, xaruntan o noqon donta ti ugu horaysay ee laga hirgeliyey geeska Afrika,” Sanadkan dhamadkisa dalkena waxaa laga tuuri doonaa Dayax gacmed waana kii ugu horeeyey taariikhda ee waddan Afrika ah laga tuuro, xaruntii laga tuuri lahana dhismaheeda ayaa socda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa Shacabka Somaliyed ugu bishareeyey in taladu gacantooda dib ugu soo celisay Dowladdu dhowaana ay dooran doonan shacabku Madaxdoda dorasho qof iyo cod ah, Madaxweyne Xasan Sheekh” Shalay waxan u joogna in aan dadka Soomaaliyeed dib ugu celino xuquqdi muwadinimo o ay lahaayeen,si ay u soo doortaan cida hogaamineysa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo goordhow furi doona Kalfadhiga Baarlamaanka

Madaxwenaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa goor-dhow xarunta Villa Hargeysa ee Golaha Shacabka ka furi doona kalfadhiga 6-aad ee Barlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadli doona horumarka taabal-galka ah ee ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada la dagaalanka Al-shabaab, dhaqaalaha, difaaca iyo dhowrista gobanimada Soomaaliyeed.

Israel iyo Hamas oo shalay mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

Lix maxbuus oo Israa’iili ah ayaa lagu wadaa in shalay lagu sii daayo Gaza, si loogu beddesho 602 falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’iil.

Hamas ayaa haatan isu diyaarineysa wareejinta lix la haystayaal oo ah maxaabiis nool, iyadoo uu socdo wajigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Israa’iil aya shegtay in ay si deyn donto dhaman hawenka io kuwa da’dodu ka yar tahay 19 sano ee la xiray tan io bishi Oktobar ee sanadki 2023.

Lixda Israel ee shalay la sii deynaayo waxaa kamid ah Avera Mengistu iyo Hisham al-Sayed, kuwaas oo la qabtay 2014 iyo 2015, kadib markii ay si iskood ah ugu gudbeen Gaza.

Afarta kale ee Omer Shem Tov, Eliya Cohen, Omer Wenker iyo Tal Shoam ayaa lagu qabtay dagaalkii 7 Oktoobar 2023.

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Laanqeyrta Cas ayaa hadda gaaray magaalada Rafah ee koonfurta Qaza halkaas oo shalay lagu sii dayn doono tiro maxaabiis ah.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa gudaha Daanta Galbeed ee Jenin iyo Hebron ku dilay laba carruur ah oo Falastiini ah, da’dooduna lagu kala sheegay 12 iyo 13 jir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip