
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-02-25
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa shir gudomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in kalfadhiga lixaad ee furmaya maalinta Sabtiga ah ay Golaha horyaalaan howlo muhiim ah oo uu ka mid yahay dhameystirka dib u eegista dastuurka.
Intaasi ka dib guddoomiyaasha guddiga joogtada ayaa ka warbixiyay shuruucda ay gacanta ku hayaan iyo habraacyada u dhiman.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo furay Tartanka Cayaaraha Kubadda Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa daah furay Tartanka Cayaraha Kubada Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2025, oo hal ku dhig looga dhigay (Ciyaar oo Codkaaga Dhiibo).
Tartankaan oo u goob joog ka ahaa Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS General Bashiir Maxamed Jaamac, Madax ka socotay Wasaarada Cayaaraha XFS, Madaxda Xiriirka K/Koleyga Soomaaliya, Madaxda Isboortiga Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaal Degmo iyo marti sharaf kale ayaa lagu daah-furay tartamaayasha Degmada Shibis oo difaacaneysa Koobka iyo Degmada Waaberi.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa tilmaamay in ahmiyad gaar ah u lee dahay fursasaha lagu dhiiragalinayo dhallinyarada iyo sidoo kale horumarinta ciyaaraha kala gadisan ee is dhaxgalka bulshada.
Wasaaradda Cadaaladda XFS oo war ka soo saartay Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Dalka Sucuudiga
Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaan u yahay Wasiir Xassan Macallin Maxamuud, waxay si dhaw u la socotaa xaaladda sharci iyo midda bini’aadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukuno dil ah iyo sanado badan oo xabsi ah.
Wasaaradda Cadaaladda oo ka duulaysa dowrkeeda matalaadda sharci ee muwaadiniintaas, waxay dadaal badan ku bixinaysaa sidii wax looga qaban lahaa xaaladahooda iyadoo ay noo socdaan wada-hadallo hay’adaha dhiggeenna ah ee Boqortooyada Sucuudiga, si looga shaqeeyo in muwaadinintaasi ay helaan taageero iyo mataalad sharci iyo in xukunnadooda ay ku dhamaystaan dalka Soomaaliya, iyada oo la tixgelinaayo Heshiiska Riyaad ee Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ee u dhexeeya waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ay qeyb ka wada yihiin Sucuudiga iyo Soomaaliya.
Danjire Mohamed Zubeyr oo la kulmay Madaxa Jamhuuriyadda Tatarstan ee dalka Ruushka
Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Ruushka Mudane Mohamed A. Zubeyr ayaa kulan heer sare ah la qaatay Madaxa Jamhuriyada Tatarstan ee dalka Ruushka Mudane Rustam Minnikhanov.
Kulanka labada dhinac waxaa looga wada hadlay arrimo badan oo dhanka ganacsiga iyo wax wada qabsiga, kaas oo ay ka faa’iidaysan doonaan Tatarstan iyo Soomaaliya.
Danjire Zubeyr ayaa muddooyinkaan aad ugu hawlan sahminta dariiqooyin iskaashi oo faa’iido wadaagga u leh Soomaalia iyo dalalka kale.
Tatarstan waa Dowlad Goboleed ay ku nool yihiin qoomiyado badan, lehna dhaqamo kala duwan,iyadoo la sheego in 45% ay yihiin dad Muslimiin ah
Sidoo kale, Tatarstan waa mid ka mid ah dawladaha ugu qanisan Ruushka oo leh fursado badan.
Shirka wacyi gelinta doorasho qof iyo cod ah oo shalay lagu qabtay muqdisho
Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar ayaa magaalada
Muqdisho ku qabtay shirwenaha wacyigelinta dorashoyinka ee hal ku dhigiisu ahaa
–
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-02-25
......