Hay'adda NIRA oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Dherkeenley

0
Wednesday February 19, 2025 - 22:04:40 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda NIRA oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Dherkeenley

    Hay'adda NIRA ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jartay Xarunta cusub ee Hay'addu ku yeelanayso degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir. Xarunta ayaa waxa si rasmi ah xarigga uga jaray Gudooomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda NIRA ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jartay Xarunta cusub ee Hay'addu ku yeelanayso degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir. Xarunta ayaa waxa si rasmi ah xarigga uga jaray Gudooomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho mudane Maxamed Amiir, waxaana goobjoog ka ahaa Ra'iisul-wasaare hore mudane Cali Maxamed Geeddi, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BFS, Maareeyaha Hay'adda NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley, iyo marti sharaf kale. Hay'adda NIRA ayaa dardargelin ku wadda sidii Nidaamka Aqoonsiga Qaranka loogu baahin lahaa dhammaan degmooyinka Muqdisho, iyo guud ahaan dalka si loo xaqiijiyo gaarista diiwaangelinta dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip