halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 19-02-25

0
Wednesday February 19, 2025 - 08:59:02 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 85
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 19-02-25

    .......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.......

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiiska ku qaabilay, wafdi uu hogaaminayay Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) Mr. James Swan.

Kulankan oo ka dhacay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diirada lagu saaray arrimaha dhowr ah oo ay kamid yihiin, Xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, Dardargalinta mashaariicda horumarineed ee Caasimadda, Taageerada Amniga, Arrimaha doorashooyinka oo Muqdisho iyo dadkeeda ay u diyaar garoowayaan dhawaan iyo Shaqada abuurka dhallinyarada.

Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) Mr. James Swan ayaa bogaadiyay howlaha hortabinta u leh Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir iyo sida ay uga go’an tahay sidii Magaalada ay usoo ceshan laheyd bilicdii iyo heybadii ay laheyd, isagoo intaa kadib balan qaaday in QM ay garab taagan tahay barnaamijyada lagu hourmarinaayo Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ugu mahadceliyay Qaramada Midoowe kaalintooda ku aadan garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale taageerada ay had iyo jeer uga qeyb qaataan mashaariicda horumarineed ee Caasimadda JFS.

Wasiirka hawlaha guud oo Marooko uga qaybgalay shir caalami ah

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta dowladda FS Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Rabat ee dalka Marooko waxa uu kaga qayb galay furitaanka shirka 3-aad ee arrimaha dhulka ee Wadamada Carabta.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Dhulka ee dalalka Jaamacadda Carabta ayaa sanadan diiradda lagu saarayey hal-abuurka iyo casriyeyta maamulka dhulka iyo Sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka guriyeynta iyo dhulka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in mustaqbalka Soomaaliya Iyo Wadamadda Carabta loo helo maamul dhuleed ku salaysan aqoon Iyo teknooloojiyada casriga ah iyo xal waara laga gaaro oo khilaafaadka dhulka, horumarinta magaalooyinka iyo siyaasadda guriyeynta.

Shirkan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, Waxaana isugu yimi Wasiirada Hawlaha Guud & Dhulka ee ka kala socda guud ahaan Wadamada Carabta, UN ka, Bangiga Aduunka iyo Jaamacadda Carabta si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee Maamulka dhulka, Guriyaynta iyo Qorshaynta magaalooyinka.

Wasaaradda hawlaha Guud ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay la wadaagto waayo-aragnimadeeda Dawladaha Carabta iyo in ay iska kaashadaan Xal u helidda mamulka dhulka iyo Qorsheynta Magaalooyinka.

Wasiir Biixi oo Ethiopia uga qaybgalay shirka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia uga qeyb galay shirka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip