
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 18-02-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay Isbitaal casri ah oo Muqdisho laga hirgaliyey
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaliyed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda.
"Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta 6 Isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaad ee dalka.
Isbitaalka Hodan ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu xarigga ka jaray ayaa lagu hirgeliyey maalgelin ka badan $12 milyan oo dollar, iyadoo la qorsheynayo in lagu dabiibo cudurro badan oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray, caqabado iyo culaysna ku ahaa dadkeenna Soomaaliyeed.
oo ka qeybgalay daah furka bandhigga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa shalay ka qeyb-galay bandhiga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada oo laga daah-furay magaaladda Muqdisho.
Mudane Cabdisalaam, ayaa tilmaamay in dowladdu muhiimad gaar ah siinayso waxbarashada gaar ahaan dhanka saameynta isbeddelka cimillada, iyada oo la qorsheeyay in sanadaha soo socda dalkeennu uu wax weyn ka qaban-doono dhibaatooyinka ay sababi karaan isbeddelka cimillada iyo xalkii lagu yareyn lahaa wax-walba oo halis keeni kara.
"Markii la dhisay Xukuumadda DanQaran Waxaa la sameeyay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, iyada oo shalayna aynu joogno Wasaaraddii waxbarashada oo soo kordhisay in ardayda Soomaaliyeed heerarkooda kala duwan la baro isbeddelka cimillada, waxaa aynu aqoonsannahay baahida degdegga ah ee loo qabo adkeysiga arrimaha isbeddelka cimillada dalkeenna, waxaan xaqiijiyanayaa in Xukuumaddu diyaarisay Shuruucdii lagu hagi lahaa barista ardayda saameynta isbeddelka cimillada”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku Xigeenku.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo ka qeybgalay wadahadallada ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka
Ra’iisul Wasare Ku-Xigenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay magaalada Geneva kaga qeybgalay wadahadallada ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).
Wadahadalladan, oo Soomaaliya muddo sugaysay, ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha.
Ku biirista WTO waxa ay Soomaaliya u sahlaysaa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheye io fududeynta ganacsiga caalamiga ah.
Soomaaliya ayaa horey uga mid noqotay ururrada gobolka sida East African Community (EAC) iyo Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.
Sidoo kale, sanadkan 2025, Soomaaliya waxay xubin rasmi ah ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujinaysa doorka firfircoon ee dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarayso arrimaha caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka 2-aad
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 18-02-25
.......