halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 17-02-25

0
Monday February 17, 2025 - 09:40:28 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 17-02-25

    ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

........

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Adis-ababa oo uu ka socda shirka 38-aad ee Midowga Afrika kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay antonio guterres.

Madaxweynaha iyo antonio guterres ayaa ka wada hadlay horumarka ka socda Soomaaliya, dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah, howlgalka AUSSOM iyo doorka muhiimka ah Qaramada Midoobay ee dhinacyada amniga, xasillinta iyo horumarka.

Sidoo kale, waxay isweydaarsadeen aragtiyo la xiriira nabadda iyo amniga gobolka, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, isagoo qiray taageerada joogtada ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo shalay loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu wax badan ka qabto arrimaha muhiimka ah ee horyaala, asagoo sidoo kale bogaadiyay Guddoomiyihii hore Muuse Faki Maxamed.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad oo ka qeyb galay munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta Baasaboorka Soomaaliga ah

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip