Kuwait :Madaxa Hay'adda SODMA oo la kulmay Qaramada Midoobay iyo Xafiis Goboleedka Carabta

0
Friday February 14, 2025 - 12:20:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuwait :Madaxa Hay'adda SODMA oo la kulmay Qaramada Midoobay iyo Xafiis Goboleedka Carabta

    Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa dalka Kuwait kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka Kamal Kishore. Gud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa dalka Kuwait kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka Kamal Kishore. Guddoomiyaha oo sidoo kale la kulmay Madaxa Xafiiska Goboleedka UNDRR ee waddamada Carabta Marwa Nora Achkar,waxaa guud ahaan dhinacyadaasi ay isla soo qaadeen doorka hey'adaha iyo sida wax looga qaban karo masiibooyinka dabiiciga ah. Xubnihii ka socdat Qaramada Midoobay,xafiis goboleedka wadamada Carabta iyo Hey'adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya waxa ay isla gartay in la sii xoojiyo dadaallada lagu dardar gelinayo hirgelinta Istaraatiijiyadda Qaran ee lagu yareynayo Khataraha Musiibooyinka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an dadaallada caalamiga ah ee kobcinta awoodaha dowliga ah si loo xaddido khataraha musiibooyinka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip