Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo shirguddoomiyay kulan la xiriiray amniga guud ee dalka

0
Friday February 14, 2025 - 22:14:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo shirguddoomiyay kulan la xiriiray amniga guud ee dalka

    Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyey kulan ku saabsanaa xoojinta ammaanka guud ee dalka iyo dardargalinta howlaha ku aadan ka hortagga kooxaha khawaarijta. Kulankaan oo todobaadkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyey kulan ku saabsanaa xoojinta ammaanka guud ee dalka iyo dardargalinta howlaha ku aadan ka hortagga kooxaha khawaarijta. Kulankaan oo todobaadkii mar la qabto axaa ka qeybgalay madaxda hoggaanada, qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin taabagalinta doorashooyin qof iyo cod ah,wuxuuna saraakiisha cidanka faray inay ka foojignaadaan dhagarta Khawaariijta ee waxyeeli kata shacabka Soomaaliyeed. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shacabka ka codsaday in laamaha ammaanka ay ku wergeliyaan cidd kasta oo wadda falal amni darro ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip