Soomaaliya iyo Ciraaq oo yeelanaya iskaashi ku saabsan maareynta musiibooyinka

0
Thursday February 13, 2025 - 11:24:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Ciraaq oo yeelanaya iskaashi ku saabsan maareynta musiibooyinka

    Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait city kula kulmay wasiirka wasaaradda Deegaanka ee dalka Ciraaq, Dr. Halo Mustafa Askari. Labada mas'uul oo ka wad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait city kula kulmay wasiirka wasaaradda Deegaanka ee dalka Ciraaq, Dr. Halo Mustafa Askari. Labada mas'uul oo ka wada qayb galaya madasha 6-aad ee dalalka Carabta ee yaraynta khataraha musiibooyinka ayaa waxay kulankooda diiradda ku saareen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga dhanka maareynta musiibooyinka, yaraynta khataraha iyo isdhaafsiga khibradaha la dagaallanka khataraha dabiiciga ah iyo kuwa ay sababaan ficillada bani'aadamka ee dad sameega ah. Dhinacyada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dhow ee la xiriirta ka hortagga khataraha iyo awoodeynta maareynta musiibooyinka, waxaana la isku raacay in dowladuhu iska kaashadaan is-dhaafsiga, aqoonta, waayo-aragnimada, cilmi-baarista iyo farsamooyinka casriga ah ee la xiriira maareynta khataraha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip