Maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan oo soo dhoweeyay doorasho qof iyo cod ah

0
Thursday February 13, 2025 - 11:22:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan oo soo dhoweeyay doorasho qof iyo cod ah

    Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa ka qeyb galay kulan ay maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan ku taageerayeen doorashooyinka qof iyo codka ah iyo rabitaanka shacabka ee ah in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa ka qeyb galay kulan ay maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan ku taageerayeen doorashooyinka qof iyo codka ah iyo rabitaanka shacabka ee ah in caasimaddu ay noqoto maamul goboleed buuxa. Guddoomiye Cabdicasiis ayaa ku amaanay maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka qeyb qaataan doorashooyinka tooska ah ee lagu wado in ay ka dhacdo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo midda golaha deegaanka oo lagu xaqiijinaayo xuquuqda iyo matalaada ay leeyihiin malaayiinta qof ee ku nool magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha degmada Kaaraan, Faarax Caddaani Maxamed, Siyaasiyiin, Odayaasha dhaqanka, agaasimeyaal, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala geddisan ee bulshada Kaaraan oo munaasabadda ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhoweeyay in la xaqiijiyo rabitaanka bulshada gobolka Banaadir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip