
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 05-02-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga shaqada Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasoo horey ay usoo ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xeerkani wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo xuquuqda shaqaalaha iyo in loo abuuro jawi shaqo oo cadaalad ah, kaas oo ku saleysan mabda’a sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha.
Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin goobaha shaqada iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yusuf Mohamed Adan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha JFS saxiixa sharciga xeerka shaqada Soomaaliya, kaas oo markii ugu horreysay 52 sano ka dib wax ka beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay.
Xeerkani wuxuu la jaanqaadayaa hannaanka dawlad dhiska, ganacsiga xorta ah ee dalka ka hanaqaaday iyo xaqsiinta shaqaalaha si waafaqsan Diinteena suubban iyo xeerarka caalamiga ah ee shaqaalaha.
Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Beerta Ummadda ee gobolka Banaadir
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee gobolka Banadir, o qeyb ka ah qorshaha hormarinta Caasimadda Muqdisho.
Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid loogu tala-galay helitaanka goobo nasiino iyo dalxiis oo bulshada ka wada dhaxeeya, taasi oo ardeyda, dalxiisayaasha iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada fursad u siineysa in ay isugu yimaadaan.
Mashruucaan ayaa laga hirgelinaya Degmada Waaberi gaar ahaan meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda dhagax dhigga uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Waaberi Mudane Maxamed Sayid Cali, agaasimeyaal iyo qeybaha kala geddisan ee bulshada.
Wasiir Cali Balcad oo qaabbilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda dalka Azerbaijan
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda iyo xiriirka caalamiga XFS Cali Cumar (Cali balcad) ayaa garoonka diyaaradaha Muqdosho ku qaabbilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda dalka Azerbaijan Yalchin Refiyev iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Azerbaijan iyo sidii loo adkayn lahaa iskaashiga labada dowladood.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo qaabilay wafdi ka socda dalka Masar
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka socday Wasaaradda Caddalada iyo Garsoorka Masar, iyagoo ka wada hadlay sidii ay labada dal iskaashi uga yeelan lahayen dhinacyada tababarada, isdhaafsiga khibradaha iyo hannaanka casriyeynta garsoorka.
Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hey’adaha Garsoorka dalka.
Guddoomiye Baashe, ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Masar uu ka dhaxeeyo xidhiidh qotodheer iyo iskaashi soo jireena ah, sidaa awgeed ay ka go’antahay sidii ay iskaga-kaashan lahaayeen horumarinta iyo nidaamka danabaysan ee garsoorka labada dhinac, iyadoo si joogto ah isku dhaafsan doonno tababarada iyo khibradaha.
Dhankooda Saraakiisha Hay’adaha Garsoorka Masar ka socday, ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta qiimaha badan ee loo sameeyey intii ay dalka ku sugnaayeen, iyagoo qiray in hay’adaha garsoorka Soomaaliya ay sameeyeen horumar la taaban karo, islamarkaana ay dhankooda diyaar u yihiin in si dhaw laba dhinac uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo casriyeynta caddaaladda iyo garsoorka labada dal.
Wasiirka shaqada XFS oo qaabbilay wafdi ka socday safaaradda Norway ee Soomaaliya
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Waddani ayaa shalay kulan kula qaatay Xafiiskiisa wafdi ka socday Safaaradda Norway ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Sii-hayaha Safiirka, Mudane Carsten Carlsen.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa muhaajiriinta socdaalka dibadda ah si loogu abuuro barnaamijyo shaqo iyo xirfado ay ku shaqeystaan iyo in sare loogu qaado arrimaha la xiriira ilaalinta bulshada nugul (Social Protection).
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa uga mahadceliyay dowladda Norway taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya horumarinta Tamarta
Wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed ayaa shalay qaabilay wafdi ka socda dalka Azerbaijan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaas mudane Yalchin Rafiyev
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xariirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Tamarta, Batrolka maalgashiga iyo tababarka xirfadlayaasha.
Kulanka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiye Fathudiin Ali iyo guddoomiyaha hay’adda Batroolka Somaliyeed Engineer Cabdulqaadir Aadan Maxamed
Wasiir Cali-Xoosh oo kulan la qaatay wafdi ka socda hay’adda FCA
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yusuf Cali-Xoosh ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda hay’adda FCA oo ay hoggaaminayso Mss Piya Itkonen oo ah Wakiilka FCA ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha dowlad-dhiska dalka, gaar ahaan dedaallada dib-u-heshiisiinta, nabadeynta iyo arrimaha doorashooyinka.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Safiirka Indonesia
Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamad Hery Saripudin.
Kulanka Taliyaha iyo Danjiraha ayaa looga hadlay sidii loo ambaqaadi lahaa iskaashiga dhinaca amaanka ee labada dal gaar ahaan horumarinta Boliiska oo qeyb ka ahaa wadahadaladii u dambeeyey ee lagu xoojinayey xiriirka Soomaaliya iyo Indonesia.
Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo qaabbilay safiirka Falastiin ee Soomaaliya
Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehilyaan guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda culimada Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay danjiraha cusub ee dowladda Falastiin, Rowaid Adil Mohamed.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u taageeri lahaayeen dhiggooda reer Falastiin ee colaadaha iyo barakicintu saameysay, halka kulanka lagu muujiyay sida dadka Soomaaliyeed garab taagan yihiin xor-ahanshaha iyo madax-bannaanidooda.
Guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa safiirka ugu hambalyeeyay xilka cusub, halka Danjire Rowaid Adil uu ka mahad-celiyay taageerada muddada fog ah ee shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin walaalahood reer Falastiin.
Oday 102 sano jir ahaa oo aano qabiil darteed loogu dilay gobolka Hiiraan
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xalfooleey ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku dileen nin oday ahaa oo da'diisa lagu sheegay 102 sano.
Ninka odayga ahaa ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Guudlaawe Cumar Guuleed, kaasoo ahaa oday si weyn looga yaqiinay deegaanka Xalfooleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Allah u naxariistee ninkaan odayga ahaa ayaa loo dilay arrimo la xariira aargoosi aano qabiil, waxaana lasoo wariyay in dilkiisa ay geysten maleshiyad hubeysan oo kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dilka ninkaan 102 sano jirka ahaa ayaa ah mid si weyn ay uga argagaxeen dadka ku dhaqan deegaanka Xalfooleey iyo deegaanada kale ee ku teedsan ee dhaca Koonfurta gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyntii dilka marxuum Guudlaawe Cumar Guuleed ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe colaad beeleed xoogan ay u dhaxeysay beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo isku haysta murun la xariira la haanshiyaha dhul daaqsimeed ku yaala deegaano dhaca xadka ay wadaagaan labadaasi gobol.
In ka badan 5 askari oo Puntland looga dilay qaraxyo ay Daacish kula eegtay buuraha Calmiskaad
In ka badan 5 askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday ku dhawaad 20 kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii shalay qaraxyo lala eegtay labo gaari oo nuuca dagaalka ah.
Qaraxyadan ayaa dhacay xilli ciidamada Puntland ay howlgallo ka sameynayaan deegaano katirsan buuraha Calmiskaad oo ay Daacish ku sugan yihiin.
Dhinaca ale, ciidamada Puntland ayaa la sheegay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dharin oo dhaca Togjaceel, halkaas oo ay gacanta ku hayeen kooxda Daacish.
War kooban oo kasoo baxay howlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah dagaalamaayaasha Daacish la dilay, halka qaar kalena ay baxsadeen.
Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmay, maalin kaddib markii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen sarkaa katirsanaa Daacish oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Loohaar, oo horey dil loogu xukumay.
Maamulka Gobolka Banaadir oo digniin u diray Shirkaddaha Boorarka ku xayeeysiista tabeelooyinka wadooyinka Caasimadda
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa billaabay la xisaabtanka Shirkadaha Ganacsi ee ka howlgala Magaalada Muqdisho, kuwaas oo boorar xayeeysiin ku dhegsaday tabeelayaasha kuyaala waddooyinka Caasimadda, iyaga oo aan bixin Canshurta Billaha ah e uu Mamulka Gobolka ka qaado Ganacsatada.
Agaasimaha Canshuuraha Gobolka Banaadir Marwo Sowda Suudi oo kormeer ku tagtay Degmooyinka Kaaraan iyo Waaberi ayaa digniin u dirtay dadka sida sharci darrada ah boorarka ugu dhagsada waddooyinka Magaalada Muqdisho.
"Waxaan bilaawnay la xisaabtan kuwa aan Canshuurta bixinin ee boorka ugu dhagan yahay tabeelaayaasha ku yaala Wadooyinka Caasimadda, fariinteenu waa ay cadahay ma ogolaan karno in ganacsade aan Canshuurta bixin uu Boorkiisa kusii dhaganaado tabeelle caasimadda ku yaala".
Waxa ay sheegtay inay jiraan Shirkado Ganacsi oo boorar iyo Tabeelooyin surtay waddooyinka Muqdisho, iyaga oo aan bixin Canshuurtii ku waajibtay, waxaana ay ka dalbatay inay boorarkooda soo diiwaangeliyaan si looga warqabo.
Warkaan kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli waddooyinka waaweyn ee kuyaalla Magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen boorarka iyo tabeelooyinka Xayeeysiinta Goobaha Ganacsi ah, kuwaasi oo Maamulka Gobolka Banaadir uu Canshuur uu ka rabo.
Madaxweyne Lafta gareen oo saxiixay shrciga naafada Koonfur Galbeed
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saxiixay shrciga naafada Koonfur Galbeed oo ay diyaarisay Wasaarada Haweenka Dowladda Koonfur Galbeed.
Wasiirka Haweenka Marwo Shamsa Maxamed Yaroow, Agaasimaha madaxtooyada Cabdifataax Mahad iyo madax ka socotay Qaramada Midoobay gaar ahaan xafiiska xuquuqul insaanka ayaa goobjoog ahaa munaasabada saxiixa sharciga naafada.
Faahfaahin ku saabsan khasaaaha ka dhashay dagaalka ciidamada Puntland iyo Daacish
Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ayaa shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana la tilmaamayaa inuu ahaa midkii ugu xooganaa ee labada dhinac ku dhexmaray gobolka Bari.
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo amni ah ayaa sheegaya in 15 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ay ku geeriyoodeen, halka 51 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkan, soo si gaar ah uga dhacay deegaanka Dharin ee Togajaceel ee buuraha Calmiskaad.
Dhinaca kale, Puntland ayaa sheegtay inay dagaalka ku dishay 42 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, iyadoo sidoo kale soo bandhigtay meydadka 10 kamid ah dagaalamayaal Daacish oo ajnebi ah oo lagu dilay dagaalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu la wareegeen dhammaan deegaannadii ay horay ugu sugnaayeen kooxda Daacish.
Sidoo kale, Puntland waxay xustay in dagaalka uu dhankooda ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawaca leh.
Xubin katirsanaa kooxdaa Daacish oo isku soo dhiibay ciidamada Puntland
Xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa isku soo dhiibay ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland, kaasoo horey ay makamadda ciidamada Puntland ay ugu xukuntay dil toogasho.
Xubintan isisoo dhiibtay ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan Shirwac oo loo yaqaanay Laahoor, waxaana uu ahaa Madaxii Kooxda Daacish u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.
Laahoor ayaa isku soo dhiibay ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Unuun oo ku dhow magaalo xeebeedka Qandala, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.
Isu soo dhiibiddiisa Puntland ayaa ku soo beegantay iyadoo Puntland ay xoojisay ololaha dagaal ee ka dhanka ah Daacishta ku sugan dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad, iyadoo taageero ka helaysa duqeymaha Mareykanka ee lagu doonayo in lagu wiiqo awooda taliska kooxda.
Weerar ay qaadeen ciidamada Mareykanka 1-dii bishii Febraayo ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay taliyeyaal muhiim ah oo ka tirsan kooxda Daacish.
Afhayeen u hadlay ciidamada amaanka Puntland ayaa ku tilmaamay isa soo dhiibista Laahoor inay tahay guul istiraatiji ah oo ka dhan ah argagixisada, isagoo intaa ku daray in qabashadiisa ay wax weyn ka tari doonto awoodda Daacish ee fulinta dilalka qorsheysan.
Bishii June ee sannadkii 2022, ayaa Cabdiraxmaan Loohaar lagu xukumay xukun dil ah. isagoo lagu eedeeyay inuu yahay hoggaamiyaha shakabad katirsan Daacish oo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka geysan jiray Boosaaso.
Afar nin oo xukun dil ah ay ku ridday Puntland ayaa sheegay inuu Laahoor yahay hoggaamiyahooda bixin jiray amarada lagu fuliyo dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Bosaso, inkastoo laahoor uu beeniyay eedeymihiisa mar uu wareysi bixiyay xukunkiisa kaddib
Jubbaland oo shalay dib ula wareegtay xaruntii maamulka degmada Baardheere
Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay goordhaw dib ula wareegeen xaruntii maamulka ee degmadaas.
Xaruntaan ayaa aheyd mudooyinkii dambe mid ay gacanta ku hayeen ciidamo ka amar qaata dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo Habeen hore baneeyay xarunta degmada Baardheere.
Ka bixtaanka ciidamada taabacsana dowladda Fedaraalka ay ka baxeen xaruntii degmada Baardheere ayaa la sheegay iney salka ku hayso kala furfur lagu sameeyay ciidamada mudooyinkii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa.
Gudoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Aadan Muxumad Axmed iyo xubanaha kale ee maamulka dib ula wareegay xarunta degmada ayaa halkaasi ku sameeyay kormeer ay ku hubinayeen xaalada xaruntan oo loogu adeegi jiray shacabka ku nool Baardheere.
Guddoomiye Aadan Muxumad ayaa sidoo kale sheegay in hada xarunta degmada Baardheere ay si buuxdo gacanta ugu hayaan, wuxuuna xusay iney diyaar u yihiin ka maamul ahaan in ay ugu adeegaan bulshada ku nool degmada.
Si kastaba ha ahaatee dib ula wareegista xaruntan ee maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mudooyinkii dambe maamulka magaalada ay si weyn ugu loo lamayeen Jubbaland iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo Banaanbax Rabshado Wata Sameeyay Kadib Warar Sheegaya in Lacagta La Kordhiyay
Ardayda Jaamacadda Hargeysa ayaa galabnimadii Isniintii dhigay bannaanbax rabshado watay, kaddib markii ay maqleen warar sheegaya in la kordhiyay lacagta simistarka iyo in adeegyo ay horay si bilaash ah u heli jireen lagu soo rogay lacago cusub.
Mudaharaadkan, oo saacado socday, ayaa sababay isku dhac dhexmaray ciidamada booliska iyo ardayda cadhaysan. Haddaba, maamulka jaamacadda ayaa xilli dambe oo habeenimadii Isniinta ah beeniyay wararka ay ardaydu ka cadhoodeen.
"Ardayda shalay mudaharaaday, waalidiinta iyo shacabka Somaliland waxaan u caddeynaynaa in war qaldan la idiin soo gaadhsiiyay. Lacag kordhin ma jirto. Cidda fawdada wada ee jaamacadda rabshadaha ka hurinaysa waa cadawga mustaqbalkeena," ayuu yidhi sarkaal ka tirsan maamulka jaamacadda.
Maamulka jaamacaddu wuxuu xusay in Jaamacadda Hargeysa ay ka mid tahay jaamacadaha ugu qiimaha jaban, isla markaana tan iyo aasaaskeedii mar kaliya ay isku dayeen in ay kordhiyaan lacagta simistarka, balse ardaydu ay mudaharaad sameeyeen, taasina ay keentay in maamulka uu go’aanka dib uga noqdo.
Ardayda mudaharaaday ayaa rabshado ka bilaabay gudaha jaamacadda, iyagoo waxyeello gaadhsiiyay qaybo ka mid ah agabka waxbarashada, kaddib markii ay arkeen waraaq ay ku taallo shaambada jaamacadda oo sheegaysa in lacagta simistarka la kordhiyay.
Sidoo kale, ardaydu waxay ka cabanayaan adeegyo ay horay si bilaash ah u heli jireen oo hadda lacag laga dhigay, sida beddelka kulliyadaha, oo ay sheegeen in qofka doonaya in uu kulliyad kale u wareego laga qaadayo lacag.
Jaamacadda Hargeysa, oo ay maamusho xukuumadda Somaliland, waa mid ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ee Somaliland, iyada oo kumannaan arday ay wax ka bartaan. Culaysyada dhaqaale ee jira awgood, ardaydu waxay ka cadhoodeen lacagaha dheeraadka ah ee ay maqleen in lagu soo rogay.
Toogashadii ugu xumeyd oo ka dhacday dalka Sweden
10 qof ayaa lagu dilay toogasho shalay ka dhacday iskuul ay dadka waaweyn wax ku bartaan oo ku yaala galbeedka Sweden, weerarkan oo noqonayo kiisii ugu xumaa ee taariikhda dalkaasi.
Toogashada ayaa ka dhacday xarunta waxbarashada dadka waaweyn ee Magaalada Örebro.
Booliska ayaa markii hore sheegay in shan qof lagu dhaawacay toogashada ka dhacday Dugsiga Risbergska, balse dib ayay ka sheegeen in illaa toban qof lagu dilay weerarkaasi.
"Waxaan ognahay 10 qof ama wax ku dhow in shalay lagu dilay halkan.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska Örebro, Roberto Eid Forest oo Warbaahinta la hadlay.
Taliyaha ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in toogashadaasi uu gaystay hal nin, kaasoo uu sheegay in isagana uu dhintay.
Taliyaha ayaa sheegaya in weerarku uu noqonayo kii ugu dhimashada badnaa ee ebid ka dhaca iskuulada dalkaasi.
Kooxaha gurmadka ayaa goobta ka qaaday dhaawacyada shan qof oo kale, kuwaa oo afar ka mid ah qaliin lagu sameeyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitaalka.
Raysal Wasaaraha Sweden, Ulf Kristersson ayaa sheegay in shalay ay dadka reer Sweden u tahay maalin xanuun badan.
Isagoo Warbaahinta la hadlayay ayaa wuxuu weerarka ku qeexay "Waa toogasho wadareedkii ugu xumaa ee taariikhda Sweden.”
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in uu murugada la qaybsanayo qoysaska dhibaneyaasha.
Raysal Wasaare Kristersson ayaa ka digay in la faafiyo warar lagu argagax-gelinayo shacabka, isagoo intaasi ku daray in badi dugsiyada ay yihiin goobo ammaan ah.
Booliska Örebro ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanka, waxa ay ku sheegeen isku day dil, dab qabad iyo dembiyo hub sharci darro ah.
Booliska ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay baadigoobayaan, haddii ay jiraan cid kale oo ku lug leh weerarka oo hadda ka fog goobta ay wax ka dhaceen, inkastoo sida ay sheegeen aysan illaa iyo hadda arkin wax calaamado ah oo muujinaya in shakhsiga weerarka gaystay laga la shaqeeyay falkaasi.
"Ma filayno in weeraro kale ay dhacayaan, mana jiro wax xiriir ah oo looga shakisan yahay in uu xiriir la leeyahay argagixisada.” Ayaa lagu yiri warka booliska.
Ma cadda ujeedka weerarka iyo waxa ninkaasi ku kalifay in uu beegsado dad aan waxba galabsan. Boolisku ma sheegin heybta ninkaasi.
Wasiirka Caddaaladda, Gunnar Strömmer ayaa sheegay in hay’adaha kale ee amniga dalka ay Booliska Örebro ka caawin doonaan galka baarista.
Booliska ayaa xiray iskuulka ay wax ka dhaceen, iyadoona maamulka degmada uu sheegay in illaa toddobaad uu sii xirnaan doono.
Maamulka ayaa bayaan ku sheegay in iskuulada kale ee Örebro ay sii furnaan doonaan.
22-kii bishii October ee sanadkii 2015, saddex qof ayaa lagu dilay weerar la xiriira isir naceyb oo ka dhacay dugsi ku yaala magaalada galbeedka ee Trollhattan. Anton Lundin Pettersson ayaa seef ku weeraray Dugsiga Sare ee Kronan, waxaana uu xilligaasi dhaawacay laba qof oo kale. Trollhattan ayaa ah magaalada saddexaad ee Sweden ugu weyn, waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan ee dalkaasi.
Waa hay'ad noocee ah USAID, maxayse Soomaaliya uga dhigan tahay in Trump uu xiro?
Hay'adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID) waxa la aasaasay horraantii 1960-meeyadii si ay u maamusho barnaamijyada gargaarka bini'aadaninimo iyada oo dawladda Maraykanka wakiil uga ah caalamka.
Waxaa ka howlgala 10,000 oo qof, saddex meelood labo meel oo ka mid ah shaqaalahaasi waxay ka shaqeeyaan dibadda.
Waxay saldhigyo ku leedahay in ka badan 60 waddan, waxayna ka shaqeysaa tobaneeyo dal oo kale. Si kastaba ha ahaatee, shaqada ugu badan waxaa fuliya hay'ado kale oo qandaraasleyaal ah oo ay maalgeliso USAID.
Hawlaha kala duwan ee ay qabato waa kuwa aad u ballaaran. Tusaale ahaan, USAID kuma koobna oo kaliya in ay cunto ku bixiso waddammada ay dadkoodu gaajaysan yihiin, waxa ay sidoo kale ka shaqaysaa nidaamka ogaanshaha heerka macluusha ee adduunka iyagoo saadaalinaya halka ay cunto yaradu ka jirto.
Inta badan miisaaniyadda USAID waxa ay ku baxdaa barnaamijyada caafimaadka, sida bixinta talaalka dabeysha ee wadamada uu wali cudurku ku faafayo iyo ka caawinta joojinta faafitaanka fayraska kuwaas oo awood u leh in ay horseedaan masiibo.
BBC Media Action, oo qaar ka mid ah maalgelinteeda ka hesho hay'ado deeqo bixyaal ah ayaa waxay maalgelin ka heshaa USAID. Marka loo eego warbixin la daabacay 2024-kii, USAID waxay ugu deeqday lacag dhan 3.23 malyan oo doollarka Mareykanka ah, taasoo ka dhigaysa deeq-bixiyaha labaad ee ugu weyn ee hay'addan sanad maaliyadeedkaas.
Kharash intee le'eg ayay dowladda Mareykanku ku bixisaa USAID?
Marka loo eego xogta dowladda, Mareykanka wuxuu hay;adan ku bixiyay 68 bilyan oo doolar oo gargaar caalami ah marka loo eego sannadkii 2023.
Inta badan lacagtaas waxaa lagu bixiyaa Aasiya, Afrikada Saxaraha ka hooseeya iyo Yurub waxaana inta badan loo adeegsaday arrimaha bani'aadamnimada ee Ukraine.
Maraykanka ayaa ah dalka kharashka ugu badan ku bixiya horumarinta caalamiga ah.
Si loo fahmo macnaha, UK waa wadanka afraad ee ugu badan bixiya gargaarka adduunka. Sanadkii 2023, waxay ku bixisay £15.3 bilyan oo giniga istarliinka ah qiyaastii rubuc ka mid ah waxaa bixiyay Maraykanka.
Donald Trump ma xiri karaa USAID?
USAID waxa ay soo ifbaxday ka dib markii Congress-ku meel mariyay Xeerka Kaalmada Dibadda 1961. Sharcigaas ayaa amraya in hay'ad dawladeed la dhiso oo loo xilsaaro maaraynta kharashaadka dibadda.
Wax yar ka dib, madaxweynihii xilligaas John F Kennedy wuxuu asaasay USAID, isagoo isticmaalayay amar fulineed. Sharci kale ayaa la soo saaray 1998-kii kaas oo xaqiijiyay in USAID ay tahay hay'ad fulineed iyada oo madax-bannaan.
Qoraalka sawirka,Howlihii ugu dambeeyay ee ay taageertay USAID waxaa ka mid ahaa in ay qayb ka qaadatay dadaalladii samatabixinta ee Turkiga ka dib dhulgariir dad badan ay ku dhinteen oo halkaa ku dhuftay.
Marka la soo koobo, taasi waxay la macno tahay in Trump uusan si fudud u baabi'in karin USAID, isagoo saxiixaya amar fulineed, isku day kasta oo lagu sameeyana waxaa hubaal ah inuu la kulmi doono caqabado xooggan oo dhanka maxkamadaha iyo Congresska ah.
Xiritaanka guud ee USAID waxay u badan tahay inay u baahan tahay tallaabo Congress-ka ah - markaas oo xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu haysto aqlabiyadda aan sii buurnayn ee labada aqal.
Mid ka mid ah xulashooyinka la sheegay in uu tixgeliyey maamulka Trump ayaa ah in uu USAID ka dhigo laan ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyaga oo ka soo horjeedda in ay noqoto hay'ad dowladeed oo iyadu iskeed u shaqeysa.
Maxay noqonaysaa saamaynta xiritaanka USAID?
Iyadoo la tixgelinayo qadarka aan sinnayn ee maalgelinta ee ka yimaada Maraykanka, isbeddel kasta oo ku saabsan sida lacagtaas loo kharash gareeyo waxaa hubanti ah in saameyn lagu dareemo dunida oo dhan.
Hawlaha USAID waxay ka bilowdaan oo loogu talagalay caawinta askariga dhaawacmay ee Ukraine, ilaa nadiifinta miinooyinka iyo xakamaynta faafitaanka Ebola ee Afrika. Saameyntu waxay noqon kartaa mid si dhab ah u taabata caalamka.
Ka dib markii la shaaciyay hakinta 90-maalmood ee kharashka dibadda, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Marco Rubio wuxuu yiri "lacag kasta" waa in "lagu caddeeyaa" iyadoo la soo bandhigayo caddeyn muujineysa in ay ka dhigeyso Maraykanka mid ammaan ah, xooggan, isla markaana barwaaqo ah.
Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku tilmaamay tallaabooyinkaasi sharci-darro iyo in ay khatar gelin doonaan amniga qaranka Mareykanka.
Trump wuxuu si cad u muujiyay inuu doonayo in kharashka dibadda uu si dhow ula jaanqaado aragtidiisa "America First," waxaana qaybta horumarka caalamiga ah diyaar u tahay saameynno kale oo layaableh.
Waxaa sidoo kale su'aalo ka jiraan inta uu Maraykanku ku kharash gareyn doono dibadda sanadaha soo socda, maadama Musk oo Trump awood siiyay uu isku dayayo nuu balaayiin doolar ka joojiyo miisaaniyadda dawladda.
Khuburada arrimaha gargaarka iyo howlaha hay'adaha ayaa qaba in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka ugu nugul marka ay timaado in USAID ay meesha ka baxdo.
Soomaaliya maxay uga dhigan tahay?
Soomaaliya maadama muddo burbursaneed isla markaana dadkeedu inta badan ku tiirsanyihiin gargaarka dibadda waxaa la rumeysanyahay in USAID ay tahay hay'adda ugu weyn ee gacan siin jirtay.
"USAID waxay ahayd hay'adda ugu weyn ama hay'adaha gargaarka oo dhan ay ku tiirsanyihiin oo kuwa Qaramada Midoobey ay ka mid yihiin, dowladda Soomaaliya ay ku tiirsaneed, ganacsatada yaryar, beeraleyda iyo xoola dhaqatadana ay mashaariic u sameysay," ayuu yiri Abuukar Sheekh Axmed Al-Badri oo ah suxufi kana soo shaqeyay arrimaha horumarinta hay'adaha gargaarka.
Wuxuu intaa ku daray in deegaannada dowladda Soomaaliya ay ka qabsatay al-Shabaab ee laga sameeeyo barnaamijka xasilinta ay USAID tahay hay'adda qaybta ugu weyn ku leh howshaas.
Abuukar ayaa muujiyay in haddii aan la helin wax u badala deeqihii dadka Soomaaliyeed ay ka heli jireen hay'addan, la filan karo culeys khatar ah oo ku yimaada dadka Soomaaliyeed.
"Deeqaha ay meesha ka bixiyeen ilaaa la helo wax u badala dadkii ku tiirsanaa ee Soomaaliyeed ee gargaraka u baahnaa, xaalad khatar ah ayaan filan karnaa," ayuu yiri Abuukar AL-Badri.
Wuxuu intaa raaciyay in dowladihii kala dambeyay ee soo maray dalka Soomaaliya, ay ka gaabiyeen in ay u diyaar garoobaan haddii ay ha'ddaani meesha ka baxdo waxa u badeli kara maadaama dad badan oo Soomaali ah ay siyaabo kala duwan ugu tiirsanyihiin.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 05-02-25
..........