FBI Maraykanka oo doonaysa inay Soomaaliya ka caawiso hirgalinta Nidaamkeeda Aqoonsiga Biometric

0
Sunday January 12, 2025 - 12:49:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FBI Maraykanka oo doonaysa inay Soomaaliya ka caawiso hirgalinta Nidaamkeeda Aqoonsiga Biometric

    Xafiiska Dembi-baarista dalka Maraykanka (FBI), ayaa raadineya shirkado gaar ah ama hay'ado si ay gacan uga geystaan hirgelinta ama maamulidda Nidaamka Aqoonsiga Biometric Automated (ABIS) ee Soomaaliya. Warkan ayaa lagu sheegay in FBI-du ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Dembi-baarista dalka Maraykanka (FBI), ayaa raadineya shirkado gaar ah ama hay'ado si ay gacan uga geystaan hirgelinta ama maamulidda Nidaamka Aqoonsiga Biometric Automated (ABIS) ee Soomaaliya. Warkan ayaa lagu sheegay in FBI-du ay raadinayso iibiyayaal bixin kara adeegyo badan oo farsamo, sida saadka, iyo tababarada si ay u taageeraan hirgelinta iyo dayactirka nidaamka aqoonsiga biometric ee Soomaaliya. Nidaamka Aqoonsiga Biometric Automated (ABIS) ee Soomaaliya, waa qayb ka mid ah dadaalka loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda Soomaaliya ee caddaaladda dembiyada iyo ka hortagga argagixisada iyada oo loo marayo teknoolojiyad aqooneed oo horumarsan oo biometric ah. Hay'adda FBI-da ayaa doonaysa inay xoojiso awoodaha dhaqangelinta sharciga ee Soomaaliya, hubinta xasilloonida iyo amniga gobolka iyada oo la xoojiynayo aqoonsiga biometric. Hindisahan ayaa sidoo kale ka tarjumaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka faa'iidaysato tignoolajiyada horumarsan si wax looga qabto caqabadaha amniga caalamiga ah. FBI-yadu waxay sheegtay in nidaamkan uu door muhiim ah ka ciyaaraa in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) uu awood u yeesho in uu si hufan u aqoonsado shakhsiyaadka lala xiriirinayo fal-dembiyeedka ama falalka argagixisada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip