Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Uganda

0
Thursday January 09, 2025 - 13:50:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Uganda

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan kula yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada dhalinyarada ah gudaha xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda. Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan kula yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada dhalinyarada ah gudaha xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda. Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa ujeedkiisu ahaa xog-waraysi ku saabsan xaaladda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Uganda. Kulanka waxaa furay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare oo uga mahadcelisay Wasiirka iyo ganacsatada sidii ay uga soo qayb galeen kulanka. Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay si wanaagsan uga ganacsadaan dalka Uganda, iyagoo xusay in aysan la kulmin wax dhibaato ama caqabado ah, isla markaana ay Dowladda Uganda ula dhaqanto si wanaagsan. Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ganacsatada siiyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda uu dalku marayo iyo himilooyinka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hiigsanayso. Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa ganacsatada ku ammaanay isku duubnidooda iyo sida ay uga qayb qaateen dayactirka safaaradda Soomaaliya ee Uganda, sidoo kalena ka codsaday ganacsatada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay safaaraddooda Soomaaliyeed la leeyihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip