HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILYNEWSPAPER 7 JANUARY 2025

0
Tuesday January 07, 2025 - 08:22:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILYNEWSPAPER 7 JANUARY 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul wasaare xamse oo dhagax dhigay xarunta daarul iftaa ee fadwada diinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamh uuriyadda Federaalka Soomaaliya, Muda ne Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul-Iftaa, ayaa sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diin iga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in bulsha da Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diint ooda, isla markaana ay culimadu waligoo dba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.

"Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid ta hay xaruntan Daarul-Iftaa, waxaana raje ynayaa in uu mashruucani noqdo mid guul eysta, kana shaqeeya midnimada Ummad da Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Was aaruhu.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo kormeeray Ciidan tababar ku qaadanayo Xerada Ciidanka Birmadka ee Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaa hi ayaa Xerada Ciidanka Birmadka Boliis ka ku kormeeray Ciidamo Tababar uga socdo xeradaa.

Saraakiisha Hogaanka u haysa Ciidama da Tababarku u socdo oo ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Birmadka Boliiska G/le Daahir Maxamed Tuuryare ayaa Taliyaha soo dhaweeyey waxaana uu salaan sharaf ka qaatay Kooxda Baanda Muusikada iyo Ciidamada katirsan Birmadka Boliiska ee la Tababarayo .

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaa hi ayaa sheegay in Ciidamadan qeyb ka noqonayaan xoojinta Amniga Dalka ,isago ona kula dardaarmay in si wanagsan uga faa’ideystaan Tababarka .

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergey ga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya George Conway oo horkacayay madax ka socotay hay’adaha kala duwan ee Qara mada Midoobay oo ay ku jirto OCHA.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha ee dalka, qor sheyaasha ka jawaabista baahiyaha bini’a adannimo ee sanadka 2025, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha gargaarka iyo Hay’adda SoDMA.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga wadahad lay sidii loo abaabuli lahaa shir guud oo lagu uruurinayo dhaqaale lagu taageero dadka nugu ee ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha kale ee dalka ka taagan.

Shirka amniga gobolka Banaadir oo looga hadlay furidta waddooyinka iyo arrimo kale

Mohamud Abdi DiirsheGuddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga Caasimadda oo ay goob ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyed, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad Sugida, Saraakiisha ciidanka boliis military Iyo Aggaasimaha guud ee Xafiiska duqa magaalada Muqdisho.

Kulankan amniga oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diirada lagu saaray arrimo ay kamid yihiin dardargalinta amniga Caasimadda, Furista waddooyinka xiran, Taageerida xaquuqda askariga u taaganka sugida amniga, Kobcinta daqliga, u diyaar garowga Doorashooyinka iyo xoojinta isku xirka bulshada iyo hey’addaha amniga.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa bogaadiyay hormarka amniga ee kajira Caasimadda isaga oo si gaar ah talaabadaasi ugu amaanay saraakiisha iyo ciidanka qalabka sida ee had iyo jeer u taagan sugida nabadgalyada Magaalada.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa tilmaamay in amniga uu fura u yahay horumarinta Caasimadda, sida maalgashiga, dib udhiska, isku socodka magaalada, bilicda, waxbarashada, Caafimaadka iyo horumarinta nolasha aas aasiga ah.

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo qaabilay diblomaasiyiin ka socda dalka India

Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa diblumaasiyiin ka socotay Safaarradda dowlada Hindiya ee ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Agaasimaha Guud iyo Diblumaaaiyiinta ayaa ka wada hadlay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo helitaanka dalku galka dalkaas, madaama dadka ugu badan ay u safraan arrimo la xiriira Caafimaad.

Diblumaasiyiinta ayaa Sidoo kale, warbixin ka siiyay Agaasimaha Guud halka uu marayo xafiis ay dhawaan ka furi doonaan Muqdisho, looguna adeegi doono muwaadiniinta Soomaaliyeed, si dalku galka Hindiya loogu bixiyo Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda dhalinyarada oo magacowday golaha KMG ee dhalinyarada Qaranka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo ka duuleysa waajibaadka ka saa ran awood-siinta dhallinyarada Soomaaliy eed, ayaa magacaawday Golaha KMG ah ee Dhallinyarada Qaranka.

Golaha oo ah mid ku meel gaar ah, waxa uu muddo labo sano ah ka shaqeyn doonaa metelaadd dhallinyarada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda, awood siinta dhallinyarada iyo dhismaha golaha rasmiga ah, ayagoo wadashaqeyn dhow la yeelan doonaya Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, xubnaha golah ayaana ka kooban 17 xubnood oo kala ah ,5 xubnood oo guddoonka ah, 10 xubnood oo madax qeybeedyo ah iyo 2 xubnood oo mateleysa dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba.

 

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Warfaafinta

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumad da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shalay kormeer ku yimid xarunta Wasa aradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiis ka oo uu ku soo dhoweeyey Wasiirka Wa saaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Mudane Saalax Jaamac ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee waaxyaha Wasa aradda, gaar ahaan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Idaacadda Radio Muqdi sho iyo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Mudane Daa’uud Aweys, Wasiirka Was aaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Ra’Iisul Wasaare kuxigeenka dalka warbi xin ka siiyay shaqada socota ee Warbaah inta Qaranku ay dalka iyo dadka Soomaali yeed u heyso.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Warb aahinta Qaranka la hadlay markii uu soo gabagabeeyey kormeerkii uu shalay ku yimid Wasaaradda Warfaafinta Soomaal iya ayaa Madaxda Wasaaradda oo Wasiir ka iyo Wasiir kuxigeenka ay ugu horee yaan iyo dhammaan howlwadeennada Wa rbaahinta Qaranka ku amaanay ugana mahadceliyay shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan.

Qaar kamida culumada Soomaaliyeed oo baaq ka soo saaray colaadaha meelo dalka kamida ka socda

Qaar kamid ah oo culamada Soomaali yeed ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaal beeleedyada meelo dalka kamid ah ka jira, ayagoo sheegay in cuquuboo yin iyo cirib-xumo laga dhaxlo daadinta dhiigga dadka muslimka ah.

Culumada ayaa farriin adag u diray dad la sheegay inay colaadaha maal-gelinayaan oo ay dhaqaalo iyo hub ku bixinayaan, si ay ugu gaaraan ujeedooyin ayaga u gaar ah oo ay hiigsanayaan.

Shiikh Abuukar Xasan Maalin oo kamid ah culamada ugu caansan geyiga Soomaa liya ayaa sheegay in qof kasta oo dagaal beeleed ka qeyb-gala, islamarkaana wax dila ama la dilaahi uu cadaabta aakhiro gali doono, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo qabyaaladda laysku laynayo.

Baaqan ayaa ku soo beegmaya xilli goboll ada dalka qaarkood ay ka aloosanyihiin dagaal beeleedyo lagu hoobtay, oo dhex maraya dadka walaalaha ah ee halkaas ku nool, kuwaas oo aan la marmarsiyo loo hayn ujeedka ay isku laynayaan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madaxda rugta ganacsiga Soomaaliyeed

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxa med Axmed Amiir ayaa kulan la qaatay madaxda rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah guddiyada ganacsatada ka howlgasha suuqyada Magaalada Muqdi sho.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyad da XFS Mudane Feysal Maxamed Xaashi ayaa looga hadlay hanaanka maareynta canshuuraha laga qaado ganacsatada Gobolka Banaadir, iyadoona warbixin iyo talooyin laga dhageystay ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxa med Axmed Amiir ayaa boogaadiyay door ka ganacsatada ee ka qeyb qaadashada kobaca dhaqaalaha iyo taageerida dowlad da, maadaama ay yihiin canshuur bixiye yaal, asigoona madasha ka sheegay in uu ka shaqeyn doonno is waafajinta hanaan ka canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda iyo talooyinka ay soo jeediyeen Ganacsa tada.

Golaha Wakiilada Somaliland oo Ansixiyay 19 Wasiir oo Ka Mid Noqon Doona Xukuumada Cusub

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigoodii 9-aad ee kal-fadhiga 10-aad si rasmi ah u ansixiyay 19 wasiir oo ka tirsan xukuumadda cusub, kuwaas oo helay aqlabiyadda codadka xildhibaanada.

Wasiirada la ansixiyay waxa kamid ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL, Md. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo helay 65 cod, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Md. Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo helay 59 cod.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Md. Maxamed Yuusuf Cali (Ikacase), ayaa helay 62 cod, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Khadar Xuseen Cabdi, ayaa isna helay 65 cod, sidoo kale 64 Mudane ayaa ogolaaday in Md. Xassan Axmed Ducaale (Maclin) in uu ahaado Wasiir Wasaarada Horumarinta Dawlada ha Hoose iyo Magaalooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Axmed Maxamed Faarax Coofle, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiin ta iyo Tiknoolajiyada Md. Jamaal Maxa med Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Gaa diidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cis maan Ibraahin (Af-gaab), iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mrwo Kaltuun Sh. Xassan Cabdi Madar, ayuu sidoo kale midkiiba helay 65 cod.

Wasiirka Maalgashiga, Md. Siciid Maxa med Buraale - 63 cod, Wasiirka Deegaa nka, Md. Cabdilaahi Cismaan Jaamac ayaa helay 64 cod, Wasiirka Maaliyada, Md. Cabdilaahi Xassan Aadan Cawaale ayaa helay 65 cod, Wasiirka Ganacsiga, Md. Cabdiraxmaan Xassan Nuux Furre ayaa helay 65 cod, Wasiirka Diinta, Md. Cabdilaahi Daahir Jaamac ayaa helay 65, Wasiirka Hawlaha Guud, Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa helay 63 cod, iyo Wasiirka Amniga, Md. Cabdale Maxamed Carab oo sidoo kale helay 65 cod.

Ugu danbayn, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Md. Ismaaciil Yuusuf Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mrwo. Milgo Maxamed Cilmi, ayuu midkiiba helay 65 cod.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 10 xubnood oo ka tirsan Alshabaab lagu diley howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal oo ay wadajir isaga kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciida mada Cirka ee Mareykanka oo ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 KM u jira magaalada Kismaayo, dhanka waq ooyi galbeedna ka xiga lagu diley dagaa llamayaal badan oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Hawlagalkan ayaa lala beegsaday koox ka tirsan Alshabaab oo isoo abaabushay, isla markaana damacsanaa inay weerar qorshaysan qaadaan, kaas oo laga war helay, islamarkaana laga hortagey sida ay sheegtay dowladdu.

inta la xaqiijiyay xubnaha lagu dilay hawlgalka ayaa gaaraya ilaa 10 dhimasho ah, mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka, sida lagu xusay war saxaafadeed ay dowladdu soo saartay.

 

Soomaaliya oo bilaabaysa Xiriir Diblomaasiyadeed oo Cusub oo ay la Yeelanayso Suuriya

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday tallaabooyin cusub oo xiriir diblomaasiya deed ah oo ay la sameyneyso dowladda cusub ee Suuriya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xaqiijiyay in uu fariin rasmi ah u diray dhiggiisa Suuriya, Asaad Hassan al-Shaibani, isagoo ku cad deeyay in Soomaaliya ay garab taagan ta hay maamulka cusub ee Suuriya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu qors heynayo in uu dhawaan la kulmo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya si ay uga wada hadlaan horumarinta xiriirka labada dal.

Intii uu ku guda jiray waraysi uu siiyay Al Jazeera, Wasiir Fiqi ayaa dib u xusay in Suuriya ay ahayd dalka kaliya ee Carbeed ee ay furaneyd muwaadiniinta Soomaal iyeed xilligii burburka, isagoo xusay in saf aaradda Soomaaliya ee Dimishiq aysan marnaba xirmin, xitaa xilliyadii adkaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu qorsheynayo booqasho rasmi ah oo uu ku tago Dimishiq si loo adkeeyo xiriirka laba da dowladood.

Tallaabadan ayaa muujinaysa dadaalka Soomaaliya ee dib-u-dhiska xiriirka diblom aasiyadeed ee gobolka.

Ganacasato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya gobolka KwaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika ayaa shee gaya in halkaasi dil iyo dhaawac loogu gey stay laba ka mid ah muwaadiniiinta Soo maaliyeed ee dalkaasi u ganacsi tagay.

Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Ko onfur Afrika ayaa dishay Saadaq Axmed Xasan oo loo yaqiinay Saadaq British, waxaana sidoo kale burcadu dhaawaceen muwaadin kale oo magaciisa lagu shee gay Maxamed Daahir oo ay marxuumka wada joogeen dukaan ku yaala dulaadka magalada Pietermaritzburg ee gobolka KwaZulu-Natal.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Koonfur Afri ka oo gaaray dukaanka lagu dilay muwa adinka Soomaaliyeed iyo midka dhaawac ah ayaa halkaas ka sameeyay baaritaano ay ku baadi goobayaan burcada dilka iyo dhaawac geysatay, hayeeshee lama soo warin cid ay u soo qabtaan falkaas.

Marxuumka la dilay Saadaq British ayaa la sheegay inuu ku noola dalkaasi Koonfur Afrika mudo aad u dheer, islamarkaana uu ka mid aha dadka sida weyn looga yaqiinay gobolka KwaZulu-Natal, waxaana dilkiisa geystay kooxo hubeysan oo doon ayay iney dhacaan dukaanka marxuumka lagu dhex dilay.

Dalka Koonfur Afrika waxaa si aad ah ugu soo kordhaya marba marka ka dambeysa dilalka, dhaawaca, iyo dhaca loo geysana yo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka asi u shaqo doontay.

Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo kawada dadaalo nabadeed oo lagusoo afjarayo colaadda Galbeedka Mudug

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa bilaabay kulamo ay ku doonayaan in xal waara looga gaaro colaadda u dhexeysa labo beelood oo kasoo kala jeeda labada dhinac, kuwaas oo ku dagaalamay degaano ku yaala galbeedka Mudug.

Dagaalladan ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo labada maamul ay ku guulaysan waayeen in xal kama dambays ah laga gaaro colaadda.

Masuuliyiin ka tirsan labada maamul ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo lagu qaban doono kulamo xiriir ah oo diiradda lagu saari doono sidii loo soo afjari lahaa colaadda iyo sidii beelaha loo heshiisiin lahaa.

Labada dhinac ayaa isku raacay inay ka xun yihiin dhibaatada colaaddu sababtay, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in lagu dadaalo dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta degaannada ay colaaduhu saameeyeen.

Si kastaba ha ahaaatee, nabad aan cago buuxda ku fadhiyin ayaa lagasoo sheegayaa degaanada ay dirirtu ka dhacday ee hoos yimaada tuulada Jiicboor ee hoos timaada degmada Galgadob.

Puntland oo qabaa'ilada gobolka Bari u abaabulaysa dagaalka ka dhanka ah ururka Daacish

Puntland ayaa bilowday abaabulka qabaa’ ilada ku dhaqan gobolka Bari, gaar ahaan dhulka ku teedsan deegaanka Calmiskaad, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhan ka ah ururka Daacish.

Qabaa’ilada ku nool tuulooyinka bariga fog ee gobolka Bari ayaa la sheegay inay saamayn ku yeelatay joogitaanka iyo gala angalka ururka Daacish ee deegaannada qaar.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire, oo dhawaan ka badbaaday weerar ay Daacish ku qaadday tuulada Dharjaalle, ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee qabaa’ilada. Kulamadaas ayaa looga had lay doorka qabaa’ilku ku yeelan karaan da gaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.

Maxamed Baari Shire ayaa sheegay in gobolka Bari uu noqday "bahalo galeen" ay sabab u tahay galaangalka iyo saamay nta ururrada Daacish iyo Al-Shabaab ku yeesheen bulshada deegaanka. Waxa uu xoojiyay baahida loo qabo in shacabka iyo qabaa’ilka iska kaashadaan sidii looga sifeyn lahaa ururradaasi deegaannadooda.

Laamaha amniga Puntland ayay ku adkaa tay inay xog ka helaan degaanada Daacis htu ku sugan yihiin. Dhawaan weerarkii ka dhacay tuulada Dharjaale ayaa muujiyay fashilka sirdoon ee ciidanka Puntland.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa la oga aday inay soo jareen boqolaal Kiilo Mitir, iyagoo soo maray dhowr tuulo oo ay dad reer miyi ah degen yihiin. Hase ahaatee, dadkan ayaanan wax xog ah lasoo wadaa gin laamaha amniga, iyadoo loo sababay nayo cabsida ay dadku ka qabaan in Daac ish ogaato xiriirka ay la sameeyeen laama ha amniga.

Ganacsatada gaadiidka shidaalka Puntland oo shaqo joojin sameeyay

Ganacsatada gaadiidka booyadaha shida alka rara ee isaga kala goosha gobollada Puntland iyo deegaannada kale ee Sooma aliya ayaa si adag uga hadlay cabasho ay ka qabaan canshuur kordhin uu ku soo rogay maamulka Puntland.

Ganacsatada ayaa ku andacoonaya in canshuurta cusub ay culays weyn ku keen ayso ganacsigooda, taasoo sababtay in qaar badan oo ka mid ah gaadiidka qaa dda shidaalka ay shaqadooda hakad geliy aan.

Maxamuud Siciid Cismaan, oo ka mid ah ganacsatada shidaalka, ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday Puntland ay tahay mid aan sharci ahayn isla markaana aysan marnaba aqbali doonin.

Wuxuu ku baaqay in maamulka Puntland uu dib uga fiirsado go’aankan si looga fogaado khilaaf iyo carqalad ku timaadda ganacsiga shidaalka ee gobollada.

Ganacsatada ayaa sidoo kale ka digay saameynta dhaqaale iyo bulsho ee ka dhalan karta hakadka shaqada, iyagoo xusay in gaadiidka booyadaha uu yahay laf-dhabarta gaarsiinta shidaalka ee gobollada Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale.

Waxay dalbadeen in wada-hadal rasmi ah lagu xalliyo arrintan si loo ilaaliyo danaha dhammaan dhinacyada ku lug leh.

Maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin cabashada ganacsatada, inkastoo tallaabadan ay keentay in si weyn loo hadal hayo.

Somaliland oo Kor u Qaadaysa Ilaalinta Xuquuqda Xoriyada Hadalka

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay kor u qaadayso ilaalinta xuquuqda xoriyada hadalka, oo aan dadka iyo wariyayaasha aan loo xidi doonin haday ka hadlaan fikiro anay xukuumadu jeclaysan.

Isaga oo daba socda balanqaad uu dhawaan Madaxweyne, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, u sameeyay warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka ah, Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa hoosta ka xariiqay in ay ilaalin doonaan xoriyatul-qawlka.

"Waxa aanu ku dalaalaynaa in aan qofna loo xidhin ra'yigiisa, inta aanu sharciga ka talaabin, ama war ayuu tabiyay xaqiiqo ah oo aan la jeclayn aan lagu xidhin, marka waxaynu noqon umad sharcina hago xoriyadeedana haysata" ayuu yidhi wasiirku.

Sida marar badan lagu xusay warbixinaha sannadlaha ah ee American Freedom House, Somaliland waxay ka mid tahay meelaha ugu sareeya ilaalinta xuquuqda madaniga ah iyo siyaasada, iyada oo marar badan xataa ka kor martay Kenya, isla markaana kaalinta kowaad ka gashay Bariga Afrika.

Laakiin Somaliland waxa xagaldaaciya horumarkeeda xoriyada siyaasadeed iyo ta madaniga ahba, xadhig badan oo loo gaysto warbaahinta iyo shakhsiyaadka soo bandhiga fikiro anay xukuumada wakhtiga joogta jeclaysan.

Madaxweyne Cirro iyo xisbigiisa Waddani, ayaa xiligii ollolaha doorashada bilanqaaday in ay xoojin doonaan ilaalinta xuquuqahan aasaasiga ah.

Faahfaahin ka soo baxaysa duufaan ku dhufatay Mareykanka iyo xaalado adag oo halkaa ka taagan

In ka badan 60 milyan oo reer Mareykan ah ayaa wajahaya xaalado adag kadib markii duufaan culus oo ceeryaamo baraf ah wadata ay ku dhufatay qeybo ka mid ah dalkaas.Inta badan Canada iyo 30 gobollo oo Mareykanka ku yaalla laga soo bilaabo gobolka Kansas ilaa Xeebta Bari ayaa waxaa ka jirta diginin dhanka cimilada ah, sida ay sheegtay waaxda cimilada qaranka Mareykanka.

Duufaantan ayaa sidoo kale la filayaa inay gaarto magaalada Washington.Xaalad degdeg ah ayaa looga dhawaaqay gobollada Kentucky, Virginia, West Virginia, Kansas, Arkansas iyo Missouri. Xitaa qeybo ka mid ah gobolka Florida oo aan lagu aqoon qabowga daran ayaa la filayaa in xaalado baraf ah ay ka dhacaan.

Qeybo ka mid ah magaalada New York ayaa laga soo sheegayaa ceeryaamo baraf wadata.Dhanka kale, Aqalka Kongareeska ayaa la filayaa in gelinka dambe ee shalay xlliga dalkaas ay meel-mariyaan guusha Donald Trump uu saddex bilood kahor ka gaaray doorashada madaxtinnimo ee Mareykanka, balse ma cadda in cimilada ba’an ay dib u dhigi karto ilaa inta ay caasimadda kusoo laabanayaan qaar ka mid ah xildhibaannada oo deegaannadooda ku sugan.

Maamulka Qoryooleey oo ka walaacsan rag ka tirsan Al shabaab oo dhib ku haaya Degmada

Maamulka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay jiraan Dagaalamayaal kasoo goostay Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay ku biirayay ciidamada kusugan Degmadaasi, taasoo walaac xooggan ku beertay mas’uuliyiinta deegaanka.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Cismaan Shigshigow, ayaa arrintan warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyay, wuxuuna tilmaamay "kaarka qabiilka" inay tahay istaraatiijiyad muhiim ah oo ay adeegsadaan kooxaha argagixsada si ay u dhexgalaan ciidanka.".

Hadalkaan uu ula jeeday inay jiraan Koox Al shabaab oo sheegatay inay soo goosteen haddana qalqal galin amaanka kawada Degmada.

Maxamed Xaaji Waxa uu ku booriyay shacabka iyo laamaha amaankaba in ay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan hababka cusub ay hadda Al shabaab ay bulshada kusoo dhex galayaan.

Mas'uulkaan ayaa ku eedeeyay rag kasoo goostay Al shabaab inay ka dambeeyeen weerar qarax bam oo ka dhacay habeeno ka hor Degmada Qoryooleey oo ay ku dhinteen 3 Qof lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Shigshigow ayaa tilmaamay inay ragaan aysan helin dhaqancelin ama aan laasiinin warqad rasmi ah oo Dowladda kasoo baxday inay isasoo dhiibeen ah, waxa uu shaaca ka qaaday inay qabiil ahaan ku joogaan Degmada balse mabda' ahaan ay wali ka tirsan yihiin Al shabaab.

Israel oo duqeysay Qaza dhinacna kala xaajooneysa Xamaas

Ciidamada Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo ugu yaraan todobo falastiiniyiin ah ku dilay Rafah iyo Bureij,kadib markii saacadihii u dambeeyay ay weeraro xagga cirka ah ku qaadeen deegaanadaasi oo dhaca Gaza.

Duqeymankaan cusub ayaa daba socday saddex maalmood oo weerarro xooggan ay Israel ku dileen ilaa 200 oo Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa marinka Gaza.

Weerarada ka imaanaya ciidamada Israel ayaa sii socda,xilli siddeed carruur ah ay u dhinteen qabowga jiilaalka ,iyadoo Israel ay sii waddo xaddidaadda gelitaanka sahayda bani’aadanimo ee hey’adaha samofalka ay ugu talagaleen in la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalada ka jira Gaza.

Dhanka kale,waxaa socda wadahadallo u dhexeeya Xamaas iyo Israel ,inkastoo labada dhinac ay ku muransan yihiin faahfaahinta heshiis xabbad-joojinta iyo sida ay u daneynayaan soo afjaridda dagaalka.

Xamaas ayaa dooneysa in si buuxda loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah ,isla markaana la is-dhaafsado maxaabiista ,halka Israel ay daneyneyso in la kala waeggsado maxaabiista.

Tirada Falastiiniyiinta ee ku dhintay dagaalka Gaza ayaa lagu sheegay ugu yaraan 45,805,halka dhaawacana lagu qiyaasay 109,064.

Xamas iyo Isra’il oo wali isku mari la’ heshiiska xabbad joojinta

Isara’il iyo Xamaas ayaa Axaddii isku mari waayay wajiga koowaad ee heshiis xabbad joojin ah oo ka hirgala Gaza iyo sii deynta qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduubaan Xamas.

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Axaddii sheegay in kooxdu ay ansixisay sii deynta liis ka kooban 34 Isra’iiliyiin ah oo ka mid ah la heystayaasha, taas oo ay Xamaas ku baddalaneyso heshiis ugu danbeyntii ka hirgala Gaza.

Hase yeeshee, war kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay, in Xamaas aysan soo gudbin liiska la heystayaasha.

Laakin goor danbe oo Axaddii shalay aheyd, ayay Xamaas nuqul ka mid ah magacyada liiska ay sii deyn rabto tusisay wakaaladda wararka ee Reuters, sida ay ku warrantay wakaaladdan.

Wadahadallada heshiiska xabbad joojinta labada dhinac ayaa maalmihi lasoo dhaafay dib uga billowday magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo soo afjaro dagaalka 15-ka bil ka socda Gaza, waxana hadafku yahay in xalka kama danbeysta ah la gaaro ka hor 20-ka January markaas oo uu xafiiska Aqalka Cad ku soo laaban doono madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump.

Justin Trudeau oo Iska Casilay Xilka Ra’iisul Wasaaraha Canada

Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trud eau, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka ra’iisul wasaaraha iyo hoggaamiyaha xisbiga Liberal-ka kaddib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Ottawa.

Trudeau ayaa sheegay inuu sii hayn doo no xilka si ku-meelgaar ah illaa xisbiga Lib eral ay doortaan hoggaamiye cusub oo beddela.

Justin Trudeau, oo ah curadka ra’iisul wa saarihii hore ee Canada, Pierre Elliot Trud eau, ayaa shalay si rasmi ah u diiwaange liyay inuu raacay raadka aabbihii, kaasoo isna xilka ra’iisul wasaaraha iska casilay sannadkii 1984.

Trudeau wuxuu galay siyaasadda sann adkii 2008-dii, markaasoo loo doortay xu bin baarlamaanka ah. Sannadkii 2013-kii ayuu noqday hoggaamiyaha xisbiga Libe ral-ka, wuxuuna 2015-kii ku guuleystay xilka ra’iisul wasaaraha kadib olole xoog gan oo uu ku diidanaa siyaasadaha xisbi ga Conservative-ka.

Trudeau ayaa noqday mid ka mid ah hog gaamiyeyaasha ugu da’da yar ee soo ma ra Canada, isagoo ku guuleystay dooras hooyinka is xigay ee 2019 iyo 2021.

Sababaha Is-Casilaadiisa ayaa lagu shee gay Fadeexad ku saabsan Cunsuriyadda, maareyntii Covid-19 iyo Khalalaase Siyaa sadeed.

Hoggaamiyaha mucaaradka Mozambique oo dalkiisa ku laabanaya xilli qalalaase laga baqayo

Hogaamiyaha mucaaradka Mozambique, oo hogaaminayay mudaaharaadyo toddob aadyo socday oo looga soo horjeeday doo rashooyinkii muranka dhaliyay dibad joog na ahaa, ayaa sheegay inuu dalka ku soo laaban doono Khamiista.

Venancio Mondlane ayaa ku sheegay far riin uu soo dhigay baraha bulshada inuu imaan doono ka hor caleema saarka ma daxweynaha cusub.Daniel Chapo oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Frelimo ayaa lagu wadaa in la dhaariyo toddobaadka soo socda.

Mudaharaadyadii socday maalmihii la soo dhaafay ayaa xasiloonida Mozambiq ue si aad ah u saameyay dhowrkii toddob aad ee la soo dhaafay.

Haddii hoggaamiyaha mucaaradka Ven -acio Mondlane uu dalka ku soo laabto -sida uu ballan qaaday - qalalaase hor leh ayaa ka dhalan kara tallaabadaas.

Shiineys lagu qabtay dahab iyo lacag ay si sharci darro ah ku heleen

Dahabka iyo lacagta ayaa lagu qariyay qaybta hoose ee kuraasta gaari ay ku safreyayeenXigashada Sawirka,Reuters

Qoraalka sawirka,Dahabka iyo lacagta ayaa lagu qariyay qaybta hoose ee kuraa sta gaari ay ku safreyayeen

Saddex muwaadini oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu qabtay dahab ah iyo lacag caddaan ah oo gaaraysa 650,000 oo doolar, bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, sida ay sheegayaan mas'uuliyiinta dalkaas.

Dahabka iyo lacagta ayaa lagu qariyay qaybta hoose ee kuraasta gaari ay ku safreyayeen, sida uu sheegay Jean Jacques Purusi, guddoomiyaha gobolka Kivu ee Koonfurta ku yaalla.

Wuxuu sheegay in howlgalkii lagu soo qabtay raggaas uu qarsoodi ahaa kadib sii-deyntii dhawaan ee koox kale oo muwaadiniin Shiinaha ah oo lagu eedeeyay inay ku mashuulsanaayeen macdan madow oo sharci darro ah oo isla aagga raggaan lagu qabtay.

Bariga DR Kongo waxaa ku jira kayd badan oo dahab, luul, iyo macdanada loo isticmaalo samaynta batteriga telefoonnada gacanta iyo baabuurta korontada ku shaqeeya.

Ku dhowaad 10 qof oo lagu diley dagaal culus oo ka dhacay dalka Mali

Ugu yaraan sideed qof oo rayid ah ayaa lagu dilay bartamaha dalka Maali, sida ay sheegeen ilo-wareedyo kala duwan, waxaana ciidamada Mali iyo kooxda Wagner ee Ruushka lagu dambeeyay weerarka dadkaasi ay ku dhibteen.

Dalka mali ayaa waxaa ragaadiyay qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale, waxaana tan iyo 2012-kii ka howl-galayay kooxo kala duwan oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo kooxda Daacish.

Wuxuu sidoo kale dalkan ku yaalla galbeedka Afrika wajahayaa kacdoon gooni u goosad ah oo ka socda saxaraha waqooyiga, waxayna ciidanka dowladda iyo xoogagga Wagner ee Ruushku dagaal kula jiraan kooxo kala duwan oo dalkaas fariisimo ku leh.

Kuuriyada Woqooyi oo ridday gantaalkii ugu horreeyay muddo laba bilood ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday wax u muuqda gantaal ballistic ah oo riddada dhexe ah oo ay u gantay badda dhanka bari, sida ay sheegeen milatariga Kuuriyada Koonfureed, waana gantaalkii ugu horreeyay ee Pyongyang ay riddo muddo laba bilood ah.

Gantaalka ayaa ku socday xawaare gaaraya 1,100km ka hor inta uusan ku dhicin badda, militariga ayaa sheegay in ay "si adag u cambaareynayaan" falkan "daandaansiga cad ah".

Daahfurka qorshahan ayaa ku soo beegmaya xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu booqasho ku tagay magaalada Seoul si uu wadahadal ula yeesho qaar ka mid ah hogaamiyayaasha muhiimka ah ee Kuur iyada Koonfureed.

Horey Blinken wuxuu ula kulmay ku sima ha madaxweynaha Choi Sang-mok, hal kaas oo uu ku tilmaamay isbahaysiga Was hington iyo Seoul inuu yahay "dhagaxa nabadda iyo xasilloonida gacanka Kuur iya".

Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay xoojiyeen la socodka ganta allada mustaqbalka ee Kuuriyada Waqoo yi, ayna si dhow ula wadaagayaan macluu maadka ku saabsan gantaallada shalay la riday Mareykanka iyo Japan.

Xamaas oo sheegtay in ay sii deynayso qaar ka mid ah Israa'iiliyiinta ay afduubka u haystaan

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da la wadaagay liiska 34 la haystayaal ah oo kooxda falastiiniyiintu ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay sii daayaan marxaladda koowaad ee heshiis xabbad-joojin ah oo ay la galaan Israa’iil.

Ma cadda tirade dadka la haysto ee weli nool.

Dadka la magacaabay waxaa ka mid ah 10 haween ah iyo 11 rag ah oo da’doodu u dhaxayso 50 ilaa 85 jir, iyo sidoo kale carruur yar yar oo Xamaas ay hore u sheegtay in lagu dilay duqayn xagga cirka ah oo Israa’iil ay geysatay.

Tiro la haystayaal ah oo ay Xamaas sheegtay inay xanuusanyihiin ayaa iyaguna liiska ku jira.Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa beeniyay wararka sheegaya in Xamaas ay Israa’iil siisay liiska dadka la sii deynayo ee afduubka loo haysto.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Qasa gaarahaan aagagga ay maamulaan Xamaas ayaa sheegaya in duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil ay ku dileen in ka badan 100 qof saacadihii la soo dhaafay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip