halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 4-1-25
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Gudoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas noqon doona Mudane Axmed Xuseen Cilmi.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mundane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, qiimeynta wax-qabadka Wasaaradaha Dowladda— sharciga nidaamka Xukuumadda iyo abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo.
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Soo bandhigtay waxqabadkii ugu waaweynaa ee ay hirgelisay sannadkii 2024
Wasaarada Waxbarashada ee Dowladd Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay waxqabadkii ugu waaweynaa ee ay ka hirgelisay sannadkii 2024, iyada oo ku tilshalayy guulahaas kuwo taariikhi ah oo qeyb ka ah dib-u-dhiska nidaamka waxbarasho ee dalka.
Sida lagu sheegay warbixinta, Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku guuleysatay:
1. 3,000 oo Macallin ayaa markale la shaqaaleysiiyey.
2. 3,000 oo gabdhood ayaa deeq waxbarasho la siiyey.
3. Sharciga Tacliinta Sare ee Dalka ayaa markii ugu horreysay la sameeyey lana ansixiyey.
4. Sannadka aasaasiga ee Jaamacadda ayaa la dhaqan galiyey.
5. Ardayda u dhalatay Dalka aan walaalaha naha ee Sudan ayaa deeq waxbarasho la siiyey.
6. Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ayaa la gaarsiiyey goobo uuna gaarin wixii ka dambeeyey burburkii dowladda dhexe waxaana kamid goobahaas SSC Khaatumo iyo deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab.
7. 250 arday ayaa la siiyey deeq waxbarasho oo gudaha Dalka ah.
8. Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa 35 sano kaddib lagu qabtay Magaalada Muqdisho, shirkaasi oo looga hadlay Dibudhiska Ummada Soomaaliyed.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS oo tababar aqoon kororsi ah u xirtay 100 shaqaale
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo xirtay tababar loogu talagalay in lagu horumariyo aqoonta iyo tayada 100 kamid ah shaqaalaha dowladda,gaar ahaan dhinaca Amniga internetka (Cyber security).
Tababarkaan ayaa diiradda saaraya in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqalaha dowlada si looga hortago caqabadaha iyo dambiyada ka dhaca khadka tooska ah ee Internetka.
Wajiga koowaad ee tababarka ayaa lagu bilaabay 30 ka mid ah shaqaalaha la qorsheeyay inay ka faa’iideystaan mashruucan, kuwaas oo ka kala socday in ka badan 15 hay’adood oo dowladda ah.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa diyaarisay sharciyada ku saabsan Amniga internetka ,yadoo gabo-gabo uu marayo diyaarinta istiraatiijiyadda dhameystirka ee loogu talagalay barnaamijkaan.
Xubannimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u bilaabtay
Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 54 Sano ka dib, iyadoo horay loogu doortay kursiga xubin aan joogto aheyn ee muddada 2025-2026.
Xubinnimadan cusub ayaa bilaabatay shalay, waxaana laga dhawaajiyay inay Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay, "Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daahfuray hey’ad ka shaqeysa ganacsiyada yaryar
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa Magaalada Muqdisho uga qayb galay munaasabad loogu talagalay daah-furka hay’adda Bulsho (SACCO) oo ka shaqeysa horumarinta ganacsiyada yaryar.
Kulanka daahfurka munaasabaddaasi oo ay ka soo qeybgaleen qaar kamid ah dadka xirfad ahaan kku shaqeysta ganacsiyada yaryar,waxaa halkaasi la isku dhaafsaday kaalinta dhaqdhaqaaqyadaasi ganacsi ay ku leeyihiin horumarinya adeegyada ay u baahan yihiin bulshada.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS waxa uu soo dhoweeyay dadaalka ku aadan in dalka laga dhaqangaliyay ganacsiyo yaryar oo ka qeybqaadan kara dhiirigalinta dadka iyo horumarka dalka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac waxa uu ugu dambeyntii u hambalyeeyay dadka xilka iska saaray sameynta ganacsiyo yaryar,isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in lagu dhaqaaqo hal abuurka ganacsiyada yaryar ee lagaga kaftomi karo waxyaabaha laga keeno dibadaha ee ay ku baxan lacaha badan.
Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray waddo laga hirgeliyay Degmada Kaaraan
Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Faarax Cadaani Maxamed ayaa xarigga ka jaray waddo Interlock ah oo loogu magac daray Eng Axmed Sheekh Hassan, taasoo laga hirgeliyay Waaxda Wajeer ee Degmada Kaaraan.
Munaasabadda furitaanka waddada cusub ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad badan oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada.
Waddadan oo muhiimad gaar ah u leh horumarinta kaabayaasha degmada, ayaa waxaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaadato isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Soomaaliya oo Si Rasmi ah Ugu Fariisatay Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayaa shalay martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay shalay, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo sidoo kale calaamad u ahayd bilowga shaqada Soomaaliya ee golahaasi.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Waaxyaha, iyo hawlwadeennada wasaaradda.
Wasiirka, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay, iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto.
Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay madaxda Qaranka ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah.
Soomaaliya oo si rasmi ah u aqbashay inay Itoobiya ku biirto howlgalka cusub ee AUSSOM
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay diyaar u tahay oo ay aqbashay in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso codsiga ku aaddan inay Itoobiya ku biiriso ciidamo cusub oo qeyb ka noqda howlgalka AUSSOM.
Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadan ay ka dhalatay Booqasho ay Muqdisho ku tageen wafdi heer sare oo ka socday dowladda Itoobiya, kuwaas oo u tagay Muqdisho dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, iyadoo laga ambo qaadayo heshiiskii Ankara ee la saxiixay 11-kii December.
"Iyadoo la raacayo mabaadi'da Baaqa Ankara, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa sida ay uga go'an tahay xaqiijinta fulinta heshiisyadii la gaaray. Waxay u aragtaa in mabaadi'da heshiisyadaasi ay aasaas adag u yihiin kobcinta iskaashiga wax ku oolka ah ee u adeega danaha labada dhinac,” ayaa lagu yiri warkan dowladda Soomaaliya kasoo baxay.
Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadan u aragta mid lagu xoojinayo kalsoonida labada dhinac iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida.
Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada oo Booqday Maktabadda Degmada Garbahaarey
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo Booqday Maktabadda Degmada Garbahaarey.
Garbahaarey, Gobolka Gedo – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha, iyo Tacliinta Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa booqday maktabadda ugu weyn degmada Garbahaarey. Booqashadan ayaa ahayd mid muhiim ah oo qeyb ka ah dedaalka lagu xoojinayo tayada waxbarashada iyo dhaqanka akhriska ee dalka.
Wasiirka ayaa ku ammaanay bulshada degmada Garbahaarey dadaalka ay ku bixiyeen kobcinta akhriska iyo kor u qaadista fursadaha waxbarasho, isagoo sheegay in maktabaddu tahay il muhiim ah oo gacan ka geysan karta kobcinta aqoonta ardayda iyo bulshada inteeda kale.
Soomaaliya oo dib u eegis ku samaynaysa doorka Itoobiya ee Hawlgalka AUSSOM
Soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameyneysa go’aankeedii ahaa in ciidamada Itoobiya laga saaro howlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM, taasi oo muujineysa isbedel weyn oo dhanka diblomaasiyadda ah ee u dhaxeeya labada dal.
Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Caa’isha Maxamed oo Khamiistii soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika (AUSSOM).
Labada waddanba waxay dib u xaqiijiyeen go'aankooda ku aaddan nabadda gobolka waxayna ku heshiiyeen tallaabooyin iskaashi oo lagu taageerayo howlgalka AUSSOM.
Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Bloomberg January 2, 2025, dublamaasiyiin ayaa ka digay in ka-reebista Itoobiya ee hawlgalka ay sii xumeyn karto xiisadda u dhaxaysa dalalka deriska ah, maaddaama ay Itoobiya la kulmeyso khataro isa soo taraya oo kaga imaanaya Al-Shabaab.
Diblumaasiyiinta waxay sheegeen suurtagalnimada in Itoobiya laga saaro howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya in ay keeni karto suurtagalnimada in xiisadda ay sii kororto, iyadoo Itoobiya ay weli bartilmaameed u tahay weerarada Al-Shabaab kaga imaanaya.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 27-kii Diseembar dib u cusbooneysiiyay waajibaadka howlgalka, inkastoo ay weli wajahayaan caqabado ku aaddan sidii loo heli lahaa dhaqaale lagu bixiyo howlgallada nabad ilaalinta.
Wafdi sare oo ka socday Itoobiya oo soo gabagabeeyay socdaal ay ku tageen Muqdisho
Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Itoobiya oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Itoobiya Egn. Caa’isha Maxamed, ayaa soo gebagebeeyay booqasho shaqo oo rasmi ah oo ay ku tageen magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigan tallaabo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.
Wafdiga ayaa intii ay ku guda jireen booqashada waxa ay wada hadallo la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo u geeyay dhambaal ay ka sideen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Wada-hadallada ayaa salka ku haya xoojinta iskaashiga qotoda dheer si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Labada waddanba waxay dib u xaqiijiyeen go'aankooda ku aaddan nabadda gobolka waxayna ku heshiiyeen tallaabooyin iskaashi oo lagu taageerayo howlgalka AUSSOM.
Waxaa sidoo kale la dejiyay qorshe lagu fududeynayo booqashooyin heer sare ah oo u dhaxeeya Addis Ababa iyo Muqdisho, taasoo xoojinaysa sida ay sheeegeen xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan difaaca.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ka mahadceliyey sida lagu sheegay Warsaxaafadeeda kasoo baxay Wasaarada Arrimaha dibibada Itoobiya, doorka Ciidamada Difaaca Itoobiya ay ku leeyihiin xasiloonida Soomaaliya.
Booqashadan ayaa daba socota safar uu dhawaan Itoobiya ku tagay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, H.E. Cali Maxamed Cumar, isagoo halkaas wadahadallo kul la yeeshay madaxda Itoobiya lagu xoojiyay wada shaqaynta socota.
Taliyaha Ciidanka Xoogga oo sheegay in la dardargalin doono dagaalka ka dhanka ah al-shabaab
Taliyaha Ciidanka Xoogga S/Gaas Yuusuf Odowaa Raage iyo saraakiil kale oo socdaal shaqo ku maraya deegaanada Gobolka Hiiraan ayaa gaaray degmada Maxaas,gaar ahaan furimaha ay joogaan qeybaha ciidanka.
Taliyaha iyo saraakiishii kale ee la socday waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay maamulka iyo saraakiisha ciidanka,iyagoo boogaadiyaycutubyo ka tirsan ciidanka iyo kuwa difaaca madaniga ah oo u taagab la dagaalanka kooxaha al-shabaab.
Taliye Odowaa oo safarkiisa shaqo uu la xiriiray u kuurgalidda xaaladda nololeed ee ciidanka,waxa uu warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa difaaca madaniga ee k u sugan furimaha dagaalka.
Taliyaha ayaa kula dardaarmay qeybaha ciidanka in ay laba jibaaraan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ee weli ku harsan deegaanada Hiiraan.
Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo waaran xarig ah u jartay Maleeshiyaadkii Ceel Baraf ku dishay askarta Dowladda
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo 5 Garsoosare u saartay baaritaanka dilkii lix askari loogu geeystay Degmada Ceel Baraf dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo 14 qof oo ku eedeysan dilkaasi.
Garsoorayaashaan oo Degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe tagay maalintii xigtay kadib dilkii askartaasi ayaa sheegay in xog wareysi ay la yeesheen Saraakiishii xukumaysay askartii la dilay, Nabadoonada iyo Waxgaradka Ceel Baraf kuwaasi oo qaarkood u xiran inay wax ka qaban waayeen dhibka dhacay.
Guddiga waxa ay shaaca ka qaadeen inay u cadaatay in lix askari lagu dilay Degmada Ceel Baraf ayna dileen Maleeshiyaad baxsad ah oo horey u qaatay hubkii ciidanka Qaranka oo ay ugu dambeyn Maxkamada ay u jartay warqad amar soo qabasho ah.
Guddiga ayaa baaritaankooda waxey ku shaaciyeen magacyada askartii dil wadareedka loogu gaystay Degmada Ceel Baraf waxaana ay kala yihiin:- 1-X dable Xooga Cabdikafi Cali Cabdulle, 2-X Dable Xooga Bile Xasan Cabdulle Sabriye, 3-X Dable Xooga Cabdi Cabdullahi Adan, 4- X Dable Xooga Farxaan Xasan Cali Cadow, 5-X Dable Xooga Abshir Xuseen Jimcaale, 6-X Dable Xooga Muxiyidiin Cabdulle Wehliye.
Xeer ilaaliye Dhame Cabdicasiis Cusmaan Faarax ayaa warbaahinta u soo bandhigay baaritaanka ay sameeyeen Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in Talisyada kala duwan ee Booliska iyo Nabad Sugida ee Hirshabeelle inay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglayaasha askarta Qaranka dil wadareedka ugu geeystay Degmada Ceel Baraf, si lamid ah Taliska qeybta 27aad ee Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa la faray inay soo qabtaan eedeesanayaasha dilka geeystay waxaana maamulka Hirshabeelle laga codsaday inay laamaha amaanka kala shaqeeyaan soo qabashada dambiilayaasha.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in qadiyada dilka askartaasi ay tahay mid ciqaabteedi ay mari doonaan kuwii falkaasi geeystay oo aysan howshaasi u oolin dadka degaanka, qoys ama qabiil.
Puntlan iyo saaxiibada caalamka oo weeraray kooxda Daacish ee ku sugan Gobolka bari
Ciidanka Puntlan oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa duqeyn xagga cirka ah iyo weerarro dhanka dhulka ah ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiska ee Gobolka Bari.
Howlgalkaan oo ahaa mid qirsheysan ayaa lagu qaaday deegaanka Deylaamo iyo toga ceelka ileed ayaa ,iyadoo la bartilmaameedsaday fariisimo ay leeyihiin kooxda Daacish iyo goobo ay u yaalleen saadka.
Duqeymaha dhanka cirka ah oo ay barbar socdeen weeraro dhanka dhulka ah oo ay fuliyeen cidanka Puntland ayaa lagu waramay in waxyeello ba’an la gaarsiiyay argagixisada ,isla markaana la burburiyay hub iyo qalab kale oo ah walxaha qarxa.
Afhayeenka ciidanka puntlan Jeneraal Faadhigo ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan khasaaraha dhimashada iyo qalabka kale ee ay ka qabsadeen kooxdaasi wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan soo afjaridda Daacsih.
Dhowaan ayeey aheyd markii kooxdaasi oo soo wwerartay fariisin ciidan oo ku yiillay gaaheel laga dilay tiro badan oo maleeshiyo ah oo ay ku jireen 8 kamid ah ajanabiga calooshood u shaqeystayaasha ah.
Dowladda Itoobiya oo ka caawisay Puntland daaweynta askartii Ku dhaawacmay weerarkii Dharjaale
Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay codsi uga yimid maamulka Puntland, iyada oo u fidisay gargaar caafimaad askartii ku dhaawacmay weerar ay kooxda Daacish ka geysatay tuulada Dharjaale ee gobolka Barri, Talaadadii toddobaadkan.
Askarta dhaawacan oo xaaladooda caafimaad ay aad u cuslayd ayaa daraad loo qaaday dalka Itoobiya, maaddaama lagu guul-darraystay in wax looga qabto xaaladooda isbitaallada Puntland.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya taageerada degdegga ah ee ay bixisay, iyagoo sheegay in tani ay tahay tallaabo muujinaysa iskaashiga iyo saaxiibtinimada ka dhaxaysa labada dhinac.
Weerarka Dharjaale ayaa ahaa mid dhimasho iyo dhaawacba geystay, waxaana maamulka Puntland uu sheegay in ay sii xoojin doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.
In ka badan 20 qof oo u badan askarta ciidanka Puntland ayaa ku geeriyooday weerarkan. Sidoo kale tiro ka badan 30 ayaa ku dhaawacmay weerarkaan oo ahaa midkii ugu horreeyay ee Daacish ay ka geysato gudaha Puntland.
Puntland ayaa ka dalbatay caalamka in laga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argigixisada Daacish, iyadoo sheegtay inay la dagaalamayso argigixiso caalami ah oo kusoo duushay degaanadeeda.
Qodobo Kasoo Baxay Shir Beelaha Warsangali Uga Socday Deegaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag
Shir beelaha Warsangali uga socday deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag, oo ay beeshu kaga arrinsanaysay xasaradihii dhawaanahan ka dhacay magaalada Ceerigaabo, ayaa lagu go’amiyey in beeshu ay difaacdo shacabka iyo hantida ay ku leedahay magaalada.
Shirka oo laga soo saaray 7 qodob, ayaa qodobka kowaad waxa lagu taliyey in beeshu ay midowdo, isla markaana ay marjac ka dhigato Shareecada Islaamka. Qodobka labaad ayaa lagu sheegay in beel ka mid ah beelaha dega Ceerigaabo ay ka baxeen heshiis nabadeed oo beeluhu wada galeen 1993.
"Qodobka 3aad: Shirku wuxuu go’aamiyey in si buuxda oo mug leh loo difaaco dadka, deegaannada iyo hantida beelwaynta Warsangeli, gaar ahaan degmada Ceerigaabo,” ayaa lagu yidhi go’aamada shirka kasoo baxay. "Qodobka 4aad: Shirku waxa uu magacaabay guddi ka kooban 35 xubnood oo u xilsaaran maaraynta iyo fulinta Qodabka Sadexaad.”
Go’aamada shirka waxa lagu sheegay in dhammaan waxyeelooyinka ka dhashay dagaalladii ka dhacay degmada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag ay masuuliyadooda qaadan doonto Somaliland iyo maleeshiyaad beelaysan oo taabacsan, isla markaana la beegsaday dadka ka soo jeeda beelaha qaar ee magaalada ku noolaa.
Ugu dambayntii, shirku wuxuu ugu baaqay hay’adaha gargaarka in ay mucaawino gaadhsiiyaan dadka ka barakacay magaalada oo duruufo adag ku wajahay meelaha ay u qaxeen. Sidoo kale, shirku wuxuu go’aamiyey in shirweyne aayo-ka-tashi ah ay beeshu isugu timaado 15-ka February 2025.
Xildhibaan Gavin Williamson oo UK Ku Booriyay In Ay Aqoonsato Somaliland
Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa dowladiisa ugu baaqay in ay aqoonsato Somaliland.
Williamson, oo lagu bartay taageerada qadiyada Somaliland isla markaana dhowr jeer Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska horkeenay doodda aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegay in la joogo wakhtigii ay UK aqoonsi buuxa siin lahayd Somaliland.
"Kadib doorasho xor oo xalaal ah iyo xukun isku wareejin nabad ah, si ka duwan waddamada jaarkeeda, waa wakhtigii ay UK u aqoonsan lahayd Somaliland waddan madaxbannaan," ayuu yidhi Williamson.
Waxa uu intaa ku daray in muddo badan la sugayay aqoonsiga Somaliland, laakiin la joogo wakhtigii ay dowladiisa iyo dowladaha kale ee la saaxiibka ah, sida Maraykanka, ay qaadi lahaayeen tallaabo ay ku aqoonsanayaan Somaliland.
Muddooyinkii u dambeeyay waxa kordhay xildhibaanada ka tirsan golayaasha wakiilada ee Maraykanka iyo Ingiriiska ee taageersan qadiyada Somaliland, kadib doorashooyinkii is xigxigay ee ka dhacay Somaliland iyo xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland.
Xildhibaanno ka badan 20 oo ka tirsan Golaha Wakiilada Ingiriiska ayaa kal hore caddeeyay taageeradooda aqoonsiga Somaliland, sidookale, xildhibaano ka tirsan Koongaraska Maraykanka ayaa wada dadaalo lagu raadinayo aqoonsiga Somaliland.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda isku dayaysa in ay hor istaagto aqoonsiga Somaliland, iyada oo sannadkii ku bixinaysa lacag dhan 600,000 oo dollar hay'addo iyo shakhsiyaad dowlada Maraykanka ku qancin kara in ay ka baaqsato aqoonsiga Somaliland.
Wadahadallo muhiim ah oo u bilowday Sacuudi Carabiya iyo Suuriya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Suriya Asaad Al-Shaibani iyo wafdi uu hogaminayo ayaa ku sugan Dalka Sacuudi Carabiya, iyagoo wadahadallo lagu soo celinayo xiriirka labada dal la leh madaxda boqortooyada Sacuudiga.
Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Difaaca Murhaf Abu Qasra iyo Madaxa Adeegga Sirdoonka Guud Anas Khattab, kuwaas oo maalinimadii daraad gaarat Sacuudiga.
Wafdigaan oo ah Diblumaasiyiintii ugu sarreeyay ee booqda Sacuudiga yaa ujeedkoodu yahay in dib loo furo bog cusub ama dib loo cusbooneysiiyo xiriirkii gobolka.
Booqashadan oo bilaabatay galinkii dambe ee daraad ayaa ku soo beegantay wax ka yar hal bil markii madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-asad ay xoogaga fallaagada xukunka ka tuureen 8-dii December.
"Waxaan hadda joogaa Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya, waxaan rajaynaynaa inaan furno bog cusub oo khuseeya xiriirka Suuriya iyo Sacuudiga kaas oo ku habboon taariikhda dheer ee ay wadaagaan labada waddan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya.
Booqashada Wafdiga ka socda Suuriya ayaa yimid xilli wasiirka Aeeimaha Dibadda Sacuudiga uu casuumaad u fidiyay sida ay ku warantay warbaahinta dawladda Suuriya.
Al-Shaibani ayaa 21-kii December loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya, isagoo noqday dublamaasigii ugu horreeyay ee taga Sacuudi CArabiya tan iyo markii la afgambiyay Al-Asad.
Mustaqbalka howlgallada Milatari ee Maraykanka ee Soomaaliya oo wajahaya Mugdi
Howlgalka militariga Mareykanka ee Soomaaliya ayaa weli mugdi ku jira, iyadoo la filayo in maamulka cusub ee Donald Trump uu dib u qiimeeyo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa saameyn ku yeelan karta guud ahaan hawlgallada militari ee Afrika.
Maamulka Trump ayaa lagu xusuustaa go’aankii uu qaatay sanadkii 2020, kaasoo ku saabsanaa in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya. Go’aankan wuxuu sababay in xaaladda amniga ee Soomaaliya ay sii adkaato.
Mas’uuliyiin hore oo Mareykan ah, sida J. Peter Pham, ayaa ku taliyay in dib loo eego howlgalka, maaddaama dagaalka u dhexeeya ciidamada Soomaaliya iyo kooxaha mintidiinta uu weli socdo. Pham, oo horey u ahaa ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsanaa gobolka Saaxil-ka Afrika xilligii maamulka Trump, ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay tahay mid aad khatar u ah, taasoo halis galin karta diblomaasiyiinta Mareykanka, xubnaha militariga, iyo shaqaalaha gargaarka ee ku sugan dalka.
Isagoo ka hadlayay caqabadaha jira, wuxuu xusay hoggaan la’aanta hay’adaha militariga Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka Danab ee Mareykanka uu taageero. "Ma lihin lammaane waxtar leh oo Muqdisho jooga," ayuu yiri Pham, isagoo ka digay dhibaatooyin dheeraad ah oo ka dhashay kalsooni-darro ku saabsan awoodda ciidanka Soomaaliya.
Dhanka kale, dhaleeceeyayaasha, oo uu ka mid yahay xoghayihii hore ee difaaca Mark Esper, ayaa tilmaamay waxtar la’aanta dadaallada militari ee Mareykanka ee Afrika, iyagoo ku baaqay in siyaasadaha difaaca la waafajiyo xaqiiqada dhabta ah ee gobolka.
Siyaasadda difaaca ee Donal Trump ayaa laga yaabaa inay mudnaan siin doonto gobolka Baasifiga, taas oo sii kordhin karta shakiga ku saabsan mustaqbalka hawlgallada Maraykanka ee Soomaaliya.
Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya oo shalay soo gaarey magaalada Godey ee Dowlad Degaanka Soomaalida
Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiyi Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaadhay magaalada Godey ee dowlad Degaanka Soomaalida, Wafdigan ayaa waxaa Godey kusoo dhaweeyay Madaxwenaha Dowlad Deganka Somalida Mustafe Cagjar iyo masuuliyiin kamid ah xukuumaddiisa.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa la sheegay inuu Godey u yimid si uu usoo indha-indheeyo mashaariicaha kala duwan ee ka socda gobolka Shabeelle qaarkoodna la dhammaystiray, sida mashruuca waraabka galbeedka Godey oo dib u habayn iyo dayatrir ay ku samaysay Dowladda Fadaralka Itoobiya.
Haddaba Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed ayaa xadhiga kajaray mashruuca waraabka galbeedka Godey ee degmada Beercaano oo ay ku baxday lacag ku dhow 3 Bilyan oo Birrta Itoobiya ah, waana dhul beereed dhan ilaa 10 kun oo Hiktar, hadda waxaa calaf kala duwan lagu beerey dhul gaaraya ilaa 3 kun oo Hiktar, waxyaabaha ugu muhiimsan ee dhulkaas laga beeray waxaa kamid ah Masagada, Qamadida, Galleyda, iyo Khudaarta noocyadeeda kala duwan.
Faahfaahino kale lagama helin socdaalka Abiyi Axmed ee Dowlad Degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Godey oo galinkii hore ee shalay uu joogay, iyadoo wararka kale een helayno ay sheegayaan in galinka dambe ee shalay la filayo inuu Abiyi Axmed yimaaddo magaalada Jigjiga.
Dadka Gaza oo dhexda uga jira dhibaato oo dhan
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa ka digtay in Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza ay khatar ugu jiraan xaalad la yiraahdo Hypothermia, oo ah qabow daran.
Wasaaradda ayaa sheegtay si gaar ah carruurta iyo kuwa cusub ee dhalanaya ay khatar ugu jiraan inay ku dhintaan qabowga jiilaalka.
"Dhibaatada ugu daran waxay ku dhaceysaa carruurta yaryar ee ku nool xeryaha barakacayaasha iyo kuwa kale ee ku dhalanaya xeryahaasi.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Bayaanka ayaa lagu yiri "Ugu yaraan lix carruur ah iyo qof kale ayaa hadda Gaza ugu dhintay qabowga.”
Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa sidoo kale soo saaray warbixin lagu sheegayo "Dadkan ayaa qabowga ugu dhintay guryahooda teendhooyinka ka sameysan ee ay degan yihiin barakacayaasha.”
Ku dhawaad hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo guryahooda laga soo barakaciyay ayaa hadda ku nool teendhooyinka iyo guryaha cooshadaha ka sameysan ee ku yaala dhulka xeebta iyo aagga goobta bani’aadantinimada loo asteeyay ee deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Marinka Gaza, halkaasoo qabowga ugu daran uu ka dhaco xilligan oo kale.
Digniinta saadaasha hawada ayaa muujineysa in maalmaha soo socda uu kordhi doono qabowga xilliga jiilaalka ee Gaza. Tani ayaa uga sii dareysa dhibaatooyinkii ay muddooyinkanba la noolaayeen dadka reer Gaza ee leh cunto xumada, biyo la’aanta, shidaalka, sahayda dawada iyo agabka kale ee muhiimka ah ee laga hortaagan yahay in ay helaan.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ka digay in dhallaanka iyo dadka da’da ah ee ku nool Gaza ay halis ugu jiraan inay u dhintaan diirimaadka sii yaraanaya, qabowga kordhaya iyo dhaxanta daran ee habeenkii.
Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa xoojiyay in qabowga sii kordhaya uu sii xumeynayo xaaladdii liidatay ee ay dadku ku noolaayeen.
Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa sheegay in qoysaska barakacayaasha ay wajahayaan hoy la’aan iyo agab ku filan oo aysan haysan.
Lazzarini ayaa xusay in weli aan ogolaansho la siinin gelitaanka agabyada lagama maarmaanka ah ee Gaza, oo ay ku jiraan buu yiri bustayaasha iyo alaabaha kale oo aan looga maarmi karin xilliga qaboobaha.
Hay’adaha caalamiga ah ayaa ka dardaar warinaya in dadka rayidka ah aysan haysan dharka dhaxanta oo jaakadaha ay ku jiraan, loona baahan yahay in Israel ay qaaddo go’doominteeda guud ee Gaza amaba ay dabciso.Cimilada qabow iyo roobabka ka da’aya Gaza ayaa ah caqabad kale oo ku soo korortay dadka reer Gaza, oo 15 bilood wajahayay weerarada cadowtinimada ee Israel iyo go’doominta guud ee ay ku hayso.
Daadadka roobabka ayaa meelaha qaarkood qaaday guryihii ku-meel-gaarka ee ay barakacayaashu deganaayeen, ka dib markii dadkaasi ay deegaan ka sameysteen kaabeyaasha ku teedsan marinada biyaha.
Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo helitaanka marin nabdoon oo gargaarka iyo sahayda kale loo sii marsiin karo dadka rayidka ah.
Dadka reer Gaza ayaa si weyn ugu tiirsan kaalmada bani’aadantinimo ee hay’adaha caalamiga ah, haddana waxaad arkaysaa in Israel ay xanibeyso.
Qabowga jiilaalka ee Gaza ayaa sii socon doono billaha ina soo aaddan, iyadoo billaha December, January, February iyo March ay yihiin kuwa ugu qabow ee dhulkaas, marka loo eego cimilada Gaza.
Dadka Gaza ayuu sanadkan cusub ugu soo galay, iyadoo ay dhexda kaga jiraan xaaladdii ugu adkeyd.
Masar iyo Ingiriiska oo wadahadallo ka yeeshay arrimaha Gaza, Syria iyo Sudan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badar Abdelatty iyo la taliyaha amniga qaranka UK Jonathan Powell ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay wadahadal ku aadan xaaladaha iyohorumarinta Gaza, Suuriya iyo Suudaan.
Kulankii dhinacyadaasi ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Masar iyo UK,iyadoo halkaasi la isku weydaarsaday aragtiyo ku aaddan arrimaha gobolka iyo caalamka.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Masar iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay xal u helidda arrimaha cakiran ee ka jira Gaza,Suuriya iyo Suudaan.
Si gaar ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badar Abdelatty oo soo saaray bayaan ayaa sheegay in Masar ay daneyneyso baahida loo qabo xabbadjoojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza iyo in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo halkaasi.
Dhanka arrinta Suuriya wasiirka ayaa qiray taageerada Masaray u heyso Suuriya haddeey ahaan laheyd xasiloonida dalka, ilaalinta hay’adaha qaranka, iyo ixtiraamka midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalkaasi.
Bayaankaasi ayaa ugu dambeyntii ku baaqay qodobbo ay kamid yihiin xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Suudaan, in la dedejiyo gargaarka bani’aadanimo iyo in la taageero hay’adaha dawliga ah ee qaranka.
Midowga Afrika oo ku dhawaaqay in howlgalka AUSSOM uu si rasmi ah ula wareegay shaqadii ATMIS
Wakiilka Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa ku dhawaaqay in howlgalka AUSSOM uu si rasmi ah xilka ugala wareegay ATMIS, isagoo sheegay in howlgalkan uu xoogga saarayo nabadda iyo xasilinta Soomaaliya.
Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa tilmaamay in howlgalka cusub uu ku saleysan yahay qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo go'aannada Midowga Afrika, isagoo sheegay inuu ka shaqeynayo hawlgallada amni ee dalka.
Danjiraha ayaa ammaan u jeediyay ciidamada ATMIS, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray dadaallada nabadeynta iyo dib-u-dhiska dalka.
Danjiraha ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Soomaaliya guulaha nabadda, amniga, iyo horumarka, isagoo xusay in sannadka 2024 uu ahaa mid taariikhi ah.
Souef ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in ay sii wadaan wadajirka iyo iskaashiga si loo gaaro yoolka ah nabad waarta, horumar joogto ah, iyo midnimo qaran.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 4-1-25
....