halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 5-1-25

0
Sunday January 05, 2025 - 09:44:50 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 5-1-25

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo kormeer shaqo ku tegay xarunta Hantidhowrka Guud ee Qaranka

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tegay xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo hormuud u ah taabbagelinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanta si loo hormariyo adeegyada dadweynaha xukuumadda u hayso, loona dhaqangeliyo maamul-wanaagga iyo hufnaanta oo mudnaan gaar ah u leh xukuumadda DanQaran.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa xarunta ku soo dhoweeyay Hantidhowraha Guud Axmed Ciise Guutaale iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo uga warbixiya dib-u-habeynta sharciyadda, istiraatiijiyadda, iyo qorshayaasha Xafiiska, iyo horumarinta hannaanka baarista si uu u la jaanqaado nidaamyada caalamiga ah ee hantidhawrista.

Qorshaha Isbeddelka Qaran ayaa ahmiyad siinaya dib-u-habenta laamaha dawladda si adeegyada dadwenuhu helaan u noqdaan kuwo ka tarjumaya himilada dadka Somaliyed.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ka hor caddeysay Mowqifkeeda Qaddiyadda Falastiin

Ka dib markii khamiistii la soo dhaafay si rasmi ah Soomaaliya ugu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana mid noqotay kana mid noqotay 15-ka xubnood ee aan joogtada ahayn ee Golaha ayaa habeen hore waxaa la qabtay shirkii koowaad ee golahaas.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 54-sanno ka dib ka qeyb gashay shirka, iyadoo uu matalayay ergayga Soomaaliya ee UN-ka u fadhiya Danjire Abuukar Cusmaan Baalle, wuxuuna shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Ergayga ayaa shirka la tegay mowqifka Soomaaliya ee qaddiyadda Falastiin iyo tacaddiga Israel u geysaneyso dadka rayidka ah.

Mr. Abuukar Baalle ayaa golaha ammaanka ka hor sheegay in Soomaaliya si dhow ula socoto xaaladda Bariga Dhexe gaar ahaan dhulka Falastiin ee Yuhuuddu ay haysato.

” Mudane madaxweyne, Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda Xaaladda Qasa ee suu xumaaneysa iyo dhibaatada joogtada ah ee dadka Falastiin ku hayso colaadda daba dheeraatay ee ay wadaan Israel iyo xullafadeeda, waxayna ku boorineynaa Israel in ay madax u noqoto baaqa xooggan ee caalamka iyo in ay ogolaato gargaarka shacabka dhiban u socda,”.

Danjire Abuukar Baalle oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Dadka rayidka ah ee u badan haween iyo carruur waxay wajahaan arrimo caafimaad oo aad u daran oo ay ka mid yihiin cunto yiri iyo nafaqo daro ba’an oo soo food saartay, xaaladdaas in si deg deg ah looga feejignaado,”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta ay kursigani ku fadhiso waxaa laga doonayaa in ay xoogga saarto nabadeynta Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay maamulka cusub ee Syria

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo wareysi siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhoweeyneeyso isbadalka ka dhacay dalka Syria iyo maamulka cusub waxaana uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay in goor dhow safxad cusub u furmi doono xiriirka Soomaaliya iyo Syria.

"Arrintaasi waanu ku gudo jirnaa warqad aanu u dirnay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Suuriya, waxaanu rajaynayna in aanu kulan saaxiibtinimo la yeelano, Waxaan aaminsanahay in isbedelka ka dhacaya Suuriya uu u sahli doono malaayiin dadkeeda ah inay ku noqdaan dalkooda oo ay ku noolaadaan xorriyad iyo ammaan." ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed ay ixtiraam u hayaan Suuriya iyo dadkeeda.

"Waa dalka kaliya ee Carbeed ee aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliga kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, oo xitaa ogolaaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay galaan, Safaarada Soomaaliya ee Dimishiq waligeed ma xirmin xattaa xiliyadii dhawaanahan ay xiisadi ka taagneyd, waxaana dhawaan booqan doonaa Dimishiq." ayuu yiri Fiqi Wareysiga uu siiyay Al Jazeera.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in uu aaminsanahay in hogaamiyaha maamulka cusub ee Suuriya Axmed Al-Sharaca uu si wanaagsan u maareynayo arrimaha siyaasada, kana shaqeynayo ilaalinta midnimada shacabka Suuriya.

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka e (SoDMA) oo dadaal xoogan ku bixineysa yareynta saameynta taban ee ka dhalatay abaarta La-nina ee ku dhifatay dalka, ayaa gargaar ban’adanimo oo isugu jira nuucyada kala duwan ee raashinka gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool.

Deeqdaan oo loogu tala-galay ku dhawaad 20,000 oo qoys, oo ah dadka nugl ee ku dhaqan gudaha magaalada iyo degaannada ku hareereysan ayaa lagu wareejiyay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay garab istaagaan bulshada jilicsan ee abaaruhu saameeyeen, isagoo si weyn ugu mahad-celiyay Dowladda Shiinaha oo dalka keentay gargaarka shalay gaaray magaalada Laasacaanood.

Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga oo gaaray Degmada Wisil ee Gobolka Mudug

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaaliyeed Col. mohamed Dhagawayne ayaa Wisil u tagay u kuurgelidda xaaladda ciidanka Xoogga Dalka iyo darawishta Galmudug ee ku sugan degmada Wisil

Taliyaha ayaa kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada Xoogga, kuwa Daraawiishta iyo madaxda Deegaanka, isagoo ku ammaaney doorkooda ku aadan ciribtirka al-shabaab.

Maxaa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay?

Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Afyare oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaas.

Agaasime Afyare ayaa sheegay in tallaabada ugu horeyso Soomaaliya laga doonayo in ay tahay qeyb ka noqoshada nabadeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika oo aan ku naalno iyo in laga shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya quseeyo.

” Waxaa looga baahan yahay nabadeynta inaan qeyb ka noqono, waxaa nalooga baahan yahay Geeska Afrika oo ku naalno nabadeyntiisa iyo xasilloonidiisa qeyb inaan ka noqono, tan kale oo nalooga baahan yahay waxay tahay waxa Soomaaliya quseeya gaar ahaan agendaha Soomaaliya quseeya inaan riixno oo aan bar dhamaadka (furintiga) geyno.

Sidoo kale, Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jibriil Afyare, ayaa hadalkiisa intaas ku daray in waxyaabaha kale ee Soomaaliya laga doonayo muddada labada sanno ee kursiga ku fadhiso in ay tahay in dadaal xooggan la geliyo sidii dalka looga ciribtiri lahaa argagixisada, iyadoo la kaashanayo taageerada beesha caalamka iyo sidii looga bixi lahaa Chapter 7, oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn muhiimadda ay leedahay in marxaladdaas laga gudbo.

” Waxaa ka mid ah argagixisada sida hadda madaxweynaha sheegay, midda kale aan kuu sheegayo waxay tahay Soomaaliya waxay ku jjirtaa chapter 7, dadka badanaa may be in aysan ku baraarugsaneyn, Chapter 7-kaas maxaa uga bixi karnaa?, waxaa uga bixi karnaa inaan labadaas sanno aan ka shaqeyno sababihii kaga bixi lahayn chapter 7-kaas oo ah in xasilloonida, mideynta ummadda Soomaaliya, wanaagga ka socda Soomaaliya iyo wejiga Soomaaliya ay leedahay markaan gudaheenna iyo dhexdeenna ku jirno unbaa dibadda la tegi doonaa,”.

Ugu dambeyn, Agaasime Jabriil Afyare ayaa hoosta ka xariiqay in muddada labada ee Soomaaliya ku fadhiso kursiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib, Soomaaliya noqon doonto, Soomaaliya sareysa, sumcad leh, diblomaasiyadda oo kor u kacda iyo in Somaaliya loo qoro nabadeynta iyo xasilloonida iyo in ay kaalin weyn qaadatay wax ka qabashada goobaha dhibaatada ka jirto.

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Xudur

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ayaa howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay al-shabaab waxa ay ka sameyeen degaanno hoostaga Degmada xudur ee Gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa lagu fuliyay tuulooyinka kala ah Banjinaay, aboore ilaa teed oo udhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Ceel-berde, waxana howlgalka hoggaaminaya

Taliye Ku-xigeenka Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Dhamme Cilmi Aadan Isxaaq, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ururka 96-aad ee Guutada 9-aad Dhamme Dhaahir Maxamed.

Ra'iisul Wasaarihi hore Cumar Cabdirashid oo ku baaqay in Dowlad Goboleedyada laga taageero Dagaalka Argagixisada

Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ugu baaqay Dowladda Federalka Soomaaliya in ay xoojiso taageerada ay siiso dhamaan Dowlad Goboleedyada dalka dhinaca la dagaalanka argagixisada.

Barta uu ku leeyahay X ayuu kusoo qoray Cumar Cabdirashiid "Dowladda federaalku waa inay u muujisaa taageero siyaasadeed iyo mid amni oo ku wajahan dhammaan Maamul Goboleedyada si meesha looga saaro khataraha argagixisada ka hor inta uusan dhammaan 2025".

Hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo Afar maalmood ka dib markii ciidamada ammaanka Puntland ay fashiliyeen weerar ay soo qaadeen Daacish, oo ay ku cirib tireen 12 dagaalyahan oo Ajaanib ah oo aysan wali Dowladda Federaalka Soomaaliya weli bogaadinin ama taageerin dadaalka Puntland.

Ka aamusnaanta Dowladda Federaalka dagaalkii Puntlanad iyo Daacish waxay hoosta ka xariiqday khilaafka siyaasadeed ee daba dheeraaday ee u dhexeeya Puntland iyo dawladda, kaas oo soo jiray ilaa December 2022, kaas oo ka dhashay wax ka beddelka dastuurka.

Dadka dhaliila Siyaasadda dowladda Federaalka ayaa ku doodaya aamusnaanta Dowladda in ay meesha ka saarayso kalsoonida shacabka, isla markaana ay walaac xooggan ka abuurayso qorshaha Dowladda ee la dagaalanka argagixisada.

Shil sababay dhimashada sadax ruux oo ka dhacay duuleedka magaalada Muqdisho

Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux ayaa ku geeriyootay shil gaari oo Habeen hore ka dhacay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo deegaanka Jasiira.

Gaari shilka galay oo ahaa nooca raaxada ah ayaa waxaa ku dhintay dhamaan dadkii saarna oo ka koobna sadax ruux oo kala ahaa laba gabdhood iyo darawalkii gaariga waday oo la sheegay inuu ahaa askari ka tirsana ciidanka dowladda Fedaraalka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shilka gaariga uu dhacay, iyadoo gaariga uu ku socday Xawaare sare taasoo keentay inuu jidka ka baxo gaariga oo uu guud ahaantiisa burburo.

Goobjoogayaasha waxay sidoo kale sheegeen in gaariga shilka galay uu tartan kula jiray gaari kale oo ay wateen rag kaloo dhalinyaro ahaa oo ka yimid deegaanka Jasiira ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Shilkaan khasaaraha dhimashada leh sababay ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalinta Jimcaha ah ay dadweyne badan u damaashad tagaan xeebta deegaanka Jasiira.

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Cadow Gureey ee gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo galinkii dambe ee Daraad dhexmaray ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan iyo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab, kaasoo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Buula burte.

Dagaalka si gaar ah uga dhacay deegaanka Cadow Gureey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Macawiisleeyda ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda oo isku aruursanaayay dhul howd ah oo ku yaala deegaanka Cadow Gureey, waxaana lasoo warinaya in dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah.

Sarkaal u hadlay ciidamada deegaanka ayaa sheegay iney buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanadii ay isku aruursanayeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale khasaare xoogan ay gaarsiiyeen.

Ugu dambeyntii xubnaha kooxda Al-shabaab ayaa inta badan kasoo talaabo wabiga Shabeelle, maadama inta badan deegaanada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan ee dhaca Bariga gobolkaas horay looga xureeyay kooxda.

Qaramada Midoobay oo sheegtay inay kor u kaceen weerarada iyo beegsiga shaqaalaha gargaarka ee ku sugan Soomaaliya

Hay'adda gargaarka Qaramada Midobay ayaa walaac ka muujisay weerarada lala begsanayo shaqaalaha gargaarka ah ee sahayda bani'adanimo keena Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (OCHA) ayaa sheegay in wadar ahaan 62 dhacdo oo beegsi ah ay ka dhaceen dalka oo dhan intii u dhaxeysay bilihii Oktoobar iyo Disembar 2024, taasoo ka tarjumaysa koroka 8.8 boqolkiiba marka loo eego rubucii saddexaad ee sannadkii tagay ee 2024.

"Rabshadaha ka dhanka ah shaqaalaha, hantida, iyo xarumaha bini'aadantinimada ayaa ahaa kuwo si joogto ah u sarreeya, taasoo muujineysa khataraha joogtada ah ee shaqaalaha gargaarka iyo agabka," ayay OCHA ku tiri warbixinteeda bini'aadantinimo ee la sii daayay.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada howlgallada ciidamada iyo colaadaha socda ee carqaladaynayaan hawlaha bani'aadanimo ee Soomaaliya.

Sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee gargaarka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan rayidka iyo shaqaalaha ka howlgala deegaanada ay colaaduhu ka jiraan ee dalka.

Somaliland oo Sheegtay In Dowlada Soomaaliya Ay Carqaladaynayso Dhoofka Xoolaha

Xukuumada Somaliland ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay farogalin ku hayso xoolaha ka dhoofa Dekeda Berbera, isla markaana ay doonayso in cashuurta xoolaha kasoo xoroota lagu shubo Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shucayb Maxamed, oo la hadlayay qaybo kamid ah ganacsatada xoolaha, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku lug leedahay farogalin lagu hayo dhoofka xoolaha Berbera.

"Baryahanba waxa socday dowladda Soomaaliya in ay carqalad ku hayso xoolaheenna, Xasan Sheekh wuxuu sameeyay in uu yidhaa nin Carab ah ayaan warqad siinayaa oo aan u xidhayaa xoolihii Berbera ka dhoofayay, halkani waa Somaliland Xasan Sheekh-na kama taliyo" ayuu Yidhi Wasiir Cumar Shucayb.

Waxa uu sheegay in ninka Carabka ah ee Dowladda Soomaaliya ay u xidhay dhoofka xoolaha, la gula heshiiyay in Cashuurta uu Muqdisho ku shubo, sidaa darteena ay muddo 4 cisho ah hakiyeen dhoofkii xoolaha Somaliland, si ay u tusaan in amarka Madaxweyne Xasan Sheekh aanu Berbera ka dhaqangali karin.

Waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland ay doonayso in ay casriyayso nidaamka dhoofka xoolaha, iyada maxjarada Berbera lagu soo kordhin doono qalab fududayndoona rarka iyo dajinta xoolaha.

Sannadkasta waxa Dekedda Berbera ka dhoofa malaayiin neef oo is kugu jira geel, adhi iyo lo'a.

Suuriya oo dooneysa in ay iskaashi la yeelato Imaaraadka, Qatar iyo Urdun

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaibaani, ayaa ku dhawaqay inuu booqan doono dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Urdun, isagoo dhawaan safarkiisii ​​ugu horreeyay ee dibadda ah dhowaan ku tagay dalka Sucuudiga.

Wasiirka ayaa bartiisa bulshada ku sheegay in uu booqan doono saddexda waddan toddobaadkaan si loo taageero xasilloonida, amniga, soo kabashada dhaqaalaha iyo dhisidda iskaashi ay la yeeshaan dalalkaasi.

Xukuumadda cusub ayaa u hanqal taageysa inay maal-gashi ka helaan waddamada Khaliijka ee hodanka ah si ay gacan uga geystaan ​​dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqaalahaoo ku burburay dagaaladii ka jiray dalkaasi muddo toban sano ah.

Sacuudi Carabiya oo todobaadkii hore uu booqdy wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa durba u muuqata mid door weyn ka qaadaneysa dib u soo nooleynta dalkaasi,gaar ahaan arrimaha bini;aadanimada iyo dib u dhiska dalka.

Taliska UNIFIL oo Ciidamada Israel ku eedeeyay xadgudub bareer ah

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Hawlgalka UNIFIL ee ka hawlgala dalka Lubnaan ayaa xalay Ciidamada Israel ku eedeeyay inay burburiyeen foosto buluug ah, oo calaamadeynaysa xadka ay la wadaagto Lubnaan iyo sidoo kale daar kormeer ah oo Ciidamada Lubnaan ay leeyihiin oo u dhow mid ka mid ah goobaha kormeereyaasha Qaramada Midoobey.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Labbouneh oo ku yaala aagga khadka buluugga ee kala qaybiya labada dal, isla-markaana xiga dhinaca Lubnaan, halkaasoo ay degan yihiin Ciidamada Qaramada Midoobey.

"Shalay Ciidanka Nabad Ilaalintu waxay arkeen cagaf-cagaf ay leeyihiin Ciidanka Difaaca Israel oo burburineysa foosto buluug oo calaamad u ah khadka ka bixitaanka Lubnaan iyo Israel ee Labbouneh iyo sidoo kale munaarad kormeer ah oo ay leeyihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Lubnaan, isla-markaana u dhow dhinaca UNIFIL.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska UNIFIL.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Burburinta tooska ah ee Ciidanka Difaaca Israel ee foostada buluugga ah iyo kaabeyaasha Ciidamada Lubnaan ay yihiin xadgudub qaawan oo lagu sameeyay qaraarka 1701 iyo sharciga caalamiga ah.”

Qaraarka 1701 ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo la ansixiyay bartamihii sanadkii 2006 ayaa taageeraya nabadda Lubnaan & Israel iyo shuruudaha kale ee lagama maarmaanka u ah nabadgelyada waarta ee shacabka labada dal. Qaraarkan ayaa sidoo kale adkeynaya in laga fogaado waxyaabaha abuuraya isku dhacyada labada dhinac.

Taliska UNIFIL ayaa dhinacyada ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta, oo ay ku jiraan burburinta hantida rayidka iyo kaabeyaasha, kuwaas oo khatar ku ah in la joojiyo dagaalka Israel iyo Xisbullah.

"Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan fal kasta, oo ay ku jiraan burburinta hantida rayidka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, taasoo khatar gelin karta joojinta dagaalka.” Ayaa lagu yiri qoraalka UNIFIL.

Israel iyo Xisbullah ayaa 27-kii bishii November ku heshiiyay xabad joojin soconeysa 60 maalmood, oo haddii aan la carqaladeyn ay xabad joojintu sidaasi ku soconeyso.

Militariga Israel ayaan si dhakhsa ah uga jawaabin eedeyntan uga timid Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee degan dhulka xuduudda ee labada dal.

Xoogaga UNIFIL oo ka hawlgala koonfurta Lubnaan ayuu waajib ka saaran yahay xaqiijinta iyo dhaqangelinta ee heshiiska nabadda labada dal ee soo bilowday, wixii ka dambeeyay dagaalkii Xisbullah iyo Israel dhex maray sanadkii 2006.

Taliska Hawlgalka UNIFIL ayaa xaaladaha ay ciidamadoodu la kulmaan uga warbixiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, si loo aqoonsado cidda wiiqeysa nabadda labada dal.

Raysal Wasaaraha Israel oo la hadlay waalidiinta Liri Albag

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay qoyska Liri Albag, ka dib markii Xamaas ay soo bandhigtay muuqaal muujinaya in gabadhaasi ay nooshahay.

Raysal Wasaaraha ayaa la xiriiray waalidiinta gabadhaasi, isagoona u sheegay in uu ka damqaday dhibaatada lagu hayo.

"Raysal Wasaaraha ayaa qoyska u sheegay in uu ka damqaday dhibaatada lagu hayo Liri iyo dhammaan la haysteyaasha kale.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Warsaxaafadeed ayaa lagu yiri "Raysal Wasaaruhu wuxuu u sheegay in Israel ay sii wadeyso inay ka shaqeyso, sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen Liri iyo dhammaan dadka kale ee la haysteyaasha ah.”

Netanyahu ayaa qoyska u xaqiijiyay in hadda ay socdaan dadaalada maxaabiista dib loogu soo celinayo guryahooda.

Liri Albag ayaa ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza, waxayna ka soo hareen la haysteyaashii lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii ee 2023.

Maxaabiista qaarkood ayaa lagu sii daayay heshiis maxaabiis is dhaafsi oo Israel iyo Xamaas dhex maray daba-yaaqadii bishii November ee sanadkaasi.

Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam ayaa soo bandhigay fiidiyow ay ka soo muuqatay Liri Albag oo mid cusub ah, waana xilli muddooyinkan la tuhunsanaa in ay ka mid tahay maxaabiista sida khaldan ugu dhintay duqaymaha ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Nolosheeda ayaa waxaa si weyn ugu farxay qoyskeeda iyo Guddiga Qoysaska Maxaabiista, iyadoona guddigu uu sheegay in nolosha gabadhaasi ay rajo badan gelisay.

Guddiga ayaa shacabka Israel ugu baaqay in ay ka qayb qaataan mudaaharaad weyn oo haatan ka socdo Magaalooyinka Israel, oo xukuumadda looga dalbanayo in ay ogolaato hindisaha maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas.

Wararkii ugu dambeeyay weerarada cadowtinimada ee Israel ka waddo Gaza

Dad badan oo rayid ah ayaa ku dhintay, kuna dhaawacmay duqaymo xiriir ah oo Israel ay shalay ka gaysatay Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay Jabalia, Al-Tuffah, Ariba, Rafah iyo Al-Barbari oo ku kala yaala waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta Marinka Gaza.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in Israel ay Sabtidan oo keliya Gaza ku dishay 41 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacday.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeyaa in mar kasta oo guuldarro ay kala kulmaan furimaha hore ay gaystan duqaymo ay ku waxyeeleynayaan shacabka aan waxba galabsan.

Weerarada xagga cirka ayay waxyeelada ugu badan ka soo gaartaa dadka rayidka ah, iyadoona uu ujeedku yahay in cadaadis lagu saaro Xamaas, si ay xoogageeda isu soo dhiibaan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in duqaymaha aan kala sooca lahayn ee Israel ay illaa iyo hadda ku dhinteen 45,717 qof, 108,856 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dumarka iyo carruurta reer Gaza ay yihiin dhibaneyaasha ugu badan ee dagaalka Israel.

Dhanka kale xaalad argagax leh ayaa laga soo sheegaya waqooyiga Gaza, halkaas oo bishii saddexaad ay Ciidamada Israel ka wadaan hawlgal aan horey noociisa loo arag.

Ciidanka Difaaca Israel ayaa lagu eedeeyay in ay xaalad ciriiri ah geliyeen dadka rayidka ah ee halkaasi ku nool, iyagona isku dayaya in ay ka sifeeyaan.

Xaaladda ugu daran ee bani’aadantinimo ayaa laga soo sheegaya xerada qaxootiga Jabalia, oo ah xerada ugu weyn ee sideedda xero qaxooti ee ku yaala Marinka Gaza.

Jabalia oo dadka ugu badan ay ku sugan yihiin ayaa ah goobta ugu badan ee xagga cirka iyo dhulkaba laga weerarayo, mana jiro baa la leeyahay gargaar la geeyay muddada uu hawlgalkan socdo.

Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegay inaysan wax gargaar ah gaarsiin karin qaybaha waqooyi, sababtu tahay go’doominta adag ee Ciidamada Israel iyo inay hortaagan yihiin kolonyada gargaarka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in aanu wax isbitaal ah ka jirin dhulkaasi, dadka ku dhaawacmayana weerarada Israel aysan jirin meel lagu daweeyo.

Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay fulinayaan qorsheyaasha ay dejiyen janaraladoda ee Falastiiniyiinta lagaga rarayo waqooyiga Gaza.

Jabalia ayaa muuqaalada laga soo qaaday laga arki karay inay tahay meel aad u baaba’san oo aan lagu noolaan karin, hadana ay shacabku ku adkeysa-nayaan inay guryahooda sii joogaan, si inta hartay aan looga qaadan.

Xamaas oo rajo gelisay shacabka Israel, ka dib soo bandhigistii Liri Albag

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa shalay baahiyay muuqaal muujinaya in ay nooshahay Liri Albag oo ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Gabadhan oo 19 jir ah, kana tirsan Ciidanka Difaaca Israel ayaa ka mid ahayd la haysteyaashii Israeliyiinta ee kooxaha wax iska caabinta Falastiin ku soo qafaasheen weerarkii Xamaas hoggaamineysay ee 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 lagu qaaday dhulka ay Israel maamusho.

Israel ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore ee 2024 sheegtay in 101 maxbuus ay ku hareen gacanta Xamaas, kuwaa oo sida ay sheegtay saddex meelood oo meel ay rumeysan tahay inay dhinteen. Gabadha muuqaalkeeda la baahiyay waxaa lagu tirinayay maxaabiista ku dhimatay duqaymaha Israel ka waddo Marinka Gaza.

Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam ayaa baahiyay muuqaalka Liri Albag, oo dib u xoojiyay qorshihii ay muddooyinkan shacabka Israel u ololeynayeen ee ku saabsanaa in wada hadal nabadeed lala galo Xamaas, si la haysteyaasha iyagoo nool ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Liri Albag ayaa muuqaalka oo soconaya saddex daqiiqo iyo bar ku sheegtay in la hayo in ka badan 450 maalmood, taasoo muujineysa in la duubay dhawaan.

Gabadhan ayaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku eedyeysay in xukuumaddiisa aysan wax dan ah ka lahayn nolosha, iyada iyo dadka kale ee la xiran.

Guddiga Qoysaska Maxaabiista ayaa sheegay in ay rajo badan gelisay nolosha gabadhaasi, waxayna shacabka ugu baaqeen in xalay ay isugu soo baxaan mudaaharaad weyn oo dowladda looga dalbanayo inay dardargeliso hindisaha maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.

Magaalooyinka Israel ayaa waxaa muddooyinkanba ka socday bananbax lagu cadaadinayo dowladda, si ay u ogolaato heshiis lagu soo celinayo maxabiista lagaga hesto Marinka Gaza.

Xamaas ayaa diyaar u ah inay sii deyso maxaabiista Israel, haddii Tel Aviv ay aqbasho xabad joojin waarta oo laga dhaqangeliyo Gaza, dib-u-dhiskeeda, in dadku ay si caada ah ugu laabtaan guryahoodii laga soo barakaciyay iyo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeda.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa lagu eedeeyay in uu xagal-daacinayo wada hadalada labada dhinac ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda Gaza.

Wasiirada mayalka adag ee ka tirsan xukuumadda wadaagga ah ee Netanyahu uu hoggaamiyo ayaa la sheegaa in gebi ahaanba ay ka soo horjeedaan in ciidamada laga soo saaro Gaza, haddii kalena ay ka bixi doonaan xukuumadda.

Netanyahu ayaa ka cararaya in xukuumaddiisu ay burburto, si aysan u burburina uu u carqaladeynayo wada hadalada, isagoo marba miiska la imanaya shuruudo cusub oo Xamaas aan u cuntami karin.

Mareykanka oo 28 Milyan u qorsheeyey wax ka qabashada Arrimaha Bi’niaadinimmo ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkan 28 Milyan u qorshsheysay labo mashruuc oo lagu xoojin doono adkeysiga sugnaanta cuntada Somalia, kaas oo socon muddo shan sano ah, sida uu sheegay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley.

"Shanta sano ee soo socota, barnaamijyadan Bi’niaadinimmo waxa ay caawin doonaan in ka badan 80,000 qoys oo Soomaali, kuwaas oo ka shaqeyn doono dhisidda hab-nololeed waara, kobcin dhaqaale, iyo kordhinta kaydkooda iyo hantidooda.” ayuu yiri Richard H. Riley.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageero dhinacyada Amniga iyo Arrimaha bani’adanimada, isago malaayiin dollar ka cafiyey dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip