Halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 30-12-24
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda Gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada Labada shacab.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya shalay ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), haatanna uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSSOM), qorshuhuna uu yahay in dhawaan ay si buuxda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah oo booqday Xarunta Guud ee Hay’adda NIRA
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtoyada Soomaalia, Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf, ayaa shalay booqasho gaar ah ku tagay Xarunta Guud ee Hay’adda NIRA.
Wasiiru Dowladaha iyo Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Qaranka ayaa warbixin la xiriirta shaqada Hay’adda ka dhegaystay Maareeyaha hay’adda NIRA mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) iyo hawl-wadeennada kala duwan ee NIRA.
Mas’uliyiinta ayaa booqday Goobta Mashiinnada Daabacaadda Kaarka Aqonsiga ee Lafta ah, Waaxda Teknaloojiyadda iyo Nidaamyada, iyo Xarunta Kaydka Xogta ee NIRA.
Wasiirka Amniga oo baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Cismaan (Fartaag), ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka. Wasiirka ayaa ku boorriyey dhinacyada isku haya colaadaha in ay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay doorbidaan nabadda iyo wada hadalka.
Jeneraal Fartaag ayaa sheegay in dagaallada sokeeye ay dib u dhac ku keenayaan horumarka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu ugu baaqay waxgaradka, culimada, iyo odayaasha dhaqanka in ay ku dhaqaaqaan dedaallo lagu xallinayo khilaafaadka, laguna dhiirri-gelinayo dib-u-heshiisiin dhab ah.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay sidii nabad waarta looga dhalin lahaa dalka, isagoo xusay in Wasaaradda Amniga ay ku howlan tahay qorshayaal lagu taageerayo heshiisiinta iyo ilaalinta amniga. Waxa uu ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa colaadaha si bulshada Soomaaliyeed ay ugu wada noolaadaan nabad iyo walaaltinimo.
Wadatashi ku saabsan Diyaarinta Qorshe Howleedka 2025 ee Hay’adaha Dowladda oo ka furmay Muqdisho
Wasaarada Qorshenta, Malgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa shalay ku qabatay xarunta dhexe shir wadatashi ah oo lagu diyaarinayo Qorshe Howledka Sanadlaha ee 2025 ee Hay’adaha Dowlada Federalka.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire, oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda qorshahan uu u leeyahay isku-dubbaridka hawlaha hay’adaha dowladda si loo gaaro yoolalka istiraatiijiga ah ee qaranka.
Mudane Sayid A. Cabdillaahi, oo ka tirsan Waaxda Qorsheynta, ayaa soo bandhigay qabyo-qoraalka Qorshaha Howleedka 2025. Waxa uu faahfaahin ka bixiyay howlaha muhiimka ah ee la qorsheeyay, jadwalka shaqo, iyo natiijooyinka la filayo, isagoo adkeeyay muhiimada fulinta qorshaha si waafaqsan yoolalka qaranka.
Mudane Cabdullaahi Duqow, oo ka socda Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan guulihii la gaaray Qiimeynta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka sannadkii 2024. Waxa uu ka hadlay casharrada laga bartay iyo sida guulahaasi saldhig ugu noqon karaan qorshaha cusub ee 2025.
Intii uu shirku socday, dood furan ayaa lagu falanqeeyay talooyin muhiim ah oo ku saabsan horumarinta qorshaha. Wakiillada hay’adaha dowladda ayaa diiradda saaray arrimaha xoojinta iskaashiga hay’adaha, hagaajinta nidaamyada kormeerka iyo qiimeynta, iyo sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan oo lagu hirgeliyo qorshaha.
Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Mudane Muse Maxamed, ayaa uga mahadceliyay ka qaybgalayaasha dadaalkooda iyo talooyinka wax ku oolka ah ee ay soo bandhigeen. Waxa uu hoosta ka xariiqay sida Wasaaradda uga go’an tahay hirgelinta qorshe wax ku ool ah oo waafaqsan baahiyaha dalka iyo yoolalka qaranka.
Taliyaha Ciidanka Boliiska oo kormeer Shaqo ku tagay xarunta ay ku howlgalaan Hoggaanka Gaadiidka
Taliyaha Ciidanka Boliiska Sooma-aliyeed Sareeye Guuto Asad Cisman Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Gadiidka oo xarumo ay ku howlgalan u ah Hoganka Gadiidka, Ciidanka Miino baarka iyo Guutada ilalada Madaxda ee Boliiska katirsan.
Xarumaha uu kormeerka ku sameeyey Taliyuhu ayuu u kuur galay xaaladooda shaqo waxaana uu Warbixino dhameytiran ka dhageystay saraakiisha hogaanka u haya xarumahaa oo muhiimad gaar ah u leh Ciidanka Boliiska Somaliyed.
Kormeeradan shaqo ee Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku tagayo xarumaha ay ku howlgalaan Ciidanka Boliisku ayaa salka ku haya u kuur gelidda xaaladda shaqo iyo la xisaabtanka saraakiisha hogaanka u haysa shaqooyinka loo idmaday.
Hay’adda SoDMA oo gargaar loogu tala galay in ka badan 13,000 oo qoys u dirtay Galmudug
Roobabki Dayrta ee la filayay in ay da’aan bilihii Sebtembar, Oktoobar iyo Nofembar oo baaqday ayaa sababay abaar saamesay inta badan gobolada dalka oo hore ula daalaa-dhacayay dhibaatooyinka ka dhasha dhacdo-oyinka cimilo ee soo laalaabtay.
Degaannada Galmudug, gaar ahaan Gobolka Galgaduud, wuxuu qeyb ka yahay goobaha ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, halkaas oo kumannaan shacab nugul ah ay ku wajahayaan nolol adag oo u baahan jawaab aan daah lahayn.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka jawaabeysa baahida bulsho ee guud ahaan gobolka iyo goobaha laga xoreeyay argagaxisada ayaa diyaarisay gargaar bani’aadannimo kaas oo 25 gaari oo xamuul ah maalmaha soo aaddan looga qaadi doono keydadka hay’adda ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa gargaarkaan oo loogu tala-galay in ka badan 13,000 oo qoys ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Galmudug oo ay wehliyaan wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug.
Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa Dowladaha Shiinaha iyo Turkiga kaga mahad-celiyay deeqdaan oo ay ugu tala-galeen in Dowladda Soomaaliya gaarsiiso dadka nugul, isagoo madaxda iyo shacabka Galgaduud ugu baaqay in gargaarkaan bani’aadannimo wadajir loogu hubiyo gacmaha dadka duruufaha nololeed heystaan ee loogu tala-galay.
Machadka Diblomaasiyadda oo
Maamulka gobolka shabeellaha dhexe oo sheegay in gacanta lagu soo dhigay qaar ka mid ah raggii askarta laayay
Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka dowladda iyo kuwa Hirshabeelle oo is kaashanaya iney gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah maleeshiyaadkii dhawaan Ceel baraf ku dilay askarta.
Guddoomiye Maxamuud Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay labo ka mid ah maleeshiyaadkii dil wadareedka u geystay askarta ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka.
"Waxaan gacanta ku dhignay laba ka mid ah dadkii dilay askartii Qaranka oo lagu weeraray goob ay ku aruursanayeen, waxaana ku dabajirna inta hartay, waana la soo qaban doona sharciga ayaana la horgeynaya" ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur.
Wuxuu sidoo kale xusay gudoomiyaha in xabsiga loo taxaabay Daraad guddoomiyihii deegaanka Ceel baraf iyo Odayaal dhaqan oo ku eedeeysan inay ka gaabiyeen xil gudashadii looga baahnaa.
Guddooomiyaha Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo beesha ay kasoo jeedaan askartii lagu dilay Ceel baraf iney ka war sugaan dadaalada ay wadaan dowladda Fedaraalka iyo maamulka Hirshabeelle.
"Dadaalada way socdaan dowladda iyo Hirshabeelle kama jiifaan wax la qabashada dhacdadii foosha xumeyd, dadka Soomaaliyeed iyo beesha askarta la dilay waxaab u cadeynaya in falkaas uu yahay mid aannka wada xunahay sida uu u dhacay, ha is dajiyaan sharciga ayaa la horkeenaya dambiilayaasha oo hada qaar gacanta lagu haayo" ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Maxamed.
Ugu dambeyntii falkii ka dhacay deegaanka Ceel baraf ayaa noqday mid horseeday caro bulsho iyo gadood ciidan oo xoog leh, waxaana xusid mudan dowladda Federalka Soomaaliya ay wacad ku martay in 48 saacadood lagu soo qaban doono maleeshiyadii ka dambeysay dhacdadaas argagaxa laheyd.
qaatay dufcaddii ugu horreysay ee baranaysa Dibloomada Sare ee Diblomaasiyadda
Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababbarrada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa shalay qabtay imtixaanka tijaabada ah ee loogu talagalay xulashada dufcaddii ugu horreysay ee baranaysa Dibloomada Sare ee Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Caalamiga (Postgraduate Diploma – PGD).
Koorsadan muhiimka ah ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah uga bilaabato Machadka bisha Janaayo ee sannadka cusub.
Imtixaanka waxaa ka qeyb galay 30 arday, iyadoo la filayo in ardayda soo gudubta ay helaan fursad gaar ah oo ay ku bartaan xirfadaha diblomaas-iyadeed iyo xiriirka caalamiga ah.
176 ruux oo ku dhintay shil diyaarad oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed
Ugu yaraan 176 qof ayaa ku dhintay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Muan ee dalka Kuuriyada Konfured, sida ay sheegtay wakalada dabdamiska qaranka ee dalkasi.
Hay’adda Dab-damiska ayaa xaqiijisay in 176 qof ay dhinteen, laba qof oo shaqaala ahna la soo badbaadiyay,kadib markii la damiyay dab qabsaday diyaaraddasi oo ku burburtay wadada ay cagadhigtaan diyaaradaha ee Magaalada Muan.
Shilkaan ayaa yimid, iyadoo diyaaradda Jeju Air oo sidday 175 rakaab ah iyo lix shaqaale ah ay ka soo duushay caasimada Thailand ee Bangkok,waxayna ku burburtay garoonka caalamiga ah ee Muan oo qiyaastii 289km koonfur galbeed kaga beegan caasimada dalka Thailand.
Diyaaraddaasi rakaabka ah ayaa la sheegay in ay ku timid cillad,kadibna iyadoo bilaa taayirro ah ay ku soo degtay garoonka,sida laga soo xigtay Kooxo goobjoogayaal ah.
Burundi oo diiday ka qayb galka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
Burundi oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka nabad ilaalinta ah ee soo socda, sababo la xiriira is afgarad la’aan u dhexeysa Burundi iyo Soomaaliya oo ku aaddan tirada ciidamada loo ogolaanayo in la geeyo Soomaaliya.
Warkan ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray ergayga joogtada ah ee Burundi u jooga Midowga Afrika (AU), H.E. Willy Nyamitwe.
Arrintaan ayaa salka ku haysa markii dowladda Burundi ay saluug ka muujisay tirada ciidamada Burundi ee ku biiri doonaan AUSSOM, iyadoo la sheegay inay ahaan doonaan tiro aad u yar marka loo eego tiradii horey uga joogtay Soomaaliya.
Inkastoo ay wada hadleen labada dal, haddana waxay ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis is afgarad ah, taasoo keentay in Burundi ay isaga baxdo howlgalka.
Danjire Nyamitwe oo wadahadal qadka taleefonka ah la yeeshay guddoomiyaha Golaha Nabadada Midowga Afrika, ayaa muujiyay sida ay Burundi uga niyad jabsan tahay xaaladdan. Wuxuu sidoo kale ku celiyay sida ay Burundi uga go’an tahay inay taageerto xasilloonida gobolka iyadoo loo marayo siyaabo kale.
Go'aanka Burundi ayaa saameyn ku yeelan kara diyaargarowga howlgalka AUSSOM si ay u gudato waajibaadkeeda. Burundi ayaa haatan ka mid ah dalalka hormuudka ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Masar oo sheegay inay si dhow ula socdaan heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya
Madaxwenaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan heshiiska ay wada gaareen Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhex dhexaadinta Turkiga.
Madaxweyne Siisii ayaa rajo ka muujiyay in uu heshiiskaan ka qeyb qaadan doono xaqiijinta ammaanka iyo xasiloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Masar.
Waxa ay ku soo beegantay xilli uu al-Sisi talefoon ku qaabilay dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron.
Al-Sisi ayaa intaa ku daray in uu si dhow ula socdo heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhex dhexaadinta Turkiga.
Waxa uu sheegay in uu rajaynayo in heshiiskani uu ka qayb qaato xaqiijinta ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu noqdo mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
Madaxweynaha Masar ayaa carrabka ku adkeeyay xidhiidhka dhow ee ka dhexeeya ammaanka iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga qaranka Masar."
Waxa uu tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya u taageeri lahayd si loo gaaro amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Israel oo xirtay inkabadan 240 Falastiiniyiin ah
Ciidamada Isra’il ayaa la xaqiijiyay in ay xireen in ka badan 240 oo qof oo Falastiinyiin ah oo ay ku jiraan dhaqaatiirta, agaasimayaasha iyo howlwadeennada isbitaal ku yaalla waqooyiga Gaza, kaddib marki ay weerareen Jimcihii.
Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay badqabka Xusam Abu Safiya oo ah agaasimaha Isbitaalka Kamal Cudwan. Qaar ka mid ah shaqaalaha isbitaalka ay soo sii daayeen ciidamada Isra’il ayaa sheegay in ciidamada xiray agaasimaha Isbitaalka ay aad u garaaceen.
Milatariga Isra’il ayaa sheegay in isbitaalka ay Xamas u adeegsanayeen xarun ay ka duulaan. Waxay kaloo sheegeen in qaar ka mid ah dadka ay xireen ay uga shakisanyihiin in ay ka tirsan yihiin Xamas.
Xamas ayaa eedahaasy iska fogeysay isla markaana sheegtay in isbitaalka uusan joogin qof iyaga ka tirsan. War kasoo baxay Xamaas ayay Sabtidi ugu baaqeen Qaramada Midoobay iyo hey’adaha caalamiga ah in ay si deg deg ah u soo farageliyaan si loo ilaaliyo isbitaallada yar ee hadda shaqeeya ee ku yaalla waqooyiga Gaza.
Waxa ay Xuutiyiintu ka yiraahdeen duqayntii Israa'iil ee Sanca iyo qorshohooda xiga
Sarkaal u hadlay dhinaca siyaasadda ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in inkasta oo ay sii kordheen duqeymaha ay Israa'iil ka geysanayso Yemen, haddana ay kooxdu sii wadi doonto weerarada ay ku hayso Isra'iil, iyago garab taagan Falastiniyinta.
Mohammed al-Bukhaiti ayaa BBC u sheegay in Xuutiyiintu "ay sii wadi doonaan inay xoojiyaan weerarada ka dhanka ah bartilmaameedyada ciidamada Israel" ilaa laga joojinayo "xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta".
Maalintii Khamiista, diyaaradaha dagaalka Israel ayaa weeraray garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sanca iyo dekedaha iyo xarumaha korontada ee xeebta Badda Cas, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan afar qof.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in jawaabta laga bixinayo in ka badan hal sano oo gantaallo iyo weerarro diyaaradeed oo ay fuliyeen kooxda ay Iiraan taageerto ay hadda billaabatay.
Xuutiyiinta ayaa gantaal ku garaacay Israa'iil, gantaalkaas oo ay ciidamada Israa'iil sheegeen in la qabtay ka hor inta uusan dhulkaasi gaarin.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xiisadaha sii kordhaya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in weerarrada lagu qaaday garoonka diyaaradaha iyo dekedaha ay si gaar ah u khuseeyeen, isagoo ka digay in weerarradu ay "khatar weyn ku yihiin hawlaha bani'aadanimo" ee dalka ay colaaduhu aafeeyeen.
Xuutiyiinta, oo maamula waqooyi-galbeed ee Yemen, ayaa bilaabay inay weeraraan maraakiibta Israel iyo kuwa caalamiga ah wax yar ka dib dagaalka Gaza ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas kaas oo billowday bishii Oktoobar 2023.
Israa'iil ayaa afar jeer duqaymo xagga cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta tan iyo bishii Luulyo, taasoo jawaab u ahayd 400 oo gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo riday Yemen.
Mareykanka iyo UK ayaa duqeymo cirka ah ka billaabay dalka Yemen, kaddib weerarro ay kooxdu ku qaadday dhowr doomood oo ganacsi oo marayay koonfurta badda cas iyo gacanka Cadmeed.
Mohammed al-Bukhaiti, oo xubin ka ah xafiiska siyaasadda ee Xuutiyiinta, ayaa u sheegay barnaamijka 'Wararka Saacadda' ee BBC-da Jimcihii in ay dagaal toos ah la galayaan Mareykanka, UK iyo Israa'iil, oo ay u arkaan "qalab" sannado badan dagaalka sokeeye ee Yemen sii waday.
Hadalkan ayaa u muuqda mid uu ula jeedo xulafada Sucuudigu hoggaaminayo ee farageliyay sannadkii 2015-kii ee taageeraya dawladda Yemen markii ay Xuutiyiintu qabsadeen magaalada Sanca.
"Waxaa naga go'an inaan sii wadno ololaha militari ee aan ku taageerayno Gaza, mana joojin doono weeraradayada ilaa laga soo afjaro xasuuqa iyo go'doominta Gaza, waxaan sii xoojin doonaa weerarada aan ku qaadeyno bartilmaameedyada ciidamada Israel" ayuu yiri.
Israa'iil ayaa beenisay eedeymaha ah in ciidamadeedu ay xasuuq u geystaan Falastiiniyiinta ku nool Gaza.
Iyadoo Xuutiyiintu ay arkeen xulafadooda Xamaas iyo Xisbullah oo burbur xooggan soo gaaray 14-kii bilood ee lasoo dhaafay dagaalka ay kula jiraan Israa'iil, waxay sheegeen inaysan u baahnayn taageerada Iran.
"Xitaa haddii aan kali nahay, waxaan haysanaa taageero ciidan, dhaqaale iyo dadweyne oo nagu filan si aan dagaalkan ula galno," ayuu yiri.
Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in weerarada Xuutiyiinta ay sii kordhin doonaan marka uu xafiiska la wareego bisha soo socota, isagoo yiri "dagaalku wuu ka sii dari doonaa".
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay fiidnimadii Khamiista in dalkiisu "weeraray bartilmaamedyada ururka argagixisada ah ee Xuutiyiinta" waxa uu ugu yeeray "dagaal madax-furasho ah."
Afhayeenad u hadashay Qaramada Midoobay Stephanie Tremblay ayaa sheegtay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu "aad uga walaacsan yahay suurtagalnimada in gobolka ay kusii fiddo colaadda, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay joojiyaan tallaabada militari oo ay muujiyaan xakameynta ugu badan."
Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in duqeymahaasi ay la beegsadeen "kaabeyaasha ciidamada" ee garoonka caalamiga ah ee Sanca, xarumaha korontada ee Heziaz iyo Ras Qanatib, iyo dekedaha badda cas ee Xudeydah, Saliif iyo Raas Qanatib.
Afhayeen u hadlay ciidamada Xuuthiyiinta ayaa sheegay in duqeymaha cirka ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ah, ayna sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Si kastaba ha ahaatee, Yahya al-Sayyani, oo ah wasiirka gaadiidka dowladda Yemen ee Xuutiyiinta ay maamulaan, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay Jimcihii ku sheegay dhimashada afar qof.
Waxa ay intaa ku dareen in qeybo kala duwan oo ka mid ah Garoonka Sanca ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka, waxayna ku eedeeyeen Israel inay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah iyo xeerarka duulimaadyada.
Agaasimaha Guud ee Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom ayaa ku dhowaa in uu raaco diyaarad ay leedahay Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Bini'aadantinimada (UNHAS), markii ay duqeynta Israel dhacday.
Dr. Tedros ayaa sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay uu dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarka, waxaana loo duuliyay dalka Urdun kadib markii qaliin lagu sameeyay jimcihii isbitaal ku yaala dalkaasi.
"Weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo shaqaalaha bini'aadantinimada waa in ay joogsadaan meel walba," ayuu Dr. Tedros ku yiri fariin uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.
Xigasho BBC
Qaybta labaad ee taxanaha Squad Game ma niyad jab mase guul maxay khubarradu ka yiraahdeen?
Qaybtii labaad ee taxanaha Squid Game waxaa lagu sameeyay dib u eegis isku dhafan, iyadoo dhaleeceye yaashu ay ugu yeeraan "Niyad jab weyn."
The Guardian ayaa sheegay in ka dib "bilaw aad u gaabis ah" oo taxanaha ah, ay ugu dambeyntii isku beddesho " bandhig TV oo aan raaxo lahayn isla markaana dhiigyo cab ah."
The Times ayaa sidoo kale ku sifeeyay inay tahay "sheeko kala duwan oo aargoosi iyo madax furasho ah isla markaana dhinacyo badan leh."
Bandhiga asalka ah ee Netflix ee ugu caansan ayaa dib ugu soo laabtay shaashadaha maalin ka dib maalinta Boxing Day, isaga oo wata jilaagiisa ugu weyn Seong Ji-hoon, oo uu ku jilayay Lee Jung-jae, oo sidoo kale loo yaqaan Player 456, seddex sano ka dib markii uu ku guuleystay taxanaha qaybtiisii ugu horreysay.
Qaybtii ugu horreysay ee Filinkan Kuuriyada Koonfureed waxay daba socotay sheekada koox ka kooban 456 qof oo lagu lahaa dayn, iyagoo u dagaallamaya lacag caddaan ah oo aad u badan.
Qaybtan cusub, guuleystihii hore waxaa ku biiray boqolaal tartameyaal cusub ah, kuwaas oo uu isku dayayo inuu ku hago wadada badbaadada.
Laakiin qaybaha cusub ee taxanaha, geesigu wuxuu u muuqdaa "in uu go'aansaday inuu si sax ah uga aarguto ninka taajirka ah ee naqshadeeyay ciyaartan dilaaga ah," sida ay sheegtay Rebecca Nicholson oo ka tirsan The Guardian, oo ku qiimeysay taxanaha darajada saddexaad.
Nicholson ayaa sheegay in dhowrka qaybood ee ugu horreeya Game Squad ay u muuqdaan inay raacaan "hab dib u dhac ah, waa heer aad u qurux badan marka loo eego waxa aad ka filan karto taxanaha Squid Game."
Nicholson wuxuu aaminsan yahay in qaybta saddexaad ee taxanaha, oo loo qorsheeyay in la sii daayo 2025, "uu fiicnaado."
"In kasta oo waxyaabo aan dheellitirnayn aan aragnay, gaar ahaan marxaladaha hore ee taxanaha, waxaa jira nooc horumarineed oo u muuqda mid waxtar u leh dhacdooyinka, inkastoo aysan caddayn in ay si ku filan uga duwan tahay dhacdooyinka qaybtii hore," Nicholson ayaa qoray.
Waxa uu ahaa taxanaha iibinta ugu weyn ee Netflix, oo ay daawadeen 111 milyan macaamiil 28-kii maalmood ee ugu horreeyay.
Glanfield waxa uu ku qiimeeyay qaybtii labaad afar xiddigood ama darajo, isaga oo sheegay in furaha guushan "soo laabashada cajiibka ah" ee taxanahan ay lahayd taxadarkeeda, cabirka socodka, oo ay weheliso "iftiin yar oo ka soo baxaya gudcurka naxdinta leh".
"Tani waa sheeko aargoosi iyo madax furasho ah, oo leh wada shaqeyn badan, waana mid adag marka loo eego qaybtii hore," ayuu raaciyay.
Ed Power of Telegraph wuxuu siiyay qaybtii labaad seddex xiddigood oo kaliya, isaga oo barbar dhigaya "album labaad oo adag oo ka soo jeeda xiddig pop ah oo caan ku ah habeenkii."
"Suuragalnimada naxdinta ku celiska ah"
Qaybta labaad ee Squid game waligeed lama hubin in la sii deynayo. Hal mar, qoraaga iyo agaasimaha Hwang Dong-hyuk wuxuu ku dhaartay inuusan waligiis sameyn doonin qayb labaad, sababtoo ah diiqada uu ku jiray markii uu sameeyay qaybtii ugu horreysay, waxa ay sababtay inuu waayo qaar ka mid ah ilkihiisa.
Joogitaankiisa qaybta labaad wuxuu u muuqdaa inuu ugu horrayn dhiirigelinayo faa'iido dhaqaale, sida jilayaasha taxanaha.
Huang ayaa u sheegay BBC in inkastoo guulo caalami ah laga gaaray qaybtii ugu horreysay, hadana aysan sameynin lacag badan, sidaas darteed sameynta qayb labaad waxay caawineysaa "sidoo kale dib u habeynta guusha qaybtii koowaad".
Waxa uu intaa ku daray in uusan wali dhamayn sheekada.
Sheekadiisa madow ee ku saabsan "sinnaan la'aanta hantida" waxay saameysay daawadayaasha adduunka oo dhan.
Laakiin marka la eego in inta badan jilayaasha ay dhinteen qaybtii ugu horreysay, Huang wuxuu ku qasbanaaday inuu ka soo bilaabo eber, iyo jil cusub, ciyaaro cusub, iyo rajooyin sare oo laga filayo daawadayaasha waqtigan.
Jilayaasha cusub ee lagu arkay taxanaha waxa ka mid ahaa No-Yul, oo kasoo goostay Kuuriyada Waqooyi oo lagu qasbay inuu baxsado, isagoo ka tagay labadiisii caruur; Jeong-Seok, sawir-qaade ka shaqeeya beerta madadaalada oo u baahan lacag uu ku bixiyo daawaynta kansarka gabadhiisa; iyo Myung-Ji, xiddigii hore ee YouTube iyo khabiir cryptocurrency ah oo ku waayay dhammaan lacagtiisii khiyaano.
Jilaagii taxanaha ahaa, Seung Ji-hoon, wuxuu isku dayaa inuu caawiyo jilayaashan, oo ay weheliyaan jilayaal kale sida "gabadh yar oo uur leh.
Daniel Feinberg oo ka tirsan The Hollywood Reporter ayaa ugu yeeray qaybtan labaad "Niyad jab", isagoo leh "ma jabinayso xudunta ciyaarta Squid", laakiin qayb labaad "si fudud uma shaqeyso."
Xigasho BBC
Halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 30-12-24
........