halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 29-12-24

0
Sunday December 29, 2024 - 09:17:42 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 667
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 10
  • 2 2
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 29-12-24

    ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

........

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka.

Inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo Kormeeray qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaradaha Caafimaadka, Tamarta iyo Biyaha, iyo Hey’ada Diiwaangelinta Dadweynaha (NIRA).

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd kuurgalidda shaqooyinka muhiimka ah ee hey’adahani u hayaan shacabka Soomaaliyeed, iyo in la hubiyo qorshayaashoodu in ay waafaqsan yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku bogaadiyey dhammaan hey’adaha uu kormeeray shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Isaga oo ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in qorshayaashooda la waafajiyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), si loo gaaro himillada Qaran ee ku saleysan horumar waara.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYAY KULAN AAN CAADI AHAYN OO UU YEESHAY GUDDIGA JOOGTADDA.

Guddoomiyah Golaha Shacabka ee Barlamanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo dhowaan la magacaabay iyo sidoo kale xubno ka tirsan Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana ugu horeyn garsoore ka tirsan maxkamada sare ee dalka uu kulanka ku dhaariyay xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada iyo sidoo kale xubnaha ka tirsan Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Dhinaca kale kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay colaad beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolada dalka, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xiligan dhiiga muwaadiniin Soomaaliyeed aano qabiil loo daadiyo, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha ay quseyso in dadka walaalaha ay dirirtu u dhaxeyso nabad dhex dhigaan wixii tabasho ah ee jirana miiska wada hadalka lagu dhameeyo.

Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Amiir iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed?

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan looga hadlayay wada-shaqeynta la qaatay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo gudomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud.

Kulanka ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray wada-shaqeynta Booliska iyo maamulka cusub ee gobolka Banaadir si kor loogu qaado amaanka iyo nabadgalyada caasimadda dalka ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mr. Amiir ayaa uga mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi isbeddelada ammaan iyo sida Booliska dalka uga soo dhalaalay muddada kooban ee uu xilka hayo sugidda amniga iyo wada-shaqeynta Booliska iyo shacabka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Xeebta Liido waqti kula qaatay Shacabka Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis waxa uu waqti kula qaatay Shacabka Muqdisho oo maalmaha fasaxa u damaashaad taga Xeebta .

Shacabkii iyo masuuliyiin kala duwan oo uu Taliyuhu Xeebta kula kulmay ayuu si farxadi ku dheehan tahay waqti kula qaatay, waxaana uu shacabka ku booriyey in nabadooda ilaashadaan maadama nabaddu fure u tahay nolosha.

Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo xaal-wareysi ugu tegay ardayda wax ka barata magaalada Mersin

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Danjire Fatxudiin Ali Maxmed oo booqasho ku tagay magaalada Mersin ee dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan mamulka magaalada, madaxda sare ee Jaamacadda Mersin, ganacsato iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baratada magaalada Mersin ee dalka Turkiga.

Danjire Fatxudiin oo ugu horreyn si weyn loogu soo dhaweeyay Jaamacadda Mersin ee Turkiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda Jaamacadda Mersin oo in ta badan ay wax ka bartaan ardayda Soomaaliyeed ee magaalada Mersin, waxaana uu warbixin la xiriirta xaalada guud ee ardayda Soomaaliyeed ee halkaas wax ku barata ka dhagaystay guddoomiyaha Jaamacadda Mersin Prof. Dr. Erol Yaşar.

Guddoomiyaha Jaamacadda Mersin Prof. Dr. Erol Yaşar oo safiirka la wadaagay warbixin ku aadan ardayda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in arday badan oo Soomaaliyeed ay dhigtaan Jaamacadda Mersin, qaar kalena ay horray uga baxeen.

Guddoomiyaha oo safiirka kaga mahadceliyay booqashadiisa ayaa yiri” waxaan aaminsanahay in xariir walaaltino xooggan oo soo jireen uu ka dhaxeeyo Turkiga iyo Soomaaliya, maanta uu heer wanagsan marayo xariirkaasi”.

Dhanka kale safiirka oo kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee magaalada Mersin ayaa kula dardaarmay inay hormariyaan waxbarashadooda, iyaga oo ka faa’ideysanaya hannaanka sare ee waxbarasho ee heystan, waxaana uu u sheegay inay yihiin safiirro dalkooda metalaya oo la rabo inay ugu adeegan oo ay dib ugu celiyeen tacliinta ay barteen.

"Waxaan si weyn idinkugu boorinayaa inaad ka faa’ideysataan fursada aad maanta heysatan, waxbarashaddu awoodda wax lagu beddalo, lagu jiheeyo, laguna hago dunida, culuumta kala duwan ee dalka looga baahan yahay ku dadaala oo barta” ayuu yiri danjire Fatxudiin Maxamed Cali.

Ugu dambeyn safiirka ayaa kulan la yeeshay ganacsatada magaalada Mersin, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xariirka ganacsi ee soo jireen ah iyo in si wadajir ah looga faa’ideysto fursadaha ganacsi ee labada dal, waxaana uu sheegay in safaaraddu ka shaqeyn doono fududeynta isku xirka ganacsiyadda labada dal si loo soo horumariyo ganacsiga heer caalami.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA kulan muhiim ah la qaatay culumada Soomaaliyeed

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa kulan looga hadlay ka hortagga colaadaha sokeeye, muhiimadda ay leedahay wacyi-galinta wax-garadka iyo u diyaar-garowga yareynta khatarta ka dhalan karta abaarta La-nin la qaatay culumada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa culimada uga warbixiyay saameynta billowga ah ee La-nina, taas oo durba saameysay nolosha iyo degaanka 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka, si gaar ah gobollada Gedo, Hiiraan, Baay, Bakool, Mudug, Togdheer, Galgaduud, Sool, Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe iyo Jubbada hoose.

Guddoomiyaha ayaa xusay in roobabkii Dayrta oo baaqday ay sababeen in ku dhawaad lix malyan oo qof oo danyar ah ay haatan u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo oo deg-deg ah, halka uu cilimada ka codsaday in ay karaankooda oo dhan isku geeyaan sidii looga hortagi lahaa in abaartaas xaddigaas leh aysan dadkeenna ugu darsamin coloodo sokeeye.

Qaar ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed oo kalmado kooban kulanka ka jeediyay ayaa hay’adda SoDMA ku boorriyay dadaallada gargaarka iyo shaqada guud ee ay dalka ka heyso, halka ay wadajir u ballan-qaadeen in ay sii adkeyn doonaan wacyi-galinta bulshada ee la xariirta ka hortagga colaadaha sokeeye iyo muhiimadda ay leedahay xoojinta nabadda.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay ururrada siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa maanta kulan is xogwareysi ah la qaatay ururada siyaasada dalka.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa is xog-waraysi iyo falanqayn ku aadan sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinka heer degmo ayaa lagu kala qaatay warbixinno labada dhinacba ah,waxana Guddiga ayaa ururada siyaasada la wadaagay howlaha hortabinta u leh guddiga iyoKaalinta ururada siyaasadda doorashada qof iyo codka ah ee lagu wado in dalka ay ka hirgasho.

Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ururrada siyaasadda sharaxaad ka siiyay shaqooyinka ugu horeeya ee gudiggu qaban doono.isagoona ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan sidii dalka looga hirgalin lahaa doorasha qof iyo cad ah

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maalmahan kulmo ay la qaadanayay bulshada qeybaheeda kala duwan si loo dhageysto argtiyadooda la xariirta hannaanka doorashoyinka tooska ah.

Mas’uuliyiin iyo odayaal dhaqameed lala xiriirinayo Dhacdadii Ceelbaraf oo la soo xiray

Wixii ka dambeeyay dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday deegaano hostaga degmada Celbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa isa soo tarayay howlgallo si wadajir ah ay u sameynayeen ciidamada xoogga dalka, howlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dil loo geystya askar ciidanka qaranka.

Ciidamada ayaa maanta degmada Ceelbaraf ka soo xiray qaar kamid ah Masuuliyiintii maamulka degmada oo uu ku jiro guddoomiyaha Ceelbaraf, odayaal dhaqameed iyo rag kale oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin dhacdada dilka ah ee loo geystay ciidamo ka tirsan xoogga dalka.

Saraakiisha ciidamada howlgalka sameeyay ayaa sheegay in ragga gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono cadaalladda si loo marsiiyo sharciga. Wasaarada Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in 48-saac gudahooda lagu soo afjarayo cannaasiirtii ficilkaas foosha xun geysatay, waxaanna digniin loo diray cid kasta oo isku dayda in ay qariso haqsiyaadkii ka dembeeyey dilkii loogu geystay deegaanka Ceelbaraf Askar ka tirsaneed Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale, Maamulka Hirshabeelle ayaa shaqada ka joojiyay maamulkii Degmada Ceel baraf, halkaas oo ah goobta lagu dilay askarta ka tirsanaa Xoogga dalka.

Nin Dhalinyaro ah oo Maanta Xaakiisa si arxan daro ah ugu dilay magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil si aad ah looga argagaxay oo maanta ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii nin dhalinyaro ahaa uu si arxandaro ah u dilay Xaaskiisii.

Ninka dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa Xaaskiisa ku dilay Tooreey oo uu dhowr meel kaga dhuftay, isagoona markii ugu dambeysay qoorta ka gowracay gabadha Xaaskiisa aheyd.

Allah u naxariiste marxuumada la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Fowsiya Cali Xaaji Shirwac, lamana oga ilaa hada sababta rasmiga ah ee la dambeysa in ninkaan sida arxan darada ah u dilo gabadha Xaaskiisa aheyd.

Marxuumad Fowsiya ayaa la sheegay in ninka dilay ay u dhashay 5 caruur ah, waxaana gacan ku dhiigalaha oo ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen uu sheegay in gabadha iyo asaga uu soo kala dhexgalay murun, islamarkaana uu xakameyn waayay naftiisa.

Si kastaba ha ahaatee dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilalka argagaxa leh ee ka dhax dhaca lamaanayasha Soomaaliyeed ee is qaba, waxaana muddooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka dilalkaan foosha xun.

Ugu dambeyntii sanadkaan sii dhamaanaya bilaawgiisa ayay aheyd markii magaalada Muqdisho nin dhalinayaro ahaa uu nolosha ku gubay Xaaskiisii oo uur laheyd, kaasoo lagu magacaabo Sayid Cali Macalin Daa'uud oo dhowr bilood ka hor Maxkamadaha dalka ku xukumeen dil toogasho, hayeeshee ilaa hada laguma fulin dilkii lagu xukumay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlad goboledka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xafiiska Madaxtooyada ku qaabilay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Kaniif Abdulaahi Mohamed oo Maanta Safar shaqo ku tagay magalada Baydhabo.

Wasiirka Amniga, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay iyo Taliyaha Ilaalada Gaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulanka Is-Xogwaraysiga lagu lafa guray Arimaha Ciidanka Booliska Fadhiyey.

Ergo u Kala Dabqaadaysa Somaliland iyo SSC Khaatumo oo La Kulmay Garaadada SSC Khaatumo

Waxaa Magaaladda Laascaanood kulan ku yeeshay Garaadada SSC Khaatumo iyo ergo ka timid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo sheegay in ay ka shaqaynayaan xal u helista colaadda u dhexaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Ergadan oo ka kooban salaadiin iyo madax-dhaqameed, ayaa sheegay in ay soo mareen magaalada Hargeysa isla markaana ay madaxda Somaliland diyaar u yihiin nabadda.

"Waxaanu nahay ergo nabadeed. Waxaanu ka nimid Hargeysa, waxaanuna idiinka wadnaa inay nabad u diyaar yihiin. Idinkuna waxaad noo sheegteen inaad nabadda diyaar u tihiin" ayuu yidhi Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool.

Garaad Kulmiye waxa uu intaas ku daray in ay Hargeysa ku celin doonaan wixii war ah ee ay Laascaanood kala soo noqdaan, intaas kadibna loo diyaar garoobi doono sidii farsamo ahaan wadahadallada loo bilaabi lahaa. Waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay si madaxbannaan uga arrinsan doonaan waxyaabaha ay wadahadalladu ku qotomi doonaan.

Garaadada SSC-Khaatumo, dhankooda, waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin nabadda iyo wadahadalka, hase yeeshee ay yihiin maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Kadib dagaallo muddo soo dhex marayay Somaliland iyo SSC-Khaatumo, Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu doonayo in uu xiisadda labada dhinac ku xalliyo wadahadal.

Somaliland ayaa aaminsan in gobolada SSC ay yihiin qayb kamid ah dhulkeeda halka SSC Khaatuma-na ay aaminsan tahay ineey tahay maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya, taasi oo ah halka uu salka ku hayo ismaan dhaafka labada dhinac.

Puntland iyo Galmudug oo ku guul daraystay joojinta colaadda degaanka Jiicboor ee Galbeedka Gaalkacyo

Dagaal beeleedyo ka dhacay deganka Jiicboor oo dhanka Galbeed ka xigta magaalada Gaalkacyo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyo barakac xooggan.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guul daraystay inay joojiyaan colaaddan oo u dhexeysa beelaha Sacad iyo Leelkase oo ka soo kala jeeda labada maamul, iyadoo ciidamo isku dhaf ah oo bilo ka hor la geeyay degaanada colaaddu ka jirto aysan ku guulaysan soo celinta nabadda.

Heshiis nabadeed oo hore loogu dhex dhigay beelaha Sacad iyo Leelkase ayaa dhawaan burburay, kaddib markii ay dib u soo laabteen dilal salka ku haya aanooyin qabiil, iyadoo lagu guulaysan waayay in lasoo qabto gacan ku dhiiglayaal dil geystay

Colaadda labada beel oo muddo dheer soo jiitamaysay ayaa gaartay heer halis ah, iyadoo dagaalladii ugu dambeeyay ay sababeen dhimashada tobaneeyo qof iyo dhaawaca tiro kale.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaallo argagax leh oo sii hurin kara colaadda, taasoo dhalisay cabsi ah in colaaddu ku fiddo magaalada Gaalkacyo oo sanadihii ugu dambeeyay ka nasatay dagaallada ku saleysan qabaa’ilka.

Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa ugu baaqay labada dhinac inay colaadda joojiyaan, iyagoo ka digay saameynta xun ee dagaalladu ku yeelan karaan deegaannada ka baxsan Jiicboor.

Waxay sheegeen in haddii colaadda aan la xakameyn, ay halis tahay inay ku faafto magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhow.

Dagaalka u dhexeeya labada beel ayaa salka ku haya muran dhul daaqsimeed ku yaalla galbeedka Mudug. Shirar badan oo nabadayn ah oo ka dhacay magaalooyinka Galdogob iyo Bandiiradley ayaan weli xal waara u keenin colaadda.

Madaxweynaha Cirro: Meel Fiican Ayay Marayaan Dadaallada Lagu Soo Afjarayo Colaadda Dacawalay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay iska kaashanayaan sidii loo joojin lahaa colaadda ka aloosan deegaanka Dacawalay ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in colaadda si nabad ah lagu dhammeeyo, isagoo xusay in dhinacyada ay wadaan wada-hadallo lagu soo afjarayo xiisadda.

"Meel fiican ayay marayaan dadaalladii arrinta lagu soo afjarayay iyo wada-hadalladii ka dhexeeyay Somaliland, Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro. "Waan ka xumahay dhibaatada dhacday; waajibka ugu weyn ee maanta ina saarani waa in aan nabadda soo celino."

Saraakiil sarsare oo ka socda Somaliland iyo Itoobiya, oo dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Jigjiga, ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah oo lagu joojinayo colaadda, iyo in lagu dhammeeyo xasaradda si nabadgelyo iyo wada-xaajood ah.

Colaadda Dacawalay ayaa ka kacday muran dhuleed oo u dhexeeya laba beelood oo deegaanka wada dega. Waxaana markii dambe ciidamada Liyu-ga ee Deegaanka Soomaalida ay dad rayid ah ku laayeen deegaanka, kadib howlgal ay ku sheegeen in ay kula dagaalamayen maleshiyad hubaysan.

Somaliland ayaa tallaabada ciidamada Liyu-ga ku tilmaantay 'xasuuq'. Maaddaama dadka deegaanka ku nool ay degaan Somaliland iyo Itoobiya labadaba, xukuumadda Somaliland ayaa ka hawlgashay sidii loo joojin lahaa colaadda.

Haweeney 83 jir ahayd oo lagu dilay Israel

Haweeneydan da’da ahayd ayuu nin toorey ku hubeysan uu Jimcihii ku weeraray iyadoo ku sugan magaalo xeebeedka Herzliya.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in ninkaasi uu dhowr jeer tooreyda ku dhuftay Ludmila Lipovsky oo 83 jir ahayd, ka hor inta aanu isku dayin in uu goobta ka baxsado.

Maamulka Isbitaalka Tel Aviv Ichilov ayaa sheegay in haweeneyda la soo gaarsiiyay isbitaalkooda, iyadoo qabta dhaawac halis ah.

Maamulka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in haweeneydaasi ay u geeriyootay dhaawicii ka soo gaaray weerarka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Fagaaraha De Shalit ee Herzliya oo ku taala waqooyiga Tel Aviv, sida ay Saraakiisha Booliska sheegeen.

Ilaalada aagga ayaa toogasho ku dhaawacay 28 jir Falastiini ah oo lala xiriiriyay weerarka, waxayna tani ka caawisay hay’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan ninkaasi.

"Xaaladaha ku xeeran dhacdada waxaa ku socda baaritaan.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Booliska.

Weerarada shakhsiyaadka ama keli-duulka ayaa ku soo badanayay deegaanada Israel, wixii ka dambeeyay weerarkii dhinaca dhulka ee ay Ciidamada Israel ku qaadeen Marinka Gaza.

Weerarada toogashada iyo tooriyeenta ee ka dhacaya Israel ayaa muuujinaya, sida ay Falastiiniyiinta uga carreysan yihiin xasuuqa ay ciidamadeeda ku hayaan dadka Gaza.

Ugu yaraan 31 qof oo isugu jira askar iyo rayid ayaa lagu dilay weeraradan oo kale oo ka dhacay Israel, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka AFP oo ku saleysan tirooyinka rasmiga ah ee hay’adaha ammaanka ee maamulkaasi.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa imanaya, ka dib markii Ururka Xamaas uu ku baaqay in la kordhiyo weerarada keli-duulka, si Israel loogu cadaadiyo inay joojiso xasuuqa ay ku hayso dadka reer Gaza.

Militariga Israel oo gubay Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Gaza

Ciidamada Israel ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii xoog ku galay Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza, iyagoona dab qabadsiiyay.

Wararka ayaa sheegaya ka hor inta aysan Ciidamada Israel burburin isbitaalkaasi inay 350 qof, oo isugu jira shaqaale caafimaad iyo bukaan ay ku khasbeen inay banneeyaan.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in isbitaalku uu ahaa meel saldhig u ah Xoogaga Ururka Xamaas, inkastoo aysan wax caddeyn soo bandhigin.Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay burburiyeen, isla-markaana ay gubeen qolalka qaliinka, qaybta gargaarka degdegga ah iyo qaybtii kale ee shaybaarka.

Militariga Israel ayaa sheegay in dab yar uu ka kacay qayb ka mid ah dhismaha isbitaalka oo faaruq ah, isla-markaana aysan ka warqabin wax rasaas ah oo dabka sababay.

Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan, Hussam Abu Safiya ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay inay si ula kac ah u gubeen isbitaalkaasi, ujeedaduna ay ahayd inaanu isbitaalkaasi shaqeyn.

Abu Safiya ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadaasi ay xireen qaar ka mid ah shaqaalihii isbitaalkiisa, isla-markaana ay ugu talagaleen sida uu sheegay inay curyaamiyaan adeegyadii caafimaad ee uu bixinayay isbitaalkii ugu dambeeyay ee qaybaha waqooyi ee Marinka Gaza.

Isbitaalkan ayaa in muddo ahba ka mid ahaa saddexda isbitaal ee sida yar uga shaqeynayay waqooyiga Gaza, ka dib dhowr jeer oo Ciidamada Israel ay weerareen, waana kan ugu dhow dhaqdhaqaaqa militari ee Israel ee Beit Lahiya iyo xerada qaxootiga Jabalia.

Ciidamadan ayaa bishii 3aad hawlgal lagu sheegay isir sifeyn ka wada waqoyiga Gaza, si halkaasi ay uga suuliyaan Falastiiniyiinta.

Weerarka lagu beegsaday Isbitaalka Kamal Adwan ayaa sii xumeynaya xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta guud ahaan Marinka Gaza, gaar ahaan waqooyigeeda oo baahi weyn oo caafimaad iyo raashiin la’aan ay ka jirto.

Ciidamada Israel oo si weyn u go’doomiyay dhulkaasi ayaa

hortaagan in la geeyo raashiinka, biyaha, dawada iyo qalabka caafimaadka ee aadka loogu baahan yahay.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa Israel ku eedeeyay inay jebisay wixii sharci ahaa ee dunida u yiilay.

Maxay tahay sababta magaalada Jigjiga loo baadhayo dadka shaqaalaha ah?

Maamulka magaalada Jigjiga ayaa soo saaray go'aanno kala duwan oo saamaynaya hablaha xaafadaha ka shaqeeya, kuwaas oo markii hore hab aan sharciyo dawli ahi jirin u shaqayn jiray.

Eng Shaafi Axmed oo Maayarka Jigjiga ayaa sheegay in qodobbadan ay soo saareen sababta keentay ay tahay wax la xidhiidha faydhawrka caafimaad ee bulshada.

Maayarka ayaa sheegay in ay doonay in maadaama magaaladii sii baahayso dad aad u bandanna soo degayaan ay lagama maarmaan noqotay in ay dabagal iyo horumarin ku sameeyaan caafimaadka magaalada.

"Shantii sano oo la soo dhaafay waxaa hormarin ballaadhan ka jiraa habka magaalada Jigjiga, taas annagoo ka duulayna waxaa la soo saaray shuruucda shaaqaalaha gudaha" ayuu BBC-da u sheegay Maayarka magaalada Jigjiga.

Shuruucda Shaqaalaha Gudaha ee maamulku soo saaray ayaa saamaynaya guud ahaan dadka shaqeeya, hadday dhinacyada kala duwan ee bulshada sida shaqaalaha dhismaha iyo kuwo guryaha ka shaqeeya, sida uu sheegay maayarka magaalada Jigjiga.

Magaalada Jigjiga muddooyinkii u danbeeyey waxaa la arkayey dad badan oo aan Soomaali ahayn kuwaas oo ka yimaadda killallada kale ee Itoobbiya, oo ka shaqaynaya goobaha guud ee hadday ganacsiyada gaarka ah iyo sida oo kale guryahaba.

"Maadaama dadku ku soo badanayaan magaalada waxaan u baahannahay in aan hubinno xaaladda caafimaadkooda, maadaama aannu la kulanno kiisas hawlahaa khuseeya iyo cabsida ay dadku ka qabi karaan. Markaa arrintani waxa ay keenaysaa in qofku ku kalsoonaado caafimaadka qofka shaqaalaha ah" ayuu Eng Shaafi u sheegay BBC-da.

Go'aankan ay dawladdu soo saartay ayaa ay ku sheegeen in ay yihiin kuwo saamaynaya laga bilaabo maanta dhammaan dadka shaqeeya iyo qof kasta oo shaqo doon ah.

Amarkan ayaana saamaynaya dadka ganacsatada ah ama qofka qoranaya qofka shaqaalaha ah.

Qodobbada dawladdu soo saartay ayaa ay ka mid yihiin in qofku marka la shaqaalaysiinayo waa in uu haysato warqad caafimaad ah ioo caddaynayasa in ayna qabin xanuunnada faafa sida HIV / AIDS & Cagaarshowga (Hepatitis)

Sida oo kale in ay haystaan dammaanad rasmi ah.

Magaalada Jigjiga ayaa ah caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida taas oo uu u muuqatay sannadihii danbeeyey magaalo uu ku socdo korriin xawli ah.

BBC-da ayaa go'aankan cusub ee shaqaalaha saamaynaya in dadka qaar u arki karaan takoor weydiisay maayarka magaalada Jigjiga.

Maayarka ayaana sheegay in aanay taasi suuragal ahayn maadaama go'aankani saamaynayo shaqaalaha kala duwan, hadday tahay Soomaalida iyo qoomiyadaha kale ee ka shaqeeya magaalada Jigjiga.

"Guud ahaan horta qoomiyad gaar ah lama baadhayo, qof diin gaara haystana lama baadhayo, sida oo kalena qofka soo galootiga ah oo keliya lama baadhayo. Taas waxa ay na tusaysaa in qof gaar ah iyo qoomiyad gaar ah aan la baadhayn. Dadkana annagu ma soo qabqabanayno ee qofka shaqaalaha ayaa looga baahan yahay si u shaqo u helo in uu warqaddaas haysto" ayuu yidhi eng Shaafi oo ah maayarka Magaalada Jigjiga.

Dadka ganacsatada ah ee ama loo shaqeeyaha ah ayaa lagu amray in ay u hoggaansamaan go'aammadan ciddii ku dhaqmi weyda ama lagu helo in ay jebiyeenna ay la kulmi doonaan ciqaabo iyo ganaax kala duwan.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip