HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 12-26-2024
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray Bankiga dhexe iyo wasaaradaha qaarkood
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xu -kuu madda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer sha qo oo lagu xoojinayo ade egga ay bulsha da u hayaan ku tagey Wasaaradda Ganac siga iyo Warsha daha, Wasaaradda Gaa diidka iyo Duu -lista Hawada, iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganac siga ayaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ka uga warbixiyay dadaallada lagu hor umarinayo ganacsiga gudaha iyo dibe dda, fududeyn ta maalgashiga, iyo taag eerada warshada ha yar-yar iyo kuwa dhexe si loo xoojiyo koboca dhaqaala ha.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku bogaadiyay dhammaan hey’adaha uu booqday shaqada ballaaran ee ay bulshada u hayaan, isaga oo adkeeyay in loo baahan yahay isku-dubbarid iyo wada-shaqayn dheeraad ah, si loo gaaro himilooyinka Qaran.
Gudigga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Haweenka Soomaaliyeed
Gudigga madaxa bannaan ee Door ashooyinka Qaranka iyo soohdimaha oo kulan wadatashi ah la yeeshay Ha -weenka Soomaaliyeed,waxana diirra da lagu saaray sidii Haweenku qeyb weyn uga qaadan lahayeen wacyi gelinta Doorashada tooska ah ee qof iyo cod ee dalka ka dhici doonta.
Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo sooh dimaha ayaa Haweenka ay la kulmeen ka dhegaystay talooyin ay u soo jee diyeen iyaga oo balan qaaday in mar kasta u baahanyihiin talooyinka Haw -een weynaha Soomaaliyeed.
Gudigga maadaxa banaan ee Doo rashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa dhankooda balan qaaday in ay joogtayn donaan kulamada noocan oo kale markasta ay la tashan donaan Haweenka Soomaaliyeed si loo sii anba qaado in ay dalka ka dhacdo Doorasho dad weyne
Guddoomiyaha G/Banaadir oo shir guddoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib udhiska
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mu dane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib udhiska Caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa goob joog ka ahaa kulankan, wa xaana inta uu socday diirada lagu saa ray dardargalinta mashaariic lagu horu marinayo magaalada, gaar ahaan Dhis maha waddooyinka, Xal u helida maar eynta biyaha roobka iyo Dib u dhiska xarumaha danta guud.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mu dane Maxamed Axmed Amiir ayaa ku -la dardaarmay madaxda iyo howl wa -deenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo Alla ka cabsi kujirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu jiri doono islaxisaa btan iyo dabagal la xariira howlaha soc da.
Danjire Jabriil oo bogaadiyay horumarka ganacsi ee ay Soomaalidu ku talaabsatay
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday xaflad casho Sharaf ah oo aad loo soo abaabulay, taas oo lagu soo bandhigayay Waxqabadka sanadka ee shirkada dhismaha Gabeire A Group (GAG).
Shirkadaan oo ah mid ka shaqeeysa how laha dhismaha iyo Teknoolojiyadda la xirii rta dhismaha ayaa ka howlgasha wadamo badan oo ku yaala Qaaradda Afrika.
Howlaha waaweyn oo ay haatan wado Shirkadaan ayaa waxaa ka mida dhisma ha waddo weyn oo laga dhisayo Jasiirad da Madagascar, dhismaha buundooyinka, bulaacado iyo waddooyinka oo iyagana ay ka hergalinayso dalalka Benin, Togo & Ja buuti.
Shirkadaan oo ah mid ay leeyihiin dad Soomaali ah waxa ay gudaha Qaaradda Afrika ka qaabaynaysaa mashruucyo wax ku ool ah, iyada oo la dhisayo waddo 250 km ah oo isku xirta magaalooyinka Antan anarivo iyo Toamasina ee dalka Madag ascar, taas oo sahlaysa isu socodka bad eecadaha, adeegyada iyo dadka.
Danjire Jabriil oo ka ka hadlay xafladda casho sharafta ayaa ugu hambalyeeyay shirkada Gabeire A Group, guulaha la taaban karo oo ay gaartay.
Shirkadaan waxa ay tusaale u noqon kartaa Ganacsatada Soomaaliyeed oo loo baahan yahay in ganacsigooda ku baahiy aan dalalka Afrika, sababta oo ah Qaarad da Afrika Waxa ay baahi u qabtaan maal gashi iyo ganacsiga dadka Soomaalida”, ayuu yiri Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle
Shirkadaan ayaa in ka badan 500 oo sha qaale xirfad leh shaqaaleeysiisay. Ganac siga Soomaaliyeed ayaa ah mid si buuxda ugu fidaayo dalka bariga iyo Bartamaha Afrika.
Wasiir Fiqi oo beeniyay in DFS ay Itoobiya Marin biyood ka siineyso badda cas
Wasiir Arimaha dibada Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay inaysan wax ba ka jirin wararka sheegaya in Itoobiya la siiyay Marin Badeed.
"Waxaan si cad u beeninayaa wararka sheegaya in Itoobiya loo ogolaaday inay gaarto Badda cas. Sheegashooyinkan aan waa kuwo aan Sal iyo Raad lahayn oo aan lahayn wax wax aasaas ah” ayuu qoraal kiisa ku yiri Wasiir Fiqi.
Wuxuu sii raaciyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta daah-furtaanta arrimaha Qaran.
Falcelinta Wasiirka ayaa timid kadib markii baraha Bulshada lagu baahiyay Warausi uu siiyay siiyay Wargeyska Al Sharq oo uu usheegay in Itoobiya heli doonto kaliya dekad ganacsi kaliya taa oo ay Dowladda Soomaaliya ku korjoogteyn doonto.
Wasiir Fiqi waxa uu sheegay in Itoobiya ay ku xadgudbeyso heshiiskii madaxda Dow ladda iyo Itoobiya ay ku gaareen magaal ada Ankara isagoona cambareeyay da gaal ciidamada Itoobiya ay ka qeyb galeen kana dhacay degmada Doolow.
Sidoo kale Dowladda Eritrea ayaa si tax a dar leh waxa ay Soomaaliya uga digtay in heshiiskii Ankara Soomaaliya lagu qiyaa meeyay oo ay ku jiraan madmadow.
Taliyaha Boliiska oo qaabilay Saraakiil soo dhameystay waxbarashada heerka labaad
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaali- yeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cab -dullaahi ayaa xafiiskiisa ku soo dhawee yey Saraakiil kasoo qalin jabi yey waxbar ashada heerka labaad (Master Degree) oo dalka Dibadiisa ku maqnaa.
Hogaanka Qorshaha iyo Tababara da ee Ciidanka Booliiska Soomaali -yeed ayaa ugu horeyn Taliyaha Warbi xin ka sii yey soo laabashada Saraakiis han, waxaa na ay xaqiijiyeen xafiis ah aan in si wanag san uga faa’iideysteen fursadda waxbara sho ee dalka dibadi isa ugu maqnaayeen mudada dheer.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Sooma aliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha soo dhame ysatay Waxbarashada Hambal yo iyo Bog aadin la wadaagay , waxaa na uu qiray in soo laabashadoodu ku soo aaday xilli loo baahnaa qeybna ka noqonayaan qorsha ha horumarinta Ciidanka Booliiska si looga faa’ideysto aqoonta ay soo barteen.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Muqdisho ka furay Shirka Wadatashiga Hiigsiga Qarnijirka 2060
shirka hiigsiga qarni-jirka oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa goordhow ka furmay ma gaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qey -bgalayaan Wasiiro ka tirsan Xukum adda Soomaaliya, lataliyaha Madaxw eyaha ee dhinaca dhaqaalaha, Madax ka socota dowlad goboleedyada iyo Jaamacadaha dalka, Ururada bulshada, ganacsato iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.
Shirka oo uu furay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka oo ay goobjoog ka yihiin dhamaan Wasaaradaha ka shaqeeya Horumarka Dhaqaalaha heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Bulshada Rayidka, Akaadeemiyadda iyo dhamaan qaybaha bulshada.
Shirka waxaa diiradda lagu saarayaa in la isla meel dhigo istiraatiijiyadda wax-soosaarka dalka ee qorshaha hiigsiga qaran-jirka 2060-ka ee dalka, si loo helo Soomaaliya ka horumarsan dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.
Soomaalida Musambiik oo cabsi soo wajahday kaddib rabshadaha dalkaas ka socda
Soomaalida ku nool dalka Musambiik ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi la xiri irta bedqabka naftooda iyo maalkooda, ka dib markii ay dalkaas ku faafeen rabshado ay dhigayaan taageereyaasha mucaarad ka.
Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay rabsha do ka dhacay Mozambique tan iyo markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay xaqiijisay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo ee doorashooyin lagu muransan yahay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.
Dadka dhintay waxaa ku jira ugu yaraan laba sarkaal oo boolis ah, sida uu wasiirka arrimaha gudaha, Pascoal , ka sheegay shir jaraa’id Talaadadii.
Bannaanbaxyada ayaa billowday kadib markii Golaha Dastuuriga uu xaqiijiyay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo. Dibadbaxayaasha iyo kooxaha mucaaradk a ah ayaa ku andacoonaya in doorashadii 9-kii Oktoobar la musuqmaasuqay.
Hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Mozambique, Venâncio Mondlane, ayaa ku dhawaaqay inuu isagu isku magacaabi doono madaxweyne 15-ka Janaayo, kaddib markii uu diiday guuldarradiisa doorashooyinka madaxtinnimada.Ronda
Bill Clinton oo cisbitaal la dhigay
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton, ayaa la dhigay isbitaal kaddib markii ay xummadi la soo daristay, sida uu sheegay afhayeenka xisbiga Dimuqraadiga.
"Waxa uu ku jiraa xaal wanaagsan, waxaana uu si weyn u socda daryeelka heerka sare ah ee uu helayo," ayuu Angel Ureña ku qoray bartiisa X, oo horey loo oran jiray Twitter.
Afhayeenku waxa uu sheegay in Clinton loo qaaday Isbitaalka Jaamacadda Geor getown ee Washington, DC, fiidni madii Isniinta, si baaritaan iyo dabagal loogu sa meeyo kaddib markii qandho ku dhacday.
Bayaan uu soo saaray Ureña laguma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynihii Dimuqraadiga oo ka soo jeeda Arkansas, hase ahaatee warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in Clinton la filayo inuu ka bogsado.
Ilo ku dhow Clinton ayaa u sheegay NBC News in xaaladdu aysan degdeg ahayn, isla markaana madaxweynihii hore uu "wa naagsan" yahay. Shabakadda wararka ay aa soo tabisay in Clinton uu feejigan ya hay oo uu soo jeedo.
Tani waa khatartii caafimaad oo u dam beysay ee soo wejahda madaxweynihii 42aad ee Mareykanka, kaas oo Aqalka Cad ka talinayey intii u dhaxaysay 1993 ilaa 2001
Maamulka cusub ee Suuriya oo digniin u diray Iran
Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Suu riya ayaa uga digay Iran in ay "fawdada ku faafiso” Suuriya. Asaad Xassan al-Shibani ayaa sheegay in Tehran ay tahay in ay ixtiraamto rabitaanka shacabka Suuriya ee ah in ay iska fogeeyeen nidaamka Asad ayna xaqiijiso madax banaanida iyo amaa nka dalka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in aysan xiriir toos ah la samayn madaxda cusub ee Suuriya, waxayna ugu baaqday in aysan u ogolaan Suuriya, waa sida ay hadalka u dhigtay, "gabaadka argagixisada”.
Dad ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Kazakhstan
Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad rakaab ah oo ay saarnaay een 67 qof ay ku burburtay dalka Kazakhs -tan, sida ay sheegeen saraakiisha deeg aanka.
Wasaaradda gurmadka degdega ah ee dalka ayaa sheegtay in ay jiraan 25 qof oo badbaaday.
Diyaaradda oo ay iska lahayd shirkadda Azerbaijan Airlines, ayaa dab qabsaday xilli ay ku soo dhacday meel u dhow magaalada Aktau. Lama oga sababta shilkan keentay.
Faahfaahin ka soo baxaysa dagaalka ka dhacay Dacawaley
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya da gaallo culus oo ka dhacay deegaanka Dacawley ee degmada Xarshin ee gobol ka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaa lida Itoobiya.
Inkastoo xogta laga heli karo halka dagaalku ka socdo ay adag tahay sababo la xiriira isgaarsiinta oo go'an, haddana waxaa la soo sheegayaa in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac uu jiro.
Dagaalku waxaa uu bilowday subaxii hore ee Arbacada, waxaana wararku ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka iyo shacab hubeysan.
BBC-da ayaa la hadashay ilo kala duwan oo ku kala sugan Hargeysa iyo Jigjiga kuwaas oo nala wadaagay xogtaan.
warku waxaa uu intaa ku darayaa in labada dhinac la kala geeyay dhaawacyo iyo meydad dagaalka ku soo dhintay.
Dhanka Somaliland degmada Baligubadle ayaa lagu soo waramayaa in dhaawacayada badankood la geeyay, halka qaar kalena loo qaaday dhanka Jigjiga oo ilaa shan ka mid ah gawaarida gurmadka degdeg ah ay halkaasi geeyeen dad dagaalka ku soo dhaawacmay.
Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo war ka soo saartay dagaalka Dacawlay ka socda ayaa cambaareysay wax ay ku tilmaantay "xasuuq", iyadoo ku eedeysay ciidamada booliska ee dowlad deegaanka "in ay xasuuq u gaysteen dad shacab ah".
"Xukuumadda waxaa ay cambaaraynaysaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadanaha iyo hanaanka Dawladnimo," ayaa lagu yiri warka Somaliland ay soo saartay.
War-saxaafadeedka uu soo saaray wasiirka amniga gudaha Somaliland ayaa lagu yiri.
"Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Soma liland, kuna hadlaya afka Xukuumadda wa xaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay deg aanka Dacawaley ee Maamulka Sooma lida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Li yuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u gey stey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadanaha iyo hanaanka Dawladnimo,".
Qoraalka sawirka,Halkaan waa degmada Baligubadlle markii dhaawacyada la soo gaarsiiyay
Xukuumadda Somaliland ayaa warkeeda ku sheegtay in madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar uu u sheegay inuu ka xun yahay waxa ka dhacay Dacawalay.
"Madaxweynaha Maamuulka Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay,".
Sidoo kale Somaliland waxaa ay sheegtay in ciidamada deegaanku ay qafaasheen odayaal ka soo jeeda dhanka Somaliland oo halkaa u tagay waan-waan xaaladda lagu dejinayo: "Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad".
Waxaa intaas lagu dary in Somaliland ay xiriir la sameysay dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana labada dhinac ay berri ka wada hadli doonaan xaaladda colaadeed ee halkaasi ka jirta, iyadoo kulankoodu uu ka dhici doono xadka ay wadaagaan.
Dhanka dowlad deegaanka mas'uuliyiinta dowladda oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay nagala hadlaan arrintaan ku saabsan dagaalka iyo waxa halkaa ka socda. Balse Xafiiska Nabadgalyada dowlad deegaanka oo horey uga hadlay markii isku dhacyadaan ay bilowdeen ayaa qoraal ay soo saareen waxaa uu u dhignaa sidaan: "Waxaa ay dableey hubaysan weerar ku soo qaadeen, xubnihii ciidanka booliska deegaanka, ee ahaa ilaalada hogaaminta iyo booliskii joogay goobta, waxaana lalaayay ciidan booliis ah lana dhaawacay saraakiil dawladeed".
Sidoo kale warka ka soo baxay mas'uuliyiinta nabadgalyada deegaanka ayaa lagu sheegay :"Waxaa jirtay asbuucyadii aan soo dhaafnay in lagu dilay hogaankii nabadgalyada degmada yoocaale iyo laba qof oo shacab ah dhulka u dhexeeya qabalaha dacawaleey ee degmada xarshin gobolka faafan iyo qabalaha duudbaydaale ee degmada yoocaale gobolka jarar, dilkaasi oo ay gaysteen dableey hubaysan".
Ruushka oo weeraro ku qaaday kaabayaasha tamarta ee Ukraine
Magaalooyinka Ukraine ayaa subaxnima dii dabaaldaga Christmas-ka waxaa lala beegsaday weeraro culus oo loo adeegsa day gantaalada riddada dheer ee Ruushka.
Wasiirka tamarta Jarmalka Galushchenko ayaa yiri: "Cadowgu wuxuu mar kale qaadayaa weerar weyn oo ku dhan ah nidaamka tamarta."
Waxa uu sheegay in korontadii la jaray si looga fogaado khasaara ak dhasha weerarada.
Qaraxyo dhowr ah ayaa ruxay magaalada Kharkiv oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine.
Waxaa jiray warar horudhac ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka oo sheegaya in uu jiro dhaawac.
Magaalada Dnipro ayaa sidoo kale la sheegay in la weeraray.
Dayax gacmeed isku dayaya inuu markii ugu horraysay si aad ah ugu dhawaado qorraxda
Duulimaadka hawada sare ee NASA ayaa isku dayaya inay sameeyaan taariikh cu -sub iyaga oo markii ugu horraysay diraya dayax gacmeed la filayo inuu u dhawaado qorraxda.
Parker Solar Probe, ayaa dhexmaraya ja -wiga sare ee xidigaha isaga oo u adkays ankara kulaylka iyo shucaaca.
Saynisyahannada waxa ay sheegeen in kulaylka daran ee uu sii dhexmarayo dayax gacmeedka uu sababyo in ay lunto isgaarsiinta, balse ay sugayaan calaamad muujinaysay halka uu ku suganyahay marka ay taariikhdu tahay 27-bishaan sii dhamaanaysa ee December.
Hadafka dayax gacmeedka loogu dirayo masaafada aadka ugu dhaw qorraxda ayay saynisyahannadu ku sheegeen inay tahay in la helo waxyaabo ka caawinaya inay fahmaan sida ay qorraxdu u shaqeyso.
Dr Nicola Fox, oo ah madaxa sayniska ee NASA, ayaa BBC-da u sheegay in "Muddo qarniyo ah, dadku wax ka baranayeen qorraxda, balse aan la dareemayn jawiga illaa la booqdo"
Baaritaanka qorraxda ee Parker, waxaa la bilaabay sanadkii 2018, xilligaas oo lagu sii jeeday in la gaaro meel aad ugu dhaw bartamaha qorraxda.
dhowr jeer oo hore ayaa la isku dayay baaritaano kan lamid ah iyadoona loo dhawaaday illaa 21 jeer, balse kan ayaa lagu tilmaamay inuu noqonayo mid jabinaya rikoor cusub.
Markii ugu dhawayd ee la isku dayay in dayax gacmeed loo diro qorraxda waxaa loo jirsaday 3.8 milyan oo mayl oo u dhiganta 6.2 milyan oo kiiloomitir.
Tani ma ahan mid uu muuqata wax dhaw balse NASA, ayaa aragtideeda ku sharraxday sidaan: "Waxaan qorraxda u jirnaa 93 milyan oo mayl, balse Parker Solar Probe, ayaa qoraxda u jirsandoona far sentimitir, taas oo ah soo dhawayn fiican.
Dayaxgacmeedkaan ayaa u adkaysan doona heerkulka 1,400C iyo shucaac waxyeelo u gaysan kara xarkaha gudaha ee dayax gacmeedka.
Sidee ayay aaladda WhatsApp lacag u sameeysaa, maxayse yihiin xeeladaha ay adeegsato?
Tafaftiraha BBC ee Tiknoolajiyada ayaa warbixintan ku eegaya qaabka ay shirkadda WhatsApp lacag u sameyso.
24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaan WhatsApp-ka ku qoray in ka badan 100 fariimo.
Midkoodna si gaar ah uma xiiso gelin. Qorshe ayaan la sameeyay qoyskayga, waxaan kala hadlay mashaaric shaqo oo aan saaxiibo la yeeshay, waxaanan is weydaarsannay warar iyo xanta dhowr saaxiibo ah.
Waxaa laga yaabaa in shaqooyiin badan aad ku qasabto WhatsApp-ka .
Ma ahan mid raqiis ah, laakiin aniga iyo mid ka mid ah dadka aan la sheekeysanay midkeena ma bixin wax lacag ah si aan u isticmaalno.
WhatsApp-ka waxaa adeegsada oo isticmaala ku dhawaad saddex bilyan oo qof guud ahaan adduunka oo dhan.
Haddaba sidee shirkadda WhatsApp lacag u samaysaa?
Shaki la'aan, xaqiiqda ah in WhatsApp ay leedahay shirkad weyn ee- Meta - oo leh Facebook iyo Instagram, waxay caawisaa wax badan.
Shakhsi ahaan, akoonnada WhatsApp-ka gaarka ah waa bilaash sababtoo ah shirkadda WhatsApp waxay lacag ka sameysaa macaamiisha shirkadaha doonaya inay la xiriiraan isticmaalayaasha aniga oo kale ah.
Tan iyo sannadkii hore, shirkaduhu waxay awood u yeesheen inay ku sameeyaan kanaalo WhatsApp-ka bilaashka ah, taas oo u oggolaanaysa inay farriimaha u diraan qof kasta oo doonaya inuu ku biiro.
Laakin waxa ay ku bixiyaan khidmadaha waa marin u helida isdhexgalka mid-ka-mid ah macaamiisha iyada oo loo marayo app-ka, ha ahaato mid caadi ah ama mid ganacsi.
Dalka UK waa wakhti hore, laakiin magaalada ku taalla Hindiya ee Bangalore, waxaad hadda iibsan kartaa tigidh baska oo aad dooran kartaa kursigaaga, dhammaan adoo isticmaalaya WhatsApp.
"Aragtidayada, haddii aan samayno dhammaan kuwan saxda ah, waa in ganacsiga iyo macaamilka ay awoodaan inay wax walba si sax ah u sameeyaan mawduuca wada sheekeysiga," ayay tiri Nikhila Srinivasan, oo u qaabilsan Farriinta Ganacsiga ee Meta.
Waxa kale oo uu intaa ku daray: "Tani waxay ka dhigan tahay haddii aad rabto inaad tigidh goosato, haddii aad rabto inaad hesho tigidh soo noqosho ah, haddii aad rabto inaad bixiso lacag, waa inaad awood u yeelatid inaad sameyso adigoon ka tagin mawduucaaga chatka oo aad ku soo noqoto dhammaan. ."
Ganacsiyadu hadda waxay sidoo kale bixin karaan isku xirka ka bilaabaya wada sheekeysiga cusub ee WhatsApp si toos ah xayaysiisyada onlin-ka ah ee Facebook ama Instagram ee akoonada shaqsiyaadka.
Ms. Srinivasan waxay ii sheegtaa in hal shay uu hadda u qalmo "dhowr balaayiin doolar" marka la hadlayo shirkadda waa weyn ee tignoolajiyada.
Nikhila Srinivasan, VP ee Farriinta Ganacsiga ee Meta, ayaa sheegaysa in ujeedadu tahay in shirkaduhu ay si isa soo taraysa ugu xirmaan macaamiisha WhatsApp-ka.
Shirkadaha sida Signal, madal caan ku ah hab-maamuuska amniga fariimaha , waa urur aan faa'iido doon ahayn. Shirkadda ayaa sheegtay in aysan waligeed lacag ka qaadin maalgashadayaasha, si ka duwan Telegram, oo ku tiirsan maalgashadayaasha.
Taa baddalkeeda, Signal waxa lagu socodsiiyaa deeqaha - oo ay ku jirto deeq $50 milyan ah oo ka timid aasaasaha WhatsApp Brian Acton sanadka 2018.
"Hadafkeenu waa inaan gaarno halka aan joogno, intii suurtagal ah, oo ay si buuxda u taageeraan deeq-bixiyeyaasha yaryar oo aan ku tiirsannahay tiro badan oo tabarucyo yaryar ah oo ka yimaada dadka daneynaya Signal," waxaa sidaasi qoray Maamulaha Signal Meredith Whitaker.
Discord, oo ah ap-ka ay inta badan isticmaalaan ciyaartoyda da'da yar,. Taasi waxay ka dhigan tahay inay xor tahay in la is-diiwaangeliyo, laakiin sifooyin dheeraad ah, oo ay ku jiraan gelitaanka ciyaaraha, waxay ku yimaadaan kharash.
Appku waxa kale oo uu bixiyaa rukhsad lacag bixin ah oo loo yaqaan Nitro, kaas oo ay ku jiraan faa'iidooyin sida fiidiyoow .Isdiiwaangelinta ayaa ku kacaysa $9.99 bishii.
Snap, oo ah shirkadda soo saartay Snapchat, ayaa isku dartay dhowr nooc oo kala duwan. Shirkaddu waxay soo bandhigtaa xayaysiisyo, waxay haysataa 11 milyan oo macaamiil ah oo lacag bixin ah laga bilaabo August 2024, waxayna sidoo kale iibisaa muraayadaha xaqiiqada (ama AR) ee la kordhiyay ee loo yaqaan Spectacles.
Snap waxay leedahay farsamo : Sida laga soo xigtay Forbes, shirkadu waxay kasbatay ku dhawaad $ 300 milyan faa'iidada maalgashiga oo keliya intii u dhaxaysay 2016 iyo 2023.
Laakin isha ugu weyn ee Snap dakhligeedu waa xayaysiisyada, kaas oo keena in ka badan $4 bilyan sanadkii.
Shirkadda Ingiriisida ee Element waxay ka qaadaa dawladaha iyo ururada waaweyn lacag si ay u isticmaalaan nidaamkeeda fariimaha sugan. Macaamiisheeda waxay isticmaalaan tignoolajiyada shirkadda laakiin waxay ku shaqeeyaan nidaamka iyaga oo isticmaalaya server-kooda gaarka ah.
Sida laga soo xigtay Matthew Hodgson, oo ka mid ah aasaasayaasha Element, shirkadda, oo la aasaasay 10 sano ka hor, hadda waxay ku jirtaa "dakhli malaayiin dollar ah" oo "ku dhow faa'iidada."
Matthew Hodgson wuxuu aaminsan yahay in qaabka ganacsiga ugu caansan ee barnaamijyada fariimaha la isugu diro uu yahay qaabkii hore ee dhijitaalka ah ee xayaysiinta.
"Asal ahaan [meelo badan oo fariimo la isku diro] waxay ku shaqeeyaan iyagoo eegaya waxa ay dadku sameynayaan, cidda ay la hadlayaan, ka dibna lagu bartilmaameedsado xayeysiisyada ugu fiican," ayuu yiri.
"Waa isla sheeko hore," ayuu yidhi Matthew Hodgson, aasaasaha Element. "Haddii adiga, isticmaalaha, aadan lacag bixin, waxay u badan tahay inaad tahay badeecada."
Dad kala duwan oo ku dhintay baas lagu furay dad ku sugnaa Cisbitaal ku yaal Haiti
Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen saxafiyiin, boolis, iyo shaqaale caafimaad intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo lagu shaacinayay dib-u-furista isbitaalka ugu weyn ee dadweynaha ee Haiti.
Tiro kale oo badan ayaa ku dhaawacmay weerarkii Talaadadii ka dhacay Isbitaalka Guud ee ku yaalla caasimadda Port-au-Prince.
Sawirro lagu soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dhowr qof oo ku dhaawac may ama dhintay gudaha dhismahaas.
Goobta waxaa dib ula wareegay dowladda Haiti bishii Julaay, kaddib markii ay kooxo budhcad hubeysan oo gacanta ku haya inta badan magaalada ay qabsadeen oo burburiyeen.
Denmark oo ka diyaar garoobaysa difaacidda jasiirad ay Tump uga baqayaan
Dowladda Denmarka ayaa xoojisey difaaca jasiiradda Greenland, ka dib markii Donald Trump ku celiyey damaca uga jira in uu jasiiraddaas la wareego.
Wuxuu ku tilmaamay waqtiga lagu dha waaqay qorshahan inay tahay "masayrka nasiibka." Isniintii, Trump ayaa sheegay in lahaanshaha iyo xakameynta jasiiradda weyn ee Greenland ay tahay "baahi lagama maarmaan ah" oo Mareykanka u jirta.
Greenland, oo ah dhul is-maamule ah oo hoos taga Denmark, waxay hoy u tahay xarun ballaaran oo hawada sare ee Mare ykanka ah taas oo uu ku leeyahay halkaas ahna mid istaraatiiji ah u ah Mareykanka, maadaama ay ku taallo waddada ugu gaa ban ee u dhaxaysa Waqooyiga Ameerika iyo Yurub. Waxa kale oo ay leedahay kayd badan oo macdan ah.
Ciidamada Masar oo ku biiraya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
Masar ayaa ciidamadeeda ku biirin doonaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, wasiirkeeda arrimaha dibadda ayaa Isniintii sheegay, sida ay baahisay warbaahinta iyadoo xiriirka labada dal uu sii xoogeysanayay tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda kala dhexeyso Itoobiya oo ku saabsan aqoonsiga Somalila nd.
"Masar waxay go'a ansa tay inay ka qayb-gasho howlg alka, iyad oo ka duulaysa codsiga dowlad da Soomaaliya iyo soo dhaweynta golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika," ayuu yiri Badar Abdelatty oo shir jaraa'id ku qabtay Qaahira oo uu ku xusayay booqasha dii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
Hawlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AUSSOM, ayaa bedeli doona howlgalka ATMIS ee waqtigiisu dham maanaya sannadkan.
Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soom aaliya ayaa sanadkan ka dhashay qorshaha Addis Ababa ay ku doonayso in ay ku dhisa to deked laga dhisayo maamulka gooni-goosadkiisa ku dhawaaqay ee Somaliland, kaas oo soo jiiday awoodaha gobolka, isla markaana khatar ku ah Geeska Afrika oo sii xumaanaya.
Kadib wadahadalo ay garwadeen ka ahaa yeen Turkiga, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo xalin lahaa arrimahan.
"Waxaan ka hadalnay xaaladda Soomaaliya iyo in Masar ay taageerto Soomaaliya oo uu culeys soo fuulaya awooddeeda iyo madax-bannaanideeda dhammaan dhulka qaranka Soomaaliyeed iyo diidmada awaamiirta ama dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah oo taabanaya midnimada, madaxbannaanida iyo ammaanka Soomaaliya," ayuu Abdelatty hadalkiisa ku daray.
Khilaafkan ayaa keenay in Soomaaliya ay isu sii dhawaato Masar oo iyadu naqdisay heshiiskii Somaliland, isla markaana ay Itoobiya sannado badan isku khilaafsanaay een biyo xireenka ay Addis Ababa ka dhisa yso webiga Niil.
Muddooyinkaan danbe waxaa sii xoogays anayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, dhawaan ayayna ahayd markii diy aarad ka timid Qaahira taas oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaal ada Muqdisho.
Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaana hes hiis amni waxa ay kala saxiixdeen bishii Agoosto ee sanadkaan.
Waxaa jira walaac ay muujineysay Itoobiya kaas oo ku aadan hubka kala duwan ee ka soo dagay dakadda Muqdisho, waxa ay sid oo kale dhowr jeer oo hore eedeyn iyo dhaliil u jeediyeen dalka Masar.
Bishii December ee sannadkii hore ayay ahayd markii heshiis is-afgarad ah ay kala saxiixdeen Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynihii hore ee maamul ka Somaliland Muuse Biixi. Heshiisku waxa uu dhigayaa in Itoobiya ay aqoonsato Soma liland si ay Somaliland uga furto albaabkee da badda Itoobiya.
Dukumentigan ka dib, xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ahayd mid aad u adag. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xoojiyay xiriirka uu la leeyahay dhiggiisa Masar Al-Sisi iyo hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki.
Dhanka kale Warar dheeraad ah ayaa kas oo baxaya wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Cumar oo booqasho rasmi ah ku jooga Itoobiya.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarad da Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu daabacay bogga X ayaa lagu sheegay in wa fdigan ay xoogga saarayaan sidii loo sii xoo jin lahaa ballan qaadyadii lagu gaaray hesh iiskii Ankara.
"Iyadoo laga duulayo heshiiskii madaxda labada dal ay ku gaareen magaalada Anka ra, waxay booqashadu sii xoojinaysaa sida ay Soomaaliya uga go'an tahay xoojinta xir iirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Itoobiya," ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxa uu intaa ku daray in "Booqashada wefdigu ay diiradda ku saari doonto fursada ha lagu horumarinayo iskaashiga ku dhisan ixtiraamka iyo danaha."
"Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go'an in ay xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka deriska ah ee ku saleysan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed.
Heshiiska ayaa yimid kadib markii Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Mada xweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ay ku kulmeen magaalada Ankara oo ay wada hadal ku yeesheen.
Kadib markii madaxda dalalkaasi ay heshii ska gaareen, ayaa waxaa la xusuustaa in Madaxweynaha Turkiga oo si wada jir ah shir jaraa'id u qabtay uu sheegay in heshiis kan uu u sahlayo Itoobiya oo aan bad lahey n inay hesho marin badeed.
Labo maalmood ka hor, markii madaxweyna ha Faransiiska Emmanuel Macron uu booq asho rasmi ah oo hal maalin ah ku tagay dalka Itoobiya, wuxuu sheegay inuu taageer san yahay dadaallada ay Itoobiya ku doonay so inay ku hesho albaab badeed oo ay wa da-hadallo kula yeelato dalalka dariska ah iyadoo loo marayo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
Afar siyaabood oo kelinimadu ay u saamayn karto caafimaadkaaga
Dhamaanteen waxaan dareennaa kelinimo mar uun nolosheenna, laakinse qaar keen waxay u dareemaan si xanuun badan.
Dhowr daraasadood ayaa jira, kuwaasoo kel inimada la xiriiriya xanuunno aad u daran iyo mararka qaar geeri degdeg ah.
Sidaasoo ay tahay, weli saynisyahannadu waxaysan fahmin sida ay labadaas arrimood isugu xiran yihiin.
Ma kelinimada ayaa ah tan keenta xanuun nada, mise xanuunnada ayaa ah kuwo qof ka ka dhiga mid keligii nool oo bulshada ka go'a?
Daraasaddu waxay muujinaysaa in kalini mada iyo ka go'itaanka bulshada lala xiriiri nayo xanuunno maskaxed iyo kuwo jireed.
Sida ay dhigayaan daraasadaha sayniska, waxaa jira afar arrimood oo la xiriira caafima adkeenna jireed, kuwaasoo ay kalinimadu dhaawac gaarsiin karto.
1. Khatarta xanuunnada wadnaha
Kalinimada waxaa lala xiriiriyaa 3 meelood oo meel sare u kaca xanuunnada wadnaha, sida jirrooyinka wadnaha iyo faaligga. Nicole Valtorta oo kal tirsan jaamacadda Newcastle ee UK ayaa daraasad ku samaysay arrintan, waxayna si gaar ah u eegatay astaamihiisa, waxayna BBC u sheegtay seddex qaab oo sharraxaya sida ay isula xiriiraan.
Saamayn nafsiyan: Dadka dareemaya kali ahaanshaha ayey u badan tahay in uu ku dhaco isku buuq, welwel, iyo ayagoo aan faraxsanayn.
Saamayn baayolojiyeed: Dadka kali ahaan shaha dareemaya waxay badankood isku arkaan hurdadooda oo aan wanaagsanayn.
Saamayn hab-dhaqan: Dadka kali ahaans haha dareemaya waxaa dhici karta in dha qan aan caafimaad qabin ay isku arkaan sd ia cabista sigaarka, cunto badan oo la cuno iyo jimicsi la'aan.
2. Cudurrada oo uusan jirku iska celin karin
Daraasad ay sameeyeen jaamacadaha California iyo Chicago , laguna shaaciyey sannadkii 2015 wargayska PNAS ayaa eegtay saamaynta dhanka unugyada ee kelinimadu ku leedahay bani'aadanka iyo daayeerka, waxayna ku soo gunaanaddaay in dareenka kali ahaanshaha uu hoos u dhigi karo waxtarka hanaanka difaaca.
Cilmi baareyaasha ayaa ogaaday in dadka loo arko inay bulshada ka go'an yihiin ay 12% aad u shaqeeyaan unugyadooda CTRA, kuwaasoo lala xiriiriyo jawaabaha uu bixiyo hanaanka difaaca jirka.
Waxay ogaadeen in shaqayntaas badan laga dheehan karo heerka aadka u sarreeya ee unugyada cadcad ee dhiigga, kuwaasoo keena si xanuun leh inay jawaab u bixiyaan, hoosna u dhigaan soo saaridda borotiinnada jirka ka caawiya inuu cudurrada iska difaaco.
Qaacidada arrintan ka dambaysa ayaa ah in bani'aadambku uu kooxkoox u nool yahay. Marka uu kali noqdo wakhti dheer, waxaa dareenkooda gudaha ku jiidaa inay khatar dareemaan, oo mar kasta xaalad feejignaan ah ay ku jiraan.
Xaaladdaas feejignaanta leh ayaa sii kicina ysa xanuunka jirka, waxayna yaraynaysaa awoodda uu kula dagaallami karo caabuqya da.
3. Dhiigkar aad u sarreeya
Daraasad kale oo ay samaysan jaamacadda Chicagoayaa lagu ogaaday in dadka kalin imada ay soo marto ay u badan tahay in uu mustaqbalka ku dhaco dhiigkar.
Dhiigkarka ayaa lala xiriiriyaa khatar aad u badan oo ah faalig, wadnaha oo istaaga, cudurrada kelyaha iyo asaasaqa. Daraasa dda ayaa lagu daabacay sannadkii 2010 Wargayska Psychology and Aging.
4. Khatar aad u sarraysa oo keenaysa geeri degdeg ah
Kalinimada iyo ka go'doomidda bulshada ayaa lala xiriiriyaa 30% khatar aad u badan oo ah geeri degdeg ah sida ay dhigayso dar aasad ay samaysay jaamacadda Brigh am Young ee Maraykanka, taasoo lagu daa bac ay sannadkii 2015 wargayska the Associati on for Psychological Science.
Cilmi baareyaasha ayaa eegay 70 dara asa dood oo ay ku lug lahaayeen 3.4 malyan oo qof. Waxay ku ogaadeen, si ka duwan si da ay dad badan rumaysan yihiin, in "dadka qa angaarka ah ee da' dhexaadka ah ay kha tar weyn ugu jiraan dhimasho markii ay kelin imo ba'an la soo deristo, ama ay keligood no ol yihiin marka la barbar dhigo dadka kale ee qaangaarka ah ee ay isku ayniga yihiin.
HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 12-26-2024
.