Halkan ka aqriso w. wargeyska mogtimes daily newspaper 24-DEC-2024
MW Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooya da Qaranka ku qaabilay Safiirka Tal -yaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccò Coppi.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtini -mo ee labada dal, horumarinta iskaa shiga dhinacyada dhaqaalaha, adeeg yada bulshada, taageerada amniga iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceli yey Dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wa dista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Safiirka Talyaaniga Mudane Pier Mario Daccò ayaa xaqiijiyey in dowla dda Talyaaniga ay ka go’an tahay taa geeridda Soomaaliya, isagoo bogaa diyey dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay kulan kula qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo Warbixin ka dhageystay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaa liyeed uga go’antahay in dalka laga hir galiyo doorasho qof iyo cod ah iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo hirgalinta Doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maa daama uu Baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray wasaaradda Qorsheynta
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuu madda Federaalka Soomaaliya, Muda ne Salaax Axmed Jaamac, ayaa shal -ay kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha. Intii uu kormeerka ku jiray, wuxuu warbixin ka dhageystay hoggaanka Wasaaradda oo faahfaahiyay shaqooyinka muhiim ka ah ee Wasaaradda, guulaha la gaa ray, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo dalka.
Warbixinta ayaa xoogga lagu saaray Qorshaha Isbeddelka Qaranka, qors heynta istiraatiijiga ah, maalgashiga, kormeerka iyo qiimeynta mashaariicda, iyo mashaariicda horumarineed ee la gu taageerayo bulshada Soomaaliyeed.
Mudane Salaax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale booqday waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo Hay’adda Istaatistikada Qaranka, isagoo si dhow ugu kuur-galay hawlaha shaqo ee soc da una bogaadiyay shaqaalaha dadaal kooda iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin hirgelinta waajibaadka Qaranka.
Booqashadan shaqo ayaa qeyb ka ah kormeerada ay madaxda qaranka ku kor-joogteeyaan hufnaanta hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Soomaaliya iyo Masar oo ku heshiiyey iskaashi istiraatiiji ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soo -maaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Dr. Badr Abdel Aty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, oo ka dhacay magaalada Qaahira. Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cu sub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka la gaarsiiyo heer istiraatiiji. Labada dhi nac ayaa sidoo kale isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha iyada oo loo marayo Mada sha Soomaaliya iyo Masar, oo lagu qaban doono Qaahira Janaayo 2025.
Intii lagu jiray wada hadalka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Fiqi waxa uu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Masar ay ku leedahay taageeridda da daallada dib-u-dhiska Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta mad ax-bannaanida, midnimada, iyo dhu leed ee Soomaaliya. Waxa uu mar ka le xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’ an tahay dhammaan heshiisyada ay la gashay Masar, isaga oo hoosta ka xarr iiqay muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee lagu gaari karo xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Dhankiisa, Dr. Badr Abdel Aty ayaa mar kale xaqiijiyay sida Masar uga go’an tahay taageeridda madax-bann aanida, midnimada, iyo dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah. Waxa uu hoosta ka xar riiqay dadaallada joogtada ah ee Mas ar ku bixinayso taageeridda dawladda iyo hay’adaha Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in la xoojiyo xiriir xooggan oo waara oo dhex mara laba da dal.
Jubbaland oo war kasoo saartay dagaal ka dhacay degaanka Kulbiyoow
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa War kasoo saartay Dagaalka ka dha cay Deegaanka Kulbiyow oo hoos taga Dagmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada hoose.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in dow ladda Federaalka ay dagaal kusoo qaa day degaankaas, ayna Cambaarays anyo Jubbaland.
Guddoomiyaha Badhaadhe ugu maga caaban Axmed Madoobe ayay Jubba land sheegtay in wadada loo galay, ay na weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka.
Wasiirkii Batroolka oo shaaciyay sabbata keentay in Xilkiisa uu waayo
Wasiirkii Batroolka ee Xilka Laga qaa day ayaa faah fahin ka bixiyay sabaha keenay Xil ka qaadistiisa, C/risaaq Cu -mar Maxamed ayaa caddeeyay saba bihii uu xilkiisa ku waayay ay tahay ka la aragto duwanaan.
Waxaa qoraal uu soo saaray u uku sheegay Madaxda federaalka ay isku fahmi waayeen sida loo wajahayo xali nta tabashooyinka reer Hiiraan ka qa baan Maamulka Hirshabelle.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf ku saabsan arimaha shidaalka ee soo kala dhexgalay mada xweynaha dowlada Federaalka ah iyo Wasiirkiisii hore.
"Waxa laga yaabaa in ay dadku isway diinayaan sababta xiligan ku soo aad isay xil ka qaadistayda, iyada oo ay dad badan tuhmayeen in uu jiray xiriir qota dheer oo igala dhexeeyay Madax weynaha.Waa dhab in uu jiro xiriirkaasi, xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabee le, muddo xileedkii hore ee Madaxwey ne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka hirshabeele caa simad looga dhigo Buloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasim adda maamulka HirShabeele” ayu uku jiri qoraal uu soo saaaray.
Tabashooyinka ay qabaan Reer Hii raan ayuu sheegay inay sii xoogays teen waqtigii uu Maxamed Abdullahi Farmaajo uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, iyadoo lagu guul daraystay waq tigaa in tabashada ay qabeen reer Hii raan xal laga gaaro.
"Mabda’iyan Madaxweynaha, aniga iyo siyaasiyiinta kale waxaan ka midays nayn in tabashooyinka ay qabaan reer Hiiraan ay yihiin tabashooyin dhab ah una baahan xal ay qayb ka yihiin maa mulka HirShabeele iyo dowladda dhe xe. Hase ahaatee waxaa jiray kala ara gti duwanaasho ah xalka ugu haboon oo loo xallin karo tabashooyinkaas, ani ga waxaan qabay in xalka laga bilaabo reconciliation iyo in beelaha labada deegaan ee ku midaysan maamulka HirShabeele ee leh oday dhaqameed, Culumo iyo siyaasiyiin laga qaybgeliyo kana heshiiyaan sida ay noqonayso HirShabeelada cusub” ayuu ku yiri Qoraal u uku faah faaiyay sababaha keenay in Xilka laga qaaday.
Ugu dambayn waxaan halkan ku cada ynayaa in aan ka shaqayn doono Dawladnimada, iyo horumarka Shacab ka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacab ka HirShabeele.
Dawladda Soomaaliya oo cambaaraysay xadgudubka Ciidamada Itoobiya ee Doolow
Dawladda Federaalka Soomaaliya wa xa ay si adag u cambaaraynaysaa fal ka xadgudubka ah ee shalay ay Ciida mada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya.
shalay abaare 10:00AM, ayaa Ciidama da Dowladda Itoobiya weerar lama fi laan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Cii danka Qaranka Soomaaliya ku leeyi hiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Weerarkan oo u muuqday mid si qorsh eysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoo biya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska.
Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaa wac u geystay xubno ka tirsan ciidam ada Soomaaliya ee ku sugnaa xarum ahaasi. Sidoo kale, waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa.
Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto da daallo nabadeed oo lagu xoojinayo hes hiiskii Ankara, iyadoo isla shalay wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa, Nasiib-darro, ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya waa kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaram ada Midoobay, iyo dhaqanka deris-wanaagga.
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa fici lladan daandaansiga ah iyo kuwo la midka ah, kuwaas oo halis gelinaya na bad-ku-wada-noolaanshaha. Sidoo kale, Dawladdu waxay ka digaysaa ina ysan ka aamusi doonin tallaaboo yinkan cad ee ku xadgududbka madax bannaanida Soomaaliya.
DFS: Eedaysane Axmed Madoobe waa lagula xisaabtamayaa weerarada uu ku hayo Shacabka Jubbaland
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Daw ladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay si dhow ula socotaa tacadiyada tiro beelka ah ee Eedaysane Axmed Maxa med Islaam uu kula kacayo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanada Jubbaland.
Tacadiyadiisa oo ahaa kuwa muddaba soo tixnaa waxaa u danbeeyay mid uu ku qaaday Shacabka ku nool deegaa nka Kulbiyoow ee Gobalka Jubbada Hoose, kuwaas oo ahaa dad isku abaa bulay in ay Khawaarijta iska caabiyaan, balse nasiib-darro uu Axmed Madoobe iyagii weeraray, isla markaana u gay stay dil, dhaawac, jir dil iyo dhac intaba.
Falkaan waxa uu daba socdaa falal noocaan oo kale ah, kuwaas oo uu ka gaystay Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobleey iyo Afma -doow.
Sidoo kale, waxa uu Eedaysane Axmed Madoobe ku hawlanyahay in uu iska horkeeno shacabka u diyaa rsan in ay Khawaarijta ka difaacdaan deegaanadooda, iyada oo la ogyahay in uu duulaanadiisa u kaalmaysto Kha waarijta oo markasta marin u ah gacan na ku siya wax yeelaynta Shacabka reer Jubbaland ee xorta ka ah Khawaa rijta.
Falalkiisu waa kuwa loo diin-waan gal iyay, waana lagula xisaabtamayaa ma na noqon doonaan kuwa la iska hilmaa mo. Shacabka Jubaland waxaan ugu yeeraynaa midnimo, adkaysi iyo wada jir.
Waxaan halkaan tacsi uga diraynaa Shacabkii uu Eedaysane Madoobe ku laayay, kuwii uu dhaawacay iyo kuwa u afduuban ee ku dhaqan deeganada kala duwan ee Jubbaland.
Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la suuliyo dhaqamada noocaan ah, isla markaana sharciga lasoo taago kuwa ka danbeeya ee dhiig miratada ah.
–DHAMAAD–
Fartaag " Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa amray inay Ciidamada Dowladda iskaga baxaan Raaskambooni"
Wasiirka amniga ee Xukuumadda Fe -deraalka Soomaaliya Cabdullahi She ekh ismaaciil Fartaag oo la hadlaayay Bulshada ku nool Magaalada Garba haareey ee Gobolka Gedo ayaa shee gay in Madaxweyne Xasan iyo Ra'iisul Wasaare Xamse ay amreen in aysan Ciidamada Dowladda la dagaalamin kuwa Jubaland ayna dib uga ruqaan sadaan degaankaasi.
Fartaag waxa uu eedeeyn kulul ujeedi yay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo uu sheegay in mudadii uu Madaxweynaha ka ahaa inuusan wax duulaan dagaal ku qaadin Degmada Jamaame oo 60km u jirta magaalada Kismaayo halka uu ku duulay ciidama da Dowladda oo uu uga duulaay meel fogaan 300Km u jirta magaalada Kismaayo.
Shacabka reer Gedo ayuu Fartaag ugu baaqay inay codkooda xor u noq daan oo ay aayahoodi katashadaan.
Wasiir Fartaag iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay booqasho ku joogaan magaalada Garbahaareey halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin Waxgaradka iyo Bulsha da Degmada si Dowladda ay uga gado ajendaha ah inaysan ku qanacsaneen doorashadii uu qabsaday Madaxweyn aha Jubaland kuna guuleystay markale inuu noqdo Madaxweynaha maamul kaasi.
Hadalka Fartaag waxa uu imaanayaa maalin kadib markii Madaxweyne kuxi geenka 1aad Maxamuud Sayid Adan uu ku eedeeyay xubnaha Dowladda ka socda ee kusugan Gedo inay dab kusii shidayaan khilaafka maamulka Jubala nd iyo Dowladda Federaalka.
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka sareya guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa shalay gaaray deegaanka Xawaadley Gobolka Shabeellaha Dhex e,halkaa oo dhawaan jab xooggan la gu gaarsiiyay khawarijta.
Taliyaha iyo xubnaha sarakiisha ah ee la socda ayaa waxaa halkaa kusoo dhaweyay sarakiisha taliska guutada 3-aad ee ciidanka xoogga,kuwaa warbi xin ka siiyay taliyaha xaaladda degaan ka.
Taliyaha ayaa intaa kadib kulama la qaatay sarakiisha iyo ciidanka guutada 3-aad XDS iyo shacabka degaanka oo ka dhageystay baahiyaha iyo xaalada guud ee degaanka xawaadley.
Taliyaha guutada 3-aad ee ciidanka xoogga dalka janaraal Ibraahim Yuusuf Abuurka ayaa taliyaha kaga mahadcel iyay boqashadiisa,isagoo sheegay in tani ay dhiirigalin u noqoneyso ciidank a xoogga dalka ee ku sugan degaanka Xawaadley ee Gobolka Shebeellaha Dhexe.
Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga Dalka sareya guuto Sahal Cabdulaahi Cumar ayaa ciidanka ku bogaadiyay guusha ay gareen iyo Jabka xoogan ay khawaarijta gaarsiiyeen,waxa una kula dar-daaramay inay sii wadaan ho walgada dalka looga xoreynayo Argagi xisada.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaa nka ayaa dhawaan kala waregay xaw aadley halkaan jab xooggan ku gaarsi iyay khawaarijta.
Natiijada Dhimashada Laba Dhallinyaro oo si Lama Filaan ah Hargaysa ugu Geeriyooday oo La Shaaciyay
Baadhis uu sameeyay Isbitaalka Way n ee Hargaysa, ayaa lagu ogaaday in Huda Axmed Sh. Faarax iyo Xamse Axmed Yuusuf, oo dhawaan iyaga oo mayd ah laga helay baabuur dhexdii, ay u dhinteen hawo sumaysan oo uu soo daayay baabuurkii ay wateen.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka D.R. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, oo warbaahinta u akhriyay natiijada kasoo baxday baadhista, ayaa sheegay in la bada marxuum anay u dhiman sun ay cabeen ama dil loo gaystay sidii la fila yay.
"Waxaan ku samaynay baadhis dhama ystiran labada marxuun Waxaan baa dhitaan ku samanay dheecaanada jidh kooda waanu ka waynay wax mukha arad ah iyo wax sheegaya sun jidhka dibada ka soo gashay oo la xidhiidha cunto ama dawo ay qaateen ama biyo ay cabeen" ayuu yidhi agaasimuhu.
Waxa uu sheegay in ay u dhinteen gaa s sun ah oo baabuurkooda kasoo bax day, isaga oo sheegay in gaastaasi ay kasoo baxday dalool uu baabuurku ku lahaa hoosta.
"Dhimashada labada marxuun kala ah Xamse Axmed Yuusuf iyo Huda Axm ed Sh Faarax waxaa sababay maada da la yidhaahdo carbon monoxide oo ka soo baxday gaadhigii ay saarnaa yeen gaadhigaas oo ka daloolay qay bta hoose" ayuu yidhi.
Wax uu sheegay in noocan gaasta ahi ay awood u leedahay in ay disho qofka bini'amka marka ay gaadho xadi, isla markaana anay hawadeedu lahayn ur ama qiiq. "Mudada ay qofka ku dishaa gaastaasu waa 5 daqiiqo ilaa 10 daqii qo gaadhigii markaan dul tagnay wax aan ogaanay inuu jiro dalool gaadhiga ah gaastuna halkaa ka soo baxday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Labada dhallinyarada ah ayay geer idoodu argagax galisay dadwayna ha Soomaalida, kadib markii subaxdii Kha miista maydkooda laga helay baabuur dhexdiisa, magaalada Hargaysa.
Ciidanka Hay'adda Nabadsugida Jubbaland oo ku guuleystay fashilinta qarax miino
Ciidanka hay'adda Nabad sugida iyo Sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa Xalay ku guuleystay iney fashiliyaan miino nooca dhajiska ah oo la sheegay in kooxda Al-shabaab ay ku dhibaatey n rabtay dadka ku nool magaalada Kismaayo.
Qaraxaan miino ayay ciidamadu ku qabteen xaafada Farjano ee magaa lada Kismaayo, kadib markii qof ka mid ah dadka ku nool xaafadaasi uu kusoo wargaliyay laamaha amaanka.
Ciidamada Nabad sugida Jubbaland ayaana ku guuleysatay iney goobga ka qaadaan miinada iyadoo aanan qarxin, waxayna uga baaqeen shacabka ma gaalada Kismaayo in sidaan oo kale ula soo wadaagaan xogta waxyaabaha ka dhanka ah amaanka.
"Ciidanka Hay'ada Nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa caawa ku guuleystey fashilinta miino nooca dhajiska ah oo ay khawaarijtu rabtey inay ku bartilmaameed-sadaan shacab ka reer Kismaayo" ayaa lagu yiri qor aal kooban oo kasoo baxay maamulka Jubbaland.
Ugu dambeyntii magaalada Kismaayo ayaa aheyd mudooyinkii dambe meel ka nabdoon qaraxyada iyo weerarada kale oo ay geystaan kooxda Al-sha baab, kadib markii ciidamada amaanka magaaladaasi ay kordhiyeen howlga lada ay ku xaqiijinayaan amniga ma gaaladaas oo xarun ku meel gaar u ah maamulka Jubbaland.
Israa'iil oo markii ugu horeysay war ka soo saartay dilkii hogaamiyihii Xamas Ismaaciil Haniyah
Wasiirka difaaca ee Israa'iil ayaa markii ugu horreysay qirtay in Israa'iil ay bishii July ku dishay Tehran hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah.
Israel Katz ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu wacad ku maray inay beegsan doonto madaxda dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, kuwaasoo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacaya Israa'iil.
"Sida aan ku samaynay Haniyeh, [Yahya] Sinwar, iyo [Xasan] Nasrallah ee Tehraan, Gaza, iyo Lubnaan, waxaanu sidaas ku samayn doonaa Xudeyda iyo Sanca," ayuu yiri, isaga oo ula jeeday hogaamiyayaasha Xisbullah iyo Xamaas oo dhamaantood la dilay sanadkan.
Haniyeh, oo 62 jir ah, ayaa si weyn loogu tixgalin jiray hogaamiyaha guud ee Xamaas, waxaana uu door muhiim ah ka qaatay wada xaajoodyadii lagu doonayay in xabad joojin laga gaaro marinka Qaza.
Ka dib dilkiisa, Xamaas waxay hogaamiyaha guud ee kooxda u magacawday Yahya Sinwar, isla markaana ahaa mid ka mid ah naqshadeeyayaashii weeraradii 7-dii October.
Sinwar ayaa waxaa dilay militariga Israa'iil ka dib dagaal ka dhacay Gaza bishii Oktoobar, kooxda ayaa wali ku guda jirta doorashada hogaamiyaha cusub.
Haniyeh ayaa lagu dilay dhismo uu ku sugnaa oo ku yaalla caasimadda Iran, waxaana lagu dilay weerar ay Israa'iil si weyn u sheegatay.
Dhanka kale Hassan Nasrallah wuxuu ahaa hogaamiyaha kooxda ay Iran taageerto ee Hezbollah - waxaa lagu dilay Beirut bishii Sebtembar iyadoo Israa'iil ay si weyn u kordhisay ololaheeda militari ee ka dhanka ah Xisbullah.
Xuutiyiinta oo ah jabhad ay Iran taageerto oo maamula waqooyi-galbeed ee Yemen, ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta Israa'iil iyo kuwa caalamiga ah ee ku sugan badda cas wax yar ka dib markii Israa'iil ay billowday beegsiga Xamaas ee Gaza bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.
Kooxda ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto ilaa inta uu ka dhamaanayo dagaalka Gaza.
Sabtidii, militariga Israa'iil ayaa sheegay in isku daygii ay ku doonayeen inay ku soo ridaan gantaal laga soo tuuray Yemen uu ahaa mid lagu guul-darreystay, wuxuuna gantaalku ku dhacay beer ku taal magaalada Tel Aviv.
Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in kooxdu ay ku garaacday bartilmaameed millatari oo ay adeegsatay gantaal ballistic ah.
Toddobaadkii hore Israa'iil waxay qaadday duqeymo ka dhan ah waxa ay ku sheegtay bartilmaameedyada militariga Xuutiyiinta, iyagoo garaacay dekado iyo sidoo kale kaabayaasha tamarta ee caasimadda Yemen ee Sanca.
Mareykanka iyo UK ayaa sidoo kale weeraray bartilmaameedyada Xuutiyiinta, taasoo qeyb ka ah howlgalka lagu ilaalinayo maraakiibta caalamiga ah.
Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xoogaa horumar ah laga gaaray heshiis xabbad-joojin ah oo Gaza laga gaarayo Xamaas, balse ma uusan bixin waqti go'an oo ah goorta heshiiska la gaarayo.
Arrintan ayaa timid kadib markii sarkaal sare oo Falastiini ah uu BBC-da u sheegay in 90% uu dhammaaday wada-hadallada Xamaas iyo Israa'iil, balse ay weli jiraan arrimo muhiim ah.
Xamaas ayaa bishii October ee sannadkii hore weerartay Israa'iil, halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof, iyagoo afduub ahaan u haystay 251 qof.
Iyaga oo ka jawaabaysa, Israa'iil waxay billowday olole millatari oo ay ku burburinayso Xamaas kaas oo socday in ka badan hal sano waxaana lagu dilay 45,317 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Marinka.
Hay'adaha samafalka iyo kuwa xuquuqul insaanka ayaa ka digay xaalad masiibo ah oo ku soo wajahda dadka rayidka ah ee Gaza.
Ugu dambeyn Guul ayaa laga gaaray Beelo Ku Dagaallamay Gobolka Mudug
Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, oo kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka gobolka, ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan beelo hore u ku dagaallamay degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Dagaalkan beeleed ee ka dhacay Xarfo ayaa sababay khasaare xoogan, hase yeeshee maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah oo lagu doonayay in lagu joojiyo dhiigga daadashada iyo burburka ka dhashay colaadda.
Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah ugu soo rogay bandow degmooyinka ay dhibaatada ka dhacday, waxaana loo magacaabay guddi dhex-dhexaad ah oo ka shaqeynaya dejinta xaaladda iyo ka hortagga in dagaalku sii socdo. Guddigan ayaa ka shaqeynaya sidii loo xakameyn lahaa khilaafka labada dhinac, iyadoo odayaasha, masuuliyiinta gobolka iyo saraakiisha ammaanku ay si wadajir ah ugu hawlan yihiin nabadda iyo sidii loo soo afjari lahaa colaadda.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa, ayaa ka mid ah masuuliyiinta ugu sarreysa ee ku sugan Xarfo, Dagaalkan, oo sababay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed, ayaa ku saleysan muran dhuleed, waxaana la sheegay in labada dhinac ee dagaalamay aysan weli shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in khasaare weyn uu ka soo gaaray dadka deegaanka. Maamulka Puntland ayaa sidoo kale ku boorriyay beelaha ay dhibaatadu saameysay inay ka shaqeeyaan xal waara iyo isfaham si loo joojiyo xasaradda.
Maxay ka dhigantahay in madaxweyne Emmanuel Macron uu Itoobiya ku taageero inay bad hesho?
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo hal maalin qaadatay oo uu ku tagay dalka Itoobiya.
Markii uu Macron gaaray dalka Itoobiya, waxaa soo dhaweeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.
Waxaa la sheegay in Ra'iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Macron ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo arrimaha gobolka.
Labada hogaamiye ayaa shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen Sabtidii shalay ku sheegay in Macron uu taageerayo dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay dalalka dariska la ah uga heli lahayd marin badeed, iyada oo loo marayo wadahadal iyo shuruucda caalamiga ah.
Macron ayaa bogaadiyay heshiiskii Ankara ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo ay horraantii bishaan kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Abiy, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Erdogan.
Xiisadda ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa muran ka abuurtay gobolka Geeska Afrika.
Erdogan ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi ah, isagoo rajo ka muujiyay inuu noqon doono tallaabadii ugu horreysay ee nabad iyo iskaashi dhexmara labada dal.
Booqashadiisa rasmiga ah ee Sabtidii, Macron wuxuu xusay inuu taageersan yahay dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helista marin badeed, wuxuuna caddeeyay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono.
Dhankiisa, Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay si weyn uga wadahadleen dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii loo heli lahaa marinka badda si nabad ah.
Maxay ka dhigantahay in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu taageero helitaanka Itoobiya ee marin badeed
Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey oo ka faalooda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ayaan wax ka waydiinay booqashada madaxweynaha faransiiska Macron iyo waxa ay ka dhigantahay.
"Waxaa is badalay si guud xiriirka caalamiga ah iyo sida ay dalalku u danayn jireen Afrika, waana wajiga cusub ee Faransiiska uu rabo inuu ula macaamilo," ayuu yiri Dr Gurey.
Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday in Faransiiska iyo Jabuuti ay si gaar ah u wada xiriiraan oo dano badan ay ka midaysanyihiin.
Waxa uu soo hadal qaaday bogaadinta madaxweyne Macron ee Itoobiya iyo in uu ku garab istaagayo helista marin badeed.
"Faransiiska waxa uu kamid yahay dowladaha Itobiya u soo dhisayay ciidanka badda, taas ayaana keenaysa inay ku taageerto helista marin biyood, waxbadan ayayna wadaagaan labadaas dal," ayuu yiri Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey.
Falaqeeyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in heshiiskii u danbeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhanka muranka badda uu wali sugayo in la horkeeno labada aqal ee baarlamaanka.
Dr Cabdiwali Maxamuud GureeyXigashada Sawirka,Dr Gurey
Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dowladda Faransiiska taageerada ay ka geysaneyso dib u habeynta xarunta qaranka iyo dayactirkeeda.
Dhankiisa, Macron waxa uu farriin ku qoran afka Amxaariga ku daabacay boggiisa X waxa uuna sheegay in "Xiriirka labada dal uu yahay mid ku salaysan taariikh iyo mashaariic ay wadaagaan.
Macron waxa uu intaa ku daray in dalkiisa, France, ka qayb qaadan doono "si loo taageero casriyaynta dib u habaynta dhaqaalaha Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Pretoria, kaas oo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Tigrayga.
Macron waxa uu sheegay in Faransiiska ay ka go'an tahay taageerada muwaadiniinta ay saameeyeen colaadaha Itoobiya.
Dhanka kale waxa uu muujiyay taageerada uu u hayo qaab dhismeedka dib u habaynta dhaqaalaha Itoobiya oo uu tilmaamay in ay dhici karto in deyn lagu dhammeeyo "toddobaadyada soo socda," sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
"Toddobaadyada soo socda, waxaan ka shaqeyn doonaa si aan u dhameystirno 3 bilyan oo deynta Euro ah," ayuu yiri Macron, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Reuters.
Emmanuel MacronXigashada Sawirka,Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha - Itoobiya
Abiy iyo Macron waxay booqdeen Qasriga Qaranka ee dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay.
Qasriga qaranka oo lagu dhisay 25 milyan oo Yuuro oo ay bixisay hay'adda horumarinta ee dawladda Faransiiska, ayaa la filayaa in dhawaan loo furo dadweynaha.
Nashqadeeyayaal Faransiis ah iyo xirfadlayaal kale ayaa ka qeyb galay dabaaldega, ayuu yiri Macron.
Waa markii labaad ee Emmanuel Macron uu booqdo Itoobiya lixdii sano ee ugu dambeysay.
Madaxweynaha Faransiiska oo isku maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa soo gabagabeeyay booqashadiisa rasmiga ah, wuxuuna dib ugu laabtay dalkiisa.
8 Askari oo katirsan ciidamada Kenya oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay meel u dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya
Siddeed askari oo kamid ah ciidamada Kenya ayaa si xun loogu dhaawacay kadib markii gaari ay wateen ay kooxda Alshabaab qarax la beegsadeen.
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Khorof Haraar oo ka tirsan degmada Wajeer, una dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli ay ciidamada Kenya wadeen rondo amni oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada ay wadaan kooxda Al-Shabaab.
Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa gabi ahaan ku burburay qaraxa. Askartii dhaawacantay ayaa si degdeg ah loogu daadgureeyay isbitaal ku dhowaa si xaaladdooda caafimaad loola tacaalo.
Laamaha ammaanka Kenya ayaa xoojiyey hawlgallada lagula dagaalamayo Alshabaab iyo kor u qaadista xasilloonida gobolka. Si kastaba ha ahaatee, weerarrada joogtada ah ayaa muujinaya caqabadda joogtada ah ee sugidda amniga xuduudka.
Halkan ka aqriso w. wargeyska mogtimes daily newspaper 24-DEC-2024
.